Waxay ahayd badhtamahii sannadkii 2005- waxaana ka oogna caasimadda Hargeysa daryan iyo qaylo badankeed laga dhegaysan jiray idaacaddii sharci darrada ahayd ee KULMIYE furtay ee loo yaqaano Radio Hormood, baarqabyadii KULMIYE oo badiba ku taami jiray inay hore usoo ilko dhacsadeen waxaad is odhanaysay waxay iskugu soo wada habar wacdeen henjabaad, hitigaad, higaad, iyo hadal kasta oo damiirka iyo dadnimada caafimaadka qabta ka dido.
Baarqaabyada waaga ku faani jiray in ilkahii sare iyo gawsahiiba kaga dhaceen halgankii dalka lagu xoreeyey, afkooda ma aqoon berriba darane bal mar dhaaf, caqligooduna kamaba fekeri jirin hortaada iyo hareertaada eeg, goob kasta oo ay hadal ka jeediyaan, madal kasta oo ay shir jaraa’id ku qabtaan, iyo ammin kasta oo ay ku kaftamayaanba xaalkoodu wuxuu ahaa waxaanu qallinku qarin karin “Kaadidayadaanu usoo cabnay” “Dhiiga Noo Qulqulay” “Nin aan SNM ahayn ayaa ka taliya” “Caloosha Iiga Soo Dhacday” hadda ogobeey kuwa sida ku fekerayay kooda u gadh hayeenka ahaa Axmed Siilaanyo iyo kuwooda u badan golaha fullintu guryaha ay ku jireen waxay wada ahaayeen hanti dawladeed, cidi laydh kama qaadi jirin, cidi biyo lacagteed kama qaadi jirin, qaarna guryahii dawladda ayaaba gacan labaad uga sii kiraysna oo masruuf u ahaa iyaga iyo qoysaskooda.
Akhriste weedhaha sida u kakna waxay hawraartu maanta ka soo qaadanaysa mid ka mid ah oo sannadkii 2007-dii bishii August 12-keedii ka soo baxay afka guddoomiyaha haatan ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlaayey xaflad xisbiga KULMIYE ku qabtay xaruntooda dhexe ee ku taalla xaruntii dhallinta kacaanka ee Hargeysa.
Muuse Biixi oo waaga ku magacawna xoghayaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xisbiga KULMIYE ayaa isagoo madasha ka hadlaya waxaa kelmadahii uu jeediyey ka mid ahaa “Rayaale tallo loola tag qaadan waa, tusmo loo sheeg, qaadan waa, wax walba lagu yidhiyo maqli waa, marka waa in dhegahiisa la maqashiiyo waxaanu hore u maqal”
Hadalkaasi oo ka mid noqday kuwii ugu xanafta badna cahdiga, uguna xiisad badna oo ay warbaahinta Somaliland waagaasi siyaabo kala duwan u lafa gurtay ayaa markaad dhuuxdo waxaa caqligaagu isweydiinaya tallow muxuu muuse maqashiinaayey M/weyne Daahir Rayaale, ilma yar oo caruur ah haddii aad weydiiso iyadoon jawaabta meel kalaba laga raadin wuxuu ilmahaasi si wanaagan oo waafi ah kaaga shaafi tiraya ujeedada, iyo hadafka rasmiga ah ee hadalka ka soo burqaday Muuse Biixi, xalkii Muuse wakhtiga wuxuu ahaa in Daahir Rayaale rasaas, madfac iyo dagaal dhegahiisa la maqashiiyo si uu kursiga uga kaco.
Taariikhdu isma masaxdo, isma maydho, waxaanay taariikhyahanadu ku hal-qabsadaan inaan Taariikhda la qorin ee ay iyadu is xaradho oo is qorto, waxaase cajiib badan Muuse Biixi oo ay afkiisa ka soo burqadeen weedhahaasi shan sannadood ka hor inuu maanta xal ka meel kale ka raadinayo Maxamed Xaashi iyo Dhego-weyne oo aan weli kelmadaha laga maqala uu isagii ladqabo ugu jiro.
Hawraartu waxay layaabtay Muuse Biixi oo maanta la hadlaaya Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe , ugana dar daar warinaya qallinkiisa waxaa uu yidhi oo hadalkiisa ka mid ahaa Muuse Biixi sidani “boobe oo ahaa xoghayahii ugu qiimaha badna SNM inuu guddoomiyahiisii maanta qallinka u qaato oo qallin ku dagaalamo waa waxaan la qaadanayn” ayaa ka mid ahaa weedhahii Guddoomiye Muuse, balse haddana hawraartu waxay isweydiinaysa Guddoomiye Muuse muxuu shallay inta u garan waayey markii Rayaale xilka hayey, mise tallow Rayaale waxaanu ahayn SNM.
Ugu Danbayntiina hawraartu waxay u garawday xikmadii, iyo xeel dheeridii aftahankii weyna ee qarranka alla qabriga ha u nuur, danbigiisa ha dhaafo, naxariistiina janno ha ka waraabiye Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye mar uu lahaa
Abeesaa laga sheegay markaan aadmiga fiirsho
aargudaan is idhaa
markaan Eebe jaleecana
awlaadsaan is idhaaye
-Waxaan eeg garan waayey
waxan eeg ka sokeeya -
Rag haduu is af dhaafo
aayatiina wadaago
afkaa laysku gartaayee
is afwaajiya maaha isu soo ura maaha -
Adigoo hebel diidan eryo reer hebel maaha
isu weersada maaha udahaaga cun maaha
Hawraartuna ugu danbayntii waxay leedahay Guddoomiye Biixiyow ragga odayaasha ah siday doonaan ha u hadleen, shallaynu u joognay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo lugta la qabtay, bal aynu u joogno December haddii alla idmo Soomaalidase ku maahmaahda “Tiisaba Daryeela tu kale ku dara” Bal Adigu ha ku xigin oo yaanu Xirsi Gaab daaqadda kaala bixin, Afkaaguna Guddoomiye yaanu seef lagugu dilo noqon.
Maxamed Cabdi