Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

C. C/qadir oo Xukumada Siiranyo iyo xisbigeeda Dulmiye xasuusiyey inaan laga aqabli doonin inay ku dhaqmaan wixii ay ka diideen xukumadii Rayaale

$
0
0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaadheen xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashigu.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka waramay sidii uu xisbiga Kulmiye meel adag uga istaagi jiray mudo kordhin loo sameeyo xukuumadii Daahir Rayaale.

Ugu horayn Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlaya go,aamadii xisbiga Kulmiye ka qaadan jiray mudo kordhinta loo sameeyo xukuumadii Daahir Rayaale ayaa waxa uu yidhi “Wakhtigii ay dawladii Rayaale ka dhamaatay wakhtigii la doortay, anigu gudoomiye ku xigeen ayaan Kulmiye ka ahaa waxaanan ka mid ahaa weftigii sadexda xisbi dirteen ee ka wada

hadlay arintaas, anaga iyo xisbiga Ucid mabdi’ii uu taageersanaa musharaxa xisbiga Kulmiye oo ahaa Axmed Siilaanyo oo ahaa in la dhiso dawlad loo dhan yahay ayaanu miiska dhignay,diyaarna waa loo ahaa waanan ku doodnay anaga oo Kulmiye ah ayaana wadnay, halka ay taasi ka suura geli wayday waxay ahayd labadii xisbi mucaarid ahaa oo ku heshiin waayey sidii dawlada loo dhisi ahaa laakiin waa layska wada ogolaa in dawlad loo dhan yahay la dhisay.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay xisbiyada mucaaridka ah oo taageero ka helaya madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku ay ku heshiin doonaan inay soo dhisi doonaan dawlad loo dhan yahay waxaanu yidhi “Maanta nasiib wanaag labada xisbi mucaarid oo madasha wada tashiguna dabada ka riixayso way ku heshiin doonaan dawlad loo wada dhan yahay inay dhismayso Kulmiye iyo haldoorka halkan joogaana ka mid noqon doonaan, laakiin yaanay midina qaldamin ta maanta ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashigu diyaar u yihiin ee lagu kala badbaadi karo waa doorashooyinka oo wakhtigooda lagu qabto, taasna waynu ku kala badbaadaynaa, dawladuna waa inay waajibkeeda ka soo baxdaa, haddii ay doorashadu dhacdo oo ay hesho dawladu waanu u hanbalyeynaynaa maalinta madaxweynaha la dhaarinayana waanu joogaynaa dimuqraadiyadeenuna halkaas ayey ka soo baxaysaa.”

Ugu danbayntiina Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay inaan xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa looga fadhiyin inay ku dhaqmaan wixii ay ka diidi jireen dawlada Daahir Rayaale ayaa waxa uu yidhi “Laakiin wixii shalay Kulmiye diiday ee uu odhan jiray waa xaaraan, kordhisku waa xaaraan, dagaal ayaanu ka xignaa ayaanu odhan jiraynay, dhangad ayaanu kaga soo saaraynaa ayaanu odhan jirnay dawlada maanta joogtaana yaanay ku kicin wixii ay ka soo horjeedi jireen, madaxweynuhuna sanadkii 2012 baarlamaanka ayuu ka sheegay oo wuxuu yidhi maalin lagu dari maayo, madaxweynahana waxaan ku aqaanay nin ka soo baxa erayga uu yidhaahdo taas uu n ka soo bax ayaanu leenahay wax kale oo mushkilad ahi ma jiraan.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles