DAYAXA DHINACIISA NAGU BEEGAN HA SOO RINJIYAAN
Sheeko Soomaalidu wakhti hore ka sheekayn jirtay ayaa odhanaysay, Jamaal Abdi Naasir oo ahaa madaxweyne xukumi jiray dalka Masar ayaa lagu yidhi “Maraykanki dayaxa ayuu tagay oo ku dul taxtaxaashay.” Jamaal Abdi Naasir wuxuu kaga jawaabay, “dayaxa dhinaciisa nagu beegan ha rinjiyaan.”
Dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ayuu telephone kaygu si xad dhaaf ah isaga daba dhacaayay, meelo Somaliland u badan tahayna la iga soo wacaayay, si wax la iiga weydiiyo citiraafka Sheffield, oo ah magaalada aan deganahay ay citiraaftay jiritaanka Somaliland. Runtii waxay igu noqotay mid adag in aan dadka u sharaxo in aanu citiraafku ahayn mid caalami ah ama dawlada Ingiriisku citiraaftay Somaliland ee uu yahay codsi ay dadka ka soo jeeda Somaliland ee degan Sheffield ka codsadeen golaha deegaanka oo ah mid ay codkooda siiyaan inay taageeraan citiraaf raadinta Somaliland kana bilaabaan golohooda laftiisa. Dadka i soo wacaayay oo ahaa qaar aad u jibaysan, ayaan marnaba dhego u yeelan jawaabaha aan kaga jawaabaayay su’aalaha ay i weydiinayeen, ayna ku qufulayd in dawlada Ingiriisku citiraaftay Somaliland.
Runtii qof kasta oo aqoon lihi wuu garan karaa in xildhibaan cod raadis ahi uu ku khasban yahay inuu hir geliyo codsiga cod bixiyaha uu ka rajaynayo inuu codkiisa siiyo. Arrintan golaha deegaanka ee Sheffield ku kacay waa mid ay keentay baahi codeed kuna kooban xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Sheffield, meel ay gaadhina aan la ogayn. Waxaa marar badan dhacda in cod raadiyayaashu ay balan qaadyo badan galaan marka ay cod raadinta ku jiraan, laakiin marka ay gaadhaan dantooda ay iloobaan balan qaadyadaas.
Hadaba arrintu waxay inoo kala cadaan doontaa marka dayaxa dhinaca inagu aadan aynu rinji ku aragno, inta ka horeysana jibadu ha socoto. Tan waxaan uga jeedaa, waa haddii awooda golaha deegaanka ee Sheffield oo ah mid aan muruqeeda siyaasadeed cuslayn ay muquuniso xoogaga dhabarka waaweyn, siyaasadana u bislaaday ee barlamaanka Ingiriiska.
WSC
Amina Souleiman
aminasouleiman@gmail.com