Afar sanoo dambe, oo ka khasaartay shacabka SSC!!! Iyo dhibtii iyo darxumadoodii oo sii fogaatay!!
Marka aan gees iska dhigno dig digta, dam damta, damaashaadka, xafladaha, iyo hadalada ma dhalayska ah, ee ay ku hadaaqayaan kooxdan aad moodo in Dacawada waalin ursatay, waa G11 iyo taageerayaashooda, ay afaysay jidbada iyo caadifada indha la’aanta ahi ee, bal eega riyada iyo khiyaalka laysku maaweelinaayo, kulahaa xafladii sanad guuradii labaad ee Khaatumo!!
Horta intaydaan xaflad iyo dabaal-deg iyo dam dam u samayn, meeday Khaatumo?!! Xagay joogtaa?!! Ma is waydiiyeen su’aashaas oo keli ah weli?!! Dabcan waa maya, waayo kuwa horboodaaya, oo ay sida indha la’aanta iyo laab-lakaca ah u taageeraan, baa ku maaweelinaaya been, ay u sheegaayaan, oo marin habaabinaaya, loomana sheegaayo xaalada dhabta ah, ee
Goboladeena ka jirta, haday ugu dhowaadaan, waxay ku odhanayaan xoogaa baa inagu soo kordhay, laakiin hada waa ka gudubnay, oo maantaynu ugu wanaagsanahay!! Ama waa kufnay, waa yara turun turoonay, laakiin hada waa ka kacnay, maanta ayay Khaatumo ugu wanaagsan tahay!! Cali Khaliif oo ay kontoneeyo taageerayaashaa jidbaysan ahi ku xeeran yihiin, oo ugu
Khudbadaynaaya Nairobi gudeheeda, wuxuu yidhi: waan yara kufnay, hase yeeshee in la kaco ayaa muhiim ah, waana kacnay, halaga soo qayb galo shirkaa Taleex ka dhici doonaa!! Sacabka iyo mashxarada ayaa lagu boobay!! Ma jiro hal qof oo Allaah waafajiyay, su’aasha ah, Calow sidee shirkaasu ku qabsoomayaa, inaga oo ka war hayna duruufaha ku gadaaman?!! Cali se si
Fiican buu u og yahay waxa jira!! Laakiin se taageerayaashiisa ayuu runta ka qarinayaa!! Cali xataa kuma kalsoona taageerayaashiisan hareera tuban, ee u jidbaysan hadalkiisa, sida indha la’aanta ahna ku taageeraaya!! Marka bal u fiirso cajalada, halkii ilbidhiqsi ama markuu kelmed yidhaahdoba, Cali wuxuu eegayaa afarta jiho, isaga oo baala daymoonaaya, oo wuxuu eegayaa
Falcelinta dadka uu la hadlaayo wejiyadooda!! Arintan oo aan hore Cali Khaliif caado ugu ahaan jirin, waxa samaya laba qof miduun, nin waxaanu lahayn sita, ama xoog haku soo qaato ama hasoo xado amaba xeelad kale ha ku keenee, iyo nin hadalka uu leeyahay, aan ka run sheegayn!! Waana taa dambe, tan cali ku kaliftay in uu baal daymoodo, oo hadba qof wejigiisa
Eego!! Waxan leenahay Caliyow Khaatumo ma kufin, ee way burburtay, waxaana burburiyay, oo ay ku waryeelatay laba Cali!! Allaah taa ha tuso kuwa idinku taageeraaya indhaha la’aanta!! (halkan ka daalaco khudbadii Cali Khaliif, ee Nairobi iyo baala dayamoodkiisa), bal eega kan Indhasheel, ee uun albaabka soo taagan, oo markii ay fursad yari is tustoba, Taleex isku soo
Maqiiqaaya!! C/Samad Cali Shire ayaa Garowe ku noqday, waa kan Indha Sheel isa soo maqiiqay!! Shirkii Taleex baa la abaabulayaa, durbaanka iyo mashxarada debed iyo gudaba!! Oo C/Samad ma Maraykan buu aaday, sow soo noqon maayo!! Kabtay meedaydii ka dambaysay, iyo mashaqadii dadka Taleex looga tegayna, waynuba ogayn! Hadana Axmed Karaash baa
Garowe aaday, oo isu sharaxay madaxwayne ku-xigeenka Puntland, hadana waa kan Indha Sheel isku soo maqiiqay Taleex!! Iyo shirkii Taleex baa la abaabulayaa!! Oo sow Axmed Karaash iyo C/Samadba soo noqon maayaan, hadhowna dhici mayso, in loo sii cararo hawd, dhibtana looga tegi maayo dadka deegaanka Taleex, abaal gudka keli ah, ee ay idinka helaana
Noqon maayo, waa walqashii Khaatumo iyo geeri qurux badan bay dhinteen!! Dadkan waa dad waalan, oo dee horaanba u sheegay, in ay waasheen ee, waynuna ku wareeraynaa, kuna maskax guuraynaa wax ka sheegooda ee, aan u soo noqdo mowduuca ee, qolyahan u yaacay ama u diga rogtay Puntland sida Axmed Karaash iyo C/Nuur Biindhe, waxay soo kordhiyeen afar sano oo
Dambe, oo ka khasaarowda shacabka SSC, kala qaybsanaantii, dhibtii iyo darxumadii goboladaasuna way sii fogaatay, Puntland maanta waa kudkii, oo kaba loo tolay!! Iyaga oo aynu horeba ugu ogayn hagardaaminta, qaderin la’aanta, iyo quudhsiga ay ku hayeen shacabka SSC, ayay hadana maanta u soo jebiyeen shacabkaas, rag aan xikmad iyo aragti fog u saaxiib ahayni,
Marka Puntlandna in ay galka seefta ka saaraan, oo sii boqol jibaaraan cadaadintii, qaderin la’aantii, hagardaamayntii, iyo quudhsigii aanay waxba iskaga tirinayn shacabka goboladaa, way u gaadhay, oo waa arin ay fursad fiican u heleen, Lax walibana shilalka ay is dhigto, ayuun baa lagu qalaa! Ragan iyaga oo madax ahaa, minjaha iska dhigay, mansabada loo magcaabay, waxay
Uun caqabad ku noqonaysaa shacabka SSC, fulow guuli kuu dhowaydaa, bal maad wax yar uun cagaha dhulka ku sii haysaan!! Hadaad is tusteen in aad maanta Puntland baahi wayn u qabteen, waxaa ka waynayd baahida ay Puntland u qabtay shacabka SSC!! Waa wax aad looga xumaado, in wixii ay Puntland qaaliga qaaliga iyo dahabka ku doonaysay, aad bilaash iyo shuruud la’aan
Ugu gaysaan!! Waxaad lumiseen fursad qaaliya, oo ay shacabka gobolada SSC xuquuqdooda kaga qaadan karayeen Puntland, oo hore xuquuqdooda loogu dhacay, wax walbana laga sed bursaday!! Sidaasna waxaad aayihii shacabkiina ku sii rideen god dheer, waxaad soo kordhiseen afar sano oo dambe, oo ka khasaarowda shacabkiina, waxaad sii fogayseen dhibtii, kala
Qaybsanaantii, iyo darxumadii shacabkiina awelba hore u haysatay, wixii xuquuq goboladaa ka maqnaa oo dhan, waxad ka soo qaadeen dhulka la haysto oo keli ah, isna weliba waxa hubaal ah, inaan Puntland waxba idinkala qabanayn! Labada sano oo hore, ee xukuumada C/Wali Gaas waxay ku dhamaanaysaa, inta laydinku maaweelinaayo abaabul iyo diyaar garow ciidamada ah!!
Labada sano ee dambena, maaweeladu waa, bal horta wadahadal baan ku deyaynaa, oo wadahadalo baa noo socda!! Dhiciskuna inta birta loo soo sido ayuu bakhtiyaa, wadahadalada suuqa madow, ee u dhexeeya dowlada Muqdisho iyo SNM, oo sidii laba dowladood oo siman loo wadahadal siinaayo, waa inagu dul socdaan, seeftuna raqabada ayay inaga saaran tahay,
Hadaan lagu baraarugin, shirqoolada inagu gaadaaman, qodobada ilaa hada wada hadaladaa ka soo baxay, dhamaan waxay muhiim u yihiin rabitaanka maamulka SNM, waxayna si fiican uga taageerayaan, aasaas iyo xuduna u noqonayaan rabitaankooda gooni-goosadka ah, bal waxaa qodobadan talaaba talaabo loogu xaqiijinayaa madax banaanida maamulkaas, C/Wali Gaas weli
Kama hadal qodobadii ugu dambayay, ee shirkaa Turkiga ka soo baxay, kaas oo lagu duudsiyay, dembiyadii dagaal iyo gabood faladii ay shacabka Soomaaliyeed ka galeen labadii jabhadood ee SNM iyo USC, taasuna waxay muujinaysaa ka raali ahaansho!! Hadii shacabka SSC ay doonayaan in ay guul gaadhaan oo xuquuqdooda ka soo dhacsadaan, cid kasta oo ay kaga
Maqantahay, maaha dariiqa saxa ah, ee loo marayaa kaa aad haysaan, mana aha shirar iyo maamul la samaysto, bal waa kii uu sheegay Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur, waa dagaal u baahan ciidan aan ka badnayn 1000 askari, oo si fiican u tababaran, oo naftood hurayaal ah, ayna wataan saraakiil si fiican dagaal gelinta u yaqaana, lagana wada qayb qaato debeda iyo
Gudahaba, ciidaankaas oo saadkooda, iyo wixii ay u baahan yihiin oo dhami, ay yihiin waxa gacanta cadawga ku jira, kuwaas ayaa arimaha mandaqada oo dhan dhinaca kale u rogi kara, cid walbana ku khasbaaya in ay kuu soo joogsato, oo lagu tix geliyo, hadaan taas la helayn halaga dhaafo shacabka dhibta iyo jaahwareerinta, inta hada haysta baa ugu filan ee.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam