Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Musuqmaasuqa iyo Maamul Xumadu Waxay Horseedaan Burburka Dawladnimada(Failed state). Qaybtii 1aad:- By Yusuf Janale

$
0
0
HAROWO.COM

Sida ku cad taariikhda Dawladihii burburay amase khasaaray ee qaaradan Africa ee ilaahay inagu abuuray waxaa u sabab ahaa Maamul xumo iyo musuqmaasuq ay sameeyeen Madaxdii markaasi xilka haysey ee ummadahaasi maamuleysey.Hadii maamul xumo iyo musuqmaasuq yimaadaan waxaa markiiba abuurmayasa Keli talisnimo xanuun badan oo madaxda dawladahaasi kula kacaan shacabkooda si ay u xalaashadaan danahooda musuqmaasuq ayna dadka u bajiyaan si aan looga hadal amaba aan loo eeginba waxa ay sameynayaan

 

Marka keli talisnimadu timaado waxaa meesha ka baxaya qawaaniintii iyo shuruucdii dalalkaasi u tiiley , waxayna keli-taliyayaashu  soo rogaan dikriitooyin ama faafino wax la yiraahdo oo ay ku suulinayaan Distoorkii sharciga ahaa ee dalalkaasi lahaayeen.

Waxaa intaasi kadib bilaabanta qaybi oo xukun,eex,nin jecleysi,qaraabo kiil iyo xaalad abuur,waxay madaxda dawladaasi bulshada ka dhex sameystaan wax la yiraahdo Kaadiriinta oo ah dad iyaga taageersan oo ah( yes man,Viktors,Guulwadayaal),waxay sameystaan hay’ado qarsoon oo sirdoon oo aan ahayn kuwii sharcigu jideeyey kuwasi oo ka xoog badan booliska iyo militariga dalkaasi ka jira.Intaasi kadib ilayn maamulkii wuxuu u xuubsiibtay Diktaatooriyde ama keli talisnimo’e waxaa bilaabanta cabudhin,Cagajugleyn,handedaad,hanjebaad maamulkaasi kula kaco muwaadiniinta,waxaa fara bata xadhiga Suxufiyiin madaxa banaan ee aan dawliga ahayn,waxaa farabata xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah,waxaa fara bata xadhiga birmageydada bulshada dhexdeeda sharafta ku leh,waxaa fara bata nacaybka uu maamulkaasi u qaado aqoonyahanka iyagoo isla way idin fahmi ama bulshada ayey runta u sheegi.

 

Hadaba akhristow hadii aan dib ugu soo laabto Wadankeena hooyo ee jamhuriyada Somaliland halkee ayuu xaalkeedu marayaa mudadii 4Afarta sano ahayd ee Maamulka siilaanyo jirey iyadoo arrinka aynu ka hadlayney ahaa Maamul xumo iyo Musuqmaasuq,waxaa hubaala oo qiraal ah oo muwaadin kastaa ogyahay maanta in wadankeena ay soo foodsaartay Musuqmaasuqii iyo Maamul xumadii ugu weyneyd abid ee Xukuumada talada haysaa ku kacdo ama la deris noqoto mudadii 23ka sano ahayd ee la soo noqoshadii madaxbanaanida S/LAND.

la soco qaybta 2aad .

Yusuf Abdilahi Janaale.

ajanaaaale3@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles