Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Magaalo aan ku dhismin Mood dawladeed iyo mid Dibadeed hadana muuqata.

$
0
0

Magaalo aan ku dhismin Mood dawladeed iyo mid Dibadeed hadana muuqata.

Marka hore waxan salaan baaxad wayn bogaga umarinayaa dhamaan umada S/land iyo guud ahaan dadka Afsomaliga ku hadla meel kastoo ay joogaan waxanan ku salaamayaa Salaanta Islaamka{ SCK} bacda Salaan waxan manta Qalinka u qaatay inaan wax yar ka iftiimiyo magaalada Borama si ay wax uga bartaan Dadka aan wali nasiibka u helin inay indhahooda ku soo arkaan iyo kuwa mudada badan mooganaa.

Hadaba Borame waa Caasimada Gobalka Awdal waxayna Hargaysa ujirtaa 120 KM oo dhinaca galbeeda waxaana ku xeersan buuro waa wayn oo ay ugu magac wayn yihiin Labada Buurood ee Saw iyo Shar-laga-maadi kana xiga dhinaca Konfureed, sidoo kale waxay leedahay 3 daaqadood oo laga soo arko, daaqada koowaad waxad ka arki marka aad dhinaca Hargaysa ka timaad, ta labaadna dhinaca Bari waana Jidka ka yimaad Degmada Baki iyo ta Sadexaad oo kasoo arki marka aad ka timaad dhinaca Jabuuti.

Intaa marka aan ku dhaafo sifayntaa kooban ee ku saabsan sawirka guud, gudaheeda marka aad gashana waxa ku dhexyaala sadex tuurood oo dhismayaasha magaalada hadba qayb kaa qarinaaya lana kala yiraa Tuurta SH. Cali Jawhar, Tuurta SH.Ibrahim Bakaal iyo Tuurta Buurta Cas.

Waa magaalada kaliya ee aanu gaarin jidka Laamiga ahi intii Ay jirtay dawladii Somaliyeed burburkiina dhacay jidkaas oo taagan Magaalada DILLA duleed keeda oo dhinaca bari ka xigta Borame.

Waana magaalada uu ku ooli jiray Dugsigii sare ee Camuud oo ay kasoo baxeen Rag badan saamayn togan ku yeeshay dhulka ay soomalidu dagto iyo kuwa ka baxsanba kana soo kala jeeday Deeganada Somalida ee kala duwan, Dugsigan oo ahaa horyaalka Waxbarashada Dugsiyada Somalida, ilaa markii danbe uu sabobay in Reer Awdal loo Aqoon sado Hoygii Aqoonta Somalia magacaas oo ilaa maanta raadkiisu muuqdo, waana magaalada ay ku abtirsadaan rag badan oo aqoonta heer ka gaaray oo badh kood caalamka laga yaqaan.

          Xaga dadka  Dadka reer borame waa dad Nabad jecel,Dawlad nimo jecel,cadaalada iyo daacad nimada jecel awoodana saara Aqoonta iyo wax barashada.burburkii Dawladii dhexe ee somaliya intii ka horaysay borama waxay ahayd meel laga hayaamo  oo dadkeedu wixii wax bartaa u qaybsamaan labo kooxood:

1: Qaar gala Jaamacadihii loo Gaar yeelay Koonfurta Somaliya oo ay kala mid ahaayeen in badan oo ka mida Gobalada Kala duwanaa, marka ay wax bartaana kumaba soo noqon jirin.

2: Kuwa labaadna waxay aheen inta aan galin jaamacadaha ee loo qaadan jiray Macalimiinta iyo Shaqooyinka dhexe oo ay ugu bad naayeen.

Hadaba qodobadani waxay sobob u noqdeen laba arimood oo kala ahaa:

A: in dhismaha iyo baaxada magaaladu ahaado wax yar ama aan aad u kordhayn maadaama dadkii dhisan lahaa Gobolo kale dageen

B: in aan laga hir galin wax horumara ama kaabayaasha dhaqaalaha guud ahaan Gobalka iyo Degmadaba sida Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha iyo JIdadka laamiga ah waayo wixii Aqoon lahaa ama wax garad ahaa ee ka hadli lahaa way ka haajireen,Samaliduna waxay tiraa{ Nimaan hadlan hooyadii qadisay}

Sidoo kale xaga Siyaasada iyo Hogaanka Dalka maahayn dad ku orod badan u manay qabin inay wax kaga maqan yihiin tanina waata keentay inayna lug ku yeelan baaxaa dagii Siyaasadeed ee u dhexeeyay Qabiilada iyo Deegaanada Somalida, inkastoo ay ka dhexmuuqdeen hadana Goloyaasha Qaranka, waxana xusid mudan xaga hogaanka kursigii ugu sareeyay ee ay ka gaareen uu ahaa Raysal Wasaare ku Xigeen noqdayna Cabdi Xassan Buuni Walaw markii danbe Kursigaa Cod Baarlamaan lagu baabiiyay.

Sidoo kale xaga ganacsiga iyo wax soo saarka marka laga eego waxan oran karnaa guud ahaan kamaba jir ama wuu yaraa waxana sidaa ka dhigay isku socodka oo liitay waayo Jidad laami ah ma jirin, Dekadana ma jirin sidaa darted dadka Deegaankan Awdal waxay u qayb sameen Qolo ku tiirsan Bebera iyo kuwo ku tiirsan Jabuuti xaga ganacsiga.

Xaga waxsoo saarka iyadna wax laga qabtay ma jirin iyadoo gobalku uu leeyahay dhul beereed balaaran oo ku haboon wax beerashada tana waxa sobobay Dawladihii jiray oo iska iloobay si lamida horumarka kale maadaama aanay dadkii wax u bartay isku hawlayn.

Dadka sidaa uga qatanaa guud ahaan raad kasta oo uu soo maray waayaha Dawlad nimada somalidu ha tognaado ama ha tabnaadee ayaan hadana waxa luga ku lahayn burburkii somaliya, sodoo kale waxa xusid mudan inay ku waayeen dad iyo hanti badan.

Dawladii dhaxana waxay burburtay iyadoon waxba laga qaban dhinacyada horumarka ee kala duwan guud ahaan deegaankan Awdal iyo borame.

 

Lasoco qaybta danbe Burburkii ka bacdi{ balaayooy mahad sanid}

Qalinkii: Maxamed Abiib Yuusuf

Bulaawecade98@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles