Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

M/weynayaashii SL soo marey iyo waxa lagu xasuusto ” Cigaal tolkii wuxu uga tegay Gobol iyo golayaal, Siilaanyo wuxu uga tegayaa dhaqaale iyo dhul, Daahir wuxu kala tegay lafihiisa

$
0
0

Madaxweynayaashii Somaliland soo marey waxaa mid-walba lagu xusuustaa raad-raaciisa, karaamadiisa iyo wax-qabadkiisii u-gaarka ahaa.

Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Mudane A/rahman Ahmed Ali naxariistii jano alleh ha-ka waraabiyee mudadii uu wadanka Hogaaminaayey wuxuu ahaa waqti aad u-adag oo kala danbeyntu yareyd oo hubka lawada haystey laakiin wuxuu ku guuleystey in aanu Magaca Somaliland aaney gacantiisa ku bur-burin waana uu ku guuleystey oo wuxuu ku-wareejiyey Cigaal. 

Madaxweynihii labaad ee Somaliland soo marey wuxuu ahaa Alleh haw-naxasiistee Mohamed Xaji-Ibrahim Cigaal, naxriistii jano Alleh ha-ka waraabiyee  waxaa uu ahaa aas-aasihii dhidibada u-taagey hanaanka fareemka  dimuqraadiga ahaa ee maanta Somaliland ku fadhido. Madaxweyne Cigaal waxaa la isku raacey in uu ahaa Madaxweyne Qowmiyadeed ee aanu aheyn madaxweyne Qabiil.

Madaxweynihii sadexaad ee Somaliland soo maraa wuxuu ahaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin waana maxadweynihii ku guuleystey fulintii sii amba qaadkii dariiqii dimuqraadiga ahaa ee madaxweyne Cigaal uu u jeexay Somaliland. Wuxuu Mudane Riyaale fuliyey in ay Somaliland ay ku dhaqanto  mabaadiida siyaasadeed ee xisbiyada badan isaga oo ku guuleystey nidaamkii doorashooyinkii badnaa ee kala danbeeyey ee Somaliland caalamku ku amaaney. Waxaa Riyaale lagu xusuusan doona sidii geesinimada laheyd ee uu maamulka Somaliland u-fidiyey iyo sidii uu u-sugay dhamaan nabad-gelyadii guud ee Somaliland.

Madaxweynihii afraad ee Somaliland waa Madaxweyne Siilaanyo oo si ay ka noqoteyba noqdey Madaxweyne Somaliland soo mara kii uguna nasiibka badnaa uguna nasiibka xumaa.Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu nasiibka badnaa oo waxaa mudane Daahir Riyaale Kaahin uu ku wareejiyey wadan degan oo nab-doon oo u-baah-naa uun in la kool-kooliyo oo la naaxiyo dimuqraadigiisii socod-baradka ahaa iyo hayadihiisii dawladeed.

Laakiin nasiibdaro wuxuu noqdey kii ugu nasiibka darnaa ee Somaliland soo mara ka dib markii uu hantaaqiyey ee uu wiiqey lugihii Jilicsanaa ee uu ku taagnaa dimuqraadigii socod-baradka ahaa ee Somaliland ku fadhidey. Madaxweyne Siilaanyo oo ay ummadda hada u-cadaatey in lagu soo caleemo saarey Shir-beeleedkii Gar-adag wuxuu mudo yar ka dib  u-xuubsiibtey Caaqil-reereed oo wuxuu noqdey Madaxweyne qabiil oo  muu noqon madaxweyne qomiyadeed. waxaana Caleemo saarka caaqilnimo ee madaxweyne Siilaanyo aan gun-dhig laygu garaabo aan uga dhigayaa qodobadan hoose:

1- Wuxuu badankii anfacii, hantidii Maguuraanka aheyd ee uummadda ka dhaxeysey sida ,Liisamadii, kontaratyadii iyo kheyraadkii ma-guuraanka ahaa ee wadanka uu u sad-buriyey  xaafadiisa iyada oo aan la soo marin sifihii sharciga ahaa ee wadanka u-yaaley.

2-  Rishafalkii uu dhawaan ku sameeyey golihiisa fulinta muu  taaban manuu bedelin manuu eryin afartii wasiir ee beeshiisa taas  oo uu wasiiradii beeshiisa uu ka dhigey ceeb-ka saliim lama taabtaan ah.

3-  Wuxuu  si cadaan ah ugu kala eexdey labadii warshadood ee sibidhka ahaa ee Saaxil Cement Factory iyo Berbera Cement Company.taas oo uu kii beeshiisa ahaa uu garabka saarey oo uu ku garab-galey in uu xidho buurihii sibidhka ahaa ee Somaliland oo dhan-ka dhexeeyey..

4- Wuxuu Ra’isal-wasaare qarsoon ka dhigay inan yar oo uu adeer u-yahay oo wadankii qaaq ka-ga siiyey oo aan khibrad iyo aqoon aan  u-laheyn shaqada baaxada leh ee dhabarka loo saarey.taas oo maanta uu Wadankii uu Khal-khal qarka u-saaran-yahay.

5- Wuxuu daba ka nuug kawada dhigey shirkadihii xaafadiisa oo noqdey kuwa ugu cad-cad wadanka bal-eeg shirkada is-gaadhsiinta ee ugu cusub-shirkadaha is-gaadhsiinta ee Somaliland taas oo hada  shiiqisey shirkadihii soo-jireenka ahaa,maa-daama power dawladeed uu dabada ka wado shirkadaa iyada ah.

6- Liisamadii iyo qandaraasyadii hantidii ma-guuraanka aheyd ee Somaliland , hadii ay noqoto, sahaminta batroolka, sibidhka, Kaluunka, sahaminta macdanaha kala duwan,Milixda, Dulkii danta guud ahaa oo si  gaar ka ah loogu xidhaayo shaqsiyaad  xaafadeysan oo sita magac shirkadeed, magac wershadeed sida wersheda Gaasta ee cusub, Magac iskaa-shato, magac-mashruuceed been-ah oo dhul-lagu-xidhanaayo iyo magac-beereed, taas oo markii diirada la saarey 3dii Sanadood ee Siilaanyo hogaanka hayey ay aad dhinac uga  sii rarmaayaan maalinba maalinta ka-danbeeysa taas  oo hada u-baahan in la dheeli tiro oo la kala saaro shirkadaha ninka keliya leeyahay iyo shirkadaha ummadda sheerarka ka iibiya ee shacabku wax-kuleeyihiin wadana leeyahay.

Madaxweyne Siilaanyo si ay ka noqoteyba muu u-xaqsoorin shacabkii doortey ee dirtey , wuxuuna noqdey  Madaxweyne dhinac ka raran oo aan ummadda u-muujin sinaan iyo cadaalad,taas oo ay xukuumadiisiina  ay isku khaladey runtii iyo beentii, fariidkii iyo nacaskii , mujaahidkii iyo faqashtii, daneystihii iyo daryeelihii, fashilaadii iyo guushii, guurtidii iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, fulintii iyo golihii Wakiilada. Xukuumada Siilaanyo Waxay isku xeertey duul qaldhabaaya oo qawdhamaaya oo aad moodo in aaney wadanka u-dhalan oo eryanaaya dano-gaar ah, magac aaney mudneyn, maal aaney xoogsan,maa-muus aaney kasban, shaqsi-jecleysi xujo iyo xoolo aan-bireysneyn oo xaaraan ah oo la xuuraaminaayo uun oo aan habkeedna  laheyn. Waxa ay isku xeertey duul aan hadal u-meel-dayeyn oo dhaleeceynta, deel-qaafka,meel-kadhaca, gefka iyo cayda  ku-naaxa, Taas oo ilaa iyo warbaahinteedii iyo TV-geediiba ay noqodeen goob la isaga tiriyo, la iska caayo oo la isku khaldo runta iyo beenta iyo xogta iyo xaqiiqda maanta wadanka taala.

Nasiib-daro Maanta waxay hantidii ma-guuraanka aheyd ee ummadda Somaliland oo dhan u-dhaxeysey ay gacanta -u-gashey  koox yar oo dhereg-dhaaftey oo aan danahooda mooyaane aan aqoon daryeel kale oo dhaafsiisan. Madaxweyne  Siilaanyo wuxuu Ribo iyo Ra’iis ugu balan qaadey hawl-wadeenadii ugu sareeyey sharci-dejinta dawlada taa soo aheyd goobtii lagu abuuraayey, laguna ansixinaayey, laguna meel-marinaayey sharciyadii uu soo abuurey.

Hadaba maadaama meel-marinta qawaaniinta distooriga ah ee Somaliland ay had-iyo-jeer  ku dhacaan qaab-gacan-taag ah, waxaa halkaa ku sarifmey, oo ku-milmey oo ku-fasaqmey oo uu Virus ku galey haykalkii, hanaankii, higsigii iyo habsami-u-socodkii hawlihii dawladnimo.Waxaana meesha ka baxdey xil-gudashadii, is-xisaabintii, dhiirigelintii , maslaxadii iyo masiirkii dantii guud ee ummadda Somaliland oo dhan. Bal-hadaba Muwaadinow, xukuumadan seegtey tubtii toosneyd ee turun-turootey, ee taraartey yaa tilmaa-maaya oo ku toosi-naaya Toobiyaha  toosan ??? Jawaabta oo koobani waa cidna oo xukuumadii waa bilaa-bireeg ee yaaney ku-jiidhin.!!
Intii Xukuumada Siilaanyo Hogaanka Haysey waxaa Saaxadii siyaasada Soomaliland daf-soo yidhi, guul-wadayaal darban oo dalabka ku-shaqeeya oo mar-marna qarsoon oo aan la garaneyn, mar-marna muraayada madow-iska saara,kuwaas oo ka doobiya oo ka dhibi-shaxleeya Huteelo ku aadan dudada Madaxtooyada.iyo kuwa-ugu macruufsan caasimada Hargeysa.

Waxaa kale oo iyana soo kordhey hawlwadeeno  dilaaliin ah oo dalqada indho ku leh oo doogsin cararaaya oo walaha ku-rafta iyaga oo had iyo jeerna difaaca xeyndaabka madaxtooyada iyo beelahooda oo keliya. Markaanu diirada saarney waxaa noo cadaatey in ay xukuumada iyo xulafadeedu ay  isku wada noqdeen may-dha-naan iyo milan qun-yar-socod ah oo gacan-wadaaga -yaqaana.

Xukuumada Siilaanyo waxaa uu xaalkeedii uu dhami uu noqdey dhafan-dhaaf, dhalan-habaabis, isii-aan ku siiyee, iigu dar aan kuugu daree, ii-debci aan kuu-debciyee iyo qusum iyo qoon hantidii ummadda oo hadh-madow lagu kala qaybsadey.
Alleh ayaa mahada iyo Mudnaantaba Leh.
Wa-La-hum-Aclum.Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Intensive ED.BD PA
United Kingdom
London
fidhinle@aol.co.u


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles