Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Madaxweynaha Faransiiska oo soo galay Masaajid Dadweynaha Faransiiskana ka codsaday in la Ixtiraamo Muslimiinta, Takoorka iyo Nacaybkana laga daayo. SABAB? DAAWO

$
0
0

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa booqday Masjidka ugu weyn Magaalada Paris ee Caasimada Dalkaasi, si uu uga qeyb galo xus loo sameenayay Askar Muslimiin ah oo katirsanaa Ciidanka Faransiiska .
Askarta Muslimiinta ah ee xuska loo sameenayay ayaa ku dhintay Dagaalkii Labaad ee Aduunka iyaga oo difaacayay Dalka Faransiiska , Xuskan uu ka qeyb galay Madaxweynaha Faransiiska ayaana ah mid loo asteeyay in lagu xasuusto askartii Muslimiinta ee ku dhintay Dagaalkii labaad ee Dunida.

Francois Hollande ayaa furay labo taalo oo lagu xusayo Askartii Muslimiinta ee ku dhintay Dagaalkii labaad ee Aduunka , Taalooyinkaan ayaana loogu tala galay in lagu xasuusto qiimihii ay lahaayeen dadkaasi Muslimiinta ah ee u dhintay Difaacada Faransa.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa xusay in Taalooyinkan la sameeyay tilmaan u tahay qiimihii dadkaas u dhintay difaaca Faransiiska loogu waynayn karo , Waxa uuna dadweynaha Faransiiska ka codsaday in la ixtiraamo diintooda iyo dhaqankooda dadka Muslimiinta ah ee dalkaas ku nool, oo laga daayo takoorka iyo nacaybka loo qabo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles