Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Sooyaalka Shakhsigii U Horreeyay Soomaalida Ee Aasaasay Urur Samafal Oo Ka Shaqeeya Baahiyaha Bani’aadamka Soomaaliyeed. “NGO”.‏ By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

$
0
0

Ururadda aan dowliga ahayn ee luqada qallaad loogu yeedho “Non Governmental Organizations”, waxa himilada aasaaskoodu qaarada Afrika soo gaadhey horaanta sideetameeyadii waxaana wadamadii u horreeyay ee ay ka hanoqaadaan lagu sheegaa dalalka Ghana iyo Zambia. Sida ku suntan warinta taariikhda Soomaalida waxa ay tilmaantaa amma qeexaysaa in qofkii ugu horreeyay ummadda Soomaaliyeed ee sammeeyay hindisaha urur samafal oo ka shaqeeya hawlaha la xidhiidha arrimaha daryeelka bani’aadamka Soomaaliyeed uu ahaa Maxamed Barkhad Miigane.

 

Haddaba inta aan u gudo gellin caddeymaha arrintaas qeexaya iyo qorshaha waxqabadkii urur samafal oo uu aasaasay 1983-kii waxa isweydiin mudan waa kuma Maxamed Barkhad Miigane?

 

Maxamed Barkhad Miigane waxa uu ku dhashey magaalada Borama ee gobolka Awdal sannadkii 1948-kii, hooyadiina waxaa la odhan jirey Ardo Aw Cali Ashkir AUN, dugsigii hoose dhexe ee Dhayga ayuu dhammeeyay 1963-kii kadibna waxa uu 1967-kii ka baxey dugsigii sare ee Camuud halka 1969-kii uu ka qalin jabiyey Jaamacadii Lafoole sidaas darteed waxa uu ka mid yahay Lodkii u horreeyay arday Soomaaliyeed oo ka baxa Jaamacad ku taalla gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sannadkii 1970-kii waxa uu billaabay shaqadii u horreysay ee uu qabto waxaana macalinimo lagu qorey dugsi sare oo ku yaalla magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Intii u dhaxeysay sannadkaas 1970-kii illaa 1977-kii waxa uu Bare sare oo dhiga maadada Biology ka ahaa dugsiyo kala duwan oo ku yaall Jawhar, Muqdisho, Gabiley gaar ahaan dugsiga sare ee Qalax iyo waliba Kuliyadii Lafoole. Maxamed Barkhad Miigane waxa uu sannadkii 1977-kii ku guuleysay deeq waxbarasho oo uu ka hellay dalka dibadiisa waxaana uu koradhsiga aqoonta iyo tacliinta sare u tagey wadanka Lubnaan oo uu gallay Jaamacad ku taalla magaalada Bayruud oo la aasaasay 1866-kii magaceedana la yidhaahdo “American University of Beirut”. Taas oo uu ka qalin jabiyey sannadkii 1979-kii isla markaana uu ka qaatey Shahaadada Master Degree dabadeedna waxa uu bishii April sannadkii 1980-kii dib ugu soo noqdey dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Barkhad Miigane waxa uu horraantii sideetameeyadii u ban-baxey aasaaska iyo curinta urur Samafal oo ugu magac darey “GUUS” kaas oo wax badan ka qabtey baahiyaha kala duwan ee ay qabeen dadka ku nool gobolka Awdal. Intii ka dambeysay burburkii dalka Soomaaliya waxa uu Maxamed Barkhad Miigane ku biirey masraxa iyo saaxada Siyaasada Somaliland sidaas dareed ayuu sannadkii 1993-kii u noqdey mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliland gaar ahaan golaha sharci dejinta oo uu illaa maanta xubin buuxda ka yahay gudiga golaha joogtada ee Wakiilada Baarlamaanka Somaliland sidoo kale waxa uu sannadkii 1997-kii qeyb ka ahaa saddex aqoonyahan oo dejiyay amma qorey qodobada ku dhigan dastuurka Somaliland halka sannadkii 1998-kii uu ka mid noqdey macalimiintii u horreysay ee lagu furo Jaamacada Hargeysa oo uu illaa maanta ka yahay Bare sare horenna u ahaa (Dean, faculty of science).

 

Maxamed Barkhad Miigane waa aqoonyahan inta badan xiiseeya qoraalka iyo akhriska buugaagta dhinaca kale waxa uu yaraantiisii ku barbaarey barashada culuumta diinta Islaamka waxaana uu aaminsan yahay dariiqada Suufiyada ee ahlu sunnah wal jamaaca, wardiga uu haysto waxa 1965-kii u dhiibey oo siiyey amma ku wareejiyay Sheekh Axmed Abgaal Raximahullaah oo ka mid ahaa ardeydii Sheekh Maxamuud Sheekh Macalin Cumar Raxmatullaah calay oo ahaa Sheekhii ugu aqoonta badnaa amma caansannaa Culimada Soomaaliyeed. Macalin Miigane oo aad ugu tallaxtagey barashada culuumta baabka Suufiga ee dariiqada Sheekh Cabdiqaadir Jeylaani waxa gallab kaste iyo habeenkii inta badan uu wakhtigiisa ku qaataa akhrinta Kitaabka Quraanka iyo Kutubta diinta Islaamka.

 

Haddaba mar aan dhawaan la xidhiidhey Maxamed Barkhad oo jooga magaalada Hargeysa waxa aan wax ka weydiiyey sida uu ugu dhashey hindisaha iyo aasaaskii ururka Samafalka GUUS NGO oo ahaa ururkii u horreeyay ee laga hirgeliyo gudaha dalka Soomaaliya waxaana uu yidhi “Markii aan 1980-kii ka soo noqdey Middle East-ka (Bariga dhexe) oo aan soo marey dalal door ah waxaa ii qorshaysnaa in waayo aragnimadii iyo aqoontii aan soo bartey ugu addeego dadka iyo dalka Soomaaliyeed bal se markii aan ka baqooley dalka Lubnaan waxa aan ugu horreeyn tagey wadanka Jabuuti oo markaas ku naalloonnaya xorinimo saddex jir ah dabcan Jabuuti waa dal aan u dhashey oo ehelkayga inta ugu badan ay ku nool yihiin runtiina aan ku leeyahay saaxiibo fara badan oo aqoon gaar ah naga dhaxeyso sidaas darteed markii aan gaadhey magaalada Jabuuti waxa aan kulan la yeeshay xubno markaas ku jirey xukuumadii Xasan Guuleed Abtidoon oo Wasiirka Tacliintu ka mid yahay haddaba maadaama aan ahay muwaadin reer Jabuuti ah oo haysta dhalashada wadankaas waxa ay iga codsadeen in aan ka hawlgelo Wasaarada Waxbarashada ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti bal se codsigaas ma gudoomin waxaanan markiiba u gudbey dhinaca dalka Soomaaliya”.

 

Maxamed Barkhad Miigane oo milicsiga hadalka xogtiisa ku raad jooga waxa uu intaas ku darey “Socdaalkaas aan ugu baxey dalka Soomaaliya waxa uu ahaa mid ku sahabsan in aan u kuurgelo xaalada nololeed amma horumarineed ee uu ku sugan yahay wadanka Soomaaliya waxaanan ku horreeyay gobolka Awdal oo dhalasho ahaan aan ka soo jeedo dabadeedna waxa safar dhinaca dhulka ah ku tagey illaa magaalada Muqdisho, degmo kaste amma tuulo kaste oo aan maro waxa aan ka qaaddanayey macluumaad dhameystiran oo ku wajahan nolosha dhabta ee ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulkaas, bal se nasiib xumo markii aan gaadhey magaalada Muqdisho ee aan dib u milicsadey kaydka ururinta iyo maxsuulkii barnaamijka raad raaca socdaalkeyga waxa ii soo baxdey daraasad dhigeysa in deegaanka gobolka Awdal ee aan u dhashey uu ku jiro go’doon oo dalka intiisa kale gooni ka yahay gaar ahaan mashaariicda loogu talo gallay horumarinta gobollada Waqooyi oo wax ka soo gaadhaa haba yaraat e aanu jirin, dabadeed waxa aan gudo gallay feker dheer oo hilaadinnaya sidii aan dadkeyga iyo deegaankeyga Awdal wax ugu qabban lahaa, waxqabadkaas oo aan hawlgelkiisa isbiday in uu noqdo mid ka madax bannaan hay’ddaha shaqadoodu tahay daryeelka iyo horumarinta arrimaha bulshada Soomaaliyeed ee hoos taga dowladda Maxamed Siyaad Barre”.

 

La soco qeybaha kale………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles