Siiraanyo ayaa kaga quruxbadan, inuu la garnaqsado Luul Xasan, halkuu Maxamuud Barre Garaad uga soo dirayay. Isna caawa Dabbaaldeg ka sameeyay Xaruuntii uu xoogga iyo sharci darrada kaga qaaday Marwo Luul Xasan.
Haddaad dhagaysato warbixintii maxamuud Garaad ka sii daayay idaacadda qaranka, waxaad arkaysay inaanu ahayn ruux aad aamini karto hadalkiisa, kaas oo iska daba noqnoqonaayay.Intii uu warka waday marna kama ay maqnayn war dumar sheegeen. Waxuu wax kasta caddayn uga dhigayay, heblaayo, iyo gabadh ayaa sheegtay. Waxuu ka dhigay dembiga lagu xidhay, luul ayaa carruur middiyo usoo dhiibtay. Maxaa keenay midi, waxaaba ciidanku siteen qori, iyo rasaas, iyo baynaad, iyo hub waawayn.
Markale waxuu yidhi waxaa lagu xidhay amar diiddo. Ma waxaynu joognaa xilligii gaanni dadka ku toogan jiray waxuu sameeyay amar diiddo. Markale waxuu yidhi waxay lunsatay lacagtii qaranka, oo lagu soo xidhay. Miyaanu ahayn ruux isdhagaysanaya, markuu intaas oo hadala iswada daba dhigayo. Mise miyaanu islahayn dad waaweyn ayaa ku dhagaysanaya. Waxaad moodaysay, inuu la hadlaayo dad aan garaad lahayn sidiisa oo kale.
Saa waxaas oo hadala oo aan mid midka kale la jaada la arkaynin ayaabu iska daba yidhi, oo weliba goob qudha ka wada sheegay. Taasi waxay caddaynaysaa inaanu qof xishoonaya ahayn, qof wax isula hadhaya ahayn, iyo weliba inuu yahay qof warka intaa guryo dhexdood looga soo dhiibay, aanu ahayn wax qof caafimaad qabaa ku hadlo.
Waxuu sheegay inuu colaadda ka bilaabay maalintii wasaaradda loo magacaabay, intaanu xafiiskiisa tirsan, oo qalabka uu la wareegayo ka wardoonin, inuu ugu harrayntii abbaaray xaruntii Luul ay ku haysay carruurta yaryar ku haysay. Waxaad arkaysaa shaqada iyo xilka loo magacaabay inuu ku salaysnaa inuu dagaalka ka bilaabmay guriga madaxweynaha, iyo xaaskiisu ay la galayaan marwo luul, uu qayb libaax ka qaato.
Wuu caddeeyay in 15o carruur ah xarunta lagu daryeelo. Halka aanay 30 carrura ka badani ku jirin xarunta dhallinta kacaanka la odhan jiray, ee xukuumaddu maamusho. Waxuu sheegay in laba macallin oo xukuumaddu lacagta siiso ay ka hawl galaan xarunta 150 carruur ahi wax ku barato, oo weliba halkii uu eedda isa saari lahaa, sheegay inaanay luul carruurta wax barin oo macallimiin kufilan uqaban. Waxuu sheegay Madaxweyne siiraanyo 10 (toban nin), inuu Luul u diray, si ay furaha uga soo qaadaan. Siiraanyo wuu dafiray, inuu wax shaqo ah ku leeyahay, koodeese been sheegaya. Siiraanyo iyo ninkan Maxamuud Barre waxay u muuqdaan inaanay ka madhnayn colaadda ka dhex abuurantay, madaxtooyada, iyo xafiiskeeda samafalka, iyo dagaallada la magacbaxay SHAQAAQO HAWEEN.
Waxaa foolxumo weyn ah in uu garanwaayo macnaha wasaaradda SHAQADA. Halkii shaqo abuur looga fadhiyay, xataa muu tacsiyadayn carruurihii tahriibta ku geeriyooday. Waxaa loo igmaday wax aanu waxba ka garanaynin. Farxaddii ka muuqatay maalintii loo magacaabay wasiirnimada, rag baa ku yidhi waar maxaa ku geeyay adiga oo nin oday ah wasaaraddaasi, waa wasaarad haweenku iska leeyihiine, aqoondarro awgeed waxuu ku jawaabay shaqada dumarkana waa la qabanayaa, ta raggana waa la qabanayaa.
Maxuu haddaba intii soo kordhiyay. Wax badan ayuu keenay oo aan shaqadii loo diray ahayn. Waxuu ka qaybgalaa xafladaha loo dhigayo qalinjabinta ardayda mashaariic waxbarasho ay siiyaan hay’adaha madaxa bannaan, mararka qaarna isagaaba isku sawira shahaadadaha. Oo dadka madasha jooga yidhaa, waa midhihii ay keentay xukuumadda Siiraanyo. Iyo waxkale oo badan oo qof aqoon ama garaad lihii ka xishoodo.
Shalay waxuu colaaddii lagu muday awgeed, iyo dagaalka nacasnimada ah ee aan dhammaanayn ee uu sida ficilxumada ah uga wado shaqadiisa dhexdeeda, Xaruntii Xoogga uu kaga boobay Marwo LUUL XASAN, inuu xafladda maalinta carruurta ku qabtay, oo uu weliba ku casuumay intii haween ee ay Luul isku durqumeen xaruntii ay maamulaysay. Waxuu si foolxumo ah ugu faanayay, inuu carruurtii daryeelay. Halka xaruntii dhallinta kacaanka la odhan jiray, aanay dabba ka shidin, oo aan xataa laga ogayn inay tahay maalintii carruurta. Waxuu carruurtaa usoo iibiyay shaadhadh, kuwiise xarunta kacaanka ku jiray qo’ii sariirta saarnaa xataa lagama beddelin.
Waxaa malaha habboon ninkan maxamuud barre ma oga waxuu ku jiro eh, inloo sheego oo lala taliyo, ceeb intaa ka weyn oo u hadhay ma jirto eh. Haddii kale ha iska walaaqdo, maalinta Siiraanyo soo eryose yuu ina soo marin, oo kusoo noqon maqaammadii uu ka kibray, ee asxaabtiisii nasoo booqo ugu taagweyday.
Ninka aan xishoon dhagaxa ayaa ka xishooda inuu salaamo.
Eng. Youssuf Ahmed
London U. K.