HAROWO.COM
Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada. guud ahaan, gaar ahaan.
Waxaan ku salaamayaa salaamta Islaamka e ah ” Ascw” Ka dib .
Maalinkastaa waxay leedahey waayo gooniya ,sanadkastaana waa la mid, isbadal kastaana waayahiisa leh.
Tan iyo doorashidii siilaanyo dalka waxa ku habsadey wasiiro caydhah, aqoon xumo maamul, mid siyaasadeed isku wada darsadey waliba ay u raacdey cidii shaqaaleysiisey oo boobka hantida ummada u siisay wax loo yidhaado ”green light” oo ah in ay sida ay doonaan u xadaan xoolaha dadweynaha, mudo koobana ay ku noqdaan ”millioners”
Wasiirada ay aqoon darada waayo aragnimo la’aanta weyni ka muuqato ee sida bada ugu haftey siyaasada ee ceebeysan ee sida foosha xun loo isticmaaley waa wasiirka maaliyada somaliland C/casiis m samaale!!
Ku darsoo waxa uu sida biyaha uga dhargey xoolo xaaraan ah oo aanu habeen shaqeysan ,aqoonteedana aanu yeelan, balse Oday siilaanyo uu ku naasnuujiye isagoo ujeedadiisu tahey siilaanyo in uu gudobtiisa,samaale isga gudbo, balse samaale waa badow damiir laawe ah oon gaadhin heerka uu siilaanyo ka ciyaarey shaxda, laheyna aqoon, iyo ilbaxnimo uu ku garto, shaxda siilaanyo ,ileyn waa sababta uu siilaanyo u xushey waxa uu arkey halka ay taagan tahey, dadnimadiisa, aqoontiisa, ilbaxnimadiisuba waxaanu arkey in uu yahey qof la adeegsan karo,
Maxey noqotey, jaahilnimada samaale ka muuqataa isgoo caruurtu ka maadeysaneyso la la weydiinaayo su’aalo dhalnteeda ah oon nin rag ahi run moodi karin!
Bal hada u fiirso su’aalah wasiir samaale run moodo!!
Wasiir samaale hankaagu waa maxey? wasiir samaale /jawaab- hankeygu waxaan doonayaa in aan madaxweyne noqdo?
Wasiir samaale goormaad isa sharxeysaa ?? W/Samaale? Marka siilaanyo haakah yidhaado!
Wasiir samaale waa maxey ujeedada aad isu sharxeysaa ? wasiir samaale/ jawaab-
Waxaan rabaa in aan muuse biixi aan la tartamo!
Markaad eegto ,aqliga, iyo grashada samaale waa mid hooseysa waxaana dadka loo sheegi karin been iyo huuhaada siilaanyo, ee adeegsiga wasiir samaale ee uu ku guuraayo, hadaba fariinteydu waa siilaanyooy waa lagu arkaa ama samaale maal gali ama nin kale waa inoo mar kale.
Wa billahi towfiiq.
Tahir hussein waayo_aragman@yahoo.com