Shirweynihii labbaad ee ururka SDA oo qabsoomey muddo saddex bilood kadib kuna beegan dabayaaqadda sannadkii 1989-kii oo lagu qabtey isla magaalada London waxa ay aqoonyanadda reer Awdal ka wadda hadleen doorashada guddoomiyaha rasmiga ah ee ururku yeellanayo. Inkasta oo shirka ay qaadaceen xubno muhiim ahaa oo ku jirey golaha dhexe ee ururka SDA haddana fallanqeyn dheer iyo dood hufan oo aad u adag kadib waxa qalinka lagu duugey in hoggaamiyaha rasmiga ah ee ururka SDA yeellanaya uu noqdo Jaamac Rabiile Good oo dowladii Soomaaliya mar noqdey Wasiirka Dalxiiska ee Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre. Doorashada hoggaamineed ee Jaamac Rabiile Good waxa ay ahayd mid ku timmid fekrad xeel dheer oo ku dhisan in uu ahaa shakhsiga ugu da’da weyn aqoonyahannada ku bahoobay ururka SDA isla markaana ugu caansan dhinaca magaca maadaama uu ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo dal iyo dibadba wakhtigaas laga yaqaanney. Xubnihii kale ee ka tirsanaa golaha dhexe ee SDA isla markaana kalfadhiga labbaad ee ururku yeeshay aan ka soo daahirin waxa ay gudaha magaalada London isugu yimmaadeen kulan deg deg ah waxaana ay hoggaamiye u doorteen Maxamed Faarax Cabdillaahi Xansharo. Sida muuqata waxa ay SDA oo aan wali raad qaadin u kala jabtey labbo garab oo mid walbe dhankiisa ku adkeysannayo in uu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee ururka himiladiisa ka midho dhalin kara sidaas darteed waxa aan si hufan isku dul taagi doonnaa koox kaste halka ay la beegsatey himiladii magaca ururka SDA iyo martabada ay ka gaadheen guushii ay baadi goobkeeda ku jireen. Balse inta aan faaqidaada iyo faalladda labbada garab ee SDA u kala jabtey gudo gelin haan labeenta qoraalka ka hirqano qeyb ka mid ah taariikhda Marxuum Jaamac Rabiile Good? Jaamac Rabiile Good AUN waxa uu sannadkii 1940-kii ku dhashey degmada Borama ee gobolka Awdal, dugsigii Camuud ayuu 1955-kii ka baxey kadib sannadkii 1960-kii ayuu waxbarasho sare u tagey dalka Maraykanka wuxuu soo noqdey 1968-kii sannad kadib waxaa wadanka Soomaaliya ka dhacey Inqilaab Milateri. Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa hormuudka Saraakiishii Kacaanka Soomaaliya ee hoggaaminayey Inqilaabka ayaa sannadkaas 1969-kii u baaqey dhammaan mutacaliintii Soomaaliyeed ee heerka aqoontoodu sareysay oo dhan sababo la xidhiidha dardar gelinta iyo horumarinta shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha dalka, nasiib wannaag Jaamac Rabiile Good dadkaas la qaatey ayuu ka mid noqdey waxaana laga dhigey Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka. Sannadkii 1972-kii waxa loo wareejiyey Agaasimaha guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha oo berigaas uu Wasiir ka ahaa Jeelle halka sannadkii 1975-kiina laga dhigey Wasiirka Dalxiiska Soomaaliya, nasiib xumo waxa xilkii Wasaaradaas Dalxiiska uu Jaamac Rabiile Good iska casiley sannadkii 1978-kii. Billowga sannadkan aan ku jirno ee 2014 waxa aan booqdey guriga uu ka baxey Jaamac Rabiile Good AUN oo ku yaalla magaalada London, waxa aan kula kulmey Ooridii ka hadhey marxuumka Maamo Sahra Cismaan Suldaan, soo dhaweyn diiran kadib waxaan si wadda jir ah u faqnay ubucda waayihii nololeed ee uu soo marey marxuum Jaamac Rabiile Good sababta oo ah su’aasha I dhaqaajisey ee aan xiisaha gaara u qabey isla markaana aan ugu tagey Maamo Sahra Cismaan waxa ay ahayd in aan ogaado duruufta kaliftey amma ka dambeysay iscasilaadii wasiirnimo ee Jaamac Rabiile Good oo markaas hiigsatey in uu ka ruqsaysto madaxtinimada Wasaaradii Dalxiiska Soomaaliya waxaana Maamo Sahra si kalsooni ku jirto ay iigu jawaabtey. “Hooyo Jaamac Rabiile Good AUN waxa uu ahaa wadani dhaqan wannaagsan leh oo ku sifoobay daacadnimo iyo hawl kar, wuxuu ahaa shakhsi wasaarad kaste oo uu joogo si fiican u illaaliyo hantida ummadda Soomaaliyeed, Wasaarada Dalxiiska markii uu joogey waxa Agaasime guud ka ahaa nin Mareexaana oo Maxamed Siyaad Barre ay Ooriyo walaal ahaayeen, Xisaabiyena waxaa ka ahaa nin Isaaq ah iyo nin kale oo Ogaadeen ah oo shaqaalaha Wasaarada ka mid ahaa ayaa lacag fara badan cuney oo musuq maasuqey, markii uu Jaamac Rabiile arrintaas ogaadey wuxuu ka badheedhay in uu wax ka qabto, ninkii Isaaq ee Xisaabiyaha ahaa waxa uu markiiba u baxsadey dalka Sucuudiga, ninkii Ogaadeena lama xidhin ee waxa laga eryay shaqadii ninkii Mareexaan Maxamed Siyaad Barre ayaa hor joogsadey in Jaamac Rabiile tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado. Taas baa sabab u noqotey in Jaamac Rabiile iska casilo xilkii Wasiirka Dalxiiska Soomaaliya”. Jaamac Rabiile Good AUN waxa markiiba uu u dhoofey dalka Ingiriiska waxaanu bilaabey in uu qoro buug uu ku faah faahinayo sida ay u shaqeyso Xukuumadda Maxamed Siyaad Barre iyo waliba sida indho la’aanta ah ee loo cuno amma halafsado hantida ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Siyaad Barre arrintaas ayuu ka war helay dabadeed wuxuu Jaamac Rabiile u direy walaalkii Muuse Rabiile Good oo markaas ka mid ahaa golaha sare ee Kacaanka Soomaaliyeed. Gaashaanle sare Muuse Rabiile Good oo xubin buuxda ka ahaa shan iyo labaatankii Sarkaal ee sammeeyay Inqilaabkii Soomaaliya waxa uu walaalkii kula kulmey magaalada London waxaana uu ku yidhi “Maxamed Siyaad Barre wuu cabannayaa, cabsida ku jirtaana waa buuga aad qoreyso iyo dunidda deeq bixiyayaasha ah ee aad u bandhigeyso sidaas darteed maadaama aan ahay walaal dhinaca da’da kaa weyn waxaan kaa codsanayaa in aad joojiso qoraalka buugaas lagu sheegay in aad ku dhaliileyso Kacaanka dalka Soomaaliya”. Jaamac Rabiile Good oo ahaa nin karmeed lagu yaqaaney hal adayg iyo qof cidna uga habran qabashada amma fulinta waxa ay laabtiisu tamanido iyo hadafka ay niyadiisu damacdo haddana waxa uu walaalkii ugu jawaab celiyey odhaah aan isleeyahay waa mid la misaal joogta murtidii Sayid Maxamed Cabdile Xasan kadib markii nin Sodog u ahaa ka qabsadey Faraskii Sayidka oo la odhan jirey Xiin Finiin “Xadhigiisa qabbo aadmi kale kuma xurmeeyeen”. Jaamac Rabiile Good aad buu u ixtiraami jirey walaalkii sidaas darteed buu uga ogolaadey codsigii uu u soo bandhigey isla markaana u joojiyey qoraalka buugaas uu ku soo bandhigayey sida shaqaalaha Xukuumadda Siyaad Barre u boobaan hantida ummadda Soomaaliyeed. Markii se Muuse Rabiile Good dib ugu noqdey magaalada Muqdisho waxa uu Siyaad Barre ku yidhi “Waar Muusow maxaad uga timmid Jaamac? waa in aad soo kaxeyso waayo nin aan ka maarmi karno maaha waa nin dadka iyo dalkuba u baahan yihiin”. Sidaas darteed ayuu Muuse Rabiile dib ugu laabtey magaalada London, kulankoodii labbaad ee ay wadda yeeshaana waxa uu Jaamac ka codsadey in uu raaco si loo dhameeyo xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhexeeya isaga iyo Maxamed Siyaad Barre. Jaamac Rabiile waxa uu walaalkii ku yidhi “Walaal Siyaad Barre waad taqaan maaha nin la aamini karo amma amaantiisa la isku haleyn karo balse wax kaste ha dhacaane diyaar baan u ahayn in aan wadda socdaalno oo aan galo gudaha dalka Soomaaliya”. Labbadii walaalaha ahaa oo wadda socda markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho maxaa dhacey?.
- La soco qeybaha kale……….
Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com