Goorma ayaynu ka baxaynaa madaxwayne ra’iisal wasaarayaasha sida shaadhadhka u kala bedelanaaya!!
Dowladan federaalka ee maanta dalka ka jirta, oo aan weli sanad iyo badh uga buuxsamin cimrigeeda, waa markii labaad ee xubna baarlamaanka ka tirsan isku dayaan, inay ridaan ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), weli se labadaa isku day ka dib, Saacid shaqadiisii buu si habsami ah u wataa, lagumana guulaysan, in ilaa hada kursiga laga tuuro, isku daygii hore,
Iyada oo ay mooshin ka keeneen xubna baarlamaanka ka tirsan, oo tiradoodu kor u dhaaftay 100 mudane, shacabka Soomaaliyeedna taageero iyo kalsooni aad u balaadhan ka haystay, hase yeeshee waqtigaa waxa Saacid ka badbaadiyay, in la rido sharci daro, iyada oo ay dowladu u adeegsatay laaluush kala qaybinta xubinihii baarlamaanka, ee mooshinka ka keenay ra’iisal
Wasaaraha, iyo abaabulis banaan baxyo dhaqaale fara badan lagu bixiyay, oo lagaga soo horjeedo, xubnihii ku adkaystay mooshinka, ee iyagu laaluushka diiday. Maanta waxa mooshin lagu ridaayo ra’iisal wasaare Saacid ka keenay, isla xubnihii markii hore sharci darada ku badbaadiyay, ee laaluushka qaatay, iyagoo maantana isla sidii hore, laaluush ku qaatay ridistiisa,
Labada dhacdoba waxaa mar walba fududaynaayay, oo dabada ka riixaayay, sharci daradaa cadaanka ah, gudoonka baarlamaanka!!! Oo dhab ahaantii si la yaab leh ugu keliyaystay awoodii haya’ada sharci dejinta (baarlamaanka)!!! Sidaas darteed Saacid waxaa shalay badbaadiyay sharci daro, maantana, in kasta oo aanay arintu weli dhamaan, hadana waxaa ilaa hada u
Hiilinaaya sharcigii uu shalay laftigiisu ku tuntay, iyadoo xubnihii baarlamaanka, ee shalay ku adkaysanaayay mooshinkii isaga lagu ridi lahaa, laaluushkana diiday, ay maanta hormuud ka yihiin, xubnaha baarlamaanka, ee ka hor yimi mooshinka xukuumadiisa laga keenay, ee la rabo in isaga lagu rido, taageerada uu shacabka ka haystaana maanta, waxaan odhan karnaa in ay kor
U dhaaftay 90% , kuma helin Saacid taageeradaa balaadhan, ee uu baarlamaanka iyo shacabkaba ka helay, wanaag uu samayay, bal waxa la difaacayaa sharciga iyo distuurka dalka u yaala, mooshinkan ra’iisal wasaaraha laga keenay, oo uu mad madow badani hadheeyay sharci ahaantiisa, bal se gudoonka baarlamaanku isku deyaayo, in uu marsiiyo baarlaamaanka, oo loo
Codeeyo, waxay muujinaysaa awooda xad dhaafka ah, ee gudoonka baarlamaanku adeegsanaayo, halka aduunka kale gudoonku baarlamaanku aanu lahayn awood isaga u gooni ah, bal uun uu gudoomiyo, waxa aqlabiyada baarlamaanku isku raacaan. Hadaba labada dhacdoba waxaa dalbanaayay, in markii horena ra’iisal wasaaraha la badbaadiyo, markana la rido,
Madaxtooyada dowlada federaalka, oo labada dhacdoba wixii lagu hawl gelaayay bixinaysay, si gaar ah madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, dhacdada hore ujeedada uu madaxwaynuhu ka lahaa, waxay ahayd mid aad loo garanaayo, oo laga dheregsan yahay, hase yeeshee dhacadadan dambe lama garanaayo, cadaadiska intaa le’eg ee madaxwaynaha ku kalifay, in uu isku dayo
Ridista Saacid, oo aan shaki ku jirin, in ay adagtahay in uu helo ra’iisal wasaare ula mid ah, iyada oo uu Saacid dhamaan awoodihiisii ra’iisal wasaaranimo ku wareejiyay madaxwaynaha!!! Labo iskuma khilaafsan, in cadaadis wayni uu saran yahay madaxwaynaha!! Su’aashuna waxay tahay yaa cadaadiska xoogaa leh ku haya madaxwayne Xasan Shiikh?!! Hadalo badan, baa soo
Duul duulaaya, waxa se ugu xoog badan, hadalka ah, in madaxwaynuhu doonaayo, in uu ra’iisal wasaaraha ka dhigo wankii lagu fidayn lahaa dowlada, ka dib ceebtii iyo fadeexdii ay sababtay iscasilaadii halyayad Yusur Abraar gudoomiyihii baanka dhexe, oo ku sifowday qofkii ugu horayay ee Soomaaliga ahaa, ee xumaan iyo musuq maasuq ka horyimaada, oo iska diida, taasna
Ay maanta dumarka Soomaaliyeed nasiib u yeesheen, in qofkii ugu horeeyay ee xumaan iyo musuq maasuq diidaa, uu noqday gabadh Soomaaliyeed, hooyo Soomaaliyeed, marka waxa uu rabaa madaxwaynuhu sida, hadalada soo duul duulayaa sheegayaan, in ra’iisal wasaaraha laga dhigo wankii lagu fidayn lahaa, ee ceebta iyo feedeexada lagaga maydhi lahaa dowlada, warar
Kalena waxay sheegayaan, in khilaafkoodu ka dhashay, isku shaandhayn la rabay in lagu sameeyo golaha wasiirada, taas oo sida la sheegay ay seefta ra’iisal wasaaruhu qaaday, inta badan wasiiradii uu madaxwaynuhu sida gaarka ah u watay, si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin, sida uu distuurkeenu dhigaayo, in aanu madaxwaynuhu wax awood sharci ah, u lahayn
In uu ra’iisal wasaaraha rido, taasuna waxay keentay, in madaxwaynahan iyo kuwii ka horayayba, si sharci daro ah u adeegsadaan baarlamaanka, oo ay laaluushaan ama balanqaadyo kale u samayaan, si ay iyagu u ridaan ra’iisal wasaaraha ay rabaan, waayo baarlamaanku waa haya’ada keli ah ee awoodaa leh, haday isku raacaan ama cod aqlibiyad ah u helaan, arintan oo
Runtii madax xanuun ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, oo raba dowlad iyo in dalku burburkii ka soo kabto, hadaba dhibta maanta ina haystaa waxay tahay, iyada oo dowladeenii wada faasid noqotay, ayaa dhibka ugu wayn iyo khatarta lagama soo waaqsadaanka ah tahay, in haya’adii dalka ugu muhiimsanayd, ee sharci dejintu ay faasid noqotay, wixii la rabona lagaga
Dhamaysanaayo laaluush iyo balanqaadayo iyaga u muhiim ah, haya’adan oo ay ahayd in noqoto tan lagu kala baxo, marka khilaaf dowlada dhexdeeda ah yimaado, ama ay dowladu ku xad gudubto, maslaxada, nabdoonaanta iyo aamaanka dalka, ee distuurka dalka ilaalisa, taasuna waxay dhiiri gelisay in madaxwaynayaashii dalka soo maray burburkii ka dib, uu midkood
Waliba ku takri falo awoodiisa, distuurka dalka u yaalana si fudud u jebiyaan, iyada oo aanay jirin cid la xisaabtantaa, waayo wuxuu marka ugu horaysaba hantiyaa gudoonka baarlamaanka, oo dabadeed wax walba u fududaya, in la daba galona ka ilaaliya, weliba Xasan Shiikh waa kii ugu badnaa xaga jebinta distuurka dalka u yaala, dhamaana waxay ka wada sinaayeen, in ay sida
Shaadhadhka u kala bedeshaan ra’iisal wasaarayaasha, taas oo ah xad gudub aad u wayn, oo ay ka galeen dalka iyo dadkaba, awoodoodana aan ahayn, bal ay u sahashay qaska, laaluushka, foodada, iyo qabyaalada ka dhex jirta baarlamaanka dalka, waxa xusid mudan, in baarlamaanka maanta dalka ka jira, uu ka tayo fiicnaa kii dowladii ka horaysay, ee Shiikh Shariif, waxaa ka
Mid ahaa xubno badan, oo macquul iyo wadaniyiin ahaa, iyo xubno badan oo ka soo jeeday Islaamiyiinta, taas oo keentay in isu dheeli tir aad u wayni uu ka dhex jiray, maanta se waxaad moodaa in kasta, oo ay ku jiraan xubno xoogaa ah, oo qaderin mudan, hadana ay aad ugu badan yihiin kuwa laaluushka iyo qabyaalada uun ehelka u ah, taasuna waa khasaare aad u wayn, oo
Amnigii dalka baaba khatar wayn ku sugan, iyada oo ay muuqato in baarlamaankan wax walba laga dhamaysan karo. Dhibta jirtaa waxay tahay dadkii Soomaaliyeed ma jiro wax qabanaaya, oo ay xeerinayaan, dhamaan dadka aan soo xusnay kitaabka Quraanka ee kariimka ah bay kuwada dhaarteen, bal se marka uu shaqada bilaabo, judhiiba wuxuu ku kacaaya wax ku lidi ah
Dhaartiisii, sidaasna dowlad kuma noqon karo, mar hadaynaan sharciga ilaalinay, waxa ummadu ku heshiiso lagu soconayn, si kastaba ha ahaatee waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan, oo aanay ogolaan, in maanta ra’iisal wasaaraha si sharci daro ah lagu rido, bal waa inaan ka hornimaadnaa taas, oo aynu ku khasabno madaxda dowladu in ay joojiyaan,
Sunnaha xun ee ay inoo jidaynayaan, iyo in ay ilaaliyaan wixii aan ummad ahaan ku heshiinay, oo distuurku ugu horeeyo. Ugu dambayntii sidaan soo xusnay ra’iisal wasaare Saacid weli si habsami ah buu shaqadiisii u wataa, shacabkuna maanta aad buu u taageersan yahay, marka bal aan eegno wuxuu xaal ku dambayo, waxana rajaynaynaa, in maanta sharcigu ka guulaysto sharci darada.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam