Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada guud ahaan gaar ahaanba.
Ka dib somalidaa tidhaad ” Aduunyada ninkii nool waxwalba wuu arkaa” waxaan aad ula yaabney aniga iyo saaxibadayba markii aanu maqalnay in wasiirka madaxtooyada oo yimid Dalkan britain, gaar ahaan westlondon uu qol madow ama gaar ah ku shiriyay xaafad gaar ah oo u badan gabdho iyo wiilal waxaana ka dhexmuuqday ninka heesaa ah oo qabiil ahaan meesha uga qayb galey ee la yidhaado ” faarax murtiile” iyo wasiir xirsi iyo dad kale ooy wasiirka isku heyb sheegtaan, markii aanu daba galnay ujeedada wasiirka ee ah in isagoo wasiir qarran ah uu xaafad ama dad heyb kaliya ah la shiro ayaa waxaa aanu ogaaney in shirkaasi ahaa qorshe ay wateen qabiilka uu xirsi sheegto oo ahaa in Dekada berbera inta ay reerkaasi maamulka hayaan laga sameeyo deegaano cusub oo ah dhul boob si hadhow loogu murmo iyo arimo kale oo ahaa maxaa laga yeelayaa hadii kursiga laga wareejiyo siilaanyo iyo iyagoo wasiir xirsi uu hormood ka yahey qorshe cusub oo reeraysan oo xitaa la rabo in lagu waxyeeleeyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee muuse biixi.
Arinta kale ee aad noogu adkaatay waxey aheyd markii madaxweynaha laftiisu qaaday talaabadii uu wasiir xirsi qaaday mid ka xun oo aheyd in uu shir u qabtay qabiil ama koox gaar ah oo uu ku casuumey magaalada la yidhaado ‘liverpool’ ee waqooyiga dalka Britain , waxaa aad looga niyad jabey hogaamiyahii ummadu dooortaye oo dadkii doortay kala xigtaystay, isagoo si foolxun oo eexasho ka muuqato uga soo dhexmuuqday dad heyb ahaan isaga loo tiriyo, waxaana meesha run noqotay Odhaah dadka somaliland in badan ka dhawaajiyeen oo ahaa siilaanyo waa qabiileyste ee dadka intii aan aqoon ama rumeysneyn maanta ha rumaysteen, waxanan ku soo xidhayaa Reer somalilandow Siilaanyo waa kaa ! quraanjoy ku quuso!
Qore: Tahir hussein/london/Uk.
waayo_aragman@yahoo.com