Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Warbixin; Bandhiga toddobaadka dhaqanka reer Awdal iyo qaabka uu u qabsoomayo.

$
0
0
Sida aan la wadda socotaan waxa dhawaan magaalada Henley lagu qaban doonnaa bandhig dhaqameed aad u ballaadhan oo loogu magac darey “Borama comes to Henley”, bandhigan waxa muddo lix bilood ka badan qaban qaabadiisa ku jirey ururka caalamiga ah ee Somason oo fadhigiisu yahay magaalada Birmingham iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Henley.
Bandhig dhaqameedkan oo dadweynaha reer Awdal ee degan dalka Ingiriiska ay ku soo bandhigi doonnaan hiddaha iyo dhaqankooda wannaagsan ayaa furmaya maalinta khamiista ee bisha Juun ku beegan tahay shan, waxaana uu si rasmi ah uga furmi doonnaa xarunta dowladda hoose ee degmadda Henley oo ay muddo dheer mataano ahaayeen magaalada Borama ee xarunta u ah gobolka Awdal.
Ururka Somason oo muddooyinkii u dambeeyay waxtarkiisu aad isku soo tarayey ayaa goobta badhigu ka dhacayo gaadhsiiyey agab fara badan oo ay ka waarideen dhulkii hooyo kuwaas oo ka kooban astaamaha muujinnaya hiddaha iyo dhaqanka soojireenka ah ee dadka reer Awdal gaarka u leeyihiin.
Masuuliyiinta dowladda hoose ee Henley ayaa agabkaas dhigey xarun weyn oo loogu tallo galay waxaana alllaabtaas kala duwan ee hiddaha iyo dhaqanka ka kooban la dhex dhigey meelo waa weyn oo muraayado badan ku xidhan yihiin. Taas oo loogu tallo galay in dadweynaha agabkaas jecel aragtidooda ay u daawaddaan sida allaab madxaf weyn talla oo kale.
Haweenayda lagu magacaabo Carol Crowdy oo ah agaasimaha guud ee bandhiga ayaa sheegtay amma cadeysay in xarunta la dhigey agabka hiddaha iyo dhaqanka reer Awdal ay tahay goob aad u weyn oo bilicda quruxdeeda si wannaagsan looga shaqeeyay, goobtaas oo ay ku sheegtay in tahay meel mar kaliya ay geli karaan dad tiraddoodu gaadheyso 150 qof halka kuwa kalena ay marka dambe waydaaranayaan.
Dhinaca kale Carol Crowdy waxa ay sheegtay in agabkan hiddaha iyo dhaqanka reer Awdal ay mid welba ku dul qoreen macag loogu yeedho amma dadweynaha reer Awdal u yaqaannaan waxaana ay tidhi “Maalmaha kala duwan ee bandhigi socdo waxa aan u qorsheynay in maalin aan keenno ardeyda dugsiyada hoose/dhexe iyo sare, maalina aan keeno kuwa dhigta jaamacadaha ku yaalla Henley halka maalinta kale gaar ay u tahay dadweynaha degan amma ku nool magaalada Henley”.
Jaaliyadda reer Awdal ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa maalmihii u dambeeyay ku jirey diyaargarowga iyo ka qeybgala bandhigan quruxda badan oo socon doonna muddo toddobaad ah, sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka tirsan gudiga qaban qaabadda waxa maalinta Sabtida ee taariikhda bishan Juun ku beegan tahay toddoba ay tahay maalinta ugu weyn bandhiga maadaama maalintaas la soo bandhigayo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee dadka reer Awdal.
Sidoo kale fannaaniinta reer Awdal ee ay ka mid yihiin Farxaan Xidig, Cabdisalaan Wajaale, Saamiya Yay iyo Khadar Yare ayaa iyaguna dhankooda ka diyaarinnaya heeso ay ugu tallo galeen in munaasibadaas ku soo bandhigaan kuwaas oo ka hadlaya taariikhda, xadaarada iyo ilbaxnimada dadka reer Awdal, waxaa kale oo lagu rajoweyn yahay in bandhiga maalintaas Sabtida lagu soo bandhigo gabayo, buraanbur, ciyaarta Sayliciga, hariimaadeeda amma wilwilaha iyo weliba ruwaayad ka hadleysa xidhiidhka ka dhexeeya labbada degmo ee Henley iyo Borama.
Farshaxanka caanka ah ee Axmed Magare oo u dhashay gobolka Awdal isla markaana ku nool dalka Ingiriiska ayaa soo diyaariyey sawiro badan oo ka tarjumaya nolosha, dhaqanka, hiddaha iyo taariikhda dadka reer Awdal.
Bandhigan qiimaha badan waxa maalinta Sabtida marti sharafta ka soo qeyb galeysa ka mid ah oo weliba halkaas ka hadli doonna duqa lagu magacaabo Malclom oo magaalada Borama joogi jirey sannadkii 1943-kii, Mr. Malclom ayaa ahaa taliyihii haysan jirey ciidamadii Ingiriiska ee wakhtigaas fadhiisinkoodu ahaa deegaanka Garayacow oo ka tirsan gobolka Awdal waxaana uu ka sheekeyn doonnaa waayihii iyo wadcigii ummadda reer Awdal ee wakhtigaas iyo weliba sida uu ahaa dad la dhaqankoodii hore. Sidoo kale waxa ka hadli doonna Dr Noel Snell oo sannadkii 1982-kii mayor ka ahaa magaalada Henley waxaana taariikhda qoran ee degmadda Henley ay xuseysaa in Dr. Noel uu yahay ninkii iska lahaa fekradda ay mataanaha ku noqdeen labbada degmo ee Henley iyo Borama sannadkii 1982-kii.
 
Marti sharafta kale ee maalintaas bandhiga ka soo qeyb geli doonna waxaa ka mid ah Martin Akehurst oo immika ah mayorka magaalada Helney kaas oo barhamaha bishii hore ee May dib ugu guuleystay doorashadii hoggaanka golaha deegaanka degmada Henley.
Dhinaca kale ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka waxa maalintaas lagu soo bandhigi doonna faras magaalaha Henley, sababta iyo ujeeddada arrintaas ay u doorbideen masuuliyiinta hawshan gacanta ku haysa ayaa ah in dadweynaha reer Henley la tuso amma ay bartaan ciyaaraha iyo dhaqanka dadka reer Borama ee nolosha dunidda iyo iskaashigeeda ay mataanaha ku yihiin muddada dheer.
Si kastaba ha ahaatee bandhig dhaqameedkan ayaa ah mid loogu golol xaadhayo bandhig dhaqameed labbaad oo aad u weyn isla markaana lagu rajoweyn yahay in ay ka soo qeyb geli doonnaan wafti uu hoggaaminayo mayorka degmada Borama mudane Saleebaan Xassan Xaddi.
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles