Goormaa Inqliaabku ka dhacey S/land?
Ummaddu waxey codkooda siiyeen madex-weyne Siilaanyo in uu hogaamiyo muddo shansano ah oo ka bilaabaneysey Bishii June 2010.
Muddadaa siilaanyo madaxa ahaa waxa kugadaamnaa shaki isa soo tarayey oo sheegayeyin dalka aanu maddax weynihii loo igmadey katalin, balse talo kale oo an dalka iyo dadkabanasteex u aheyni ka taliso. Haseyeeshee,waxbalagama soo qaadin; sababtana waxan isleeyahey,Madexweyne Siilaanyo oo waayo aragnimosyaasadeed qoto dheer loo tiriyo, ayaa taladadalka mudada dheer mucaaradka u soo ahaa, sifudud ugu ogolaan in cid kale ugu takri fasho;waa arrinka qof kasta oo caqli qaba ka degi la’ilaa maanta!
Wax badan ayaa gudoomiyaha xisbiga UCIDmudane Faysal Cali Waraabe si toos ah iyo sidadban u iftiimiyey halka ay wax ka qaldanyihiin iyo in talada dalku odeyga gacanta ugujirin; haseyeeshee,weerar celiska madaxtooyadakaga imanayey iyo dacaayad sumcad dilid ah ooay afuufaan macaan jecesha sida sharciga baalmarsan loogu biiliyo hantida ummadda si ay ubeeniyaan runta u sheego Faysal.
Dib u milicso xaqiiqooyinkii ina soo marey eesida cad u iftiiminaya in siilaanyo aanu dalkaxukumin kuwii ugu dambeeyey kaliya:
1.Qudbadii wax qabadka dawlada guudahaan, ee aheyd in madaxweynuhu akhriyo,waxa baarlamaanka ka hor akhriyey iyada oowaliba aanu dalka ka maqneyn.
2.Xadhigii Guddoomiye ku xigeenkii horegobolka Togdheer habeen badhkii gurigiisaciidamada RRU ugu daateen iyada oo madaxdii
Mar ay odey dhaqameedyo iyo wax garadkale ay ugu tegeen Mudane Siilaanyo xadhigaGuddomiyaha uu si aan gabasho laheyn ugusheegey, in aanu ka war qabin waxa uu u xidhanyahey,balse u xidhan yahey Xirsi oo asagu kumaqnaa Turki oo ay tahey in isaga sugtaan. Waajawaabtii, Madex-weynihii aan codka siiney.
Ma aan garan goorta dalka inqilaab kiiSiyaad Barreka darani dalka ka dhacey! Eexukunkii la maroorsadey.
3.Qubadii faanka, bahdilaada baarlamaankaee u ku raganimadiisa iyo xeeladihiisa 40arrimood oo horgeeyey mid qudho la horjoogsan, maantana arrinka xeer hoosaadka Ciromarsadey meel gaadhi doonin.
Madashaa oo mudane Siilaanyo ku sugnaa,waxna aanu ka odhan.
Haddii, aan dalka inqilaab ka dhicin oosharcigu shaqeynayo madax-weyne Siilaanyo xil ka xayuubin ha lagu sameeyo.
Sida sharcigu sheegayo, madax-weynuhuwuxu xilka ku waayi karaa; (a) HaddiiKhiyaamo qaran galo(b)Haddii awood iyocaafimaad ahaan gudan kari waayo xilkahogaamineed ee loo doortey.
Baarlamanka loo adeegsanayo baabiintaGolahooga,ha qabsadaan shaqadooda oo dalka ha ka badbaadiyaan inqilaabka.
Madexweyne-ku xigeenka. Mudane Saylici, waxanleeyahay, dalka sharciyan maanta adigaa kamadax-weyne ah, ee Xirsi inuu siduu rabo uguciyaaro ha agolaan. Raga nimo meel adag bey kujirtaa!.
Wa bilaahi Tawfiiq.
Abdi Geireh . ageereh@yahoo.com