Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 13aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

$
0
0

Halgamayaashii ururka SDA waxa kale oo xidhiidh wannaagsan wakhtigaas la yeesheen Wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, sababaha ay mudnaanta koowaad u siiyeen hawlaha noocan ah waxa lagu sheegay in mabda’a ay aaminsanaayeen uu ahaa mid guushiisa lagu gaadhi karo dagaalka ay halgankiisa hagayaan qalin iyo aqoon ay markaas u arkayeen in ay tahay xalka kaliya ee lagu sammeyn karo isbadal hufan oo hoggaankiisu toosan yahay isla mar ahaantaana lagu gaadhi karo guusha baadi goobka loogu jiro ee kama dambeysta ah, dardar gelintii hawlaha ururka SDA ugu horreyn ku tallaabsadey waxa ay keentay in dhawr iyo tobban xafiis ka furtaan dalal door ah oo ay ka mid yihiin.

1. Maraykan
2. Ingiriiska
3. Canada
4. Jarmalka
5. Faransiiska
6. Switzerland
7. Talyaaniga
8. Belgaum
9. Kenya
19. Ethiopia
11. Djabuuti.
12. Sacuudi Carabiya iyo
13. Imaaraadka Carabta.

Sida aan ku hellay xog shardiga xaqiiqdeeda aan ku raad joogsadey waxa bishii November sannadkii 1989-kii madaxda ururkii SDA ay qorsheeyeen qorista waraaq dheer oo qeexaysa amma ka tarjumeysa ujeeddooyinkii loo aasaasey ururka iyo himilooyinka uu hiigsannayey ee bar tilmaameedka u ahaa mabaadiida ururka SDA ee doonista rabitaankooda iyo waliba isbadal dhab ah oo ka hanaqaada gudaha dalka Soomaaliya, hoggaankii sare ee ururka SDA oo uu horkacayo guddoomiye Xansharo waxa ay waraaqdaas u direen xafiiskii ay ku lahaayeen dalka Sacuudi Carabiya dabadeedna waraaqdii waxa qaadey saddex ka tirsan dhallinyaradii taageerayasha u ahaa ururka SDA kuwaas oo daacadnimada ay ku hawl galayeen ahayd mid diyaar u ah qaabilaada geeri amma nolol sidaas darteed waxa ay dhallinyaradii waraaqdaas si qarsoodi ah ulla tageen magaalada Muqdisho kadibna waxa ay ku dhajiyeen meelo badan oo muhiim ahaa oo ay mid ahayd xaruntii Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Soomaaliya. Taas oo ka yaabisay ciidamadii nabad sugida dowladii Soomaaliya mar ahaantaana sababtey in wax laga weydiiyo Siyaasiyiintii iyo Saraakiishii reer Awdal ee ka tirsannaa Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Maadaama uu berigaas aad u yaraa horumarka iyo xidhiidhka dhinaca isgaadhsiinta ee dalka Soomaaliya waxa waraaqdan dhallinyadu wadeen looga gol lahaa in ay dhabada u xaadho kicinta iyo baraarujinta dadka reer Awdal ee markaas ku noolaa magaalada Muqdisho.

Markii ay dhacdey amma burburtay dowladii Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991-kii waxa shirkii u horreeyay ee dib u heshiisiinta Soomaalida lagu qabtey dalka Jamhuuriyada Jabuuti sidaas darteed aqoonyahanadii ururka SDA waxa ay ka mid noqdeen Siyaasiyiintii loogu baaqey in ay shirkaas ka soo qaybgalaan iyadda oo la door bidayey dhinaca kaadariinta aqoonta Soomaaliyeed, dalabkaas oo aqoonyahanadii SDA soo dhaweeyeen waxa uu dhaley in xaruntii shirka dib u heshiinta lagu qabtey oo ahayd Sheraton Hotel oo ku yaalla magaalada Jabuuti ay si deg deg ah u gaadhaan wafti uu horkacayey Maxamed Faarax Cabdillaahi Xansharo oo ay ka mid ahaayeen Idiris Xasan Diiriye, Eng Maxamed Barkhad iyo Prof. Abiib Xasan AUN oo berigaas bare sare ka ahaa Jaamacad ku taalla wadanka Talyaaniga. Dadka ugu caansannaa ee shirka ka qeyb galay waxa ku jirey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo u hanweynaa in lagala tashado hannaanka dib u heshiisiinta shirka isla markaana aragtidiisu aad u aaminsaneyd in uu yahay Siyaasiga kaliya ee markaas matali karayey dadka reer Waqooyiga ah balse markii cidi ka hoos qaadi waydey hiigsiga himiladiisa ay keentay in uu wareysi xasaasi ah siiyo laanta Af-Soomaaliga ee BBC-dda kadibna midhihii ka soo baxey shirka dib u heshiinta Soomaalida ee magaalada Jabuuti lagu qabtey uu ku tilmaamey in uu yahay mid wiilal yar yar oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxba kala socon korka ka maamulayeen. (Cali Mahdi iyo Cumar Carte).

Kooxda hor boodeysay hawlaha shirkan dib u heshiisiinta ee 1991-kii waxa ay qaadeen dhabaha olole xoogan oo lidi ku ah Jabhadihii hubeysnaa (SNM iyo USC) kaas oo xaaraan ka dhigayey in ay ururadaasi qeyb ka noqdaan qorshaha loogu tallo galey taabo gelinta shirka iyo tallada guud ee kama dambeysta ah. Cumar Carte Qaalib oo ka mid ahaa kooxdan waxa uu qaadey dagaal diblamaasiyadeed oo salka ku hayey in isaga oo addeegsannaya magaca ururkii SNM uu Beeshiisa u qoondeeyo qaadashadda inta ugu badan kuraastii Baarlamaanka ee loogu tallo galey Beelaha wadda dega Waqooyiga dalka Soomaaliya maadaama markaas la isku diyaarinnayey in la sammeeyo dastuur cusub.

Aqoonyahanadii SDA ee shirka ka qeyb qaatey arrintan way ka dhiidhiyeen waxaana ay qaadeen duulaan aan loo kala hadhin oo hiigsanayey helitaanka waxa ay Beeshoodu (Gadabuursi) xaq iyo xuquuq u leedahay, ragga maalintan sida weyn u muujiyey cadhada ee madashii shirka gilgiley ee waliba dagaal gacan ka hadal ahna dhaliyey waxa ka mid ahaa Idiris Xasan Diiriye haddaba mar aan sannadkii 2013 bariga magaalada London kula kulmey Idiris Xasan Diiriye isla markaana wax ka weydiiyay maalintan waxa uu yidhi “Ina Carte iyo beeshiisu waxa ay maaganaayeen in ay wadda qaataan inta ugu badan kuraasta reer Waqooyiga taas waan ka dagaalanney miiska ayaan garaacney waxaanan cadeynay haddii sida sinnaanta Beelaha reer Waqooyi dhigeyso wax loo qeybsan waayo in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxba ka soconeyn”.

Shirka waxaa joogey wafti kale oo reer Awdal oo ka yimmid magaalada Muqdisho kuwaas oo uu hoggaaminayey Xuseen Ceeleebe Faahiye oo dowladdii Soomaaliya mar noqdey Wasiirka Qoysheynta Qaranka, waftigan waxa socdaalkooda wehelinayey xog iyo caddeymo qeexaya tirikoobtii (Statistic) kala duwanneyd ee lagu sammeeyay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Waqooyi oo tiro ahaan dad, duunyo, deegaan iyo dallagba la tirikoobay saddex jeer oo kala ah, mar uu tirikoobay gumeystihii Ingiriis, marna Qaramada Midoobay halka markii ugu dambeyntiina ay tirikoobtay dowladii Maxamed Siyaad Barre sidaas darteed markii tixraac lagu sammeeyay tirkoobtaas mar ahaantaana la raacey jaantuska qeexaya sida ay u kala badan yihiin Beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya waxa qeybsigii saamiga ee kuraasta shirkii 1991-kii Beelaha wadda degan Waqooyiga Soomaaliya uu noqdey.

1. Beesha Isaaq oo xaq u heshay 18 kursi.

2. Beesha Gadabuursi oo xaq u heshay 12 kursi.

3. Beesha Dhulbahante oo xaq u heshay 7 kursi.

4. Beesha Ciise oo xaq u heshay 4 kursi.

5. Beesha Warsangeli oo xaq u heshay 3 kursi.

Haddaba marka la isku daro tiradda kuraasta labbada Beelood ee Gadabuursi iyo Ciise waxa ay ku dhawaanayaan tiradda kuraasta Beesha Isaaq ay ka heshay shirkii 1991-kii ee lagu qabtey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada dalka Jabuuti. Dhinaca kale marka aan immika barbar dhigo saamiga berigaas kan maanta ay Beesha Gadabuursi ku leedahay (Maamulka Somaliland amma Dowladda Soomaaliya) waa mid xaaraan ku fadhiya oo fooramka golaha soo dhigi karin mooshin kooramkiisu buuxo isla markaana ah mid ku dhisan cadaalad daro weyn oo sugaysa in sinnaanta xuquuqdiisa u kacaan raggii soo ridi lahaa saamiga maqan amma ka dagaalami lahaa codkan aan caafimaadka qabin, dad badan oo reer Awdal ah ayaa qabba in sabankan aan ku jirno la helli karo rag u dhigma halgamayaashii ururka SDA oo soo ridi kara saamiga maqan ee maanta ummaddoodu tabeyso balse malaha hagrashaa jirta.

La soco qeybaha kale………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey
Xasuus baa tidhi bal I dhugo
Dhadhami waayihii dorraad
Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

idiris

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles