Boorama (Harowo)– Maqaamyadu waxay astaan u yihiin xusuusta waalidiinta laga tafiirmay ,mar kasta oo la xusana waa loo duceeyaa ,masaakiinta ayaana sadaqadda la siiyaa si ay iyaguna ugu duceeyaan waalidiintii ay ka tafiirmeen .
Soomaalidu dhaqanbay lahayd ,weligeedna muslinnimada way ku adkayd ,waxayna soomaalidu sideedaba qurxisaa astaamaha waalidiintii ay kasoao tafiirmeen u yaalla .Koonfur haddaad tegto waxad arkaysaa qabuurihii sheekh Aweys al qaadiri oo ku yaal gbobolka Bakool .
Waxad arkaysaa qabuurihii sheekh Nuur Xuseen oo ku yaallay Jubbada dhexe ee soomaaliya ,waxad arkaysaa qabuurihii sheekh Biyamaalow oo yaal Baraawe ,intii ay shabaabku ka baabiiyeen mooyee intii kale koonfur waa sidoodii,waxana sannad kasta tega kumanyaal qof si ay ugusoo duceeyaan waalidiintii ay ka tafiirmeen,inta gaadhi weydana waxa loo dhisay meelo ay ku xusaan.
Waxa kale oo ad arkaysaa qabuurihii sheekh Isaxaaq oo ku yaal Sanaag ,iyadoo meelahaasoo dhan ay ka dhisan yihiin dhismayaal loogu duceeyo culimadaasi iyo aabayaasha dadka dhulkaa ku nooli kasoo tafiirmeen.
Markaad eegto Sheekh Samaroon qabuurihiisa ku yaalla gobolka Sanaag ,meesha la yidhaa Dirgax iyo markaad eegto Maqaam ciddii dirgax tegi kari weydaa ugu ducayn jirtay sheekh Samarroon oo Boorama ku yaalla .waxad ka shakiyeysaa in dadka Gedebuursigu meel ka wada yimaaddeen.
Berigii dhaweyd ee la xusayey dhalashada nebigeenna NNK, laguna qaban jiray maqaam taariikh ahaan lagu xusi jiray maalintan oo kale ayaa la waayey meel la hadhsado iyo meel sadaqadda lagu siiyto masaakiintii ku soo ururtay.
Maqaamkan ayaa la dumiyey markii ay culimada Boorama isku qabatay fasiraadda diinteennu ka bixisay maqaamyada ,siyaarooyinka iyo xusaska nebigeenna ,waxayna aakhirataan kii keentay in duullaan lagusoo qaado maqaamkaasi shan sano ka hor ,dhulkana la dhigo dhismhii lagu xusi jiray Nebigeenna, sheekh samaroonna loogu ducayn jiray. Dadbaa lagu dhaawacay oo dhakhtarada la geeyey ,dad kalena way ka dareereen xeradii dhismaha laga baabiiyey.
Murankani wuxu keenay inay cidina ku guuleysan weydo inay dhisto maqaamkaasi oo ad moodayso inay laba ciidan oo jihaad kala duwan ku kala jira ,waxana la waayey dawlad kala saarta iyo culimo runta u kala sheegta .Waxay doonaan hakala aaminsanaadaane waxay ahayd in sheekh Samaroon hadii dadkani yihiin kuwii kasoao tafiirmay la qurxiyo qabrigiisa iyo meelaha lagu xuso sida soomaalida kaleba u qiimayso gaal iyo islaanba awoowayaashii ay kasoo tafiirmeen boqolaal sanadood ka hor .
Waxa lala yaabayaa marka laleeyahaya Samaroon ha midoobo oo wax ha wada qabsado ,maxay midoobayaan tafiirtoodiibay ku mormayaane ,oo sheekhii cid kastaaba u ducayn jirtay labaatan sanadood ka hor ayaa maanta la leeyahay hasoo hadalqaadina ,markaa Samaroon marnaba guul gaadhi maayo inta ay dafirayaan xaqa waalidiintoodii iyo tafiirtoodiiba ku leedahay inay ciseeyaan , jago lagu mormayana ay ka dhigayaan maqaamkii lagu xusayey sheekh Samaroon oo maanta ciddii garab maraysaaba ka naxayso muuqaalka goobtaasi iyo waxay ahaan jirtay.