Tan iyo markii dhidibada loo taagay maamulka S/land waxa masuuliyiinta reer S/land ku badan hadal haynta xasuuq loo gaystay beel gaar ah oo kamid ah beelaha dega s/land, taasoo soo ifbaxaday horaantii Sagaashameeyadii wakhtigaas oo uu xilka hayay mudane Maxamed X. Ibrahim Cigal, arintaasi oo ay gadhwadeen ka ahaayeen halgamayaashii SNM, balse madaxweyne Cigal waxa uu gaashaanka ku dhuftay in xabaalahaMalka durduro baroordiiqda ka baxaysaa aanay ahayn mid lagu sheegi karo xasuuq ama cid loo nisbeeyo xasuuqaas aanay jirin,waxa hadaladiisii kamid ahaa Iimaan la’aan iyo mijino jaad ah ayaad kudisheen dadkaas balse wa’ayo cidda loo ham iyo dig leeyahay ee hadda foolxumadan dusha laga saarayaa?.
Inkasta oo aanu badnayn xasuusta la xidhiidha xasuuqan la sheegayo in Somaliya ay u gaysatay S/land xilligii dawladdii Rayaale, hadana xukuumadda maanta jirta ayaa iyadu ah mid ay aad ugu wayntahay hadal haynta xasuuqa ay inta badan ka dhawaajiyaan masuuliyiinta reer S/land gaar ahaa xilliyada ay socdaan wadahadalada beesha caalamku dabada ka riixayso ee u dhexeeya s/land iyo Somaliya. Wadahadalada u dheexeeya S/land iyo Somaliya oo iyagu ah kuwo bilawgii la kawsaday xukuumadda Siilaanyo oo hadda galay sannadkii labaad , dadka qaarkood waxay ula muuqataa xilliyada ay socdaan shirarkas in ay mugdi galinayso ka hadalka weftiga reer S/land oo iyagu si qoto dheer marwalba uga hadlayay xasuuqan loo tirinayo inay gaysatay dawladda koonfurta Somaliya, arintaasoo ugu dambayntii dooddu ay ku biyo shubatay inaanay xasuuq arintaasi ahayn balse ay ahayd tacaddi sida ay dhigayaan go’aamada shirkaas lagasoo saaray .
Horaantii bishii labaad ee sannadkan ayaa waxa soo ifbaxay dareen hadda ha hor u muuqday mid huursan oo markii ugu horaysay ay ka dhawaajiyeen wax garad iyo siyaasiyiin reer Awdal ah baaxadda uu leeg yahay xasuusaqii jabhadda SNM ay ka gasysatay magaalooyinka Dilla iyo Borama, balse ay dadka qaarkood ku sheegaan in ay arintani tahay hurgumo iyo xanuun ay kiciyeen masuuliyiinta S/land ee ku celcelinaya xasuuq loo gaystay cid gaar ah. Arintaasoo keentay in qaar kamid ah masuuliyiinta xukuumadda S/land ay farta ku fiiqaan qofkasta oo cabbiray dareenkiisa oo ka hadlay xasuuqa gobol ahaaneed halka dad taabacsan ka hadalka xasuuqa loogaystay cid gaar ah inay kala kulmaan cadaawad ay shabakadaha, wargaysayada qaarkood iyo tv-yada ay ku baahiyaan hadalo aan u qalmin guud ahaan masuuliyiintii ka hadashay arintaas.
Iskusoo wada duuboo haddii aan bulshada ku nool s/land aanay garawsan wixii la kala galay oo aan xalwaara loo helin, waxa imanaysa in ay soo baxaan kacdoono lagaga soo horjeedo maamulka S/land haddii aanay xukuumadda lafteedu aanay ka waantoobin in la bar tilmaameedsado masuuliyiin cabbirtay dareenkooda siyaasiga ah,waxa iman doonta inay ka shanlayso waxay imika sharafmoodayso. Gunta iyo gabagabadii waxa ay warbixintan nuxurkeedu kusoo ururayaa maahmaahdii somaaliyeed ee hal hayskeedu ahaa Dhidar xabaalo qodaa qudhunbuu uga dhaadhacaa.