Waxan la yaabay halka ay odeyga talo la martay, runtii waxaan ku aqaannay inuu ahaa oday reerka Gadabuursi u dooda oo xuquuqdooda u soo celiya, intii uu ahaa xildhibaanka, hadalka ka soo yeedhay oo ay saaxiibbo badan oo aan ku leeyahay adduunyada dacalladeeda, una badan beesha dhexe ee ka gaystaty xasuuqa dhammaan magaalooyinkii iyo tuulooyinkii ay gashay Jabhaddii Mujaahiliinta ee ay hoggaanka u hayeen gacan-ku-dhiigleyaasha ay ka midka yihiin; A/Tuur, Siilaanyo, Mujaaahil ina-biixi, Mujaahil Tollaawe, Mujaaahiil Xassan Ciise Jaamac, iyo qaar kale oo fara badan. Xisaabtooda ugu weynina Ilaahay agtiisa ayay taallaa, haddaan nahay Ehelkii dadkii biri-magaytada ahaa ee la xasuuqay iyadoo aan loo kala eegin, Ilmo xalay dhashay ilaa 100 jirkii laga ducaysan lahaa rag iyo dumarba, go’aankayaga iyo taladayadu meel bay noo taallaa, oday Garaad oo Wasaarad madhan ku ilaashanaayina warkiisu wax ka soo qaad ma laha.
Waxaanse kula talinayaa, duqa malaha sidii Siilaanyo ayay iskaga darsantaye, inta uu waqti haysto, haka toobbad keeno hadalkaasi naxliga leh, raalli-galinna haka bixiyo dadkii uu ku gafay ee uu dafiray beentana ka sheegay xasuuqii loo gaystay ehelkoodii iyo dadkii ay jeclaayeen, isagoo soo hor-is-taagaaya muraayadaha laga nacnacleeyo ee dadku ku hadalka bartaan (ama aan idhaahdo Muraayadaha fadhi-ku-dirirka ah ee haatan tiradii ka batay.
Dadka wada deggan Soomaaliland-na waxaan kula talinayaa; inay iska dhaafaan oo ay illoobaan dadkii dhintay, una duceeyaan inuu ilaahay u naxariisto kolley gacan ka gardaran baa dishaye (I am talking in general), isla markaana ay ka taliyaan sidii ay u kala badbaadin lahaayeen dadka hadda nool, walaaltinnimadooda iyo wada-noolaashahooda, runtiina ma-kala-maarmaan, markastana way isku baahan yihiin. Waxaana dhab ah oo aanay cidina dafiri karin, colaad iyo xumaan dadka lagu dhex beero inaanay fiicnayn ilaahayna aanu raalli ka ahayn, qofka sameeyana lagu ciqaabi doono, adduunka iyo aakhiro labadaba.
Ilaahoow dadkayga is Jeclaysii, warxuma-tashiilkana ka qabo.
Wabillaahi Taqfiiq.
Quresh Guuleed ismacils@yahoo.co.uk