Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Ma laga yaabaa haddaan Axmedtiiraanyo shan sano oo kale dib u doorano inuu sida madaxweynaha Aljeeriya inagu dul curyaamo

$
0
0

Ma laga yaabaa hadii Madaxweyne Siilaanyo aynu shan sano oo danbe dib u doorano inuu sida madaxweynaha Aljeeriya Cabdicasiis Butafilika inagu dulcuryaamo?!

siyaad iyo siilaanyo

sida uu hore u sheegay madaxweyne siilaanyo taariikhada uu dhashay mar waraysi lala yeeshay sadex sano ka hor xili uu olole ugu jiray kursiga uu hada ku fadhiyo waxa uu qiray inuu dhashay 1936 kii waxa hada laga joogaa 78 sano ilaahay cimriga haw dheereeyo ayaanu leenahay caafimaadna haku qaato aamiin, intaas kadib waxa lagu yaqaan madaxda carabta iyo kuwa afrikaanka inaanay xukunka ka degin ilaa ay ku dil dhintaan ama xoog lagaga qaado waana tii aynu ogayan gugii ka curtay wadamada carabta ee xaaqay dhamaan keligood taliyayaashii mudada dheer xukunka soo hayay!,

waxaase wax lala yaabo noqotay madaxweynaha dalka aljeeriya cabdicasiis butafilika oo kursi lagu riixayo oo aan hadli karan oo wax maqli karan oo awoodii ka dhamaatay oo u baahan in isaga wax loo qanto uu markii afraad yidhi waxaan rabaa inaan dalka xukumo! hada waxa laga yaabaa nin kaas xukunka raba in aynaan ogeyne ay saxaradu ka socoto oo uu baambar (pampers) xidhan yahay! sida la xaqiijiyay koox xukunka xaga danbe ka maamusha oo xisbiga ku shaqaysta ayaa maqaarsaar ka dhigatay oo dalka ku boobta ee isagu waa haragaas naftu ku jirto! iyaga oo noloshiisa kaga faa-idaysanaya inay sidaas awooda dalka ku haystaan,

hadaba aynu u soo noqono madaxweyne siilaanyo iyo halkay iska shabahaan cabdicasiis butafilika, markii la doortay madaxweyne siilaanyo sadex sano kahor waxa uu ahaa qof wuxuun ka awoodi kara inuu talada dalka wax ka go-aamiyo iyada oo isaga oo qudha loo doortay oo uu isaguna xaq u leeyahay inuu qofkuu doono u wakiilan karo wuxuu doono isaga oo uu isaga matelaayo, laakiin sida maanta muuqata ee xogtuna ay cadaysay waxa ay awoodii madaxweynaha loo igmaday gacanta u gashay oo siday doonaan ka yeela koox yar oo isaga ku xeeran oo qaraabo iyo qoys la ah!,

dadka aqoonta u leh madaxweyne siilaanyo ee la soo shaqeeyay waxay xaqiijiyeen in aanay ahayn habkani wax loo maamulayaa kii madaxweyne siilaanyo ay ku yaqaaneen ee meesha bililiqo maamul jirto! waxaynu la soconaa xisbigii kulmiye ee madaxweynuhu ka soo baxay inaanu talada dalka wax shaqo ah ku lahayn oo ay noqdeen wax xisbiga iskaga tegey oo ka baxay iyo in ku gadoonsan hogaanka xisbiga oo weliba laysku daday dhowrjeer in laga qaado oo si xun ugu faro adaygay!,

madaxweyne siilaanyo wuxuu marayaa inuu awoodi kari waayo inuu si karti leh oo muuqata u muujiyo inuu weli talin karo oo uu khudbadiisa si karti iyo qiimo leh fagaarayaasha siyaasad uga jeediyo isaga oo aan waraaq dheer oo loo soo qoray ka akhriyayn! waxa muuqatay inuu madaxweynuhu daalan yahay oo uu u baahan yahay inuu hada ka nasto siyaasada nasiib daro waxa muuqata in cid aan u tudhayn ay ku kelifayso inuu sii joogo xukunka si ay danahooda ugu fushadaan inta uu kursiga saran yahay!,

hada wuxuu wasiirka warfaafinta c/laahi cukuse ku dhawaaqay in madaxweyne siilaanyo uu markale mudo shan sano oo kale uu u tartami doono xukunka dalka inkasta oo aynaan weli madaxweynaha afkiisa ka maqlin oo la sugaayo xiliga la dhamaystiro golaha dhexe ee xisbiga kulmiye kaas oo awood u leh inuu soo xulo qofka shanta sano ee danbe u sharaxan xisbiga ee doorashada uga qayn gelaaya hadaba hadii ay sidaasi cukuse sheegay ay dhabowdo oo madaxweyne siilaanyo noqdo musharaxa shanta sano oo xisbigu u doorto waabu dooran doonaaye oo tartan dhaco oo uu kar kale kuguulaysto awooda dalka Malaga yaabaa inuu madaxweyne siilaanyo sidaas cabdicasiis butafilika inagu dul dhamaado oo uu dalku haadaan dheer oo aan laga sooqaban Karin kaduulo oo kooxdaas awoodu gacanta u gashay ay inala lumaan?

hada waxaynu aragnaa siday wax u socdaan oo ah in siyaasadii Somaliland caalam ka iibinaysay ay ku soo ururtay odayaala kasoo jeeda beelaha hawiye inay qadiyadii madaxbanaanida bulshada Somaliland u codaysay ka ergaynayaan! oo ay marayso beel kamida beelaha koonfur degaa inay sidii geel lakala qaaday yidhaah daan kanoqda oo ay xukuumadu siyaasadaas raqiiska ah la ogtahay oo ay iyadu albaaka ka furtay! Malaga yaabaa inaynu berina aragno ileen wax walba wax caadiya oo dhici kara ayaa laynooga dhigee in lagu heshiiyo reer Somaliland waxa la siiyay shansano oo madaxweynaha somaliya ah inay hayaaan iyo caasimada oo mudo laga dhigo magaalada hargeysa oo aynu taas inana sacabada u tumayno!,

waxaan leeyahay qaranimadii Somaliland ee ifaysay mugdi ayay ku jirtaa ee halaga bad baadiyo kooxdan odayga maqaarsaarka kadhigatay ee dalkii timaha isugu xidhay!

aadan axmed nuur


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles