Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Wasiir Geedoole Oo Isku Dayey Inuu Carqaladeeyo Socdaalka Salaadiinta Galbeedka Somaliland, Iyagoo…

$
0
0

geedoole

Kadib muddo ay ku sugnaayeeen Saladiinta gobolada galbeedka Somaliland magaalada Hargaysa, iyaga oo jawaab ka sugaayey madaxweynha Somaliland oo ay u gudbiyeen saluug hanaanka wada lahaanshaha maamulka oo ay tabanayaan gobolada galbeedkaasi, ayay soo fara galiyeen wasiiro ka mid ah xukumada Somaliland.

Salaadiinta gobolada galbeedka ayaa inta ay Hargaysa ku sugnaayeen, aan yeelin martiqaadyo ay ka heleen salaadiinta beelaha daga Hargaysa, iyo dawladaba, iyaga oo xakameeyey dhamaanba wixii galaangal ah ee ujeedada socdaalkooga iyo joogitaankoogaba carqaladaynaaya.

Wasiirka Beeraha Somaliland Geedoole ayaa u tagay salaadiinta, kuna war galiyey, in ay ku noqdaan dagaanadoodii, inta ay xukuumadu ka soo saarayso go’aan, cabashooyinkoodii, taas oo ay gaashanka ku dhufteen.

Ilo wareedyo xogogaal aha ayaa HeemaalNews u xaqiijiyey in wasiirka maaliyadda oo ah, kan doorka weyn ku leh, saluuga laga tirsanayo xukuumada, oo ay salaadiintu ku eedeeyeen in uu ku takri falay awoodii wasaarada, kadib markii shaqaalihii beelaha galbeedka, ee wasaaradiisa ka tirsanaa ka wada qaaday xilalkii, isla markaana ku kambayn gareeyey hantidii qaranka, uu hadana soo abaabulay qorshaha loogu soo jeediyey in salaadiintu dagaanadoodii ku noqdaan, isaga oo ka baqaya in ay saamayso xilkiisa.

Waxaa dhinaca kale dhawr jeer salaadiintiisa u soo diray taliyaha ciidamada Booliska Somaliland, si ay u marti qaadaan Salaadiinta gobolada galbeedka, taas oo aan suurta galin, isaga oo laftigiisu ay aad u dhaliileen salaadiinta galbeedka habka saami qaybsiga ee ciidama Booliska loo qoro, iyaga oo farta ku fiiqay ciidamada RRU-da, iyo god daloolooyin kale.

Habka joogitaanka salaadiinta galbeed ee magaalada Hargaysa, ayaa ilaa hadda maaraynteedu ku adkaatay Siyaasiyiinta, Slaadiinta Hargaysa, iyo dawladaba, waxaana la filayaa in ay bari war ka helaan madaxeynaha, ku aadan kulankooga danbe, haddase xukuumadu diyaar uma aha in ay ka jawaabto baaqoogii, iyaguna diyaar uma aha in ay Hargaysa ka tagaan, jawaab la’aan, cidina martiqaado.

Heemaal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles