Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Silaanyo Mee Marka Marwadiisu Shirka Guriga Zeilici Ka Dhacay Dhex Fadhido

$
0
0

Guriga Zeilici oo 40 xildhibaan iyo wasiiro ba lihi ay ku shireeen ayaa waxa ka dhex muuqatey marwo Amina Weris iyo wasiirka madax tooyada Xirsi. Waxa is weydiin mudan, mee Madaxweynihi iyo maxay qof dumari ka dhex qabaneysaa ragga shiraya.

Jawaabtu waxa weeye Silaanyo awood daro daraadeed kama qeyb geli karo shirka dhacaya hase yeeshee isaga ayey ka ogolaansho ka heystaan in ay ku socdaan qaska loo maleegayo golaha wakiilada siiba gudoomiyaha. Madaarka markii lagu wareystey na Ahmed Silaanyo wuxuu dafirey in aannu war iyo wacaal ka heyn fara gelinta xukuumado ku heyso golaha wakiilada.
Jawaabta labaad waxa weeye, Amina Weris dhaqankii islaamka iyo kii Somalida ba wey ka talaabsatey oo waata dhex fadhida xisbiga Kulmiye dad ka tirsan oo shiraaya. Waxa cadaan ah oo marag ma doon ah in aan Silaanyo dalka ka talin ee Amina Weris iyo Xirsi ka taliyaan. Lacag $860,000 ka badan ayaa guriga zeilici loogu qeybiyey rag wakiilada ka mid ah oo laga doonayo berito in ay Gudoomiyaha golaha wakiilada ka vooteeyaan.

Waxa waxan ay xukuumado u sameyneysaa waxa weeye si ay mudo korodhsi xukunka uugu helaan inta ay gudoomye iyaga ka soo jeeda golaha dhigtaan.
Waxaa saanay ogeyn in ay mustaxiil tahay in maalin looga daraa oo hadey isku dayaan ay dalka fidno aan hore u damini ay ka aburmi doonto.

Hadaba ha la ogaado in aan Silaanyo tamari ku hadhin oo Marwadu shirarka uuga qeyb gasho wasiirka madaxtooyaduna uu yahay nin ka loo adeegsado hawlan fawaaxishka ah oo dhan.
Silaanyo iyo Amina Weris iyo Xirsi waxaan leeyey bal umadii ka xishoon weyde oo weydinkaa Hargiesa oo lagu bio la’yey lacagtii dalka laaluush u bixinaya e bal aynnu eegno halkaa ku danbeysaan ileyn ilaah caadil ah ayaa jira hadaa idinku ilowdeen e. Alahayow yaa idin yidhaa kibirka joojiya horaa loogu kufey e.

Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles