Ilaahay baa mahad leh.
Baaq cambaarayn ah:-
Anaga oo ah Jaaliyada ka soo jeeda gobalada Awdal, Selel iyo Gabilay ee ku nool dalka Sweden waxaan cambaarayn iyo ceebayn u jeedinaynaa Wasiir Garaad oo si aan marnaba la aqbali karin, loona dulqaadin karin u inkiray un beeniyay xasuuqii ay gacan ku dhiiglayaasha SNM ay ka gaysteen magaalooyinka Dila iyo Boorama 4-tii bishii Feberaury sanadkii 1991-kii. Isaga oo Garaadku fulinaya ajandaha dawlada Siilaanyo isla markaa marag cadaan ah u furaya SNM oo ku andacoonaysa in iyaga la xasuuqay. Isla markaa meesha ka saaray xusuuqii dad shacab ah ( innocent civilians) oo guryahoodii iyo meheradahoodii jooga ama masaajidada ku cibaadaysanaya oo haba yaraatee hubaysnayn ay si lama filaan ah ay SNM iyo Ciidamadii Dargiga ee Mingiste ay weerar ku soo qaadeen oo ay dhagta dhiiga u dareen Odayaal , dhalinyaro iyo caruur aan waxba galabsan. Muddo ku dhow 16 Saacadood ayay ku khaarijiyeen in ka badan 750 qof magaalada Dila, sidoo kale dad ku dhow 870 qof ayay dhagta dhiiga u dareen magaalada Boorama. Isla markaa ay burbiriyeen hanti badan oo ma guuraan ah, waxay qaateen wax kasta oo ay gacanta la gaadheen, waxay faraxumeeyay dumar aad u tiro badan. Maalintaas madow ee taarikhiga ah, dhacdadaas arxan daradda ah ee isbaahaysiga darigiga Mingiste iyo jabhadii SNM ku kaceen oo aan marna la inkiri karin, waa ayaan daro in uu maanta uu Mr. Garaad yidhaahdo waa been oo waxba kama jiraan.
Wasiir Garaad halkuu ku iloobay dhiigii ehaladiisa iyo maydkii maalintaas meel walbe daadsanaa Dila iyo Borama labadaba. a , ma waxay la noqotay in uu ku iibsado woxoogaa beesado ah. Halkuu ku hilmaamay dhiigii adeeradii oo masaajidka lagu xasuuqay magaalada Dila . Aaway damiirkii iyo dadnimadii mase la tahay in aan ka aqbali doono ama ku qancayno in uu maanta uu idaacad lookal ah fariin u soo diro uu yidhaahdo waan raali galinayaa dadkayga khaladkaa iga dhacay.
Wasiir Garaad isaga oo nin masuul ah , madaxda sare ka mid ah , xiskiisu dhan yahay ayuu si badheedh ah uga horyidhi kulan ay ku dhan yihiin masuuliyiinta dawlada Siilaanyo iyo guddi xaqiiqa raadis ah ka socota qaramada midoobay iyo mujtamaca aduunka ( international community), iyo wariyayaal caalami ah ajande loo soo yeedhiyay oo marag cad loogu qabsaday in aanay jirin xasuuq la xasuuqay dadka reer Awdal.
Haddaba markii uu fuliyay ajandihii laga rabay , danahoodiina fuliyaay hawshiina dhamaatay ayaa Mr.Garaad inta uu ogalaansho ka soo qaatay taliska Siilaanyo oo uu ka codsaday in loo ogalaado in idaacad maxali ah ka raali galiyo dadkiisa. Taas anagu marnaba ka aqbali mayno haddaan nahay jaaliyada reer Sweden mana ah wax ka soconay Mr.Garaad.
Hadii Garaad qaldamay oo uu ka soo noqday qaladkiisa waxaa laga rabaa in uu soo fadhiisto madal sidii tii uu ka hadlay oo kala ah oo loo dhan yahay isla markaa uu raali galin buuxda ka bixiyo kana noqdo wixii uu yidhi, haddii kale waxba ka socon maayaan raali galinta fasaxa uu u soo qaatay.
Garaadku waxa uu iska qaaday sharaftii iyo karaamadii, wuxuu lumiyay haybadii iyo maamuuskii odaynimo. Wuxuu iibiyay dhiigii ehelkiisa. Wax haba yaraatee u yaala maanta Awdal, Selel iyo Gabilay ma jirto. Hadii uu u adeegayo inta cumrigiisa ka hadhay dawlada Hargaysa isaga ayay u taalaa. Laakiin anaga waxa aan dhankayaga kaga qornay oo aan galinay baal madow isaga iyo nin kasta oo u adeegay ama u adeegaya SNM goor kasta iyo meel kasta.
Wa bilaahi tawfiiq.
Jaaliyada gobalada Awdal , Selel iyo Gabilay ee
Ku nool dalka Sweden.
Golaha Shuurada Sweden.
Abdulqadir Abdirahman Aw Gamboole.
+46769679055 Malmö