Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Akhriska ma akhristaha !

$
0
0

Qormadayda Akhriska ma akhristaha ayaa laga yaabaa in ay dad badani madaxooda ka weynaato kuna adkaato fahanka ka dambeeya ciwaanka aan u bixiyay qormada tan, balse ma ahan mid ku cusub dhaayaha iyo dhegaha dad badan.

Bilaawgii aadamaha, bini aadamku waxa uu ahaa ummi, Ummi wa eray ka yimid asal ahaan luqada carabiga macnihiisuna yahay hooyo. Waxaa loo adeegsadaa dadka aan waxna qorin waxna aqrin, ayadoo laga wado in uu yahay qofku sidii hooyadiis u dhashay, waayo qofku markuu dhasho waxba ma garanaayo.

Ilbaxnimadii dunida ayaa aadamiga ka saartay umminimadii ayadoo soo kordhisay qorid iyo akhrin. Dadku waxay noqdeen kuwa wax akhriya si ay u ogaadaan, una soo xigtaan dhacdooyinkii tagay, maxaa yeelay Tagtadu wa tusaalaha tan taagan.

Qoowmiyada Soomaalidu wa qoowmiyad loo yaqaan bulshada hadalka, waa dad jecel in ay wax sheegaan balse wax yaabaha ay sheegayaan intooda badan waa wax aan sal iyo raad ku salaysneyn.

Marka aad fadhiisato goobaha is aragga oo ay somaalidu ku qaxwayso una kuur gashid hadal haynta waxaa arkaysaa dad ka qisaynayo dhacdooyin aan dunida horay uga dhicin, mararka qaar waxa ay falanqeeyaan taariikh waddan oo aan tixraac iyo raad-raac toona lahayn. Dhagaystaha aan dunida la socan isagu yaab ma lahan balse waxaa yaab leh ma akhristaha ku dhiiraday in uu ku dul akhriyo dad wax uusan akhrisan, garaad iyo garasho toona u lahayn.

Qoowmiyada aan ka dhalanay wax yaabaha dib u dhigay waxaa ka mid ah ma akhriste meerinaya oo macalin ah, madax aan maamulkaseyn, mas’ale xukmiye aan mufti ahayn, Suud xirte siyaasi ah oo aan sayniska (fanka) siyaasada garanayn iyo suxufi sawir qaade ah oo aan garanaynin xagasha laga qaado sawirka.

Guntii iyo gabagabadii,qormadayda akhriska ma akhristaha ayaa ah dhambaal aan hawada u ma rinayo dhamaan bulsha-weynta Somaaliyeed in ay ku baraarugaan gartaane dadka xogta laga xigto iyo digniin aan u diraayo dadka ku dhiiraday wax yaabaha aysan ahal u ahay n in ay ka waan toobaan una daayaan dadka u ahal ah. Dulucda iyo ujeedkuna wuxuu yahay in xogta saxan oo la helo ay korineyso garaadka iyo waayo-aragnimada dadka, islamarkaasina qeyb ka qaadanayso go’aan qaadashada saxda ah ee dadka , waxayna illaalineysaa sharaftaada, sababtoo ah ka warran adiga oo meel fagaaro dadka aqoon leh ay joogaan adiga oo ka sheekeynaya haddii aad lasoo shir tagtid waxyaabaha fadhi-ku-diriryada looga hadaaqo oo aanan sal iyo raad lahay, halkaasi sow ku sharaf dhici meysid?

Shaafi Ib. Xasan  Aamusane60@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles