Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Beel waynta Samaroon Waxan Ka Tacsiyaynayaa Hadaladii Garaad

$
0
0

>Waxaan ka tacsiyadaynayaa Beelwaynta SAMAROON, hadalada deelqaafka ah ee uu ku Hadlay,saxafadana isla soo hortaagay nin aan ku matali karno inuu yahay Calooshii u shaqayste “Garaad”.isaga oo sheegay in beesha isaaq la xasuuqay  islamarkaana qariyay xasuuqii beesha samaroon loo gaystay ee waliba ay u gaysteen kuwa uu dabo dhilifka u yahay , Waxa aan la xaqiri Karin:

1-      Xasuuqii ka dhacay dagmada DILA, degmada Boorama, iyo dagaanadii Xeebta dhamaantood
2-      Xasuuqii Seemaal,iyo kii  Xuunshalay  inta  u dhexaysa Gabilay iyo DILA.
Waxaan fahmi waayay in manta uu Garaad yidhaahdo xasuuq kuma dhicin degaanadi aan kasoo jeeday, lana ogyahay in ay maalintaa ay  dhinteen dad kor u dhaafay  1000 qof oo aan ka xusi karo, lana ogyahay, Garaad laftarkiisuna garanayo in Aabahay Mujaahid Muuse Bille Camir uu ka mid ahaa dadkii ku shahiidey ee gacanta ka gardarani ku  dishay magaalada DILA.
ninkan calooshiisa u shaqaystaha  ee difaacayay mujrimiintii, gacan ku dhiigleyaashii umada xasuuqay ha ogaado in uu la midyahay kuwii dadka laayay aargoosigooduna soo dhowyahay inshallah. Garaadlaawe garaad  waxa uu xilka wasiirnimo ku helay dadkii lagu laayay deegaanka seemaal ,intii uuna xilka qaban waxa uu hormood  ka ahaa dadkii dawlada ku eedaynjiray  in ay dilkaa kadanbaysay,halka uu maantana xukuumada ka difaacayo, markii xilka loo magacaabay waxa uu hormood ka ahaa ragii dhiiga dadka iibsaday ee beesha reer nuur kal jabiyay isla markaan daba maray suldaan saleebaan.
Hadaba guntii iyo gabogabadii waxan calooshii u shaqaysahte garaad u sheegayaa in biilka yare e hargaysa uuka  qaataa uu soo dhamaan doono islamrkaana la iskugu iman doono magaalada dila lama huraan waa caws jiilaal dadwaynaha degmada dila ku dhaqan waxan farayaa in hadalada garaadlaawe garaad ka soo yeedhay in ay talaabo adag ka qaadaan oo degdega waayo magacii iyo karaamadii beesha dila iyo guud ahaan beelaha samroon ayuu meel kaga dhacay
Wa bilaahi towfiiq
 Qorre     Bashiir muuse bile  
Minneapolis,USA

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles