DULMIGA UGU YAABKA BADAN DALKEENNA!!
Ma og tahiin ?!
Mala socotaan ?!!
Marna ma u maleeyseen iney jirto?!!!
Magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu magaca dheer Dalkeena Soomaaliyeed ….haddana aan dadkeeda haysan xuquuqdooda Dowladeed…….!!
Haddii ay weydiistaana aan la dhageysaneyn,
haddeey doodaanna la dilaayo kii u dooda….
Cid Dowladda ugu jirto oo u doodeysana aaney leheyn….!!
waa dadka reer Banaadiriga siibo kuwa ku nool gobolka sh/hoose ( marka Caddeey ) ay ka mid yihiin dadka soomaaliyeed ee dalkooda ku dhex dulman , Haddaba waxaan si guud ah uga codsaneynaa Dadka, Hay’adaha dulmiga neceb iyo (Dowladda) Xukuumadda federaalka soomaaliyeed in aan xuquuqdeena u helno sida soomaalida kale, xuquuqdeenna dowliga ah waxaana ka mid ah qodobadan soo socda :
1) in aan helno jagooyinka aan ka mudan nahay deegaankeene ha ahaato jagooyinka sare ee maamulka gobolka (rayidka & ciidanba) iyo guddiyada sare ee qaranka & gobolka.
2) in aan helno xubnaheena odayaal dhaqameed ee golaha Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed 135ta ee dalka ka jiraan ( oo aan hadda qofna noogu jirin,waana dulmi ).
3) in aan helno xubnaheene xildhibaano ee la nooga qaaatay awood & lacag (oo aan hadda qofna noogu jirin barlamaanka qaranka ) iwm.
haddaba dowladda federaalka soomaaliyeed oo aan aad u taageersa nahay waxaan ka rajeyneynaa sida sharciga qabo (xuquuqul insaanka) in ay xuquuqdeena oo dhan ay noo soo wada celiso sida sharciga qabo uguna dhaqsaha badan uguna suurta gashan ilaahey idinkiisa.
wada shaqeyn wacan
wabillaahi towfiiq