Beri baa nin reer baadiye ah oo miyi deganaa magaalo soo galey, ninkii oo aan ilbax noqon ayaa maalmo kadib gabadh lagu darey, gabadhii baa markii loo guri galiyey waxa ay ogaatey in ninkan guursadey uu yahay badow reer baadiye ah oo aan garaneyn gabadh magaalo waxa ay gudo iyo waxa garashadeeda ku haboon dabadeed ninkii ayey isaga tagtey gabadhii oo gurigoodii ayey ku noqotey.
Ninkii waxa uu ogaadey sababta ay gabadhu uga tagtey in ay tahay badowtinimada ay kala kulantey barashada guurkoodii dabadeed wuxuu bilaabey in uu iska dhigo nin ilbax ah oo suuqa magaalada hore u gallo, nasiib xumo meel xun buu ka bilaabay waayo? Wuxuu bar tilmaamsadey makhaayada ugu caansan magaalada uu ku nool yahay oo ay fadhiistaan Odayaal ganacsato waa weyn ah oo magaalada sharaf iyo karaamo waafiya ku dhex leh, kadib ninkii wuxuu hor fadhiistey afaafka hore ee albaabka makhaayada dabadeedna marka la gaadho wakhtiga habeenkii waxa uu caado ka dhigtey in uu dabo dhaqaaqo kolba Odayga makhaayada ka baxaya.
Maalinta dambe ayaa ninkii oo albaabka makhaayada hor fadhiya marka uu soo gallayo kolba Odaygii uu xalley dabo dhaqaaqey ayuu ku yidhaahdaa “Xaaji xalley waan ku arkayey halkaas iyo halkaas markii aad mareysay” Odayguna wuxuu ugu jawaabaa “Waar orad oo makhaayadaas saxan bariisa ka cun mijin jaadana miiskaa Ina Qawdhan ka qaado”.
Muddo markii uu ninkii badowga ahaa sidaas ku noolaa isaga oo u haysta in ilbaxnimada magaalada halkaas laga bilaabo ayey Odayaashii makhaayadu yidhaahdeen waar ninkan la inagu salidey ee maalin kaste irida majliska fadhiisanaya habeenkiina inaga daba shaqeynaya waa in aan iska meeleyno dabadeed talladii ay rog-rogeen waxa ka soo baxdey in ninkii loo dhiso gabadh reer baadiye ah oo miyiga laga doono.
Odayaashii lacag bay iska ururiyeen, gabadh baa baadiyaha laga keenay guri yar oo buul caws ahna waxaa looga dhisey magaalada duleedkeeda kadibna ninkii baa halkaas loogu guri galiyey gabadhii reer baadiyaha ahayd, horaa loo yidhi “Shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa” Ninkii iyo gabadhii way isla qabsadeen, nolol wadaag reer baadiyana wehel bay ka dhigteen balse ibtilada adduunka ka taagan waxay tahay wali ninkii wuxuu fadhiistaa iridii makhaayada, nasiib wannaag se marka ay Cadceedu casar dheer taagan tahay ayuu reerkiisa u caraabaa “Nin la sugayow maxaad sugi” Alla ilahe waa intii ay rabeen Odoyaasha makhaayada fadhiista maxaa yeellay? Muraadkoodu waxa uu ahaa in ninkan badowga ah ee habeen kaste daba dhaqaaqi jirey iska mashquuliyaan.
Ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuu maalin kaste casar dheer caraabo u jarmaadaba maalin maalmaha ka tirsan ayaa isaga oo sii caraabaya oo bac yarna gacanta ku laad laadsanaya waxa uu magaalada cidhifkeeda kula kulmey Ey, markaas baa Ey-gii inta uu ninkii arkey ku ciyey dabadeedna yidhi “Wah Wah Wah” Ninkii badowga ahaa inta uu isna il fool xun Ey-gii ku milicsadey ayuu ku jawaab celiyey “Walaahi haddaad aamusi waydo Eyad baa laguu dhisi”.
Malaheyga is idhi waa halka ay ka timid murti tidhaahda “Nacas aan xikmad aqoon xawayaankana wuu ka xan qaadan”.
Curiyaha Sheekada.
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com