Marka Hore waxay Mahadi u Sugnaatay Allah (SWT) Marka xigta waxa Mahada Labaad leh Saxaafada inta Madaxa banaan ee ku Hadla ama ku Qoran Luqada Af-Somaliga isla Markaana ka fog Gacan Togaalayska iyo Nin jeclaysi iyo waliba Dhamaan Umada ku Hadasha Af-Somaliga Dalka ay Doonaan ha ka mid Ahaadaane Calanka ay Rabaana ha Huwaanaadaane Dhamaantood waxan ku Salamayaa Salaanta Islaamka ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA TULLAAHI TACAALAA WABARAKAATU .
***Aniga oo jecel Inaan Ubucda Qoraalkan ka Sanqandhiyo Hadana waxa uu Maankaygu igu Amrayaa inaan ka Horaysiiyo waxoogaa Hordhac ah ama Taataabasho Tiraab hadaleed ah waxa Haboon Qofka Banii, Aadamka ahi inuu Garto marka Ugu Horaysa Cida uu yahay sida uu u Noolyahay waxa uu Allah (SWT) Adduunkan ugu Abuuray isla mar Ahaantaana Maalinta la Qatanyahahay ee la Qaawanyahay Anfaci doona iyada oo ay sidaa tahay Hadana waxa Mudnaanta Kowaad iyo ta Labaad leh inuu Qofku Garto Bulshada uu ku Dhax Noolyahay waxa uu ka Dhax yahay iyo Qiimaha uu ku Leehay Waayo Dadku iyaga oo isku Madal iyo Makaan ku wada Nool ayay Hadana kala Leeyihiin Martabado kala Duwana ha ku kala Horeeyeen Maal,Maan,Magac iyo Masuulnimo Intaba Qofka waa inuu Gartaa Markaa Madasha uu Taaganyahay waxa ay tahay Haddii uuna Garanayn waxa aan Anigu Shaqsiyan ku Masali karaa Nin Shaatiga uu Xidhanyahay aan Garanayn Midabka uu u Egyahay inuu Cadaan yahay iyo inuu Madawyahay ama Midab kaleba.
*** Haddii aan u Gundo Dago Gundhiga Garashadayda ama waxa aan Maanta Qalinka u Geenyaystay waxa weeyi waxa aan Maalin aan Tilmaanteedu sii Fogayn Warbaahinta Madaxa Banaan Vidio Clip aan Daawaday ka arkay wax Aniga Shaqsiyan i Raali Galin waayay Dabcan waana wax Damiiriyan ama Qof Damiirka Dadnimo ama Qofnimo Damqi kara waxba yanan Gaaf wareegina wax aan Aad ula Yaabo ayay ahayd Markii aan arkay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee S/land Mudane:Maxamud Garaad oo Warbixin siinaya Dad Asal ahaan kasoo Jeeda Wadanka Peru oo malahayga isu Abaabulay Haayadda ka Baadha Xasuuqyada Wadamada ka Dhaca iyagoo Lafahooga soo Dhigaya Banaanka Dabadeedna si Buuxda u Baadhaya waxa is waydiin Mudan oo ah in Jawaabo loo helo ay tahay waliba Akhristayaasha Sharaft leh u Dhaafayaa Dhawr Su,aalood.
A. Waa Kuma Garaad?
B.Ma Nin Reer Hargaysa ah baa oo Beesha Dhexe kasoo Jeedaa mise waa Nin Reer Awdal ah oo ka Dhashay Beelaha Galbeedka?
C.Ninka Nooca u hadlayaa ma Matali karaa Umad Masayrkeed mise ma Matali Karo ?
D.Mudnaanta Koowaad ee u Siiyay inuu ka Hadlo Xasuuqii loo Gaystay Dadkaa Aarmay ka Haboonaateen inuu ka Hadlo kii Dhacay 4 Febraayo?
E.Maxaase kusoo Beegay iyada oo Xuskii Febraayo 4 teedi laga joogo Laba Weeks waxaan Dhamayn inuu ka Hadlo wax aan Isaga waxba ka Saarnayn Saw lama Odhan Karo waa ku Dil ama waa u Jeedo ?
F. Muxuuse ka yidhi Isagu 4 Febraayo 1 Minute oo Aamusnaan ah ma ku Xusay Maalintaa Madaw ee Dadkisa soo Martay Taariikhduna ayna Ilaawi Doonin?
G.Diintuse maxay ka Qabtaa Qof Mayd ah oo Hadana Xabaashii Allah (SWT) ku Astura yidhi Dib looga soo Faago?
***Akhristayaasha Sharafta leh ayaan u Dhaafayaa Su,aalaha inay Jawaab Buuxda u Helaan waan Ognahay waanan Qirsanahay in Wasiir Garaad Dadka aw ka Dhashay uu ka Galay Qalad Taariikhdu Xusi Doonto waana wax aan laga Hadhi Doonin Nin walba Marka uu Cimri Gaadho inuu Dadka kasoo Jeeda Gobolada Galbeedka inuu uga tago wax Dhaxal xumo u ah waana Sababta aan uga Dhigay Maqaalkenan Ciwaan (CAKUYE INKASTOO UU CIMRI GAADHO MA CAQLIYAYSTO CAADUL QAATTE) waa wax Dadkani ay iska Caadaysten waxan nu Ogayn Axmed Ismacil Samatar oo Hadalkii uu ku Dhawaaqay Ahayd Isaaq Samaroon wuu ka Badanyahay Dadbaa is Odhanaya Maya Hadalku Sidaa ma, ahayne wuxuu yidhi Isaaq S/land iyaga ayaa u Badan way ahayd laakiin Hadalkaasi Micnihiisa Dhabta ah waxa uu ahaa Samaroon Isaaq ayaa ka Badan waan ka xumanay (Aniga oo Aabahay la yaaban ayuu Aabahayna Aabihii Keenay), Aniga oo Axmed la yaabanaa ayuu Garaadna Sidaa wax u Dhigay waa Nasiib Daro ayaan Qabaa laakiin Aniga oo ayna iga Ahayn Samatar nacayb ama Garaad nacayb Haddii aan Maanta keena Farta, Qaloociya Sheegi Wayno Inaga ayay waxani ina Danbarsan Doonaan. waxan ku Dhiiranayaa ama aan is yara Dul Taagayaa Magaca Garaad ee Ninka Hadalka aan laga Fiirsan ku hadaaqay Huwanyahay Garaad waxa Micnihiisu yahay Qofka Caqliga u Saaxiibka ah Markaa Aniga oo ay cayna iga Ahayn maanta Magacaa waxan ugu Badalay (GARAADLAAWE) Inkastoon Qirayo inuuna Ahayn Magacisa Dhabta ah oo uu Hiddo wato Hadana Qofka Maanta Adduunka Jooga ee Magacan Huwani waa isaga wuu Istaahilaa wuuna u Qalmaa in Maanta Magacaa loogu Yeedho Waayo isaga ayaa Samaystay Isaga ayaana isku Bixiyay .
Guntii &Gabogabadii
*** Waxa aan Dadka kasoo jeeda Galbeed kula Talin lahaa ama aan ku Dardaari lahaa inay Sameeyaan Xasuus Qor aad u Balaadhan oo kuwaa Magacooda ku Fijo tagay inay Ogaadaan si Hadhaw loola Xisaabtamo waayo Adduunyadu Sidan ma Ahaanayso wax Walbaba waxay Noqon Doonaan( Irjic ILaa Aslihii) wax Walba Asalkiisa ayu u Noqon Doonaa markaa waxa la Qoro ayaa Taariikh Suuban Noqda waakii Fanaankeenii Qaaliga ahaa lahaa Cabdi Deeqsi Warfaa (Cabdi Sinimoo) .(Wixii la Qoraa Qaruumo Hadhee Muxuu Hadal Qiimo Leeyahay). Markaa waxa inoo Haboon waa inaga Dadka ay Taariikhdu ka Qaldami Doontaa Haddii aynaan Hadda Xifdiyin Markaa inaga oo isku Duuban Nin walba waxa uu Ina Gashaday aan ku Qorno Meel ku Munaasiba .
Guul &Gobanimo
Mohamed Mahamoud Shirdon.
Awdal04@hotmail.com.
Switzerland.
Nooli Kulantee.
Wabillaahi Tawfiiq.