Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Soomaalida iyo Quruxda: Gabadhi 26 sifo hadday leedahay lama sii daayo.Maxaa ka mid ah

$
0
0

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi lix iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

- Labay u shuban tahay: labada dhaban.

- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.

- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.

La soco qormada xigta Carabta iyo Quruxda insha allah

W/Q: Sabriye Macalin Muuse.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles