Horaantii sanadkaan baa aniga iyo dhalinyaro kale oo ka tirsan ururka darawalada takaasiilayda (Taxi/Cab) gobolka Minnesota baa waxaynu abaarnay xafiiska gudoomiyaha degmada 6′aad ee Minneapolis Abdi Warsame, oo markaasi kasoo wareegatay maalmo xiligii la dhaariyey. Abdi Warsame oo inta badan aan ka dheehan jirnay khudbadihiisi saashadaha televisonada iyo wargaysyada Magaalada Minneapolis, ayaa markaasi noqday shakhsigii ugu horeeyey Somaali iyo Muslim ah oo noqdo gudoomiyo degmo, islamarkaana ku biira golaha degaanka ee magaalada. Aad baan u xiisaynaayey la kulankiisi, inkastoo aanan filaynin waxbadan, waayo waxaan dareensanaa isbadalka aan rabnay inuusan sahlanayn.
Waxaan kamid ahay1500 darawalo Somaaliyeed oo qoysaskooda ku biila adeega Taxiga (Taxi), shaqadoodana ku guta wanaag iyo sharaf. Afartii sano ee lasoo dhaafay oo aan ahaa darawal, waxaan la kulmay handadaad, tixgalin la’aan iyo culaysyo badan oo sal u ahaa sharciyo cunsuri ah oo ku lifaaqan xeerka takaasiilayda ay dajisay magaalada Minneapolis. Culaysyadaan ayaa ahaa kuwa saameeya nolol maalmeedkeena, dhaqaalaheen iyo waliba aragtida ay naga haystaan mujtamaca aan u adeegno ee Magaalada Minneapolis.
Waxay ahayd abaara 1:00pm, maalin talaada ah 14kii bishii January xiligii u horaysay uu na qaabilay Mudane Abdi Warsame. Waxaan u sharaxnay dhibaatooyinka naga haysta Parkingka, qiimaha inspectionada oo $135 laba mar nalagu qasbay sanadkii, da’da gawaarida oo 5 sano haday ka weyn yihiin nalagu qasbo inaan badalno, handadaad booliska inooga timaada oo inalagu soo gabado trip sheet wax la yiraaha oo aan hilmaano marar qarkood iyo qodobo kale. Gudoomiye Abdi Warsame ayaa runtii inoo dhagaystay si ixtiraam leh, noo balanqaadayna inuu darsi doono, waxna ka qaban doono.
Todobaadkii xigay xilli aan la xiriirnay ayaa wuxuu inoo xaqiijiyey in shaqaalihiiisi ay bilaabeen inay durba darsaan xeerka takaasiilayda. Waxaan xafiiskiisi la galnay ilaa iyo 10 shir oo kale isagoo si ixtiraam leh inagala tashanaayey qodobada kala gedisan ee ku dhigan xeerka takaasiilayda. Dedaal dheer ka gadaal waxaa shalay (Friday July 18, 2014) usoo hooyatay guul weyn darawalada takaasiilayda kadib markii 12 xubnood golaha degaanka ay u codeeyeen xeerka cusub uu Abdi Warsame qoray, halka 1 xubin uu kasoo horjaystay.
Xeerka cusub uu qoray Abdi Warsame ayaa u hiiliyey darawalada Somaaliyeed islamarkaana dhigaaya qodobadaan hoos ku dhigan:
- baabi’inta Cab Stand Permits (oo lacag dhan $200.00 kharaj ku bixi jiray sanadkii)
- Dhiminta kormeerka gawaarida ee 2 jeer sanadkii ahaa oo hal jeer laga dhigay ($135.00 baa sanadkii darawalada uga bixi jiray.)
- U ogolaanshaha in kormeerka ama (inspection) ay ka samaysan karaan garageka ay rabaan.
- U ogolaanshaha gawaarida in ay dhigi karaan meterada down townka ka baxsan.
- U ogolaanshaha in gawaarida ay dhigan karaan wadooyinka magaalada islamarkaana ay u isticmaali karaan danahooda shaqsiyeed.
- Baabi’inta trip sheets wax loo yaqaan.
- Baabi’inta drop safes.
- Baabi’inta DOT Medical Card
- Baabi’inta claasyada ay magaalada ka qaadan jireen ($35 ugu fadhiyey darawalada, $15 companiyada)
Iyo qodobo kale. Guji linkiga si aad u akhrisid sharcigaan:
Halkan Guri si aad u akhrido Xeerka kasoo baxay