Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Waatee Wasaaradda Ugu Fadhiidsan Wasaaradaha Soomaaliland? WARBIXIN

$
0
0

Waa tee Wasaarada ugu Fadhiidsan Somaliland

Waxaa maalmihii udanbeeyey isa soo tarayey tahriibka oo si aan hore loo arag ugu sii badanaya wadankeena.kaas oo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan aad uga damqadeen iyadoo lagaga hadlayay dhibaatada tahriibka iyo saamaynta uu inagu yeeshay iyadoo ay culimaa’udiinka,ururada raydka,Ngo yada iyo hayada kala duwan ee bulshadu aad uga qaylinayeen wacyigalina wadeen si ay u yareeyaan tahriibta  oo ay dhalintu ugu nagaadan dhulkooda.

Hadaba xaal markuu halkaa  marayo waxa is waydiin mudan in la is waydiiyo aaway wasaaradii arimaha bulshada iyo shaqada qaranka somaliland ?

Waxa aad wax looga naxo ah isla marka aad ogaatana ka naxayso  in wasaaradii ay shaqo ka dhigatay mudo 3bilood ah xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta darbijiifka ee loo yaqaan (MUSTAQBAL)ee ku taal xaafada maxamed mooge ee magalada Hargaysa.

Taaso wada shaqayni ka dhaxayso wasaarada iyadoo loo soo mariyo sida caadada ah kabka ay dowladu ku taageerto xarumaha madaxa banaan ee dowlada wada shaqayntu ka dhaxayso hadaba waxa xusid mudan muxuu ka shaqeeya wasiirka arimaha bulshadu axmed barre garaad.

garaad waxa uu aamin san yahay in uu yahay wasiirka caruurta darbi jiifka isagoo subax walba u kalaha in uu maro NGOyada,Hayadaha iyo Ganacsatada wax siiya marmarka qaar xaruntaa taaso ay ka sii fool xun tahay in uu shaqaalaha bakharada waydiiyo numberada mulkiilayasha ka dibna uu garaaco oo uu idhaahdo [anigaa iska leh xarunta darbijiifka ee waxaad siinaysan aniga ii keena ana u gudbine] iyadoo ganacsatada qarna ay barteen oo aanay telefonkaba ka waabin.isaga oo ka xidhay ilihii dhaqaalaha intii uu awooday . Waxa intaa sii dheer isagoo marwada daryeesha ee tacabkeeda iyo wakhtigeeda qaaliga ah u hurtay ee u hibaysay  daryeelka caruurta,  ku daranyaysnaa darbiyada magaalada sidii ay hoy  lagu dhaqan celiyo oo dib noloshooda loogu soo dhiso ugu samayn lahayd.Marwada oo ah mid sumcad wayn ku dhex leh bulshada iyada oo aad ugu caan baxday samafalka bulshada gaar ahaan dumarka iyo caruurta kana mid ah dumarka ugu cad cad somaliland dhanka waxqabadka,waxa xusid mudan qiimaynta 100kii qof ee somaliland ugu wax qabadka badnaa 20kii sano ee ay jirtay somaliland in ay ka gashay 20kii qof ee ugu horeeyay.

Gabadha qiimaha leh ee sumcada inta leeg huwan ayuu garaad cay aflagaado iyo waxyaabo aan dumarka lagu caayin kana reeban dhaqankeena iyo diinta islaamkaba fagaarayaasha kaga aflagaadeeya. Hadaba hadaan wax yar ifttimiyo wasiir garaad:waa oday da’ah oo waayeela ,aadna u khibrad yar masuuliyadna aan qaadi karayn sifaha uu wasiirka ku noqdayna laga dharagsan yahay wixii xun iyo wixii wanaagsana aan kala saari karayn(subxana laah).waxa shalay oo u danbaysay wasiir garaad ku khasbay gabadh uu awow u yahay oo karaaniyad ka ah wasaarada in ay warsaxaafadeed uu isagu qoray kana dhex muuqato khibrad yaridiisu ay akhrido oo ay ku aflagaadayso Maamulaha Xarunta Dhaqancelinta Caruurta Darbijiifka Marwo Luul Xasan Mataan iyada oo ay ka mid ahaayeen warsaxaafadeed kaas(caruurteeda ha daryeelato intay kuwa kale ka sheekaynayso).waxa halkaa ku cad khibrad yarida wasiir garaad iyo shaqaalihiisa waxa hadalkaa yarta karaniyada u soo dhiibaya waa wasiirkii looga fadhiyay sida looga hortagi lahaa dhibaatada tahriibka ee sii badanaysa,waa wasiirka looga fadhiyay inuu ka fikiro sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada dalka ee jaamacadaha ka baxday ee bilaa camalka ah.waxa kale oo jirta in mashaariicdii hayada UNCF ay ugu talagashay sanadkan inay siiso wasaarada arimaha bulshada iyo shaqada ay dib ugala noqotay dahabshiil bank ka dib markii ay wax u cuntama oo ay ku bixiyaan waayeen. Aaway wasiirkii hawlahaa qaranka u qaban lahaa ?

Waxaan gunaanadkii madaxwaynaha si sharaf leh uga codsanayaa in uu ka gaadho burburkaa wasaarada arimaha bulshada una magacaabo wasiir aqoon leh oo xilkiisa iyo sharafta wasiirnimo iyo ta qarankaba garanaya ,odaygana ku celiyo golihii guurtida ee  xubin sharafeedka loo geeyay

Alla mahad leh

Qoraa:c/xakiin axmed jibriil cawale  <qiiq_w@hotmail.com>


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613