Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 8aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

$
0
0

Gaashaanle sare Muuse Rabiile Good iyo Jaamac Rabiile markii ay si wadda ah uga dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa ay maalintaas u ahayd ummadda reer Awdal meel kaste oo ay joogaan maalin madow, gaar ahaan intii markaas joogtey amma ku nooleyd magaalada Muqdisho maxaa yeellay? Maxamed Siyaad Barre waxa uu maalintaas dil toogasho ah ku xukumey marxuum Jibriil Aamin, marka aad dhaayaha ku dhufato magaca Jibriil Aamin waxa laga yaabbaa in qalbiga iyo dareenka qaarkiin isweydiinayo su’aasha ah tallow waa kuma Jibriil Aamin?

 

Marxuum Jibriil Aamin waxa uu ka mid ahaa haldoorka reer Awdal ee aqoontooda ku kobciyey kuna koriyey dalka Soomaaliya, muwaadin buu ahaa dhiigiisa waraabiyey qaranimada Soomaaliyeed kaas oo u halgamey in dalkiisu la jaan qaado dunidda horumartey amma dalalka isku filaanshaha gaadhey. Maxamed Siyaad Bare waxa uu Jibriil Aamin AUN berigaas ku eedeeyay in uu cuney amma musuqmaasuqay lacag badan sidaas darteed waxa dilkiisa uu u cuskadey xeer ciqaabeed uu ugu yeedhay “Xisaab xil ma leh”.

 

Haddii aad maqashey amma dhagtaada ay soo gaadhey waa dhab warinta tidhaahda Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada dalka Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon ayaa Maxamed Siyaad Barre ka codsadey in aanu fulin xukunka dilka dhigaya ee uu si deg deg ah u dul dhigey nafta Jibriil Aamin sababtuna waxa ay ahayd Xasan Guuleed iyo Jibriil Aamin oo ahaa qaraabo dhinaca ehelnimadda aad isugu dhaw balse badbaadada iyo dalabkaas labbada Madaxweyne dhex marey Maxamed Siyaad Barre wuu ku gacan saydhey sidaas darteedna waxa uu Jibriil Aamin ku fuliyey dilkaas uu u ugu magac darey “Xisaab xil ma leh”. Sida runta ah waxaa la sheegaa in arrinta dhacdey iyo ujeeddadu ka weynayd lacag la musuqmaasuqay waayo? Maxamed Siyaad Barre waxa uu berigaas Jibriil Aamin ka bildhaansadey biyo hoostood.

 

Ahmed Yuusuf Wayrax oo ka mid ah aqoonyahanka reer Awdal ee qurba jooga ah ayaa habeen habeenada ka mid sannadkii 2009 mar uu ka sheekeynayey dhacdada dilkii Jibriil Aamin anaga oo ku sugan magaalada London waxa aan weydiiyay qadarka ay dhaneyd lacagta uu Maxamed Siyaad Barre ku eedeeyay in uu musuqmaasuqay Jibriil Aamin waxaana uu yidhi “Horta Anigu berigaas dilku dhacey ee 1979-kii waxaan joogey oo aan wax ka baranayey dalka Maraykanka balse markii aan wadanka gudihiisa ku soo noqdey waxa dadkii xog ogaalka arrintan u ahaa ii sheegeen in lacagtaas qadarkeedu ahaa 380.000 oo shillinka Soomaaliga ah”.

 

Markana haan dib u milicsano maalintan iyo xasuusta Maamo Sahra Cismaan Suldaan oo aan wax ka weydiiyay dareenkii Jaamac Rabiile Good ee dhacdadaas Jibriil Aamin maadaama uu la kawsadey soo guryo noqoshadiisii “Hooyo marxuum Jaamac Rabiile Good dareenka iyo xanuunka dhacdadaas Jibriil Aamin waxa uu kala mid ahaa haldoorkii reer Awdal ee markaas joogey magaalada Muqdisho laakiin isagga waxa intaas u dheerayd in uu aad isku ciil kaambiyey oo uu naftiisa ku cannaantey maxaad ugu soo noqotey meel uu ka jiro nimaad iyo maamul Maxamed Siyaad Barre ka talinayo maadaama uu xalaal ka dhigtey in uu si dhib yar u daadiyo dhiiga muwaadinka Soomaaliyeed”.

 

Maamo Sahra Cismaan Suldaan oo u dhaxdey Jaamac Rabiile Good waxa ay intaas ku dartey “Markii Maxamed Siyaad Barre dil ku fuliyey Jibriil Aamin waxa labbo cisho kadib Jaamac Rabiile wakhti galab ah guriga ugu yimmid rag dhar cad ah oo siday waraaq yeedhmo ah oo ka socotay xafiiska daba galka oo maamul ahaan hoos tagi jirey laanta Sirdoonka dalka, ragii dhar cada ahaa markii ay waraaqdii u dhiibeen Jaamac Rabiile ee uu akhriyey wuu jar jarey kadibna ragii waraaqda sidey ayuu hortoodii ku daadiyey, gallabtaas rag badan oo Odayaal ah ayaa guriga la fadhiyey dabadeedna waxa ay ku yidhaahdeen Jaamac miyaad iska raacdid nimankan waxa la rabbo in lagu weydiiyaana soo hubsatid, wuxuu ugu jawaabay Aniga nin jaahil ah interview (Wareysi) iga qaadi maayo”. Kadib maalintii dambe ayuu Jaamac Rabiile dalka ka dhoofey waxa uu tagey magaalada Jabuuti”.

 

Maxamed Siyaad Barre markuu ka war hellay socdaalkaas waxa uu Jaamac Rabiile ka daba direy rag Sirdoon ah, ragii markii ay gaadheen Jabuuti waxa ay gudo galeen baadi goobka Jaamac Rabiile Good halka uu degan yahay amma ku nool yahay nasiib wannaaag raga la direy waxaa ku jirey nin dhalasho ahaan ka soo jeeday gobollada Waqooyi, ninkii baa wakhti fiid ah u tagey Jaamac Rabiile wuxuuna ku yidhi Maxamed Siyaad Barre ayaan ka soconaa waan badanahay amarka aan qabno waxa weeyi soo kaxeeya Jaamac Rabiile haddii uu idin diido si sir ah amma hoose u soo khaarajiya. Wargelintaas muhiimka ah markii uu Jaamac Rabiile hellay isla habeen badhkiiba wuxuu ka tallaabay xadka u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

 

Maalintii dambe ayuu illa soo hadley wuxuu yidhi waxaan joogaa magaalada Qaahira adiga iyo caruurtuba ka soo baxa magaalaga Muqdisho waxaad timaadaan magaalada Jabuuti, markiiba waan baxey caruurtiina waan kaxeystay dabadeed markii aan gaadhey Jabuuti ayuu haddana illa soo xidhiidhey wuxuu yidhi waxaan joogaa Itoobiya oo markii hore ee aan ku lahaa waxaan joogaa dalka Masar waxaan diidayey ciidamadda Sirdoonka ee dalka Soomaaliya in ay ogaadaan halka aan ku suganahay, kadib marxuumku waxa uu ii sheegay wixii dhacey oo dhan iyo waxa uu damacsan yahay in uu sammeynayo waxaanu iga codsadey in aan xadka ka soo tallaabo si aan isaga ugu tagno dalka Itoobiya ee uu ku sugan yahay, arrintaas waan ka diidey waayo? Anigu wadanka Itoobiya ku noolaanshihiisa aad baan u necbaa sidaas darteed waxaan ku idhi Aniga iyo caruurtuba waxaan ku noqoneynaa magaalada Muqdisho adigana good luck (Nasiib wannaagsa). Dabadeed dhawr maalmood kadib markii aan Xamar ku noqdey ee nabad iyo caano gurigaygii u joogo waxa wakhti duhur ah Idaacada Itoobiya ka maqalney!!

 

La soco qeybaha kale……….

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles