Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all 613 articles
Browse latest View live

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 8aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

$
0
0

Gaashaanle sare Muuse Rabiile Good iyo Jaamac Rabiile markii ay si wadda ah uga dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa ay maalintaas u ahayd ummadda reer Awdal meel kaste oo ay joogaan maalin madow, gaar ahaan intii markaas joogtey amma ku nooleyd magaalada Muqdisho maxaa yeellay? Maxamed Siyaad Barre waxa uu maalintaas dil toogasho ah ku xukumey marxuum Jibriil Aamin, marka aad dhaayaha ku dhufato magaca Jibriil Aamin waxa laga yaabbaa in qalbiga iyo dareenka qaarkiin isweydiinayo su’aasha ah tallow waa kuma Jibriil Aamin?

 

Marxuum Jibriil Aamin waxa uu ka mid ahaa haldoorka reer Awdal ee aqoontooda ku kobciyey kuna koriyey dalka Soomaaliya, muwaadin buu ahaa dhiigiisa waraabiyey qaranimada Soomaaliyeed kaas oo u halgamey in dalkiisu la jaan qaado dunidda horumartey amma dalalka isku filaanshaha gaadhey. Maxamed Siyaad Bare waxa uu Jibriil Aamin AUN berigaas ku eedeeyay in uu cuney amma musuqmaasuqay lacag badan sidaas darteed waxa dilkiisa uu u cuskadey xeer ciqaabeed uu ugu yeedhay “Xisaab xil ma leh”.

 

Haddii aad maqashey amma dhagtaada ay soo gaadhey waa dhab warinta tidhaahda Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada dalka Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon ayaa Maxamed Siyaad Barre ka codsadey in aanu fulin xukunka dilka dhigaya ee uu si deg deg ah u dul dhigey nafta Jibriil Aamin sababtuna waxa ay ahayd Xasan Guuleed iyo Jibriil Aamin oo ahaa qaraabo dhinaca ehelnimadda aad isugu dhaw balse badbaadada iyo dalabkaas labbada Madaxweyne dhex marey Maxamed Siyaad Barre wuu ku gacan saydhey sidaas darteedna waxa uu Jibriil Aamin ku fuliyey dilkaas uu u ugu magac darey “Xisaab xil ma leh”. Sida runta ah waxaa la sheegaa in arrinta dhacdey iyo ujeeddadu ka weynayd lacag la musuqmaasuqay waayo? Maxamed Siyaad Barre waxa uu berigaas Jibriil Aamin ka bildhaansadey biyo hoostood.

 

Ahmed Yuusuf Wayrax oo ka mid ah aqoonyahanka reer Awdal ee qurba jooga ah ayaa habeen habeenada ka mid sannadkii 2009 mar uu ka sheekeynayey dhacdada dilkii Jibriil Aamin anaga oo ku sugan magaalada London waxa aan weydiiyay qadarka ay dhaneyd lacagta uu Maxamed Siyaad Barre ku eedeeyay in uu musuqmaasuqay Jibriil Aamin waxaana uu yidhi “Horta Anigu berigaas dilku dhacey ee 1979-kii waxaan joogey oo aan wax ka baranayey dalka Maraykanka balse markii aan wadanka gudihiisa ku soo noqdey waxa dadkii xog ogaalka arrintan u ahaa ii sheegeen in lacagtaas qadarkeedu ahaa 380.000 oo shillinka Soomaaliga ah”.

 

Markana haan dib u milicsano maalintan iyo xasuusta Maamo Sahra Cismaan Suldaan oo aan wax ka weydiiyay dareenkii Jaamac Rabiile Good ee dhacdadaas Jibriil Aamin maadaama uu la kawsadey soo guryo noqoshadiisii “Hooyo marxuum Jaamac Rabiile Good dareenka iyo xanuunka dhacdadaas Jibriil Aamin waxa uu kala mid ahaa haldoorkii reer Awdal ee markaas joogey magaalada Muqdisho laakiin isagga waxa intaas u dheerayd in uu aad isku ciil kaambiyey oo uu naftiisa ku cannaantey maxaad ugu soo noqotey meel uu ka jiro nimaad iyo maamul Maxamed Siyaad Barre ka talinayo maadaama uu xalaal ka dhigtey in uu si dhib yar u daadiyo dhiiga muwaadinka Soomaaliyeed”.

 

Maamo Sahra Cismaan Suldaan oo u dhaxdey Jaamac Rabiile Good waxa ay intaas ku dartey “Markii Maxamed Siyaad Barre dil ku fuliyey Jibriil Aamin waxa labbo cisho kadib Jaamac Rabiile wakhti galab ah guriga ugu yimmid rag dhar cad ah oo siday waraaq yeedhmo ah oo ka socotay xafiiska daba galka oo maamul ahaan hoos tagi jirey laanta Sirdoonka dalka, ragii dhar cada ahaa markii ay waraaqdii u dhiibeen Jaamac Rabiile ee uu akhriyey wuu jar jarey kadibna ragii waraaqda sidey ayuu hortoodii ku daadiyey, gallabtaas rag badan oo Odayaal ah ayaa guriga la fadhiyey dabadeedna waxa ay ku yidhaahdeen Jaamac miyaad iska raacdid nimankan waxa la rabbo in lagu weydiiyaana soo hubsatid, wuxuu ugu jawaabay Aniga nin jaahil ah interview (Wareysi) iga qaadi maayo”. Kadib maalintii dambe ayuu Jaamac Rabiile dalka ka dhoofey waxa uu tagey magaalada Jabuuti”.

 

Maxamed Siyaad Barre markuu ka war hellay socdaalkaas waxa uu Jaamac Rabiile ka daba direy rag Sirdoon ah, ragii markii ay gaadheen Jabuuti waxa ay gudo galeen baadi goobka Jaamac Rabiile Good halka uu degan yahay amma ku nool yahay nasiib wannaaag raga la direy waxaa ku jirey nin dhalasho ahaan ka soo jeeday gobollada Waqooyi, ninkii baa wakhti fiid ah u tagey Jaamac Rabiile wuxuuna ku yidhi Maxamed Siyaad Barre ayaan ka soconaa waan badanahay amarka aan qabno waxa weeyi soo kaxeeya Jaamac Rabiile haddii uu idin diido si sir ah amma hoose u soo khaarajiya. Wargelintaas muhiimka ah markii uu Jaamac Rabiile hellay isla habeen badhkiiba wuxuu ka tallaabay xadka u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

 

Maalintii dambe ayuu illa soo hadley wuxuu yidhi waxaan joogaa magaalada Qaahira adiga iyo caruurtuba ka soo baxa magaalaga Muqdisho waxaad timaadaan magaalada Jabuuti, markiiba waan baxey caruurtiina waan kaxeystay dabadeed markii aan gaadhey Jabuuti ayuu haddana illa soo xidhiidhey wuxuu yidhi waxaan joogaa Itoobiya oo markii hore ee aan ku lahaa waxaan joogaa dalka Masar waxaan diidayey ciidamadda Sirdoonka ee dalka Soomaaliya in ay ogaadaan halka aan ku suganahay, kadib marxuumku waxa uu ii sheegay wixii dhacey oo dhan iyo waxa uu damacsan yahay in uu sammeynayo waxaanu iga codsadey in aan xadka ka soo tallaabo si aan isaga ugu tagno dalka Itoobiya ee uu ku sugan yahay, arrintaas waan ka diidey waayo? Anigu wadanka Itoobiya ku noolaanshihiisa aad baan u necbaa sidaas darteed waxaan ku idhi Aniga iyo caruurtuba waxaan ku noqoneynaa magaalada Muqdisho adigana good luck (Nasiib wannaagsa). Dabadeed dhawr maalmood kadib markii aan Xamar ku noqdey ee nabad iyo caano gurigaygii u joogo waxa wakhti duhur ah Idaacada Itoobiya ka maqalney!!

 

La soco qeybaha kale……….

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Hambalyo Ku Socota Boqorka Aadan Cali Sugule iyo Boqorada Fahiima Yaasiin Xuseen Oo Meherkoodu ka dhacay Jigjiga

$
0
0

Waxaa hambalyo meher ah diraya
hooyo khadra ismaaciil iyo aabo yaasiin xuseen iyo caruurtooda oo kala ah
asad yaasiin xuseen,cabdiraxmaan yaasiin xuseen,haboon yaasiin xuseen,mubashir  yaasiin xuseen iyo cali barkhad cumar
oo u hambalyaynaya marwo fihiima yaasiin  xuseen iyo mudane aadan cali sugule oo meherkoodu kadhacay xarunta ddsi ee jijiga
waxay leeyihiin ilaahay haidin kadhigo kuwii kalahela ubad khayrqaba gurilagunasto oolagunagaado aamiin aamiinhanbalyo-1

DAAWO Koox Caddaan ah Oo Raacinaya Muusiga Hees Soomaali ah Oo Ay Qaadayso Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan

SIILAANYO WASIIRADA ISAGAA “”GREENLIGHT” SIIYAY IN AY WAXEY DOONAN SAMEEYAAN, Muuse Biixina Maaha inuu…….

$
0
0
Ugu horeyn  waxaan  salaamaya  bahda  saxaafada, guud  ahaan, gaar  ahaanba,waxanan ku salaamayaa  salaamta Islaamka ee  ah ”Ascw”.
Ka dib  beryahan  waxaan  la  wada  soconaa  qeylodhaan  ka  soo  yeedheysa taageerayaashii  xisbiga  kulmiye  iyo  hogaaankii  xisbiga  kulmiye.
Hadaba  marka  aqliga  fayow  loo  noqdo  ama  garashada  saxda  ah  ee  fog  la  kaashado  waxa  kuu  soo  baxeysa  in muranka  iyo dib u dhaca  shirka  kulmiye  yahiin  wax  uu  Oday  siilaanyo  u  badheedhaayo, isagoo  kolba  tuul  cusub  oo  uu  ugu  yeedho  wasiiro  adeegsanaaya.
Macnaha  eryga  wasiirka  maanta  ee  somaliland  waa  shaqaale  uu  siilaanyo  leeyahey  dadkana  umma  wada  sinaankaraan  ee  kii  shaqada  qortay  ayay  u  shaqeynayaan  dab can kaasina  waa  siilaanyo.
Wax  kale  oo  iska  cad  i  oday  siilaanyo  uu  wasiiradiisa  amar  ku  siiyey  in  ay  is  hortaagaan  wax  kasta  oo  ay  hogaan  ku  sheega  beenta  ah  ee  xisbiga  kulmiye  soo  jeediyaan  waxana  kuu  cadayneysa  xitaa  in  awoodoodii  uu  madaxweyne  ku  xigeenka  oo  fulinaya  fariinta  madaxweyne  siilaanyo  uu  si  cad  u  joojiyey  shirkii  iyo  qorshahii  socday  ee  gabgabada  ku  dhawaa.
Waxaad  arkeysaa  wasiiro  aan   cabshadooda  u  la tagayn   gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  balse  siilaanyo  la  showraaya, halkaasina  waxaa  ka  cad  in aanu  xisbiga  hogaankiisa  uu  siilanyo  dhabar  jabiyey  kuna  balan  furey  sheekaduna  waa  xaajo  nin  kastaa  ka  tali waana  kala  guur  iyo  kala  yaac.
Ugu  danbeyntii  wasiirada  waa  wasiiro, ku  howlgalaaya, magacii  ummada, shaadhkii  dalka, dhaqaalahii  ummada, xilalkii  ay  dadka  u  hayeen, hadana  waxaa  la  leeyahey  waxey  ka  talinayaan  xisbigii  oo  sideey   isu  raacayaan  qofku  in  uu  shaqo  aan  tiisii  aheyn  faraha  la  galaa?  dabcan  wey  arkoonayaan  waxaana  laabta  u  gaaracaaya  waa  Odaygii  wasiirda  siiyey  waxa  loogu  yeedh ” greenlight”  oo  ah  in  ay  waxay doonaan  sameeyaan ee  ummada  yaan  been  loo  sheegin  kama  jiro  xisbiga  kulmiye  dhibaato  aanu  siilaanyo  abuurin.
Gabagabdii  waxaan  f  fariin  u  dirayaa  gudoomiyaha  beenta  ah  ee  xisbigaasi  waa  muuse  biixi  cabdi, waxaanan  leeyahey    maahan  in aad  taageerayaashaada  kolba  been  u  sheegto  siilaanyo  wuu  ka  badheedhey  in  uu   wasiir  samaale  maanta  ka  dhigo  milyan neer, wasiir  arimaha dibada  ee  cusubna  waxa uu  u   keenay  wax  uu  raadiyey  cid adiga  iyo  qabiilkagaba  neceb  waana  mr  wasiir  daafuur  oo  hada  ah  kuwa  wasiiro  ku  sheega  ah  looga  dhigey  gudoomiye  xumaanta  siilaanyo  faafiya  balse  waan ka  xumay  in  80  jirkaasi  la  adeegsado, oo  aqli   uu  ku  garto  waayo   waase  caado, dumarkaa  marka  la  shukaansanaayo  la  amaanaa  tolkeena  waa  habaar  ku  dhacey  in  hankoodii  wasiirnimo  50sanno  dhaafi  waayo , ee  adigu  waa  in  aan  go’ aankii  aad  siilaanyo   aad  iska  kaga dhicin  laheyd qaadataa waxba  yaan  sifir  iyo  ina  kaahin  oon  siilaanyo  waxba  ka  maqleyn  balse  uu  laftooda  ka  dhigo  ulo  uu  meelaha  qaar  iskaga  eego  ha  sii  eegin  ee  meesha  waxaa  kuu  taala  nin  la  tumay  tallo  gaadhey.
Qore: Tahir hussein/ London,Uk
waayo_aragman@yahoo.com

DAAWO JUBBA Waa Xidhinta Kala Qeybisa Somaliya iyo Kenya (Buffer Zone)

Siyaad Barre Wuxu Dadka Ku Yiri Cuntada Wadaniga Cuna Guyaha Madaxdana Waxa Lagu Cuni jirey Bariis iyo Baasto, laakiin Odeygeygu uu diiday. Dharaarihii Tilmaannaa. Q- 9aad..

$
0
0

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 9aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

Wakhti duhur ah waxaan Idaacada Itoobiya ka maqalney “Jaamac Rabiile Good oo ka mid ah Siyaasiyiinta waa weyn ee Soomaaliya oo ka goostey maamulka madaxa adag ee Maxamed Siyaad Barre”. Berigaas labbada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeyay xurguf culus iyo dagaal weyn oo dhinac walbe waxa uu gabood fal iyo dhufeys u ahaa mucaaridka kan kale ka soo horjeeda amma ku kacsan hoggaamintiisa.

Jaamac Rabiile Good AUN oo maalintaas 1979-kii ka hadlaya Idaacadaas Itoobiya waxa uu dhaliilay taliskii Maxamed Siyaad Barre waxaana uu ku tilmaamey in uu yahay kali taliye kani adag oo waliba dhiigyo cab ah, wakhtigaas waxa dalka Itoobiya ku sugnaa rag miisaan culus ku lahaa Siyaasada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo rag kale oo badan, dhammaantood waxa ay ahaayeen mucaarid ka soo horjeeday maamulka Maxamed Siyaad Barre waxaana heshiis ay ku ahaayeen shabakada mucaaradnimo iyo in Xukuumada Kacaanka qori ay kaga tuuraan talada dalka, raggaas ayuu Jaamac Rabiile dabka ku qabsadey dabadeedna waxa uu kaalin laxaad leh iyo door ka qaatey aasaaska ururkii SSDF.
Wareysiga aan la yeeshay Maamo Sahra Cismaan Suldaan (Sahra Janaale) oo ah Oorida u dhaxdey Jaamac Rabiile Good haan ku soo afmeero afar su’aalood oo aan isleeyahay waxa ay udub dhexaad u ahaayeen xogta aan rabbey in ay bannaanka soo dhigto amma u sheegto dadweynaha Soomaaliyeed.

S. Sahra Cismaan Suldaan colaada gaadhey heer Maxamed Siyaad Barre isku dayo khaarajinta Jaamac Rabiile Good maxaa saldhig u ah baad isleedahay?

J. Markii uu Jaamac Rabiile wasiirka Dalxiiska ahaa waxa la soo jeediyey in xubnihii ku jirey golihii sare ee Kacaanka iyo golihii Xukuumada ay u codeeyaan darajooyinka faraha badan ee markaas uu isku haystey Maxamed Siyaad Barre oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha dalka, guddoomiyaha golaha sare ee Kacaanka iyo qaar kaloo badan in darajooyinkaas qaar laga dejiyo awoodooda iyo in kale, maalintii cod bixinta la qaaddayey Jaamac Rabiile waxa uu fadhiyey safka u horreeya goobta dabadeed masuuliyiintii madasha fadhiyey oo dhan gacanta ayey u tageen in Maxamed Siyaad Barre waxaas oo darajo ah isku hayo inta uu nool yahay balse Jaamac Rabiile markii gacanta la taagayey waxa isagu labbadiisa gacmood dul yaalleen amma dhigey bawdooyinka lugihiisa, halkaas dareen baa uga baxey Siyaad Barre oo odhannaya ninkan aad wasiirka ka dhigtey taliskaaga iyo hoggaamintaada guud ee talada dalka kama raali aha, sidaas darteed waxyaabaha kale ee ay isku qabsadeen waa sahaalo marka la barbar dhigo arrintan oo aan isleeyahay waxa ay saldhig amma gundhig u ahayd khilaafka iyo colaada dhex martey Jaamac Rabiile iyo Siyaad Barre.

S. Maadaama uu Jaamac Rabiile ahaa qof neceb in uu cuno hantida ummadda Soomaaliyeed sidee buu idiinku filnaan jirey mashaarka wasiirnimo ee uu qaadan jirey bil kaste billowgeeda?

J. Inkasta oo guriga ay ku noolaayeen dad fara badan oo ehelka ah haddana Alxamdulillaah mishaarada uu qaato way nagu filnaan jirtey, waxaa se jecelahay in aan kuu sheego tusaale fiican oo aan isleeyahay waxa ay markhaati ka tahay sida uu Jaamac Rabiile u necbaa in uu cuno hantida ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Siyaad Barre markii uu yidhi wadankeenu waxa uu gaadhey isku filnaansho oo agab iyo alaab dibadda laga soo waaridayaa ma jirayo sida bariis, baasto, bur, sokor, saliid iwm berigaas waxa ay dadku ku noolaayeen oo saddexda wakhtiba la cuni jirey cunto wadani, sidaas darteed maalin waxaan karsanaa Shuuro maalinta kalena Kimis baan dubnaa runtiina cuntada wadanigu way ka shaqo badan tahay cunto baladiga maxaa yeellay? marka hore waa la sifeeyaa, waa la tumaa, waa la ridqaa kadibna waa la kariyaa, markaa berigaas dhibta jirtey gaar ahaan qoyska reer Jaamac Rabiile waxa ay ahayd gabadhii cuntada guriga karin jirtey dhibaato ayey kala kulantey karinta raashin wadanigaas dabadeed maalintii dambe ayaa waxa aan booqdey guriga Agaasimaha Wasaarada Dalxiiska oo naga soo horjeeday mise bariis Basmaati ayaa la karinayaa oo cunto wadanigan gurigii Wasiirka iyo wadanka laga karinnayo warba looma hayo.

Gabadhii Agaasimuhu qabey ayaan waydiiyey halka uu uga soo degay bariiskan ay karsadeen waxa ay ku jawaabtey “Taleex baan ka soo qaadaney” Maalintii dambe ayaan la hadley ninkii haystey hotel Taleex waayo? Taleex waxa uu hoos imman jirey Wasaarada Jaamac Rabiile dabadeed ninkii waxaan ku idhi bariis baan u baahanahay in aad deg deg u keento guriga wasiirka isla markiiba waxa uu ii soo direy kiish bariis Basmaati ah, habeenimadii ayaa marxuum Jaamac Rabiile, Aniga iyo caruurtiiba u casho tagney hotel Taleex markii aan gaadhney hotelka ee gudaha hore aan galney ayaa ninkii hotelka haystey fadhiga uga saro kacey wasiirkii isagga oo dhankeyga soo eegayana waxa uu yidhi bariiskii saaka aan kuu soo direy ma ku soo gaadhey waxaan ku idhi Haa, dabadeed ninkii baa naga tagey markaas buu Jaamac I weydiiyay bariiska uu ninkani sheegayo muxuu ahaa? Waxaan ugu jawaabey in uu yahay mid aan Taleex ka dalbadey saaka maadaama cuntada wadaniga karinteeda ay dhib ku qabto gabadha guriga joogta, arrintaas aad buu uga xannaaqey, markii waagu baryey ayuu baabuurkii shaqada uu ku qaatey kiishkii bariiska halkii laga soo direyna wuu ku celiyey ninkii soo direyna shaqadii madaxa hutelka ayuu ka badaley Anigana wuxuu igu yidhi gurigeyga lagu cuni maayo xoolaha ummadda Soomaaliyeed.

S. Jaamac Rabiile markii uu ka goostey maamulkii Maxamed Siyaad Barre ee saldhig uu ka dhigtey dalka Itoobiya isaga oo noqdey mucaarid mayal adag mawqifka noocaas ah ee uu qaatey wax dhib ah ma kala kulantey adigu maadaama aad tahay Ooridiisii?

J. Wax dhib ah intii hore lama aan kulmin balse markuu marxuum Jaamac Rabiile joogo Itoobiya muddo dhawr bilood ah ayaa waxa aan damcey in aan u dhoofo magaalada Jabuuti, dowladii Siyaad Barre ayaa ogaatey socdaalkeyga waxa la qorsheeyay in la igu qabto magaalada Hargeysa dabadeed waxa ay direen Talagaraam, berigaas laanta socdaalka ee Hargeysa waxaa joogey Daahir Rayaale Kaahin (Madaxweynihii hore ee Somaliland) Daahir waxa uu hellay fariintaas oo xaruntooda ku soo dhacdey waxaana uu sammeeyay wax wannaagsan oo wuu qariyey fariintii Talagaraamka, maalintaas aan dhoofayeyna ma soo shaqo tagin sidaas baan ku badbaadey oo aan ku galey dalka Jabuuti kadib dowladii Soomaaliya waxa ay la xidhiidhey dowladda Jamhuuriyada Jabuuti waxa ay ku yidhaahdeen gabadhaas oo ku sugan gudaha dalkiina soo masaafuriya, wasiirkii arrimaha gudaha dalka Jabuuti ee wakhtigaas wax fiican buu sammeeyay waayo? Ma fulin amarkaas Muqdisho laga soo siiyey laakiin wuxuu la hadley Muuse Rabiile Good oo uu ku yidhi Muusow gabadhan dumaashida kuu ah ee ku sugan gudaha dalkeena ma rabno in aan xidhno amma masaafurino sababta oo ah arrintaas waxa ay keennaysaa isku dhac labbada beelood ee Gadabuursi iyo Ciise, markaa u sheeg dumaashidaa in si xor ah oo waliba deg deg ah in ay uga baxdo dalka Jabuuti dabadeed Muuse Rabiile ayaa illa soo hadley waxaan ugu jawaabey marka aan danteyda dhameysto ayaan dalka ka baxayaa, dhawr toddobaad baan Jabuuti joogey, nasiib xumo markii aan dib ugu noqdey dalka Soomaaliya ayey diyaaradii nala fadhiisatey magaalada Hargeysa dabadeed halkaas baa la igaga qaadey Baasaboorkeygii kadibna sidaas baan baabuur iyo socdaal dhulka ah ku tagey magaalada Muqdisho, labbo habeen markaan joogo ayaa habeenkii saddexaad wakhti ay saacadu tilmaameyso saddexdii habeenimo gurigeygii la igala baxey waxaana la ii taxaabey xabsiga muddo labbo bilood ku dhaw baan xidhnaa oo wax la igu haystey amma dambi aan galey jirey balse dadaal dheer iyo dagaal cadaaladeed oo uu qaadey Muuse Rabiile Good oo waliba gacan uu ulla tagey Ina Saleebaan Dafle oo Sirdoonka dalka haystey kadib waa la I soo daayey.

S. Sahra Cismaan Suldaan aragti ahaan Maxamed Siyaad Barre maxaad ka aaminsaneyd?

J. Horta Maxamed Siyaad Barre maanta wuu inaga hoosaayaa oo halkaas hadal iigama hannaana balse intii uu noolaa aragti ahaan waxa aan ka qabbey in uu ahaa nin ragga uu jeclaa aargoosigooda marka uu gacanta la gaadhi kari waayo cadhada kula dul dhici jirey dumarka raggaas u dhaxey.

La soco qeybaha kale………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey
Xasuus baa tidhi bal I dhugo
Dhadhami waayihii dorraad
Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

SBIGA KULMIYE SIILAANYO AYAA BUR BURI NAAYA WAANA MARAG MA DOON TAASI!!

$
0
0

Marka hore  waxaan salaamayaa  guud ahaan, gaar  ahaan  bahda saxaafada, waxanan ku salaamayaa salaamta Islaamka ee  ah ”ascw”.

Ka dib dadku waxey  inta  badan  maalmahan danbe  is weydiinayaan, sababta kolba shirka xisbiga kulmiye uu u qabsoomi  waayey  waxaan  la  soconaa  in  xisbiga uu  Oday  siilaanyo  maamulkiisa  faraha  kala  bixi  waayey, isagoo  ka  dhigey  meel  kolba  cid  gaar  ah  oo  waliba  leh  awoodii  fulinta  u  adeegsanaya  waxaana  been  noqotay  xil  ama  maamulkii  xisbigaan  wareejiyey  sababtoo  ah  xisbigu  haduu  hogaankiisa  loo  gacan  baneeyo  khilaafku  waa  suuli  karaa  balse  marka  la  yidhaado  wasiir  hebel  ayaa  ii  yimid  oon  shirka  u  joojiyey  waa  meeshii  aan  doonaayey  roob  igu  eri  sheekada  uu  siilaanyo  wadaa!!

Dadkana  way  u  muuqataa  sheekada  ay  madaxweyne  siilaanyo  iyo  xirsi  dheelayaan  waa  in  uu  xisbigu  ahaado  xisbi  reer  oo  aan  cid  aan  iyaga  aheyni  ka  talin ,waxaa  marag  ma  doona  ah  beenta  iyo  khilaafka  siyaasadeysan  ee  kolba  madaxtooyada  laga  soo  abuuraayo  ee  kolba  wasiir  lacagtii  ummada  soo  xaday  loo  soo  dhiibaayo ee  la  leeyahey  waxaad  abuurtaa  muran!

Waxa  kale  oo  iyana  jira  xubno  ay  heyso   hinaase  qabiil  ama  hebel  waa  reer  hebel  ee  ku  xumeeya  maanta  oo   uu  siilaanyo  heyb  ahaan  ugu  adeegsanaayo  gudoomiyaha  beenta  ah  ee  muuse  biixi  cabdi,  ha  ugu  horeeyo  wasiirka  maaliyada  oo  maanta  raba  taariikh  aanu  hore  u  laheyn  in  uu  siilaanyo  u  sameeyo  iyo  naceyb  qabiilnimo  oo  aanu  qarsan  oo  uu  muuse  biixi  u  hayo  isagood  moodo  in   maanta  uu  isleeyahey  malahan  xilka  iyo  hantida  ummada  ee  siilaanyo  u  hibeeyey  reer  hebel  ku  gaadh  ama  kaga  aargooso, iyada ooyna jirin  cid  iyo qabiil hore dhibaato  ugu  geystay  balse  waa  dadka  aan  odhan karno  waxey  cadho  ka  qaadeen  abuurista  eebe qof  abuurey  iyo  karaamada  ,fadalaada  ay  dadku  illaahey  kala  fadalo, hadey  tahey , xoolo, faraha, fariidnimada, taariikhada, inta  dadku  waa  is  dheeryahiin  mana  ahaan  wax  qof ilahey siiyo oo  walalka  ah  in aad  naceyb  ugu  qaado, waxaan  odhankarnaa  ,xinka, jaahilnimada, aqoon xumada, dagaalka  aan  ujeedada laheyn  ee  wasiir  samaale  dadka  wada  dhashey  ka  dhex  wadaana  ee  uu  siilaanyo  kolba  soo  kireysanaayo  waa  kuwo  runtii  heybtiisa  gunimo  ku  ah  , waxaanu  ku  sifoobayaa  doqonkii  dabka  loo  direy  ee  gurigiisa  ku  gubey.

Hadaba  waa  iska  cadaan  xumaanta , isku  dirka, kala  qeybinta, maalgalinta  shaqsiyaadka burbruka  ka  dhex  wada  xisbiga  waxaa  aabo  u  ah  waa  Oday  siilaanyo, waxana  kuu  cadayneysa  marka  uu  shirka  xisbigu  soo  dhawaado ama  balantii  loo  balamey  ay  timaado  ayuu  dibadaha  ku  waashaa  maantana  waxa  uu  la  dibad  wareegayaa  wa  sheeko  ay  isku  ogyahiin  isga  iyo  xirsi  iyo  inta  kaba  u  qaadaba, si  shirka  xisbiga loo  baajiyo.

Nin  rumeysta  iyo  mid  aan  rumeysanba  xisbiga  kulmiye  waxaa  burburinayaa  waa  siilaanyo, waxaanan  odhanlahaa  xisbigii  in  loo  taliyo  diid  una  talin  waa!!

In  maanta  golhii  wakiiladu  ka  yaacaana  waxaa  sababey  waa  foolxumada  iyo  maamulxumada  iyo  awood  maroorsiga  siilaanyo  ee  ummadii  oo  dhami  ujeedo, ee  dadka  leh  siilaanyaa  wax  hagaajin  kara  waa dhuglaawayaal dharaar  riyooday siilaanyo  waqtigiisii  iyo  calnkiisii  wuu  dhacey  ee  wax  ha  ka  guro  ama  dibadaha  ha  wareego.

Qore: Tahir hussein waayo_aragman@yahoo.com.

 

Gabay iyo Videos: “Madaafiic Amxaaradu waday nagu afuufeene”. Sanadguuradii 30aad ee Xasuuqii Borama. By: Maxamuud Abdilahi Roble

$
0
0

Gabay iyo VIDEO “Madaafiic Axmaaradu waday nagu afuufeene”. Sanadguuradii 30aad ee Xasuuqii Borama. By: Maxamuud Abdilahi Roble

QEYBTA LABAAD

Gabay iyo VIDEO “Madaafiic Axmaaradu waday nagu afuufeene”. Sanadguuradii 30aad ee Xasuuqii Borama. By: Maxamuud Abdilahi Roble

Marka hore Ilaahay waxaan samir iyo imaan uga baryayaa ehaladii iyo qaraabadii ay dhalaankaasi ka

tageen .. Amiin Amiin. Waxaan akhriyey gabay qiimo badan oo baroor diiq ah (Gurmad) oo uu tiriyey

saxiibkayga qaaliga ah ee Abwan Bashir Sheikh Omer Goth …markaan akhriyey ka dib waxa igu dhashay

murugo iyo ciil dabeed gabaygan hoos ku qoran ayaa u hibeeyey xuskan ee ila akhrista.

Tariikh aboodigu cunay oo, i garab taala

Oo niman itaal sheegtey aan,ula asiibaayo

Afku miyuu i go’ayaa hadaan, idin dareensiiyo ?

Nimay urugo haysaa haduu, oohinta idlaysto

Adoo mooday inuu aamusay, uubatiyo ciilka

Uurkuu ka tahaa intaa, aada ka hayaaye

Ilaa uu uduufada noqdoy, ubucdu daalayso

Uurkutaalo daynwaa intuu, uunka noolyahaye

Edaadka uu qabo hadaan, cidiba eegaynin

Ubadkiisu ubadkay dhalaan, arami daynwaaye

Adhaxday ku haystaan wixii, Aabahood dilaye

Ayaxii dhamaa eela reeb, saw arini maaha ?

Afartaa araar gabay lahaa ula, kacaygii dheh

Omos iyo abaar lagu haftiyo, Aaran kala roone

Afareyda ruuxii yidhaa, aayatiin malehe

Sida roob onkoday maalintaan,erayo tuuraayo

Isha iyo dhegtuba xiiso way, iman agtiisiiye

Asalraaca suugaanta iyo,odayo waaweyn dheh

Afar kale hadaan faaraxaw, oogta ka cadeeyo

Aroor hore dhulkoo aaminoo, uunku wada toosay

Abuurkii dhulkoo noo baxoo, boholo loo awdo

Umad wada walaaliyo toliyo, ul iyo diirkeeda

Adhigiyo lo’doo goor barqa,iniba meel daaqdo

Geeloo indhaw laga arkoon, cidi aroor gaynin

Intaba Eebahaa nagu galaday, waan ogsoonahaye

Ubad, hooyo, aabiyo adeer,laysu wada muuqdo

Alla aamin anagoo ahoon, eed ka galin ruuxna

Madaafiic axmaaradu waday, nagu afuufeene

Kala orad markuu nagu dhacay, iniba eyn yaacday

Allahaan u dhaartee markuu, ubadku ooyaayey

Ee oori uurliyo caruur iniba, meel taalay

Ee dhiigu obohleynayee, cidina eegaynin

Indhahaygu wali way arkaan, ololkii naareede

Axmaq iyo nin liitaa haduu, aalad daran haysto

Arxan goys hadii uu yahay, Eebahay magane

Saw wuxuu awoodweyn lahaa, naguma aafaynin

Ubadkii la laayey naftani, wali ilaawayne

Hooyada ilroortee xusuus, wali la ooyeysa

Iyadana midhbaan odhan lahaa, inay ogaataaye

Amarkii Ilaa soo diraan cidi, ka oolayne

Noloshuna intaad joogno waa, aaha iyo daale

Imaanka eebiyo xaqaa, lagu ekaadaaye

ii aamus oo samir janaad,agabsan doontaaye

Odayada intii nool iyana, waan u digayaaye

Ushaa lagu dayaa ceel haduu, aad uu dheeryahaye

Arin odayo weydaa Iblays, roorayaa helaye

inkastood awoodeeda hayn, inaad u aarayso

Ilbaxnimo ayaa lagu dayaa, eeda kii galaye

Ibtilada wixii dhacay hadaan, aragti loo yeelan

Oo idan Ilaahay dadkani, loo arimin maanta

Tariikhdan kii rabay inuu, uubta ku adkeeyo

Iyo idinka aanada ka baqi, saw ibtilo maaha ?

Ashkatadan ninkii furi lahaa, waa adoo kale e

Aqoonyahanka ree awdalow, waanku eersadaye

Sidii gabadh ugbaadoo la yidhi aamus waligaaba

Hadaad eray tidhaahdana ragii, kuuba iman maayo

Anshax iyo asluubay intaa, dhawrso leedahaye

Oo eynigeedii kacoo, ubadna loo qaadey

Hayeeshee iyadu faaraxaw, wali ilduufaysa

Oo kii agteedaba yimaad ,ka anfariiraayo

hadii ay guyaal sii jirtaan, cidiba eegayne

Idinkuna asaagiin intuu, kala adkaanaayo

Nin walbaa itaalkii intuu aradka boobaayo

Soohdimo intii kuu hadhaa, lagu agmeeraaye

Ooliga waxaa ugu jira niman asaagaaye

Dibadaha ku oodnaada waa aragtidiiniiye

Maxamuud Cabdilahi Rooble

email: robleamin@gmail.com


Halkan ka Aqriso Taariikh Nololeedka Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo xalay geeriyooday

$
0
0

 

cabdirisaaq xaajiWaxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Allaha u Naxariistee Taariikh Nololeedka Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo xalay ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Halkan ka Aqriso Taariikhda Ra’izul Wasaarihii hore.

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ku dhashay Magaaladda Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug taariikh Sannaddeedka Miilaadigu kolki ay ahayd 24/12/1924.

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen ma helin waxbarashadda Tooska ah ee aqoonta Garashadda Bini’aadamku ururiso ,Waxbarashaddiisuna waxay ahayd aqoonta Quraanka Diinta Islaamka iyo luqaddo qalaad .

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo ahaa qof aad u firfircoon waxa uu la shaqeeyey dhowr iyo toban jirkiisi Gumaystihi Ingiriiska ee dagaalki labaad ee adduunka ku qabsadday guud ahaan dhulka Soomaalida , Cabdirisaaq waxa uu bartay Luqadaha Ingiriiska iyo Talyaaniga , sidoo kalena waxa uu la shaqeeyey Maamulki Wisaayadda Talyaaniga ee Soomaalida Talyaaniga Qaramadda Middoobay u dhibeen Talyaanigu in uu u laylyo dawladnimo noqosho.

1944-ti waxa uu xubin ka noqday Cabdirsaaq Xaaji Xusseen ururku SYC (Somali Youth Clup) kolki dambena loo baddalay SYL (Somali Youth League) .

1955- Waxa uu noqday Xooghayaha Guud ee Ururka SYL , Cabdirisaaq oo ahaa qof firfircoon dhanka Siyaasadda waxa uu ka mid ahaa dadki aadka uga shaqeeyey xornimo hellida Soomaalida Talyaaniga .

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ka mid noqday Baarlamaanki Ugu horreeyey ee dalka Soomaaliya yeesho isaga oo leh dawlad xor ah .

Xukuumaddi Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee ahayd xukuumaddi ugu horaysay ee dalka Soomaaliya waxa uu ka noqday Cabdirsaaq Xaaji Xusseen Wasiir, waxa soo qabtay xillalka wasiirraddaha kala ah Wasiirka Arrimaha Guddaha & Wasiirka Shaqadda iyo Isgaarsiinta .

Cabdirisaaq Waxa uu noqday siyaasi firfircoon kana mid ah Siyaasiyiinta dalka ee tilmaaman awoodda baddana ku dhex hel Xisbiga SYL dhexdiisa .

Doorashaddi dalka Soomaaliya ka dhacday ee Baarlamaanka Waxaa ku guulaystay coddadka baddan Xisbigi SYL oo hellay 67-kuris , kolki ay soo dhamaatay doorashaddi xukuumaddi horre ee Cabdirashiidna dhacday Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu isu soo taagay Xilka Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Dalka Soomaaliya .

1964-ti ayuu Madaxwayne Aadan Cabdulle Cismaan u magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xusseen Wasiirka Koowaad ee dalka Soomaaliya .

Cabdirisaaq waxa uu soo dhisay Gollihi Wasiiradda ee xukuumaddi uu Wasiirka Koowaad ka ahaa , Baarlamaanka oo kalsoonidda looga doonay Gollihi Wasiiradda ee Cabdirsaaq Soo dhisay waxay noqdeen kuwo aan hellin kalsoonidda Baarlamaanka .

Dib ayuu haddana usoo dhisay xukuumad kale , Gollihiisi Labaad ee uu soo dhisay waxay noqdeen kuwo ka gudba Baarlamaanka , 1964-1967 ayuu ka soo ahaa dalka Soomaaliya Wasiirka Koowaad .

Doorashaddi Madaxwaynenimadda ee la qabtay 1967-di waxaa ku soo baxay Madaxwaynenimadda dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke , Waxa uu Wasiirka koowaad u doortay Maxamed Ibraahin Cigaal .

Heshiiskii Caruusha ee is-afgaradka dhulka NFD ee Soomaaliya iyo Kenya dhex maray ee uu saxiixay Ra’iisul wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , Waxaa ka dhashay khilaaf xoogan oo heshiiskaas salka ku haya , Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinti ka soo horjeeday heshiiska , waxa uu qayb wayn ka qaadtay Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo heshiiska oo ka dhacay Muqdisho .

Khilaafku intaas kuma ekaane Cabdirisaaq Xaaji Xusseen iyo Siyaasiyiin ay isku dhinac yihiin waxay ka furteen Xisbigi SYL waxa aynna samaysteen Xisbiga DABKA .

1969-ki Afgambigi ciidamadda Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ka mid noqday siyaasiyiinti Xabsiga loo taxaabay , Muddo ka dib waa la soo daayay , waxa uu noqday xilligi dawladdi Kacaanka Wakiilka dalka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Middoobay xilkaasna waxa uu hayey xilligi u dhaxeeyey 1974-1979

31-01-2014 ayuu ku geeriyoodday Carriga Maraykanka Cabdirisaaq Xaaji Xusseen ,Allaha Naxariisti Janno siiyee. .

Magaca: Cabdirisaaq Xaaji Xussen
Qofnimadda : Siyaasi.
Dhashay: 24-12-1924
Ku dhashay: Gaalkacayo , Mudug ,Soomaaliya.
Xil: Xubin SYC -1944.
Xil: Xoghayaha SYL -1955.
Xil: Xubin Baarlamaanka Soomaaliya -1960
Xil: Wasiirka Arrimaha Guddah-1960—-1962.
Xil: Wasiirka Shaqadda iyo Isgaarsiinta-1962—-1964.
Xil: Wasiirka Koowaad 1964—-1967.
Xil: Wakiilka QM ee Soomaaliya -1974—-1979.
Dhintay. 31-01-2014
Ku dhintay Minneapolis,Minnesota., America

Xasuusaha Xilligiisi Ra’iisal wasaarenimo.

Muddadi uu dalka ka ahaa Cabdirsaaq Xaaji Xusseen Wasiirka Koowaad waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay Abaaro sidoo kale waxaa dalka Soomaaliya soo beegsanaayey qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo hayaamay dhanka Soomaalida Itoobiya haysatay iyo qaxooti kale oo docda Soomaaliya Kenya ka soo qulqulaayey .

Dhanka la dagaalanka Musuqmaasuqa ayuu Cabdirisaaq Xaaji Xusseen Xooga Saaray waxaa uu shaqadda ka ruqseeyey shaqaale badan oo dawladdeed , waxaa uu ku sheegan yahay Buqshadda Gudduudan , oo ahayd qofki dawladda ka shaqeeye ee ay usoo dhacdo Buqshadda Gudduudani waa shaqi ka fariisin .

Aragti Siyaasaddeedkiisi.

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu aaminsanaa Siyaasad ah isu keenka dhulalka Soomaalida ee loogu yeero Soomaaliwayn.

Higsigiisu waxa uu ahaa arkidda Soomaalida oo mid ah la isuna keenay dhamaan dhulka Soomaalida ,yeeladda dawlad nadiif ah oo u taagan dannaha dadwaynaha Soomaaliyeed .

Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ahaa Siyaasiinta Fara ku tiriska ah ee Soomaaliyeed ee aaminsan Mabda, Waxa uu ahaa qof lagu tilmaami karo Wadani .

Aragtidiisa Siyaasaddeed waxay ku wajahnayd danta Bulshadda , dhanka Siyaasiyiinta Qabyaaladdeed ayuu ahaa mid ku tilmaama kuwo xil hayntoodda ka fakaraaya shacabkana dhibaato ku ah .

Mar uu Federaalka Soomaaliya ka hadlaayey waxa uu sheegay in Federaalku yahay mid Siyaasiin xil doon ahi ay ka dhiganayaan sallaan ay kursiga ku gaara , shacabka Soomaaliyeed dhibaato ugu jirto Federaalka , Soomaaliyana danteeddu tahay dawlad middaysan .

Allaha u naxariisto Qoyskiisa iyo ehelkiisana Allaha Samir iyo Iimaan ka siiyo .

Diyaarintii Idiris A. Dooxa-joog .

Siyaad Bare: Jaamac Rabiilow waxaa tahay nin Fariida balse mukhkiladaadu waxa weeyi….Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 10aad.

$
0
0

Jaamac Rabiile Good socdaalka uu ku tagey dalka Itoobiya sannadkii 1979-kii waxa uu ku soo beegmay aasaaska ururkii SSDF oo door weyn uu ka ciyaarey dhidiba u taagistii iyo yagleelkii ururka gaar ahaan dhinacyada sammeyntii dastuurka amma  istiraatiijadii uu ku dagaal gallayey maadaama aasaaska SSDF looga gol lahaa abuurida Jabhad hubeysan oo xukunka iyo tallada dalka qori caaradii kaga tuurta Maxamed Siyaad Barre, hadafkii iyo himiladii ururka laga lahaa alkumaadiisa waxa jihadii toosneyd ee uu haystey ka leexiyey kadib markii qaar ka tirsan Siyaasiyiintii iyo Saraakiishii ku bahoobay ururkaas SSDF ay iska dhex tooseen isla markaana rag badan oo magac iyo maamuus ku dhex lahaa ururka madaxoogii lagu loogey gudaha dalka Itoobiya. Taasi waxa ay keentay in rag waa weyn oo uu ku jiro Jaamac Rabiile Good ay si xoogan iska hor immaadeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo berigaas ururka madax ka ahaa, xurgufta siyaasadeed iyo xulafeysiga saaxiibtinimo ee ka dhex dilaacdey xubnihii ku bahoobay SSDF waxa ay markii dambe keentay in kooxdii uu ka tirsannaa Jaamac Rabiile ka baxaan wadanka Itoobiya iyagga oo tagey dalka Yemen dabadeedna gallay Safaarada dowladda Ingiriiska ee ku taalla dalkaas Yemen, magangelyo siyaasadeed oo ay weydiisteen madaxdii Safaarada Ingiriiska kadib waxaa dhammaantood loo qaadey magaalada London.

 

Jaamac Rabiile Good markii uu tagey dalka Ingiriiska sannadkii 1980-kii ee uu si rasmi ah u degay magaalada London waxa uu meelo kala duwan oo bannaanka dalka Ingiriiska ah u direy codsiyo shaqo oo uu waliba ku lifaaqey shahaadooyinkii aqoonsiga Tacliineed ee berigaas uu haystey nasiib wannaagna waxa markiiba u soo jawaabey labbo meel oo kala ahaa xarunta Qaramada Midoobay iyo Bangiga Islaamka. Jaamac Rabiile Good fiiro gaaban kadib oo gaaf wareegaysa kala doorashada labbadan shaqo waxa ay niyadiisu go’aan ku gaadhey oo waliba qofnimadiisu door bidey in uu qaato amma ka hawlgalo shaqadda ay siiyeen Qaramada Midoobay.

 

Xarunta fadhigiisu waxa ay noqotey dalka Saambiya waxaana shaqadda uu Qaramada Midoobay u qaabilsanaa ahayd arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta sagaal iyo tobban dal oo Afrika ah gaar ahaan wadamada dhaca bariga iyo bartamaha Afrika. Shirweyne ay Qaramada Midoobay sannadkii 1982-kii u qabatey dalalkaas maamul ahaan ku xidhnaa xafiiska Jaamac Rabiile waxa ka soo qeyb gallay sagaal iyo tobbankaas dal madaxweynayaashoodii oo uu ka mid yahay Maxamed Siyaad Barre. Madaxweyne kaste waxa uu sitey qorshe dhigaya baahida dadkiisa iyo dalkiisu qabaan waxaana rabitaankoodu ahaa in wax lagala qabto arrimaha baahidooda oo waliba loo meel mariyo fulinta mashaariic fara badan oo dalabkoodu ku duugan yahay diiwaanka ay kala soo duuleen dalalkooda.

 

Jaamac Rabiile Good oo barnaamijkan madax ka ahaa isla markaana mashaariicda iyo deeqaha la bixinnayey uga wakiil ahaa Qaramada Midoobay ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanneysa u jeediyay sagaal iyo tobbankii madaxweyne ee madasha fadhiyay kuwaas oo uu ku jirey Maxamed Siyaad Barre. Intii uu Jaamac Rabiile ku guda jirey jeedinta khudbadiisa waxa layaab iyo amakaag dhabannada haystey Siyaad Barre oo ka fajacsannaa awooda Jaamac Rabiile ee gaadhay meel aannu fillaneyn balse Ina Barre waxa uu ka idho la’aa in arrintani tahay mid uu ka dhaxley aqoonta iyo tacliinta sare ee Eebbe weyne ku galladay Jaamac Rabiile Good, feker ahaan iyo jeeddaalinta uu maalintaas jaaha Siyaad Barre qabbeyna waxa ay kolba sidii gaaraa bildhaan meel bilig ka yidhi u qooraasinneysay amma tamanniyeysay in Jaamac Rabiile taagan yahay maqaam iyo kaalin lagu sifeyn karo madaxweyne maamula amma xukuma marka wadamada qaaradda Afrika oo dhan loo qeybiyo labbo meelood mid ahaan maxaa yeellay? Jaamac Rabiile Good waxa uu maalintaas madaxweyne kaste ka guddoomay codsiga iyo qoraaladii uu sitey oo qeexayay baahida dalkiisu qabbo iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee hoos yaalley horusocodka maamulkiisa, haddaba markii kulanka la soo gabo gabeeyey ayuu Maxamed Siyaad Barre fursad uu kula hadli karo u hellay Jaamac Rabiile dabadeedna inta uu gaar ulla baxey ayuu ku yidhi “Waar ninyahow horta nin fariid baad tahay balse mushkiladaadu waxa weeyi haan ku qaniino bowdada taasna aniga bani’aadmi baan ahay oo way i damqeysaa”. Hadalkan duur xulka ah waxa uu Maxamed Siyaad Barre uga jeeday isla markaana dabba taagnaa ninkii ay Ooriyo walaalka ahaayeen ee Agaasimaha Wasaarada Dalxiiska ahaa oo daraadii uu xilkii Wasiirnimo isagga casilay Jaamac Rabiile Good.

 

Maxamed Siyaad Barre oo Jaamac Rabiile Good u yaqaanney naanneysta ah “Rabiile Yare” waxa kale oo uu maalintaas Jaamac ku yidhi “Rabiile Yarow Illaahey baa darajo wannaagsan maanta ku siiyey waxaanan kugu dardaar werinayaa sida aad dalkaaga wax ugu qabbaneyso adiga ayey kuu taallaa”. Eraygaas waxa uu Maxamed Siyaad Barre ulla macno jeeday waxaan odhan karnaa waa “Maadaama aad Jaamacow Qaramada Midoobay u qaabilsan tahay dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta deeqaha Afrika yeyna kuu sinnaan waxqabadka dhulkaaga Hooyo iyo dalalka kale ee hoos yimmaada maamulka iyo maareynta xafiiskaaga ku yaalla wadanka Saambiya”. Su’aasha immika taagan ee laga yaabbo in qalbigaagu tamaninnayo taabshada qalinka waxa ay tahay tallow Jaamac Rabiile Good muxuu ugu jawaabay Maxamed Siyaad Barre? Ma hubbo mana hayo kumana raad joogsan raad raaca taariikheed hadalkii uu Jaamac Rabiile Good ugu falceliyey Maxamed Siyaad Barre balse odhaahdii maalintaas ka soo baxdey afka Jaamac ka fillo jawaabta ay kala helli lahaayeen labbo masuul oo mabda’a aragtidoodu yahay mid daahii go’ay.

Jaamac Rabiile Good waxa uu bishii sideedaad ee sannadkii 1986-kii ka tagey shaqadii uu u hayey Qaramada Midoobay oo ku sahabsaneyd arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika. Sidaas darteed mar aan London kula kulmey Ooridii uu marxuumku ka tagey oo waliba aan weydiiyay sababta ka dambeysay in uu ka tago shaqadaas wannaagsan waxa ay ku jawaabtay “Jaamac Rabiile Good tan iyo maalintii uu goostey in uu noqdo shakhsi mucaaridka ah, shaqo kaste oo uu qabto waxa uu ka door-bidi jirey oo uu jeclaa in uu abuuro amma aasaaso jabhad hubeysan oo uu kula dagaal galo maamulkii Maxamed Siyaad Barre ee uu jiritaankiisa ka soo horjeeday”. Markii uu Jaamac Rabiile Good ka soo fadhiistey shaqadaas Qaramada Midoobay waxa uu dib ugu noqdey magaalada London ee xarunta dalka Britain.

 

La soco qeybaha kale………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Xulista Harowo.com; Ereyadii Xasan Sheekh Muumin iyo Codkii Axmed Mooge. NASHADA MAANTA

Microwave-ka Oo Noqday Aaladda Ugu Dhakhsaha Badan Ee Ukunta Lagu Diyaarsan karo iyo Habka aad usamaysan karto. VIDEO

SIILAANYO IYO XIRSI OO QAABQABIILNIMO DADKII QURBAHA ULA SHIRAY IYO UJEEDADII KA DANBEYSEY!

$
0
0

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba  bahda saxaafada  guud ahaan gaar  ahaanba.

Ka dib somalidaa  tidhaad ” Aduunyada ninkii  nool waxwalba wuu arkaa”  waxaan  aad  ula  yaabney aniga  iyo saaxibadayba markii  aanu  maqalnay  in  wasiirka madaxtooyada oo  yimid Dalkan britain, gaar ahaan westlondon uu qol madow  ama  gaar  ah  ku  shiriyay  xaafad  gaar  ah  oo u  badan  gabdho  iyo  wiilal waxaana  ka  dhexmuuqday  ninka  heesaa ah  oo  qabiil ahaan  meesha  uga   qayb  galey  ee  la  yidhaado ” faarax murtiile” iyo wasiir xirsi iyo  dad kale  ooy  wasiirka  isku  heyb  sheegtaan, markii  aanu  daba  galnay ujeedada  wasiirka  ee  ah  in isagoo wasiir  qarran  ah  uu  xaafad  ama dad  heyb  kaliya  ah  la  shiro  ayaa  waxaa aanu ogaaney in  shirkaasi  ahaa  qorshe  ay  wateen  qabiilka  uu  xirsi  sheegto  oo  ahaa  in Dekada  berbera  inta  ay  reerkaasi maamulka  hayaan  laga  sameeyo  deegaano cusub  oo  ah  dhul boob  si  hadhow loogu  murmo  iyo  arimo kale oo  ahaa  maxaa  laga  yeelayaa  hadii  kursiga laga  wareejiyo  siilaanyo  iyo   iyagoo  wasiir  xirsi  uu  hormood  ka  yahey  qorshe  cusub  oo  reeraysan  oo  xitaa  la  rabo in  lagu  waxyeeleeyo  gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  ee  muuse  biixi.

Arinta  kale  ee  aad  noogu  adkaatay  waxey  aheyd  markii madaxweynaha  laftiisu  qaaday  talaabadii  uu  wasiir  xirsi  qaaday  mid  ka xun oo  aheyd  in  uu  shir  u  qabtay  qabiil  ama  koox  gaar  ah  oo  uu  ku  casuumey  magaalada la  yidhaado ‘liverpool’ ee  waqooyiga  dalka Britain , waxaa  aad looga  niyad  jabey  hogaamiyahii ummadu  dooortaye  oo  dadkii  doortay  kala xigtaystay, isagoo  si  foolxun  oo  eexasho  ka  muuqato uga  soo  dhexmuuqday  dad  heyb  ahaan  isaga loo  tiriyo, waxaana  meesha  run noqotay  Odhaah  dadka  somaliland  in  badan  ka  dhawaajiyeen oo  ahaa  siilaanyo  waa  qabiileyste  ee  dadka intii  aan  aqoon  ama  rumeysneyn maanta  ha  rumaysteen, waxanan  ku  soo  xidhayaa Reer  somalilandow Siilaanyo  waa  kaa ! quraanjoy  ku  quuso!

Qore: Tahir hussein/london/Uk.

waayo_aragman@yahoo.com

Afar sanoo dambe, oo ka khasaartay shacabka SSC!!! Iyo dhibtii iyo darxumadoodii oo sii fogaatay!!

$
0
0
Afar sanoo dambe, oo ka khasaartay shacabka SSC!!! Iyo dhibtii iyo darxumadoodii oo sii fogaatay!!
Marka aan gees iska dhigno dig  digta, dam damta, damaashaadka, xafladaha, iyo hadalada ma dhalayska ah, ee ay ku hadaaqayaan kooxdan aad moodo in Dacawada waalin ursatay, waa G11 iyo taageerayaashooda, ay afaysay jidbada iyo caadifada indha la’aanta ahi ee, bal eega riyada iyo khiyaalka laysku maaweelinaayo, kulahaa xafladii sanad guuradii labaad ee Khaatumo!!
 Horta intaydaan xaflad iyo dabaal-deg iyo dam dam u samayn, meeday Khaatumo?!! Xagay joogtaa?!! Ma is waydiiyeen su’aashaas oo keli ah weli?!! Dabcan waa maya, waayo kuwa horboodaaya, oo ay sida indha la’aanta iyo laab-lakaca ah u taageeraan, baa ku maaweelinaaya been, ay u sheegaayaan, oo marin habaabinaaya, loomana sheegaayo xaalada dhabta ah, ee
 Goboladeena ka jirta, haday ugu dhowaadaan, waxay ku odhanayaan xoogaa baa inagu soo kordhay, laakiin hada waa ka gudubnay, oo maantaynu ugu wanaagsanahay!! Ama waa kufnay, waa yara turun turoonay, laakiin hada waa ka kacnay, maanta ayay Khaatumo ugu wanaagsan tahay!! Cali Khaliif oo ay kontoneeyo taageerayaashaa jidbaysan ahi ku xeeran yihiin, oo ugu
 Khudbadaynaaya Nairobi gudeheeda, wuxuu yidhi: waan yara kufnay, hase yeeshee in la kaco ayaa muhiim ah, waana kacnay, halaga soo qayb galo shirkaa Taleex ka dhici doonaa!! Sacabka iyo mashxarada ayaa lagu boobay!! Ma jiro hal qof oo Allaah waafajiyay, su’aasha ah, Calow sidee shirkaasu ku qabsoomayaa, inaga oo ka war hayna duruufaha ku gadaaman?!! Cali se si
Fiican buu u og yahay waxa jira!! Laakiin se taageerayaashiisa ayuu runta ka qarinayaa!! Cali xataa kuma kalsoona taageerayaashiisan hareera tuban, ee u jidbaysan hadalkiisa, sida indha la’aanta ahna ku taageeraaya!! Marka bal u fiirso cajalada, halkii ilbidhiqsi ama markuu kelmed yidhaahdoba, Cali wuxuu eegayaa afarta jiho, isaga oo baala daymoonaaya, oo wuxuu eegayaa
 Falcelinta  dadka uu la hadlaayo wejiyadooda!! Arintan oo aan hore Cali Khaliif caado ugu ahaan jirin, waxa samaya laba qof miduun, nin waxaanu lahayn sita, ama xoog haku soo qaato ama hasoo xado amaba xeelad kale ha ku keenee, iyo nin hadalka uu leeyahay, aan ka run sheegayn!! Waana taa dambe, tan cali ku kaliftay in uu baal daymoodo, oo hadba qof wejigiisa
 Eego!! Waxan leenahay Caliyow Khaatumo ma kufin, ee way burburtay, waxaana burburiyay, oo ay ku waryeelatay laba Cali!! Allaah taa ha tuso  kuwa idinku taageeraaya indhaha la’aanta!! (halkan ka daalaco khudbadii Cali Khaliif, ee Nairobi iyo baala dayamoodkiisa), bal eega kan Indhasheel, ee uun albaabka soo taagan, oo markii ay fursad yari is tustoba, Taleex isku soo
 Maqiiqaaya!! C/Samad Cali Shire ayaa Garowe ku noqday, waa kan Indha Sheel isa soo maqiiqay!! Shirkii Taleex baa la abaabulayaa, durbaanka iyo mashxarada debed iyo gudaba!! Oo C/Samad ma Maraykan buu aaday, sow soo noqon maayo!! Kabtay meedaydii ka dambaysay, iyo mashaqadii dadka Taleex looga tegayna, waynuba ogayn! Hadana Axmed Karaash baa
 Garowe aaday, oo isu sharaxay madaxwayne ku-xigeenka Puntland, hadana waa kan Indha Sheel isku soo maqiiqay Taleex!! Iyo shirkii Taleex baa la abaabulayaa!! Oo sow Axmed Karaash iyo C/Samadba soo noqon maayaan, hadhowna dhici mayso, in loo sii cararo hawd, dhibtana looga tegi maayo dadka deegaanka Taleex, abaal gudka keli ah, ee ay idinka helaana
 Noqon maayo, waa walqashii Khaatumo iyo geeri qurux badan bay dhinteen!! Dadkan waa dad waalan, oo dee horaanba u sheegay, in ay waasheen ee, waynuna ku wareeraynaa, kuna maskax guuraynaa wax ka sheegooda ee, aan u soo noqdo mowduuca ee, qolyahan u yaacay ama u diga rogtay Puntland sida Axmed Karaash iyo C/Nuur Biindhe, waxay soo kordhiyeen afar sano oo
Dambe, oo ka khasaarowda shacabka SSC, kala qaybsanaantii, dhibtii iyo darxumadii goboladaasuna way sii fogaatay, Puntland maanta waa kudkii, oo kaba loo tolay!! Iyaga oo aynu horeba ugu ogayn hagardaaminta, qaderin la’aanta, iyo quudhsiga ay ku hayeen shacabka SSC, ayay hadana maanta u soo jebiyeen shacabkaas, rag aan xikmad iyo aragti fog u saaxiib ahayni,
Marka Puntlandna in ay galka seefta ka saaraan, oo sii boqol jibaaraan cadaadintii, qaderin la’aantii, hagardaamayntii, iyo quudhsigii aanay waxba iskaga tirinayn shacabka goboladaa, way u gaadhay, oo waa arin ay fursad fiican u heleen, Lax walibana shilalka ay is dhigto, ayuun baa lagu qalaa! Ragan iyaga oo madax ahaa, minjaha iska dhigay, mansabada loo magcaabay, waxay
Uun caqabad ku noqonaysaa shacabka SSC, fulow guuli kuu dhowaydaa, bal maad wax yar uun cagaha dhulka ku sii haysaan!! Hadaad is tusteen in aad maanta Puntland baahi wayn u qabteen, waxaa ka waynayd baahida ay Puntland u qabtay shacabka SSC!! Waa wax aad looga xumaado, in wixii ay Puntland qaaliga qaaliga iyo dahabka ku doonaysay, aad bilaash iyo shuruud la’aan
 Ugu gaysaan!! Waxaad lumiseen fursad qaaliya, oo ay shacabka gobolada SSC xuquuqdooda kaga qaadan karayeen Puntland, oo hore xuquuqdooda loogu dhacay, wax walbana laga sed bursaday!! Sidaasna waxaad aayihii shacabkiina ku sii rideen god dheer, waxaad soo kordhiseen afar sano oo dambe, oo ka khasaarowda shacabkiina, waxaad sii fogayseen dhibtii, kala
 Qaybsanaantii, iyo darxumadii shacabkiina awelba hore u haysatay, wixii xuquuq goboladaa ka maqnaa oo dhan, waxad ka soo qaadeen dhulka la haysto oo keli ah, isna weliba waxa hubaal ah, inaan Puntland waxba idinkala qabanayn! Labada sano oo hore, ee xukuumada C/Wali Gaas waxay ku dhamaanaysaa, inta laydinku maaweelinaayo abaabul iyo diyaar garow ciidamada ah!!
Labada sano ee dambena, maaweeladu waa, bal horta wadahadal baan ku deyaynaa, oo wadahadalo baa noo socda!! Dhiciskuna inta birta loo soo sido ayuu bakhtiyaa, wadahadalada suuqa madow, ee u dhexeeya dowlada Muqdisho iyo SNM, oo sidii laba dowladood oo siman loo wadahadal siinaayo, waa inagu dul socdaan, seeftuna raqabada ayay inaga saaran tahay,
Hadaan lagu baraarugin, shirqoolada inagu gaadaaman, qodobada ilaa hada wada hadaladaa ka soo baxay, dhamaan waxay muhiim u yihiin rabitaanka maamulka SNM, waxayna si fiican uga taageerayaan, aasaas iyo xuduna u noqonayaan rabitaankooda gooni-goosadka ah, bal waxaa qodobadan talaaba talaabo loogu xaqiijinayaa madax banaanida maamulkaas, C/Wali Gaas weli
 Kama hadal qodobadii ugu dambayay, ee shirkaa Turkiga ka soo baxay, kaas oo lagu duudsiyay, dembiyadii dagaal iyo gabood faladii ay shacabka Soomaaliyeed ka galeen labadii jabhadood ee SNM iyo USC, taasuna waxay muujinaysaa ka raali ahaansho!! Hadii shacabka SSC ay doonayaan in ay guul gaadhaan oo xuquuqdooda ka soo dhacsadaan, cid kasta oo ay kaga
Maqantahay, maaha dariiqa saxa ah, ee loo marayaa kaa aad haysaan, mana aha shirar iyo maamul la samaysto, bal waa kii uu sheegay Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur, waa dagaal u baahan ciidan aan ka badnayn 1000 askari, oo si fiican u tababaran, oo naftood hurayaal ah, ayna wataan saraakiil si fiican dagaal gelinta u yaqaana, lagana wada qayb qaato debeda iyo
 Gudahaba, ciidaankaas oo saadkooda, iyo wixii ay u baahan yihiin oo dhami, ay yihiin waxa gacanta cadawga ku jira, kuwaas ayaa arimaha mandaqada oo dhan dhinaca kale u rogi kara, cid walbana ku khasbaaya in ay kuu soo joogsato, oo lagu tix geliyo, hadaan taas la helayn halaga dhaafo shacabka dhibta iyo jaahwareerinta, inta hada haysta baa ugu filan ee.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam

Kulankii Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Jaamac Rabiile Ee Magaalada Diridhaba 1990-kii…..Dharaarihii Tilmaannaa

$
0
0

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Jaamac Rabiile Good Oo 1990-kii Kulan Ku Yeeshay Magaalada Diridhaba…..Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 11aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

Fooraha qalinka iyo faahfaahintiisa ayaa ku fogaadey sooyaalka iyo taariikhda aan lagga wadda geyoon karin ee uu lahaa marxuum Jaamac Rabiile Good balse markan haan dib u milicsano ambo-qaadka taxanaha sheekada iyo tisqaadka qormaddii 7aad “Shirweynihii labbaad ee ururka SDA oo qabsoomey muddo saddex bilood kadib kuna beegan dabayaaqadda sannadkii 1989-kii oo lagu qabtey isla magaalada London waxa ay aqoonyannada reer Awdal ka wadda hadleen doorashada guddoomiyaha rasmiga ah ee ururku yeellanayo. Inkasta oo shirka ay qaadaceen xubno muhiim ahaa oo ku jirey golaha dhexe ee ururka SDA haddana fallanqeyn dheer iyo dood hufan oo aad u adag kadib waxa qalinka lagu duugey in hoggaamiyaha rasmiga ah ee ururka SDA yeellanaya uu noqdo Jaamac Rabiile Good oo dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre soo marey Wasiiradaha Qorshaynta Qaranka, Dalxiiska iyo Xannaanad Xoolaha. Doorashada hoggaamineed ee Jaamac Rabiile Good waxa ay ahayd mid ku timmid fekrad xeel dheer oo ku dhisan in uu ahaa shakhsiga ugu da’da weyn aqoonyahannada ku bahoobay ururka SDA isla markaana ugu caansan dhinaca magaca maadaama uu ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo wakhtigaas dal iyo dibadba laga yaqaanney. Xubnihii kale ee ka tirsanaa golaha dhexe ee SDA isla markaana kalfadhiga labbaad ee ururku yeeshay aan ka soo daahirin waxa ay gudaha magaalada London isugu yimmaadeen kulan deg deg ah waxaana ay hoggaamiye kale u doorteen Maxamed Faarax Cabdillaahi Xansharo. Sida muuqata waxa ay SDA oo aan wali raad qaadin u kala jabtey labbo garab oo mid walbe dhankiisa ku adkeysannayo in uu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee ururka himiladiisa ka midho dhalin kara mustaqbalka”.

 

Guddoomiyihii u horreeyay ee SDA Jaamac Rabiile Good waxa uu markii la doortey wareysi dheer oo dhinayo badan taabannaya siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC London oo berigaas ahayd isha kaliya ee dadka ku hadla luqadda Af-Soomaaliga ay ka helli jireen wararka amma dhacdooyinka la xidhiidha dunidda iyo dhulweynaha Soomaalida. Jaamac Rabiile Good wareysigaas waxa uu ku faahfaahiyey fekrada ka dambeysay aasaaska ururka SDA oo uu ku sheegay in ay tahay mid u taagan isbadal xalaal ah oo ka curta carrada Soomaaliya si loo hello dad iyo dal mideysan oo Soomaaliyeed.

 

Billowga sannadkii 1990-kii ayuu Jaamac Rabiile Good u baqooley dalka Itoobiya waxa uu halkaas kulan kula yeeshay dowladdii uu hoggaaminayey Mingiste Xayle Maryam waxaana uu ku wargeliyay qorshaha iyo qasdiga socdaalkiisa oo uu ku sababeeyay in uu rabbo aasaaska Jabhad hubeysan oo hoos tagta ururka SDA, nasiib xumo wakhtigan uu socdo Jaamac Rabiile waxa hindisaha u qorshaysnaa fulintiisa uu ku soo beegmay xilli dhaqaalaha dalka Itoobiya aad isku dhimay, Mingiste Xayle Maryam oo albaabada u laabey taakuladda uu siin jirey Jabhadihii ku kacsanaa Kacaankii Maxamed Siyaad Barre iyo waliba xooggagii ka soo horjeeday Mingiste hoggaamintiisa oo kaabiga markaas ku tayey in ay kursiga iyo tallada dalka ka tuuraan Mingise Xayle Maryam kuwaas oo uu horkacayey Raysal Wasaarihii hore ee wadanka Itoobiya Males Sanaawi.

 

Jaamac Rabiile Good waxa uu markii dambe u gudbey magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo berigaas ka tirsannaa Saraakiishii ururka SNM, labbadan mudane oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal waxa ay yeesheen kulan taariikhi ah oo la xidhiidhay xog waran iyo rayi ururin, sababta oo ah Jaamac Rabiile Good waxa uu Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax hor dhigey hadafka uu u yimmid dalka Itoobiya oo natiijadda saldhigiisu ahaa arrintii uu kala kulmey Mingiste Xayle Maryam.

cabdiraxman awcalicabdiraxman awcalicabdiraxman awcali

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo marka laga hadlayo geesiyaasha reer Awdal isaggu madi amma kali ku ahaa ururka SNM isla markaana gudaha Jabhada looga yaqaanney naaneysta tidhaahda “Geesi Tolwaayey” waxa uu Jaamac Rabiile Good ka dhaadhiciyey kuna qanciyey in uu soo labbeeyo si uu u hello wehel ku dhisan taakulo iyo tolnimo buuxda, arrintaas oo Jaamac Rabiile soo dhaweeyay mar ahaantaana aqbaley waxa ay dadweynihii reer Awdal markaas u sawirtay hummaag ah in ay midoobeen labbada urur ee SDA iyo SNM balse hadafka iyo hawlgelka ay wadeen labbadan masuul ee markaas isku mabda’a noqdey sidaas ma ahayn waxaana xaqiiqda taariikheysan ee sooyaalka aan hayo ku dhigan tilmaameysaa in xaajadu xoog midooba iyo marinka hoos iskula xanshaashaqa ka fogeyd.

 

Sannadkii 1991-kii waxa uu Jaamac Rabiile ka mid noqdey ergadii reer Awdal ee ka qeyb gashey shirweynihii ka dhacey magaalada Burco ee gobolka Togdheer kaas oo lagu go’aamiyey amma lagaga dhawaaqey gooni isku taaga Somaliland. Xukuumaddii u horreysay ee halkaas lagu soo dhiso ee uu Cabdiraxmaan Tuur ka ahaa Madaxweynaha waxa Jaamac Rabiile Good laga dhigey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland halka uu Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ka noqdey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland.

 

Jaamac Rabiile Good iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo aragtidoodu wadda jirto isla markana waranka duulaankoodu dhinac u wadda joodo ayaa berigaas ka hor yimmid maamulkii Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dambeyntiina waxa ay taasi keentay in ay mar kaliya iska wadda casilaan masuuliyadii wasiirnimo ee mid walbe gaarkiisa u hayey. Maalmo kooban kadibna waxaa labbadii boos ee ay ka baxeen buuxiyey labbo masuul oo raggan is casilay isku hayb ahaayeen balse hammuumta iyo haraadka hayey ahaa mar uun wasiiro noqda.

 

Marxuum Jaamac Rabiile Good dib ayuu ugu soo noqdey London sidaas darteed kulanka aan sannadka 2014 la yeeshay Oodirii uu ka tagey waxa aan weydiiyey in uu u sheegay sababta uu 1991-kii isku casilay iyo in kale waxaana ay ku jawaabtey “Markii uu ka qayb galey shirkii Burco ee Wasiirka Qorsheynta Somaliland laga dhigey waxaan is lahaa maanta ayuu gurannayaa midhaha geedkii uu beeray balse markii uu dib ugu soo noqdey magaalada London isagga oo iska soo calisay xilkii loo dhiibey waxaan ku idhi Jaamacow waxaad u dibjirtay ee bustaha bannaanka aad muddo dheer u dhigatey ma maanta ayaad dheeftiisii ka soo dhaqaaqdey dabadeed waxa uu iigu jawaabay tolkay baan u dhimannayey oo dhiigeyga aan u shubey oo waliba dhididikeygii shaqo uga dhaqaaqey iyagguna wali dhaw dhawdu uma dhacsana. Dhawaaqa odhaahdan iyo dhaxalka ay ku suntan tahay bal adba? Jaamac Rabiile Good Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiye waxa uu xijaabtey sannadkii 1996-kii waxaana si xushmad iyo sharaf mudan loogu aasay gudaha magaalada London ee dalka Britain.

 

La soco qeybaha kale………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Tuugaad ku calaamadsantihiin Musuq-maasuqbaad ku calaamadsantihiin, haddaydaan Mujaajilo yar xamilayn….. DAAWO VIDEO

Waxyaabaha ugu badan ay u riyoodaan Raga iyo Dumarka xiliyada ay hurdayaan oo lasoo ogaaday !!!

$
0
0

Koox aqoonyaho ah oo u dhashay dalka Canada ayaa daraasad ay sameeyeen kadib warbixin aya ka sameeyeen waxay ku sheegeen in ragga marka ay hurdaan waxa ugu badan ee ay ku riyoodaan ay yihiin waxyaabo cabsi leh oo laga naxo.

Kooxdaan aqoonyahanada ah waxay ku sheegeen in raggu marka ay hurdaan ay badi ku riyoodaan dagaal dhaca, rasaas lala dhacayo, ayagoo ka baxsanaya bahalo cunaya, ayagoo maraya meel cabsi leh, daadad ku fatahay guryahooda, qof ehelkood ah oo ay jecelyihiin oo geeriyooday IWM.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in riyooyinkaas qaar ay keenaan in xattaa mararka qaar ayagoo hurda kor u qeyliyaan ama ay meeshay jiifaan ka kacaan ayagoo is leh bal ka baxsada dhibaatada.

Ragga xaasaska leh ayay kooxdaani sheegeen in dhibto badan lagu qabo oo mararka qaar ay xaasaskooda ka salaliya ayagoo riyoonaya.

Warbixintaan oo sidoo kale lagu qoray wargayska Daily Mail ayaa waxaa lagu sheegay in marka dhanka dumarka loo eego ay badi ku riyoodaan nolol caadi ah hase ahaatee ay u badan tahay inay ku riyoodaan ayagoo been sheegaya.

Kooxdaan waxay warbixintooda ku xuseen in dumarku riyadoodu u badan tahay ayagoo qof been u sheegaya inkastoo ay mararka qaar ku riyoodaan ayagoo dhibaato la kulmaya
Ninka hormuudka u ah kooxda warbixintaan diyaarisay oo la yiraahdo Antonio Zadra ayaa ku doodaya in ragga iyo dumarka marka la isku bar bar dhigo riyooyinka ay ku riyoodaan ay halis badan tahay tan ragga

OGEYSIIN: Diiwaan loo furey Dadkii SNM Awdal ku xasuuqday 04-02-1991

$
0
0

Diiwaan loo furey Dadkii SNM Awdal ku xasuuqday 04-02-1991

xasuuqii Borama

Waxan tacsi u direynaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen boqolaalkii qof ee maanta oo kale sida xaqdarada ah loogu xasuuqay Gobolka Awdal.

Harowo.com waxay daah-fureysaa diwaan lagu ururiyo macluumaadka iyo magacaanta dadkii 04-feb-1991kii lagu xasuuqay Gobolka Awdal.

Dul ahaan dadweynaha reer Adal waxan ku baraarujinaynaa inay lasoo xidhiidhaan diwaanka lagu ururinayo macluumaadka dadkii ay snm degaanadan ku xasuuqday xilligaa.

Ehelka iyo Asaxaabtu xil ha iska saaraan arintan, waayo si kasta oo umaduhu u heshiiyaan  waa taariikh aan la is illowsiin karin. Harowo.com ujeedadeedu waa ururinta iyo keydinta taariikhdan.

Soo gudbi magaca qofka iyo da’diisa

Goobtii lagu dilay iyo ciddii dishay(snm).

Diwaankani wuxu ku koobanyahay kaliya xasuuqii Snm gaysatay 04-2-1991-kii.

Emailkan kusoo dir

Harowonews@gmail.com

 

 

Abwaan Sangub oo ka qeylo dhaamiyay dad uu sheegay in dhibaato la daba taagan yihiin Mudo 23-Sano ah.

$
0
0

Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo la hadlay idaacada mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn uga cowday dad uu sheegay inay dhibaato ladaba taaganyihiin mudo ka badan 23 sano.

Abwaan Sangub ayaa sheegay in markan uu xamili waayay dhibaatada lagu hayo oo uu mudo dheer qarsanayay Dadka uu ka cabanayo abwaanka ayaa mar wax laga weydiinay waxa uu sheegay inay yihiin dad kasoo jeeda Gobalada Woqooyi ee Soomaaliya( Reerka Isaaq).

Sangub waxa uu intaa raaciyay Dhibka lagu hayo in uu yahay mid qoto dheer oo xitaa wixii uu alifo laga bixinayo sawir qaldan ,iyadoo tii ugu danbeysana ay aheyd filimkii uu dhawaan abwaanku ka sameeyay magaalada muqdisho ee lamagacbaxay “Umad wada siyaasi ah side loo dhaqayaa “iyadoo filimkaasina durba dadka uu abwaanka uu ka cabanayo ay u bedeleen inuu ahaa mid beelo gaar ah loola dan lahaa.

Abwaan sangub ayaa tilmaamay in dadka dhibaateynaya aanay jirin wax u haray oo ay ku xushmeynayaan ayna ka dhigeen sida qof lahaysta ah sidaasi awgeedna uu u bandhigayo umada Soomaaliyeed in ay ogaadaan dadka dhibka iyo dacaayada beenta ah la daba taagan.

Ugu danbeyntii Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub ayaa tix gabay ah oo uu tiriyay kaga hadlay dhibka uu qabo iyo sida uu uga cabanayo waxana tixdaasi kamid ah

Gabay baan ku xaajoonayaa geydhadkaan qabo
Labo gacan hashuu I dheelmay bey aheyd geddeedi
Gacmaheyga labada ah ayaan geysba reer ahay
Garsooruhuse maxkamduu fadhiyay qeybe muu garane
Go’aan lagu deg degay baan arkay nabadgelyaan dooni
Guri yahow adaan kaa dhashay nabadgelyaan dooni
Geed yahow adaan kaa baxay nabadgelyaan dooni
Gurboodkeyga abti baan baryaa nabadgelyaan dooni
Naaskii godladay baan jiqee nabadgelyaan dooni
Gar cadaaday weyn baan ahaye nabadgelyaan dooni
Intarneedka hadallaa galee nabadgelyaan dooni

SAWIRKA MAANTA Xirsi oo iscajabiyay

Viewing all 613 articles
Browse latest View live