Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maxamuud Axmed Bare (Garaadxume) markii hore reer Burco ayuu ahaa markii dambena reer Muqdisho imikana waa reer Hargeysa

$
0
0

Maxamuud Axmed Garaad markii hore reer Burco ayuu ahaa markii dambena reer Muqdisho imikana waa reer Hargeysa, dadka reer Dila iyo reer Boorama magacooda uunbuu ku shaqeystaaye dan kama leh.

Waa nasiib darro hadii uu maanta dafirey xanuunkii iyo xasuuqii tolkii ay jabhadii SNM gaadhsiisay. Waa nasiib darro hadii isagoo cimrigaa jooga uu leeyahay nink Samaron ee yiraadhda jabhadii isaaqa(snm) ayaa qof naga dishay waa beenaale.

Magaca garaad uma qalantid Garaadxume, ma wixii Dila iyo degaanka ku xeeran iyo Booram iyo xeebaha awdal ka dhacay ayaa been ah? Boqolaalkii shicibka ahaa ee Boorama iyo Dila lagu laayay maalin kaliya ee darifyada magaalooyinka ku wada xabaalan  ma daacuunbaa laayay.

Haddii aanad u jooginna waad ogtahay ee garaadbaa ku siiyay inaad sidaa u hadasho. Adeer shaqada lagaama eryeen hadii aad iska aamusto oo aad tolkaa xaqdhowrto,laakiin nasiib darro………….

Akhriste aragtidiisa hadlay   Daahir xasan Dahir@hotmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles