Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

JAWAAB Sugan; Maayaradii Soo Marey Degmada Borama Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan; By; Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0
Marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha bahda Shabakada Harowonews iyo akhristayaasha sida joogtada ugu xidhan, marka xiga waxaan qoraalkan ku lifaaqayaa masuul aan magaciisa ka tagey markii aan qorayey magacyada Maayaradii soo marey degmada Borama intii ka dambeysay 1984kii (Cabdirisaaq Cali Cismaan oo ahaa Wasiirkii hore ee Warashadaha Somaliland) maadaama aan kuwii horeba sheegay Beelaha ay ka soo jeeddaan kana waa xaq in aan sheego halka uu ku abtirsado (Jibriir Yoonis/Reer Axamed). Taariikhdu waxa xusan amma ay dhigeysaa in uu yahay masuulka kaliya ee soo marey maamulka degmada Borama oo waliba isku hayey jagada Mayornimada iyo Xoghayaha fulinta dawladda Hoose.

Ujeeddada Qoraalka.

Maah-maah Soomaaliyeed baa tidhaahda "Gaalka dil gartiisana sii". Murti kalaa ka daba tidhi "Hilbaha gur oo xaragada ha ka tagin". Sidaas darteed qoraalkeygu wuxuu daaran yahay in aan jawaab kooban oo run majiiraneysa ka yidhaahdo qoraal aan baahiyey oo nin magiciisa ku sheegay Maxmud Cumar uu jawaab ka bixiyey. (Marka aad u jawaabeyso qof aan magiciisa oo saddexdan sugneyn, meesha uu jooga aan la aqoon isla markaana wax sawir ah laga hayn waxa aad la mid tahay qof yidhi waxaan u jawaabayaa Jinka aan la arag. Haa way ka fursan waydey Aniga jawaabteyda sidaas oo kale ka soo qaad).

Qeybaha Hadalka iyo Hawraarta Jawaabtiisa.

Maxmud Cumar dhawr meelood ayey jawaabtiisu cuskatey Aniguna waxaan beegsan doonnaa boqorka Raxmaankii inta uu iga garansiiyo in aan ka jawaab celiyo inta igala gudboon Aniga oo waliba la kaashanaya garaadkeyga waafiga ee waayadanba ku jirey godolka iyo maaxashada wannaagsan.

Maadaama Maxmud Cumar igu tilmaamey wiil dhashey 1984kii isaga oo sabab uga dhigey in ay taasi tahay meesha aan taariikhda ka qaadey Aniguna isaga da'diisa haan ku sababeeyo 1960kii oo ku beegan markii aan gobonimadda qaadanney sababtuna waxa ay tahay halka jawaabta celinta taariikhda uu ka bilaabey oo ah 1960kii. Haa faraqa da'deenna u dhexeeya ma yara waxaan se ku hanweynahay in aan is fahmi doonno si aan isku fahanaba. Inkasta oo aan jeclaa in wiilkaaga goradambeyska ah aad jawaabta u soo dhiibto oo isagu yidhaahdo Aniga oo dhashey 1984kii ayaa Ina adeer taariikhda kaa dhiman kuu buuxinaya haddana way dhici waydey taasi Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa "Nin habari dhashey hal ma seegi waayo". Haddii ay adiga taasi ku seegtay anigana in hoos marimayso aan Aabbahey ku idhaahdo Odey ku leeg baan hayaa ee fadlan jawaab fiican u gudbi, waxaan se taas ka doorbidey oo kashka iyo laabta ku guntey kaba soo qaad in ay ku seegtay wallow maanka iyo maskaxdu garwaaqsan yihiin in aan Aabbahey wakhti uu jawaab celin kugu siiyo haysan. 

Haddaba yaa wadda dooddaya bandhiga iyo adeegsiga daliilka cadna ka markhaati kacaya? Markhaatigu waa ummadda qoraalkeena akhrisanneysa oo ka garaneysa nuxurka arrinta la isku hayo waxaana wadda dooddaya adiga oo dhashey wakhtigaa Aabbahey Mohamed Barkhad dhashey iyo Aniga oo dhashey 1984kii. Taas waxa ay ii tahay farxad in aan si cilmiyeysan oo caadifadi xaaraan ka tahay ulla doodo da'da Aabbahey waxaana sida hilaac meel bilig ka yidhi ii muuqda in aan leeyahay kalsooni iyo dhiirani aan goloyaasha dooda kula tagi karo, hadalkaas dambena ha u maleyn maah-maahdii ahayd "Nin is faanshey waa Ri' is nuugtey". Midh baa se iga xasuusin ah maadaama sida dhalashadaada ka muuqata waalid aad iigu toosan tahay in inta aan qoraalka ku jiro ku halqabsado erayga Adeer waa waajib is saaran oo damiirka wannaagsan ee Daa'in i siiyey i farayo sababta oo ah waxa aan ahay wiil lagu soo barbaariyey amma tarbiyey ixtiraamka waalidiinta.

Adeer Maxmud haan ku horreeyo doodda aad ka keentay degmanimada Borama oo aad ka tidhi waxaa isaga kaa khaldan degmada Borama iyo gobolka Awdal. Bal dib u milicso qoraalkeygii meel ay kaga qoran tahay degmada Borama waxaa lagu dhawaaqey 1984kii ma jirto waxaa se Anigu aan idhi "Magaalada Borama waxa ay ka mid tahay degmooyinkii hoos tagi jirey gobolka Waqooyi Galbeed) Taas adigaa markhaatigeeda furey oo waliba qoraalkaaga ku xusey sidaas darteed ku fogaan maayo falcelinteyduna waxa ay salka ku haysaa (Gaalka dil gartiisana sii) sababta oo ah wixii aad xaq iigu leedahay kaa gubi maayo wixii aan gar u leeyahay sheegisteedna garab marimaayo.

Dhinaca kale waxa aan ku bayaamiyey qoraalka aad jawaabta ka keentay "Markii Siyaad Barre ku dhawaaqey amma bixiyey gobolka Awdal 1984kii degmada Borama waxa ay noqotey degmo madax bannaan oo maamul ahaan ay hoos yimmaadaan saddexda degmo ee kala ah Saylac, Lughaya iyo Baki". Taasna waxa ay tarjumaad wannaagsan ka bixineysaa in aannan mooganeyn degmanimadii hore ee Borama. "Xalaal dharaar cad baa la qashaa". Ku darsoo ujeeddadu waxa weeyi degmada Borama waa xaruntii gobolka waxaana ku yaalla xafiiskii gobolka Awdal.

Mida kale sannadkii 1984kii oo aan taariikhda Maayarada Borama ka bilaabey oo aad doodaas ka tidhi malaha waxaa Cabdirisaaq Yare isaga khaldamey Badhasaabadii soo marey gobolka Awdal iyo Maayaradii degmada Borama. Taasna waxaan ka leeyahay in aaney labbadaas isaga kay khaldamin waxaa ka tarjumaya Ciwaanka maqaalka ee aan qaatey oo ah "Magacyada Maayaradii Soo Marey Degmada Borama". Ogaalkeyga iyo isweydiinteyda malaha waxaa Adeer Maxmud kula gudboonaa in aad I weydiiso su'aasha ah Maxaa kugu kalifey in aad taariikhda Maayaradii soo marey degmada Borama ka bilowdo 1984kii. Taas adiga oo aan I weydiin ayaad haddana isku jawaabtey oo waxa aad tidhi waa wakhtigii uu dhashey. Haa waa run oo waa wakhtigii aan dhashey, waliba ku darsoo waalidka I dhaley waxa uu ii sheegay in aan dhashey maalintii lagu dhawaaqey magacaabistii Marxuum Maxamed Xasan Maaful AUN sidaas darteed waxa waanooyinka waalidkeygu igu soo barbaarshey ka mid ah wax goob joog u ahayd mooyiye wax kale ha ka sheekeyn. (Hadal waalid ma diidi karo, habaar adag buu dhalaa). Waxa kale oo aan u xushey in aan ka sheekeeyo intii ka dambeysay 1984kii waxa uu damiirkeygu diidey in sida aad dadweynaha uga codsatey in laguu soo sheego magacyada Maayaradii ka horreeyay 1960kii aan Aniguna uga codsado intii ka horreysay 1984kii waayo wixii aad isla hubto ayaa lala soo shir tagaa.

Adeer Maxmud waxa la yidhi "Beenaaluhu markhaatigiisa ayuu fogeeyaa". Aniga qoraalkeygaa ii markhaati ah waxaanan ku bilaabey haan is kiin baro Maayaradii degmada Borama soo marey intii ka dambeysay 1984kii. Erayga la yidhaahdo "Intii ka dambeysay" Xeerka iyo qannuunka hadalka amma qoraalka haddii meesha uu yimmaado waxa laga waramayo ma khuseyso erayga ah "Intii ka horeysay". Hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa, aqalkaaga hortiina ood.

Maxaa keennay jawaabta Adeer Maxmud?.

Waa su'aal fiican in aan Anigu isweydiiyo idinkuna malaha sidaas oo kale aad isku weydiisaan waayo? Waa caado bani'aadmi in markasta oo uu soo baxo liis dheer oo lagu taxey amma suntey magacaan masuuliyiin kala duwan dhinaca haybta iyo wixii la halmaala in ay noqoto labbo mid uun.

1. In qofka arka liiskaas uu ku farxo.

2. Iyo in uu ka naxo.

Si kastaba ha ahaatee Adeer Maxmud jawaabtiisa ka geyn waayey qoddobka labbaad waxaan se u bishaareynayaa haddaad ka naxdey liiskii Maayaradii degmada Borama soo marey waxaan dhawaan soo waddaa liiska magacyada iyo Beelaha Badhasaabyadii soo marey gobolka Awdal oo aan ku rajoweynahay in uu liiskaasi kaa farxin doonno isla markaana wax jawaab ah aannad ka bixin doonnin. Intaasi kaftanka Tolku u baahan yahay iyo tallo fariid soo bandhigeyin dheh.

Macalinku waxa uu ugu farxad badan yahay marka ay ardeydiisu fahmaan cashirka uu u dhigey waxaa maanta Aniga farxad weyn ii ah Adeer Maxmud in uu fahmey cashirkii aan soo bandhigey oo dooddeyda qeyb ka ahaa waayo? Waxa uu ina barey Reer Xasan Wayd iyo Reer Faarax Nuur aad baan kuugu hambalyeynayaa. Liiskan markii aan sidan u qorayey waxa uu ahaa mid aan ugu tallo galey in uu dhaliyo dood adag sababta oo ah, sideedaba dood markaad rabto in ay noqoto mid kulul waxa la xoqaa halka dadka cun cuneysa sidaas baan masuuliyiinta u raaciyey reeraha ay ka soo jeeddaan, sida aan u hubo in aan had iyo wad leeyahay ayaan u hubaa haddii aan liiska masuuliyiinta magacaanta oo kaliya ku dayn lahaa in aannu jireen jawaabta Adeer Maxmud oo kale soo qorey laakiin horaa loo yidhi "Ficilku .....kuu tu'iyaa". Kaftankuna inoo furan.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles