Sadexda astaamood ee ugu waaweyn ee lagu yaqaano umad, ama qaran madax banana waa Xikmadda weyn ee ilaahay ayaa ka dhigtay basharka dunidan ku nool, kuwo u abaabulan bulshooyin u dhisan hanaan qaramo iyo dawlado ku astaysan, kuwaasoo ay mid waliba koonkan kaga dhaqan tahay bogcad uu ilaahay kaga beeray, waxaana mid kasta oo umadahaas ka mid ahi ku hamidaa sidii ay uga dhigi lahayd bogcadda ay ku uuman tahay halka nolol ahaan, dhaqan ahaa, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba ugu wanaagsan arladan guudkeeda, marka laga reebo in yar uu shucuubtaas ka mid ah oo iyaga ay ka maqan tahay dareenka wadaniyadeed ee noocaas ahi, bulshooyinka noocaan ah waxaa ka mid ah Soomaalida oo iyaga ay ka guurtay dareenka ah DALKAYGA, kuna bedeleen dareenka ah DANTAYDA, waxaanay taasi dhaxalsiisay Soomaalida inay
marti iyo qaxooti ku ahaadaan dalal ay dhisteen, horumariyeen, ilaashadeen dadkii lahaa, waxaanay dhulalkaas ay tageen, ama u qaxeen kala kulmaan dhibaatayn iyo tacadiyo aan xad lahayn, taasoo macnaheedu u muuqdo in dhulkoodii nabsiyay.
Sadexda astaamood ee ugu waaweyn ee lagu yaqaano umad, ama qaran madax banana waa DAL, DAD, IYO DAWLAD talisa, waxaa mucjiso ah in mas’uuliyiinta manta ka taliya dawlad goboleedyada yaryar ee dalkii Soomaaliya ka beermay burburkii ka dib, ay dhamaantood waxa hugaamiyaa ay tahay aragtida ah KA XOOGSO INTAAD XILKA HAYSO,AAKHIRANA HA XAALAYN, balse aanay lahayn aragtida ah WAARIMAYSIDE WAR HA KAA HADHO, madaxda meelahaas hugaamisaa iyo kuwo ka ag-dhowdhow ee baalasha u ahi waxay ku mameen lunsiga iyo boobka hantida umadda ee kuwii cashuur ahaanta looga soo qaaday ay ka qatan yihiin, madaxdani waa kuwo aan wax werwer ah ka qabin inay mar uun arkaan shacab kula xisaabtama mas’uuliyada ay u hayaan, waxaanay kaloo ilaaween xisaabtii ilaahay ee maalinta aakhiro, iyagoo aduunyadan ka dhigtay sidii bogcad ay ku waarayaan weligood, wax cibaaro iyo cashar ahna kumay qaadan in badan oo iyagoo kala ahayd (Madax) oo mulkigoodan oo kale soo maray oo Soomali ahayd oo maanta Qabri jiifa xisaabtii ilaahayna la kulmay.
Dhinaca kale, haddii aynu u gudubno tiirka labaad ee astaamaha u ah qaran jira, oo ah dadka shacabka ah ayaaiyana xaaladoodu aanu ahayn mid ka duwan kuwa madaxda ah ee aan kor ku soosheegay, waxaanan ku koobi karaa sidan:-
1. 20% oo ah kuwo ku dhowdhow madaxda oo inta badan hamigooda ugu weyni yahay manta yaynu soo baadhanaa oo wax kasoo qaadnaa, ma Wasiir hebel, mise wasiir hebel, kama fekeraan wax dan ahna kama laha waayaha ku gadaaman nolosha dadkooda iyo dalkoodaba, kuwani waa kuwo uu xaalkoodu yahay LA BOOBA.
2. 15% oo ah niman ganacsato ah oo ay madaxmartay wax layidhaahdo macaash aan u miiidaanday lahayn, waxay dalka usoo dhoofiyaan dawooyin iyo cunto aanay tayadooda iyo caafimaadkooda midna ka eegin oo aad u liita, balse ay ka eegeen oo qudha inta ay ka macaashayaan,kuwani ma aha kuwo ka fekera inta badan nolosha dadkooda iyo dalkooda, ee waxa ay ka fekeraan macaash iyo faa’iido aanay garanaynin halka ay ku cuni doonaan haddii dadkoodu madho oo u idlaado cidhib xumada waxa ay soo waaridayaan
3. 60% oo iyagu ku mashquulay hadii aanu nahay reer hebel iyo reer hebel, anagaa idinka wanaagsan iyo anagaa idinka wanaagsan, ma anagaa reer hebel noo talinayaa, noo talin mayo, iyo waanu idiin talinaynaa, kuwani waxa ay yihiin tirade ugu badan ee bulshadda ee danyarta ah oo ay haysato dhibaato caafimaad darro, mid waxbarasho la,aaneed, mid saboolnimo, balse nasiib darro ma laha dareenkii iyo fahamkii ay kaga bixi lahaayeen dhibaatooyinkaas, ee waxa ay dabada hayaan wadadii ay ku sii muquuran lahaayeen dhibaatooyinkaas ku xeeran noloshooda.
4. 5% oo ah kuwo indheer garad ah, wadaniyiin ah, balse laga tiro batay oo la hafiyay, Isla markaana miciin biday inay iska aamusnaadaan oo isha uun waxka eegaan iyagoo murugo iyo werwer qaran qaba, waxaanay kooxdani u muuqataa kuwo is dhiibay oo rajo dhigay, balse aanay ka go’nayn inay kifaax iyo naf-huridba u sameeyaan sidii ay wax u bedeli lahaayeen.
Haddaan u noqdo tiirka sadexaad oo dalkii/dhulkii, isagu wuxuu leeyahay dadkan iyo madaxdani ma aha kuwii rasmiyan I lahaaye, tolow goor ma ayay ii iman doonaan dadkii I lahaa? Taasoo ah su’aal ay jawaabteedu weli maqan tahay.
Hadaba su’aasha isweydiinta lihi waxaa weeye, WAAR YAA ISKA LEH DALKAN OO U MAQAN, hadii dadkii ku abtirsanayay ay madax iyo minjo iyo baayacmushtariba sidaas yihiin?
Mahadsnidiin
Qalinkii:- Husseinlucky Mohamed Mohamoud
Burco