Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Jaamac Rabiile Good Oo 1990-kii Kulan Ku Yeeshay Magaalada Diridhaba…..Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 11aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad
Fooraha qalinka iyo faahfaahintiisa ayaa ku fogaadey sooyaalka iyo taariikhda aan lagga wadda geyoon karin ee uu lahaa marxuum Jaamac Rabiile Good balse markan haan dib u milicsano ambo-qaadka taxanaha sheekada iyo tisqaadka qormaddii 7aad “Shirweynihii labbaad ee ururka SDA oo qabsoomey muddo saddex bilood kadib kuna beegan dabayaaqadda sannadkii 1989-kii oo lagu qabtey isla magaalada London waxa ay aqoonyannada reer Awdal ka wadda hadleen doorashada guddoomiyaha rasmiga ah ee ururku yeellanayo. Inkasta oo shirka ay qaadaceen xubno muhiim ahaa oo ku jirey golaha dhexe ee ururka SDA haddana fallanqeyn dheer iyo dood hufan oo aad u adag kadib waxa qalinka lagu duugey in hoggaamiyaha rasmiga ah ee ururka SDA yeellanaya uu noqdo Jaamac Rabiile Good oo dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre soo marey Wasiiradaha Qorshaynta Qaranka, Dalxiiska iyo Xannaanad Xoolaha. Doorashada hoggaamineed ee Jaamac Rabiile Good waxa ay ahayd mid ku timmid fekrad xeel dheer oo ku dhisan in uu ahaa shakhsiga ugu da’da weyn aqoonyahannada ku bahoobay ururka SDA isla markaana ugu caansan dhinaca magaca maadaama uu ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo wakhtigaas dal iyo dibadba laga yaqaanney. Xubnihii kale ee ka tirsanaa golaha dhexe ee SDA isla markaana kalfadhiga labbaad ee ururku yeeshay aan ka soo daahirin waxa ay gudaha magaalada London isugu yimmaadeen kulan deg deg ah waxaana ay hoggaamiye kale u doorteen Maxamed Faarax Cabdillaahi Xansharo. Sida muuqata waxa ay SDA oo aan wali raad qaadin u kala jabtey labbo garab oo mid walbe dhankiisa ku adkeysannayo in uu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee ururka himiladiisa ka midho dhalin kara mustaqbalka”.
Guddoomiyihii u horreeyay ee SDA Jaamac Rabiile Good waxa uu markii la doortey wareysi dheer oo dhinayo badan taabannaya siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC London oo berigaas ahayd isha kaliya ee dadka ku hadla luqadda Af-Soomaaliga ay ka helli jireen wararka amma dhacdooyinka la xidhiidha dunidda iyo dhulweynaha Soomaalida. Jaamac Rabiile Good wareysigaas waxa uu ku faahfaahiyey fekrada ka dambeysay aasaaska ururka SDA oo uu ku sheegay in ay tahay mid u taagan isbadal xalaal ah oo ka curta carrada Soomaaliya si loo hello dad iyo dal mideysan oo Soomaaliyeed.
Billowga sannadkii 1990-kii ayuu Jaamac Rabiile Good u baqooley dalka Itoobiya waxa uu halkaas kulan kula yeeshay dowladdii uu hoggaaminayey Mingiste Xayle Maryam waxaana uu ku wargeliyay qorshaha iyo qasdiga socdaalkiisa oo uu ku sababeeyay in uu rabbo aasaaska Jabhad hubeysan oo hoos tagta ururka SDA, nasiib xumo wakhtigan uu socdo Jaamac Rabiile waxa hindisaha u qorshaysnaa fulintiisa uu ku soo beegmay xilli dhaqaalaha dalka Itoobiya aad isku dhimay, Mingiste Xayle Maryam oo albaabada u laabey taakuladda uu siin jirey Jabhadihii ku kacsanaa Kacaankii Maxamed Siyaad Barre iyo waliba xooggagii ka soo horjeeday Mingiste hoggaamintiisa oo kaabiga markaas ku tayey in ay kursiga iyo tallada dalka ka tuuraan Mingise Xayle Maryam kuwaas oo uu horkacayey Raysal Wasaarihii hore ee wadanka Itoobiya Males Sanaawi.
Jaamac Rabiile Good waxa uu markii dambe u gudbey magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo berigaas ka tirsannaa Saraakiishii ururka SNM, labbadan mudane oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal waxa ay yeesheen kulan taariikhi ah oo la xidhiidhay xog waran iyo rayi ururin, sababta oo ah Jaamac Rabiile Good waxa uu Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax hor dhigey hadafka uu u yimmid dalka Itoobiya oo natiijadda saldhigiisu ahaa arrintii uu kala kulmey Mingiste Xayle Maryam.
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo marka laga hadlayo geesiyaasha reer Awdal isaggu madi amma kali ku ahaa ururka SNM isla markaana gudaha Jabhada looga yaqaanney naaneysta tidhaahda “Geesi Tolwaayey” waxa uu Jaamac Rabiile Good ka dhaadhiciyey kuna qanciyey in uu soo labbeeyo si uu u hello wehel ku dhisan taakulo iyo tolnimo buuxda, arrintaas oo Jaamac Rabiile soo dhaweeyay mar ahaantaana aqbaley waxa ay dadweynihii reer Awdal markaas u sawirtay hummaag ah in ay midoobeen labbada urur ee SDA iyo SNM balse hadafka iyo hawlgelka ay wadeen labbadan masuul ee markaas isku mabda’a noqdey sidaas ma ahayn waxaana xaqiiqda taariikheysan ee sooyaalka aan hayo ku dhigan tilmaameysaa in xaajadu xoog midooba iyo marinka hoos iskula xanshaashaqa ka fogeyd.
Sannadkii 1991-kii waxa uu Jaamac Rabiile ka mid noqdey ergadii reer Awdal ee ka qeyb gashey shirweynihii ka dhacey magaalada Burco ee gobolka Togdheer kaas oo lagu go’aamiyey amma lagaga dhawaaqey gooni isku taaga Somaliland. Xukuumaddii u horreysay ee halkaas lagu soo dhiso ee uu Cabdiraxmaan Tuur ka ahaa Madaxweynaha waxa Jaamac Rabiile Good laga dhigey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland halka uu Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ka noqdey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland.
Jaamac Rabiile Good iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo aragtidoodu wadda jirto isla markana waranka duulaankoodu dhinac u wadda joodo ayaa berigaas ka hor yimmid maamulkii Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dambeyntiina waxa ay taasi keentay in ay mar kaliya iska wadda casilaan masuuliyadii wasiirnimo ee mid walbe gaarkiisa u hayey. Maalmo kooban kadibna waxaa labbadii boos ee ay ka baxeen buuxiyey labbo masuul oo raggan is casilay isku hayb ahaayeen balse hammuumta iyo haraadka hayey ahaa mar uun wasiiro noqda.
Marxuum Jaamac Rabiile Good dib ayuu ugu soo noqdey London sidaas darteed kulanka aan sannadka 2014 la yeeshay Oodirii uu ka tagey waxa aan weydiiyey in uu u sheegay sababta uu 1991-kii isku casilay iyo in kale waxaana ay ku jawaabtey “Markii uu ka qayb galey shirkii Burco ee Wasiirka Qorsheynta Somaliland laga dhigey waxaan is lahaa maanta ayuu gurannayaa midhaha geedkii uu beeray balse markii uu dib ugu soo noqdey magaalada London isagga oo iska soo calisay xilkii loo dhiibey waxaan ku idhi Jaamacow waxaad u dibjirtay ee bustaha bannaanka aad muddo dheer u dhigatey ma maanta ayaad dheeftiisii ka soo dhaqaaqdey dabadeed waxa uu iigu jawaabay tolkay baan u dhimannayey oo dhiigeyga aan u shubey oo waliba dhididikeygii shaqo uga dhaqaaqey iyagguna wali dhaw dhawdu uma dhacsana. Dhawaaqa odhaahdan iyo dhaxalka ay ku suntan tahay bal adba? Jaamac Rabiile Good Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiye waxa uu xijaabtey sannadkii 1996-kii waxaana si xushmad iyo sharaf mudan loogu aasay gudaha magaalada London ee dalka Britain.
La soco qeybaha kale………..
Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.
Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com