Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Siilanyo Oo Talaxgabay Iyo Taladii Wadanka Oo Gacanta U Gashay Dumar iyo Caruur Xirsi tantuun u yahay

$
0
0

Waxay  umada Somaliland marqudha ku warheshay madaxweynihii ladoortay ee MR. SIILAANYO oo xaalkiisu allaw sahal yahay iyo taladdii waddanka oo gacanta u gashay dumar iyo carruur uu XIRSI tuntuun u yahay. Markaan leeyay sidan ma’ ihi nin mucaaradnimo ka hadlinayso  ama aflaagaado kale wada lakiin waxa lawada socotaan, haddalada  khaladaadka ah ee madaxweynaha  maalinwalba ka soobaxaaya markasta iyo meelkasta oo uu madaxweynuhu kahadlo waxa ka soobaxa hadalo afkalaqaad  iyo argagax ku noqda umadda  reer Somaliland guddo iyo debedba meelkasta oo ay joogaan.

 

Haddaan midh iyo laba ka xuso waxyaabaha umada kanixiyay kuna noqday naxdin  iyo afkalaqaad markii madaxweynuhu uu safar debeda ugu baxay xagaayo maraykanka halkaas oo gabadh ajnebi ah oo weriye ah ay waydiisay su’aal ahayd     “ waa imisa tirada dumarka ah ee ku jirta golahaaga wasiiradda”    su’aashaa oo madaxweynuhu garan waayay wax uu kaga jawaabo si aan hilmaam kujirin,  kadibna  waxa su’aashii qaatay  wasiirka mida ah xubnihii socdaalka  ku wehelinaayay.

 

Arinkaasi waxa uu argagax iyo jawi naxdinleh ku abuuray dhamaan dadweynihii meesha joogay, waxuuna cadeeyay in maxweynuhu uu yahay nin hadda u baahan xanaanayn iyo ka warhayn joogto ah (Home Caring), ee  aanu talo iyo awooditoona ku hadhin. Waxa kale oo maragmadoon ah oo dhamaan dadweynuhu shaashadaha aduunka kawada daawanaayeen guddo iyo debedba, socdaalkii ugu danbeeyay ee uu ku tegay ismaamuka  somalidu degto  ee itoobiya halkaas oo uu kaga qayb galaayay xaflad dhaqameed ay qabsadeen qoomiyadaha itoobiya, waxa islamarkii uu madaxweynaha iyo kooxdii lasocotay oo dhulka ku safraayay gaadheen goobtii xafladu ka socotay oo kutaala magaalo madaxda ismaamulka somalidu degto ee itoobiya lagu soodhaweeyay, waxay hadaba ceebtu dhacday markii kelmedii lasiiyay uu  madaxweynuhu ku bilaabay hadalo ay ka midyihiin” waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay in si heersare  ah laygu soodhaweeyo Somaliland, waxan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha Somaliyeed”.

 

Dhamaan dhacdooyinkaa aynu soosheegnay  iyo boqolaal kale oo lamid ah  ayaa waxa ay noqdeen  qaladaadka  maalinlaha ah ee madaxweynaha kadhaca markasta oo uu isyidhaahdo hadal, waxa intaa barbarsocda koox  dumar ah oo ay  hogaaminayso ISLAANTA AXMED SIILAANYO    oo   ay weheliyaan  AGAASIMAHA  SAMAFALKA MADAXTOOYADA iyo WASIIRKA WAXBARASHADA,  kuwaasoo  ku dhex asqoobay markii ay silama filaana ugu soomurux satay  taladdii qaranku. Kooxdan dumarka ah ee isku urursatay madaxtooyada ayaa  markii ay waayeen cidjahaysa ayaa qaarkamidi waxay caadaysteen inay GANBADH ugu soo fadhiistaan  MARWO FAADUMO SICIID iyo xubno kale oo dalka iyo dadkaba xurmo iyo sharafka mudan. Hadaba sida ay dhakhaatiirtu cadaysay kadib markii madaxweynaha caafimaadkiisa labaadhay waxaa lacadeeyay  inuu haleelay xanuun aan dawo lahay ilaalin iyo xanaanayn mooyaane, kaasoo ah, xanuunka keena xusuus lunka ee layidhaahdo,  (vascular dementia), oo ah xanuunka sababa asaasaqa iyo ilawshiiyaa oo ah xusuusta oo lunta. Waxay arintan dhakhaatiirtu ku sababeeyeen madaxweynha oo ah nin imika dadiisu aad u wayntahay iyo muddadii dheerayd ee uu macaaradka ahaa  mararna lagaga guulaystay tartankii doorashada ayaa waxay kunoqotay lama filaan iyo farxad maskaxdiisu qaadiwayday kadib markii uu xusbigii kale ee latartamayay kaga guulaystay cod aad ubadan.  Waxa intaa weheliya koox dhalinyaro ah oo XIRSI tutuun uyahay iyo ninkale oo madaxweynuhu sodog uyahay oo layidhaahdo MOORGAN oo isaga naasnuujin loosiiyay dhamaan wixii alaabo dawladu leeday ee  lagasooo rarayo debeda( logistics) .

 

 

Iskusoowada duuboo  dhamaan arimahani waxay shacabka reer Somaliland u cadeeyeen in taladii madaxweynuhu meesha kabaxday gebi ahaanba oo ay gacanta ugashay dumar iyo caruur, kuwaasoo taladdi iyo masiirkii umada la anbaday  ka nadhigay mid loogu adeego cidgaar ah, waxa intaa dheer sharcigii iyo ixtiraamkii oo meesha kabaxay, kala danbayntii iyo milgihii dawladnimo oon jirin, siyaasadii arimaha debeda oo jahadii kaluntay, siyaasadii arimaha guddaha oo noqotay saxfigaa xidha, xusbiyada mucaaradku ayay dhaqaaqin iyo waxaan dhaamin oo ciddii u fiirsataaba ay garanayso inaanu waxan  katalin nin habeen istaagay meel rag ku tashanayo.

 

QALIKA: AQOONYAHAN AXMED RASHIID (DHANBAAL) wadani_mx@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles