Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Nin 300 oo Jeer Tikidh Diyaaradeed U Goostay Si Uu U Helo Cunto Free Ah

$
0
0

Nin u dhashay dalkaasi China ayaa dayuurad keliya ka goostay tikidh 300 oo jeer si uu u helo cunto free ahqaybta Vip da ee madaarka.

Ninkan oo aan la sheegin magaciisa,ayaa dayuuradda la yidhaah Eastern China Airlines ka goostay tikidh aan lacagtiisana laguu celinayn,kadibna ku riday suuligii markii uu cuntadii free ga ahayd helay.

Markii uu sidaa sameeyo,kadibna  wuxuu goosanayey tikidh kale isagoo waqtiyadana bixitaankana badalaya,kadibna  ka baxaya madaarka.

Maalinta xigta,ayuu soo noqonayaa wuxuuna tusayaa tikidhkiisii cusbaa,kadibna cuntadii free ga ahayd  ayuu dalbanayaa.

Ninkan ayaa waxaa ogaaday saraakiisha dayuuradda  keliya,waxayna cadeeyeen inaysan wax tallaabo ah ka qaadi karaynin ninkani si uu u joojiyo ficilkan.lamana garanayo waxa ku kalifay.

Sheekadan bal tafsiiri oo isku day inaad fahanto


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles