SIYAASIGA REER AWDAL WAA FUJJO QAATE
Asc, inta aanan maqaalkaygan hoos ugu dhaadhicin, waxaan jeclaystay in aan isla fahamno kalmada ‘’FUJJO’’ waxa ay tahay, lagana yaabaa in ay dhalinyaradan danbe ayna fahmi Karin kalmada ‘’FUJJO’’ waxa ay tahay.
Fujjo- waa eray ay isticmaalaan dadka xoolo dhaqatada ahi, macanaheeguna waxa uu yahay lacagta ama xoolaha la siiyo ninka ciidanka (shaqaala) ah, kaas oo xoolaha u jira reerka soo qabsaday.
Tusaale, ninka shaqaalaha ahi wuxuu kula heshiinayaa reerka uuxoolaha u jirayo sanadkiiba in la siiyo hal neef, waxaa laga yaabaa ninkaasi shaqaalaha ahi in uu reerka la joogo tobban sano (10) ka bacdina waxa uu reerka ka tagaa isaga oo uruursaday fujjo badan.
Ninka shaqaalaha ahi inta uu reerka la jooggo waxa uu iska ilaaliyaa in uu wax ka sheego reerka uu shaqaalaha u yahay, waxaa suurtagal ah haddii ay xurgufi dhex marto qoyska uu ka soo jeedo iyo reerka uu shaqaalaha u yahay in uuna waxba ka sheegin reerka uu shaqaalaha u yahay, waxaana dhacda in uu eeda dusha ka saaro qoyskiisa isaga oo ilaashanaya danihiisa gaarka ah, rajaynaya in loo kordhiyo FUJJADA.
Hoos aan ugu daadago maqaalkayga inkasta oo ay ila dheeraatay micnaha kalmada FUJJO, siyaasiga reer Awdal ee jooga HARGAYSA ha ahaado Madaxweyne kuxigeen, Wasiir, Xildhibaan ama mansab kale ha hayo wuxuu la mid yahay ninkaa fujjo qaataha ah ee aan ka soo hadalnay.
Siyaasiga reer Awdal ee joogga HARGAYSA Kama hadli karo danta gobolkiisa, sababta oo ah fujjada ayaa laga jari haddii uu danta dadka uu u shaqaynayo ka hor yimaado CAJIIB!
Waxa uu Boorama ku soo noqdaa siyaasiga reer Awdal eeFUJJO qaataha ahi isaga oo xoolo badan soo uruursaday ilayn waa nin shaqo tagaye.
Maqaalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkii SH.HASSAN DEHEEYE ee ahaa “SIYAASIGA REER AWDAL EE HARGAYSA JOOGAA WAA FUJJO QAATE”
Wabilahi tawfiiq
Abdurizak Mousa Ahmed
Kampala UGANDA