Siyaad Barre Wuu Ka Wanaagsanaa Siilaanyo Waanu Ka Cadaalad Badnaa.
Siyaad Barre marka la barbar dhigo madaxweyne Siilaanyo wuu ka wanaagsanaa waayo Siilaanyo muxuu qabtay ee ahayn qabyaalad iyo kala qaybin.
- Siyaad Barre dadka wuu mideeyay Siilaanyo wuu kala qaybiyay.
- Siilaanyo reekiisa ayuu madax ka dhigay Siyaasd Bare, reerkiis iyo kuwa kaleba way u sinaayaen dhinaca shaqada.
- Siyaad Bare lama helin jirin nin keliya oo ka sheqeeya 4 wasaaradood, Siilaanyo taasi way xad dhaaftay.
- Siyaad Barre wuxu sameeyay wargeysa caaya oo ceebeeya waxqabadka dawladiis oo la odhan jiray ogaal , Siilaanyo maba ogola in run la sheego.
- Dhoofka iyo siminaarada wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee debeda waa loo siinaa Siyaad Bare, Siilaanyo waxa iska leh reer gaar ah.
- Siyaad Bare hantida ummadd in la cuno si badheedh ah looguma dhici jirin, waxay ahayd dil, Siilaanyo waaba lagu faana, inta guri ee laga dhistay lacag xaaran ah gudo iyo debedba.
- Siyad Barre khayraadka dalka ma iibin jirin, Siilaanyo khayraadkii dalka ayuu si xad dhaaf ah u iibinaya wasiirka macadanta ayaaba qaabilsan.
- Siyad Barre Qabyaalada shakhsi ahaan ma aqoon, Siilaanyo waabaynu arganaa.
- Siyaad Barre mashaariicda waaweyn wuxu siin jiray beelo kale , siilaanyo wuuxu siiyaa beeshiisa.
- Siyad Barre ma ahayn abaal laawe, Siilaanyo intii ay isku SNM ahaayeen ayuu ilaabay.Marka si aan qabyaalad iyo qof jeclasyi lahayn loo qiimeeyo Siyad Barre waa ka wanaagsanaa Siilaanyo.
Saleban gaal cahdigan siilaanyo ha qiro taasi waa kii shalay BCC-da ka calaacalayee waxaan jirin iyo been qabyaaladaysan ka sii daynayee ee lahaa Cigaal waxa dhaama Siyaad Barre. Been laguma noolaado waxa loo baahan yahay in runta inla isu sheego.
Qalinkii: Ahmed Abdi Mohamed (Hadalo)
Email:axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland