Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Prof. Samater Imtixaan Ayuu Qaadayaa Ee Yaan La Sugin Inuu Hawlyaraan U Yidhaado Wey Dhaqaaqdey!!

$
0
0

Salaan dhamaan dadka reer Somaliyeed gaar ahaan reer Somaliland..

Waxaa sida lala socdo dhawaan yimid geyiga Somaliland, Prof Ismail Samater oo ka mida dadka aadka u tirade yar ee aqoonta, indheergaradnimada, wadaniyada, runta, imaanka, ku dhaca iyo insaaniyada leh ee kuba jira dhamaan marka la isku daro dadka AF-Somaliga ku hadla..

 

Ma aha wax aad u dhib badan ama culus in aqoonta diiniga ah iyo mida maadiga ahba la barto lagana gaadho ilaa heer fog, lakiin waxaa xadidan oo weliba qofka Somaliga ah ku adag in qofkaasi aqoontiisa ku kaga midha dhaliyo hurumar iyo cadaalada uu umadiisa horseed ugu noqdo… Waana ta keentey in inta badan dadka Af-Somaliga ku hadla ay noqdaan dadka aduunka ugu liita, uguna hooseeya, meel kastaba ha joogeene.

Ka soo qaad inaad tidhaahdo hebel waa Prof. PHD holder ah lakiin suaashu waxey tahey muxuu umadiisa ugu qabtey waxa uu ugu qabtey si guracan ayuu kaga daneystey isagoo adeegsadey qaacida ah Qabiilkee baynu nahey.

 

Aan u soo noqono Prof-Samater oo Somaliland jooga, suaashu waxey tahey muxuu ka soo dooney?.. Dadka maangabka ah ee aan laheyn aragtida fog iyo ujeedada Wadaniyadeed midnaba waxey imaantka Prof –Samater ka dhex baadhayan inuu ku luqeeyo keliya heesta Somaliland –Dalkeyga— Somaliland—Dadkeyga.. iyo wey dhaqaaqdey!!!!!

 

Maya-Maya… Baa lagaa yidhi Prof-Samater waa qof aqoon leh, wadiniyad leh. Ugu horeyn hadafkiisu wuxuu ahaa bal in doono wixii la odhan jirey Somaliweyn oo ku bineysan ama halbeegeedu yahey cadaalad iyo hurumar. Prof Samater oo tagey magaalada Mogadisho soona arkey arimo aanu fileynini waxa uu xisaabtiisi hore ee aheyd 2×2 = 4 ku soo bedalay 2+2= 4. Oo macnaheedu yahey in fogtahey ama ceel dheer ay ku jirto wixii la odhan jirey Somaliweyn waqtigan xaadirka ah.. Sidaa darteed waxa uu hada ku raad jooga in la helo Somaliland lafteeda oo Cadaalad iyo Hurumar.

 

Gebagabadii Prof Samater waa nin imika u socdo horta intaan meel fog la gaadhin inuu gurigiisa u sharaxo sida lagu gaadhi karo Hurumar iyo Cadaalad… Waxaana durba hadaladiisa duurxulka ah ka soo bidhaamaya inuu taabanayo boogo, iyo nabaro buka oo u baahan in la daweeyo. Marka boogaha la daweeyo, ee buktooyinkaasi caamifaadaan ayaa marka la qaadi doona Somaliland dalkeyga, Somaliland dadkeyga iyo wey dhaqaaqdey, lakiin inta Qabiilku Atooraha yahey Qabyaaladuna Atreshada tahey, hurumarkana lagu sheegayo daaro la dhistey, inta wasiiradu qabiilkooda u jawaabayan, madaxduna  Yurub u soo dalxiis tagayaan, Prof Samater iyo inta la fikirka ah ee aan ku jira ma qaadeyno heesta way dhaqaaqday

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles