Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Siiraanyo dhiil kula galay inuu wasiirada qaarkood u dhammeeyo

$
0
0

Ka dib kulankii shallay/doraad oo khamiis ah ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland ee lagu soo afjaray khilaafkii ragaadiyey horusocodka xisbiga KULMIYE, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda madaxweyne Siilaanyo uu seefta la dhex maro golahiisa xukuumadda oo la filayo inuu dibadda ka dhigo xubno door ah, halka la filayo in garabkii uu hogaaminaayey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ay ka hellaan xubno door ah.

Xubnaha la saadalinayo inay golaha xukuumadda dib ugu soo laabtaan ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee ganacsiga ahaana arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la filayo in wasaarad muhiim ah laga siin doono golaha xukuumadda, halka isagana la hadal hayo wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Dr. Xoog inuu isaguna markale ku soo laabto golaha xukuumadda Somaliland.

Xubnaha la saadalinayo inay xayndaabka ka lushaan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka hadda ee ganacsiga oo isagu wasaaradaasi ku cusub Muuse Qaasim Cumar, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Xasan Gafaadhi ayaa iyagana la filaya inay golaha xukuumadda ku soo biiri karaan, iyadoo sidoo kalana la hadal hayo in xubno ay ka mid yahiin wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cukuse, Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ay meesha ka baxayaan, isla markaana la filayo in lagu soo kordhiyo xubno door ah oo ka soo jeeda deegaanada Sanaag berri iyo Sool.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles