Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

JAWAAB: Cabdirashiid Xasan Mataan Waxaan leehay Prof Axmed ha ku Mashquuline waxad Raadisaa……..

$
0
0

Ahmed_Bashir

Marka laga hadlaayo arimaha siyaasada ayaa ah mid aragtiyo badan leh isla markaana ay adagtahay in la helo wado loo maro oo sax ah balse ugu dambaynta keenta meel aan la dhaafi karin .
Qeexitaanka siyaasada ayaa sidoo kale ka khaldan guud ahaan umada soomaaliyeed kuwaas oo u haysta beenta , munaafaqada , cayda madaxda , eedayn joogta ah iyo dhaliililid umad wax qabsatay .
Balse xaqiiqda ayaa waxay tahay inay siyaasadu tahay hab nololeed qorshaysan uu umadi ku gaadho waxay ay hiigsanayso mustaqbalka dhaw iyo kan fog.
Siyaasiga ayaa ah qofka ka qayb qaataa fullinta iyo meel marinta qorshayaasha siyaasaded .
Markaaan u soo dago ujeedada maqaalkaygan ayaa ah inaan jawaab kooban ka siiyo wiil magaciisa la yidhaahdo ciise ismaciil axmed oo dhawaan soo qoray maqaal uu ku sheegay inuu ugu jawaabayo war murtiyeed uu soo saaray musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbuga UCID mudane c/rashed xasan mataan kaasi oo uu kaga faalooday socdaalka prof Ahmed Ismaciil Samatar uu ku marayo guud ahaan somaliland.
Waxaa nasiib daro ah inaanu ciise habayaraate fahmin isla markaana aanu dhuuxin nuxurka war murtiyeedka uu soo saaray mudane c/rashed xasan mataan. Taasi oo ku tusinaysa inay jiraan dad wali ku jira noloshii hore ee somalida lagu sheegi dad hadalka uun wax ku fahma (oral society).

 
Markaan dhuuxo nuxurka war murtiyeedka ayaa mid uu mudane c/rasheed xasan aad ugu dheeraaday ka hadalka iyo amaanta reer somaliland sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen isla markaana tusay inay shacabka reer somaliland yihiin kuwa aad iskugu xidhan isla markaana jecel inay arkaan shakhsi meeqaam weyn leh oo iyaga ka mid oo u soo guryo noqda .
Sidoo war murtiyeedka ayaa ahaa mid uu ku toosinay wax badan oo khaldan ama aan cadayn ilaa hada taasi oo bulshada somalida aad isku waydiinayaan isla markaana uu prof samater dareensan yahay in looga fadhiyo oo laga sugayo tusaale ahaan markii uu khudbadiisii jaamacada hargeisa soo xidhayay wuxuu dadkii dhagaysanayey u sheegay inay meela badan idin cun cunayaan balse waan idinka xoqidoonaa markaad u fiirsato hadalkaa ayaa ah mid cadaynayaa waan idin sheegi doona inaan ka tanaasulay midnimadii iyo inkale.
Sidoo kale prof Ahmed Ismaciil Samatar ayaa qiray inaanu mutaysan soo dhawayn heerkaas ah balse ay garteen shacabka reer somaliland inay uga hiiliyaan wixii uu ku soo arkay mogadishu isagoo samatar dareensan inay mar hore ahayd inuu sidaa yeelo hadana ay fiican tahay inuu go’aankaa qaato.
Markii uu ka hadlayay cadaalada iyohogaanka wanaagsan ayaa cabdirashed waxaa ku daray inay sidoo kale haboonayd inuu qeexo astaanta hogaamiyaha wanaagsan iyo daacadnimadiisa isagoo sidoo kale ku hogo tusaaleeyay daacada iyo islaamnimada.
Waxaa sidoo kale nasiib daro ah inaad ku sheegto maqaalkaaga inuu c/rasheed ka xumaaday soo dhawaynta , waxaa wax lala yaabo ah inaan wax laga xumaadaa meeshaba oolin prof samatarna uu yahay shakhsi wadani ah oo dalkiisii imaday dadkiisiinii la kulmay una muujiyeen jacaylka ay u hayaan. Balse uu iftiimayay qodobo dhawr ah oo siyaasad ahaan haboonaa in la cadeeyo. Taasina ayna ahayn xumaane balse ay tahay hogo tusaalayn ah in wax la saxo.

Markii haweenka G/awdal la kulmayeen Prof Ahmed Ismaciil Samatar waxay u soo bandhigeen sida reer Awdal ula tacaaleen inay daboolaan baahiyahooga aasaasiga ah sida biyaha, waxbarashada , caafimaadka wadooyinka dekeda balse aanu samatar wax ka odhan uguna soo xidhay hees iyo saylici qirayna in wixii uu ka hadli lahaaba hortii la qabtay.
Arinta ahayd in prof Ahmed ismaciil iyo walaalkii Prof Abdi ay ay uga soo duuleen maraykan ayaa ah mid aan qarsoonayn taasi oo cadaynaysay halganka ay ugu jireen inay mar uun furfuraan siyaasada somaliland waxaa hubaal in maalintaas dhallinyaro badan oo reer somaliland ahi aad uga cadhoodeen isla markaana la qorsheeyay in la khaarajiyo balse nasiib wanaag uu ka war helay alaha u naxariistee maxamed xasan mataan oo dad badan oo ku qayliyay iskaga daayeen markii uu maxamed xasan mataan isku duubay una tafa xaytay inuu badbaadiyo/
Dhinaca kale waxaad maqaalkaaga ku soo xustay in mudane C/rasheed xasan mataan aamaanay Daahir Rayaale meel ammaan Daahir Rayaale ahna kaga jirto maan arag marka laga reebo in magaciisa uu ku soo qaatay maqaalkiisa waxaanan dareensanahay inuu ku dhibay magaca daahir riyaale iyo darajada uu ka gaadhay siyaasada .

Waxanad ogaataa inuuRaiyaale yahay astaanta siyaasadeed ee beesha samaroon ( role model) waana shakhsiga soo saaray ilbaxnimada iyo hogaan wanaaga reer Awdal oo la arko halkii ay gaadhsiiyeen somaliland iyo maanta barta lagu soo celiyay waana nasiib daro inaad sidaa u fikirto , waanan dareensanhay inaad fadhi ku dirir badan markaad fadhidi uu kaa tiiriyo inaad ku faanto daahir riyaale ayaa naga dhashay inay difaac badan kuu noqoto taasna umada iyo cidkasta ayaa qirtay.
Tan kale ee saamiga kaaga maqan beesha dhexe ee aad sheegtay c/rashiid waxaa lagula xisaabtami doonaa marka uu kursiga ku fadhiisto hadana ay ku haboon tahay in lagala xisaabtamo cida talada haysa waxayna tusaale u tahay sida ay aqoon daradu kuu hayso cida wax kuu haysaa iyo cida wax kaa haysata aanad kala garaynayn . hadalka ah inaad c/rashed xasan mataan ku sheegtay qof aan macno lahayn ayaa cadayn u ah sida aanad qiime u lahayn aqoondaro baahsana ku hayso .

C/rasheed waa aqoonyahan si weyn looga yaqaano somaliland umada reer awdal intooda xilkaska ahna ay taqaano gacantii u ku lahaa dhismaha somaliland isaga iyo qoyskiisu sidoo kale si weyn ula soo shaqeeyay beesha caalamka wadamada ay ka mid yihiin Uganda , Sudan Serilion , Iraaq. Hadana u soo diyaar garoobay in siyaasad xalaala lagu hago dalkiisa . sidoo kale kaalin mug leh ka soo qaatay taakulaynta ardayda reer somaliland ee joogtay Sudaan iyo kuwa hada ku sugan Uganda
Ugu dambayntii anigoo xeerinayaa duruufaha adag ee kugu xeeran oo aan dareensanahay wiil yar oo yurub ku haysato sharci la’aan iyo shaqo la’aani baahsani oo la il daran murugada iyo ma hadhooyinka tahriibtu hadana rabaa inuu meel ka dhacyo kula kaco masuuliyiin. Waxaan sidoo kale ku boorin lahaa inaad ka waantowdo hadalada macno darada ah ee wakhtiga badan galisay sidaana siyaasi laguma noqdo ee siyaasada waa la bartaa jaamacado loo galaa looga soo baxaa isla markaana wadeeda la maraa.

Way fiicanayd wakhtigaaga galiso inaad wax barato si aad ula jaan qaadi karto siyaasada iyo xadaarada caalamka. Sxb ciise waxaan ku odhan lama joogo makhayadihii doqonka ee Boorama iyo garoonkii biroole.
BY Eng:Ahmed Bashiir Hassan
Mogadishu , somalia
basherhasan@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles