Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all 613 articles
Browse latest View live

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay halis u tahay in ay bur burto hadii sidaan ay kusii socoto !!

$
0
0

Naxariiste Allah lagama quusto hase yeeshe markii aan dhageeystey guuxa Shacbiga Soomaaliyeed ee ku saabsan rajo xumo ay ku muujinaayaan Dowladda hadda jirto taas oo ugu wacan.

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah qofka ugu sareeya Dowladda soomaaliya oo xalin kari waayay Siyaasada Gudaha taas oo ku saabsan buuqa ka jira Goboladda dalka oo dhan ee ku saansan Maamul u sameeyn iyo tan kale oo ah in Ra’iisal wasaarihiisa uu siin waayo Madax banaani ku saabsan xagga Shaqadiisa iyo tan kale Madaxweynaha oo aan laheyn la taliyayaal Fiican oo xagga Siyaasada ah, la taliyayaasha hadda la shaqeeyana waa kuwa aan dhageeysan guuxa dadweynaha oo mar walba Madaxweynaha warar been ah u sheega.

2- Xildhibbaanda Baarlamaanka oo noqdeen Calooshood u shaqeeystayaal oo jecel in mar walba mooshin keenan si ay lacag u helaan iyo in mar walba ay jecel yihiin in lacag laalush ah ka qaataan Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha hase yeeshe Xildhibaanda Baarlamaanka waxay hilmaameen in ay Shacabka Wakiil ka yihiin.

3- Caasimada Soomaaliya ee Muqdishu oo noqotey meel aan u muuqan in ay tahay Caasimad taas waxaa u daliil ah oo aad arkeysa Guuxa dadweynaha in ay ku leeyhiin Gobolka Banaadir wuxuu leeyahay Maamula Gobol ama 16 Guddoomiye degmo waxaana u madax u ah hal Reer marka haddii ay caasimad ay tahay Awaay Soomaali weyn.

4- Wasiir kaste marka Xilka loo magacaabo wuxuu Wasaaradiisa uu ka soo buuxiya dadka ay isku qabiilka yihiin wuxuuna shaqada ka ceyriya dadkii hore ugu shaqeeyn jirey , wuxuuna Wasaaradda ka dhiga meel ay Qabiilkiisa ay Maamulaan.

Beryaha danbe Shacabka soomaaliyeed aad iyo aad ayay u guuxayaan waxaana ka muuqda Daal fara badan iyo Quus sidaas darteed Dowladda Soomaaliya waxay halis u tahay in ay bur burto oo ay weydo Kalsoonida Shacabka markaas waxaa dhaceeysa in Gobol walba uu Maamul iskiisa ah uu sameeysto oo markaas Dowladda ay bur burto.

hadda iyo talo waa in wax laga qabta Guuxa Shacabka Soomaaliyeed.

Fiiro gaar ah : Qoraalkaan waa Guuxa dadweynaha Soomaaliyeed oo aan soo koobay ee haddii aad dhibsato ogow shacabka qaar ayaa la dhacsan maxaa yeeley waa cabashadooda.

waad mahad san tihiin dhammaan .

Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com


Muuse Biixi Oo Fahmi Kari Waayay Ujeedada Siilaanyo Ugu Ladhay Maxamed Kaahin Ma Wuxu Fahmi Karaa Siyaasad Waddan Lagu Hogaamiyo

$
0
0

 

 

Dadka aan shaxda Siyaasada aadka u aqoonin waxay filayeen In Axmedsilaanyo Markii Uu Talda La wareegay uu labada askari meel uun kaga soo dari doono dawladiisa, ha noqoto dhanka ciidamada ama dhanka wasiirada. Laakiin Siilaanyo Oo aad yaqaanay ina biixi waagii uu gudoomiyaha u ahaa urrukoodii snm, markii xisbigiisa kusoo biirayna aad u darsay beydgaabnimada muuse biixi wuxu askariga ku qanciyay inuu noqon doono musharaxa shanta sano ee soo socota. Ma jirin meel heshiiskaa lagu kala qortay oo golaha dhexe ee xisbiguna ansixiyay. Siilaanyo oo ahaa odey siyaasad wakhti dheer kusoo jiray wuxu ka fekeray sidii uu ninkanna halkaa(hogaaka xisbiga) ugu hayn lahaa, hadhowna uu daaqadda uga tuuri lahaa.

Siilaanyo markii uu arkay in muuse ku qanacsanyahay arrinkan, wuxu soo ururiyay waxgaradkii H/Jeclo, khaasatan kuwa taladooda uu ku socdo, Saleban Gaal iyo Dahabshiil.  Wuxu ku yiri ” Kursigii waan ku fadhinaa, Sacadmuusena waan wadanaa, Muuse Biixina waxan isku ognahay Arinkaa Laakiin waxan ugu talo galay inuu shantaa sano ahaado  Noobiyad reerkiisu eegto.

Xisbiyadii sidaan ballanqaaday waan furayaa, Waxan doonayaa inaan nimanka talada innagula loolami kara meesha ka saaro, Idinka maxay idinla tahay tolkayoow, sideen arinkaa u waajahnaa? Halkaasay kasoo baxday taladii Wadani(Cirro) lagu soo saaray, Ucidna lagu soo celiyay.

Talooyinkii kulankaa kasoo baxay waxa ka mid ahaa In Maxamed Kaahin noqdo Gudoomiyexigeenka Kulmiye Ugu dambeyntana Isaga iyo Muuse biixi la isku daro, si dadka indhahooda loo sixro oo ay u arkaan inaan muuse biixi loo jeedin. H/Jeclo waxay u yeedhay Maxamed Kaahin, Waxa lagu qanciyay in aanu xil ka sugin xukuumada Siilaanyo, laakiin miishaarka wasiirka la siiyo  taa bedelkeedana uu noqdo gudomiyexigeenka Kulmiye, Shaqadiisana waa loo sharaxay.

Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay cunahooda mariwaydo in maxamed kaahin lagu dilayo muuse bixii, shan sanadoodna uu u taaganyahay lugooyada saaxiibkii. Siyaasadu waxa la yiraa waa wasakh  (Dirty Job). Saxbiibadaada siyaasadu waxay kugu darayaan dad ay doonayaan inay si dhab ah u khaarijiyaan(dilaan), si aan iyaga hadhoow looga shakin, waana wax aduunyada ka dhacda oo ragbdan lagu laayay, Laakiin tan ay maxamed kaahin iyo beeshiisu fulinaysay waa mid aad u fudud.

Markii uu soo baxay go’aankii uu AxmedSiilaanyo uu ku magacaabay Guddida turxaan bixinta Xisbiga kulmiye oo ka kooban 9xubnood, Waxay saaka warbaahintu ku waabariisatay labadii askari si ay wax uga waydiiyaan go’aanka Madaxweynaha Somaliland maadaama aanu isagu ka mid ahayn hogaanka xisbiga.

Markii ay saaka warbaahintu labada askari ugu tagtay Huteel Guuleed.  guddomiyaha xisbiga kulmiye Muuse biixi oo warbaahinta doonayey in uu la hadlo wax ka hor istaagay Guddomiye Kuxigenkii Maxamed Kaahin taasi oo ay isku maandhaafeen hanaanka ay warbaahinta ula hadlayaan iyo go’aanka ay ka qaadanayaa  Guddida uu madaxweynuhu soo saaray ,waxaanay ismaandhafkaasi sababay in uu khilaafkodu noqdo mid baajiyey warkii ay warbahinta siina lahayeen, waxayna sheegeen in ay wakhtiyada soo socda la hadli doonan.

Arrintani waa calaamadii ugu horaysay oo muujinaysa shaqada uu hayo  maxmed kaahin, Laakiin muuse biixi ma laha aragti siyaasadeed oo uu ku fahmi karo. Dhawaan ayay niman ina biixi tolkii ahi fahmeen khiyaanada iyo Lugooyada meesha uu maxamed kaahin u joogo, waakuwii isku dayay inay khaarijiyaan laakiin way fashilantay, inkastoo laftiisa(muuse askari) arinkaa looga shakiyay hadana dadka siyaasiyiinta somaliland shaandheeyaa waxay leeyihiin muuse ma gaadhin heerkaa uu ku ogaan karo qorshahan.

 

DAAWO QOSOLKA ADDUUNKA

Aqriso Magacyada Xildhibaano tiro badan oo kamid noqday Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya

$
0
0

Xubnahan katirsanaa Baarlamaanka ee loo Maagcaabay Wasiirada ayaa horey loogu balan qaaday in Wasiiro la siinayo hadii ay Meesha ka saaraan Xukuumadii Ra’izul Wasaare Saacid, waxa ayna ku guuleesteen olole xoogan kadib in daaqada ka saaraan Xukuumadii Saacid.

Hadaba Shabakada Allbanaadir.com oo Baaris badan sameeyay ayaa soo ogaatay Magacyada inta badan Xildhibaanada laga dhigay Wasiirada Buuxa , Wasiiru-Dowlo iyo Wasiir kuxigeeno.

Halkan ka Aqriso Xildhibaanada hada Wasiirada laga dhigay iyo jagooyinka ay qabteen.

1-Mudane C/laahi Goodax Bare, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

2-Jaamac Axmed Maxamed (Oday), Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane

3-Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ,Wasiirka Warfaafinta

4-Mudane Khaalid Cumar Cali, Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada

5-Mudane Aadan Maxamed Nuur Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

6-Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

7-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha

8-Mudane Saalim Caliyoow Ibroow,Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa 

Xildhibaanada hada noqday Wasiiru-Dowlayaasha 

1- Mudane Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

2-Mudane Burci Maxamed Xamza Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

3-Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga

4-Mudane Daa’uud C/kariin Cumar Wasiirudowlaha Amniga Qaranka

Xildhibaanada Noqday Wasiir kuxigeenada 

1-Mahad Maxamed Salaad Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

2-Ibraahin Isxaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka

3- C/laahi Colaad Rooble Wasiir Ku XIgeenka Warfaafinta

4–Cismaan Libaax Ibraahin Wasiir ku xigeenka Beeraha

5-C/kaafi Macalin Xasan Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha

6- Maxamed Ismaaciil Shuuriye Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

7-Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha

8- Maxamed Axmed Kulan Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare

9-Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda

Dadka Gobolada Galbeedka Degani Ma U Baahanyihiin Inay Maanta Hourmar ka sameeyaan Dhinaca Dhismaha Magaaloyinka?

$
0
0

                 Marka hore   waxay mahadi u Sugnaatay Allah (SWT) Marka xigta waxa mahad leh Saxaafada Dhamaan Gayiga Luqada Somaliga lagaga hadlo ka hawlo gasha magacay doonaan ha huwanaadaane Madal walba oo ay ku Suganyihiin inta  Milgaha Mihna Saxaafadeed sida ugu Saxsan uga Adeegta .                             

              Inta aanan u galin Dulucda uu Daaranyahay Maqaalkani waxan isku yara dayayaa inaan Hordhac yar aanka horaysiiyo intii Garashadayda ah .
      Marka aan ka hadlayno Horumar  waxa uu yeelanayaa micno badan oo Qoraal ama wax ku Dhaw lagaga Gayoon karin laakiin iyada oo ay sidaa tahay waxan isku dayaynaa inaan  ka Jawaabno Su,aashan Hoos ku xusan .

.A.Waamaxay horumar?

                        Horumar waxa weeyi sida ay ila tahay marka aan ka hadlo waa Bulsho wanaag ay samayso Nooca uu Doonaaba ha ahaadee ama Shaqsi Wanaag u sameeyo siduu Doono ha u Ekaadee  Wanaag waxa kasoo Hor jeeda waxa weyi Xumaan iyadana waa Dib u dhac Horumarna waxa kasoo hor jeeda dib u Dhac markaa Guud ahaan Jawaabtu waa Wanaag Wadar ama Waax ha Samaysee la sameeyo . Horumarku ma aha inay Muslim oo kaliya Horu maraan ma aha Kiristan oo kaliya ma aha Hundu oo kaliya Buudisam oo kaliya maaha Yahuud oo kaliya  Diinta aad doonto Aaminsanaw Qaarada aad doonto Aduunka kaga Noolaw Midabka aad doonto lahaw Horu marka waa wax loo Abuuray Banii,aadamka kuwii Hadaysana ay tahay  inay ku daraan Allah (SWT) ka Cabsiga Rabbi  Aakhiradooda oo ilaa wixii ay Allaah la Hortagi lahaayeen Maalinta Qiyaame hadda sii Shaqaystaan kuwa kalena illaahay ayaa inoo sheegay inuu waxwalba oo ay rabaan  Ifka ugu soo Saaray Horu marku waxa uu la Bilaamay Banii,Aadamka mana Dhamaanayo waligii ilaa iyo inta Qiyaamuhu ka Dhacayo  waxa uu leeyahay Meel uu ka Bilaabmo laakiin ma leh  meel uu ku Dhamaado  waana qayb Nolosha Dadka Meel Muhiima kaga jirta  hadaba inaga oo  Jecel Gunta ama Gundhiga Maqaalkan inaan kusii Siniqno waxan  ka hadlaynaa  Horumarka waxa soo Galaya sida

(a) Magaalooyin la Ballaadhiyo.
(b) Dariiqyo la Dhiso.
(c)Bulshada oo Shaqo ku Filan hesha
iyo dabcan ta ugu muhiimsan oo ah.
(d)Inay  Umadu ka korto Maskaxiyan iyo Jismiyan labadaba waayo waxa la Dhiso ama la Horumariyo waxa ugu haboon Banii,Aadamka oo Maskaxdisa ama Garashadisa kor loo Qaado .

( A).  Horumar Magaalooyin  ama Horumar Dhiseed .  waa Qodobka Qodobka uu Daaranyahay Qoraalkeenu maanta  waxa aan i Mudo ah Dhisaynay ama aan Camiraynay inaga oo ah Umada Samaroon Magaalada Caasimada labaad ee S/land ee Borama waxan ku Bixinay  Maal badan ilaa Mudo Nus Qarni ku dhaw waxan Dhisaynay Magaalada  Caasimada Gobolka Awda ah walaw Wakhtigu kala Wanaagsanaa  oo 1993-2000 ay si fican u Dhismaysay hadana ay kasi Wanaagsanaatay 2000-2014 oo aan hada ku jirno waa wax horta aad loogu Farxo inay maanta halkaa gadho oo ay Gayiga ay Dhacdo Juqurafi ahaan maanta ay wax la Qaybsato inkasta oo uuna Qoraalkani Daarnayn Horumarka Borama hadana meel marka la Tilmaamayo waa inaad ugu yaraan hal  Weedhna ha noqotee wax ka Sheegtaa ama Posative  ha noqdaano ama Negative  Su,aasha is waydiinta mudani waxa weeyi ee in laga Sanqadhiyo haboon

*** Maanta ma la Gaadhay Amintii ay Umada kasoo jeeda Gobolada Gabilay,Awdal &Selel Dhisan lahaayen Magaalo u Dhiganta Borama ama ku dhaw ama haddii Macquul ay noqoto Kaba waynaan karta inkasta oo ay Wakhti Qaadanayso ?

Haa waa la Gaadhay  waayo Umad waliba oo meel Degani inay Noloshooda Horumariyaan waa  waxa uu Allah inoo Abuuray sidaa la ajligeed Horumarka sidaan kor kusoo Xusnay waxa soo Hoos galaya wax aad u Balaadhan taas  waxa Qayb ka ah inay  Dadku Dhulkooda Dhistaan si ay Daacadnimo iyo Horumar  ku Dheehanyahayna u Dhistaan maanta haddii aan Magaalo kale  sida Borama aan u Camirnay u Camirno waxay u Wanaagsntahay inaga Ubadkeena kuwa Dhalandoona  dad ayaa is Waydiinaya maxaa Xiligan kusoo Beegay Qoraalkan ama Maqaalkan Banii Aadamka Xaaraan kama aha inuu wax sii Odoroso Waayo Nolosha ayay ka mid tahay in wax aan Saadaalin karno ama aan isku Dayno inaan Mustaqbalka Dhaw qaban karno  sidaasoo ay tahay Dabcan aan isku Baraarujino hadaba haddii ay Jawaabtu tahay haa dadka Samaroon maanta waa ay Dhisan karaan Magaalo labaad  iyo waliba mid sedexaad waxa  Haboon inaan is Waydiino

*** Xagee ayaa laga Dhisi karaa ama  Madashee ayaa ugu Macquulsan?

Waxay ila tahay intii Garashadayda ah saddex Meelood inaan ka Dhisan karno oo kala ah
A.Saylac.
B.Lughaya.
C.Garbodadar
      Waxay ila tahay Sadexdaa Magaalo inaan ka bilawno  si uu Horumarkeenu u Balaadho Dadkeenuna noqdaan Dad la Tartami kara Dadkan ay isu mandaqada yihiin waxyaabaha aan ku Doortay saddexdaa Magaalo waxa ugu  Mudan waxa weeyi

*Saylac: Waa Magaalo Xeebeed waliba Qadiimiya sidaa oo ay tahay Meel ku taala Istaraatijik ah oo waliba Caalamka  u noqon karta Xudun ay isaga kala Gooshaan waa haddii ay hesho dad usoo Jeedo oo si Buuxda u Horumariya .

*Lughaya:Iyadna sidoo kale waa Magaalo Xeebeed laakin iyadu waxa ay Saylac uga Dhawdahay Borama waana Magaalo haddii Dekad loo sameeyo si Buuxda Mandiqada oo dhan Horumar Buuxa u Gaadhsiin karta  waxa kaliya inala Haboon iyadna inaan ka Faa,iidayno si ay Dadkeenu uga baxaan Gaajada Abaaraha iyo Duruufaha Dhaqaalo xumee  ku habsaday .

*Garbodadar: Waa Magaalo ku taala meel  marka aad si Buuxda ugu Fiirsato aad is Odhan karto Samaroon waxay u noqon kartaa Xudun isku xidhi karta waana meel inaga Dhaxdeena Istaraaji inoo noqon karta waa haddii aan Garano Faa,iidada ay Inagala Maqantahay waxanan Rajaynayaa inaan Garan Doono waxay Faa,ido inoo leedahay inaan Garbadadar magaalaynaa .

Intaa Dabadeed  waxa  Dadka aan ka Dhashay ee Samaroon aan ku Boorinaynaa inaan Dhulkeena si Buuxda wax uga Qabsano Waayo Dhulkan inaga ayaa  u Dhalanay inaga ayaa ku Dhiman doona Cidna uma Maqno Ceelna uma qodno   waxa aan si Gaara ula hadlayaa Dadka Allah (SWT) wax siiyay ee Deganada Samaroon ku Dhaqan iyo kuwa Qurbo joogtaba ah ee Dhulka Iibsanaya waxan kula  Talinayaa Nin walba inuu Magaalooyinkaa ka Iibsado si uu hadhaw wax ay ugu Tarto Dadka Caalamka ku Nool waxa loo kala Badinayaa Khayraadka Badda ku jira haddii aan Samaroon nahay waan ka Dhago laanahay inaan Khayraadka Badaheena Buuxiyay aan kala soo Baxno waa wax inaga Dhiman  bisayl wax Qabsina numa Gaadhin wali wax Qabadkeenu waxa uu Dhaafi laayahay oo waliba intan Danbe ah Dariiqyada waan Qirayaa oo Isha kama Lalinayo Dariiqu waa wax qabad oo Meelahan aan Xusnayba Flyt lagu tagi maayee waxa ina Gaynayaa waa Dariiq laakiin Horumarka aan wadnaa waxan Odhan lahaa si uuna Gaabis u noqon aan is Agwadno  taas ayaa Guul ku Gaadhi karnaa .

    Guntii &Gabagabadii.
Waxa aan  kusoo Gunaanadayaa inaan si Buuxda u Fahano Dadkaygoow in ay Xeebaha iyo Magaalooyinka ka Agdhaw Muhiim inoo yihiin Inaguna aan ku Noolaan karno Ubadkeenuna ay ku Noolaan doonaan  waxanan Leehay kaliya waxa inagu Haboon inaan isu Baraarujino Dhulka kan inaan Inagu leenahay  Inaga oo sidaa u Og hadana Hirdan waa iska jiraa  Aduunyada ayaana iska sidaasa laakiin waxa Inaga Inala da,ah Horumarka Dhulkeena intii aan Awoodno waxanan idiin leenahay inaan Qurbojoog iyo Qolqoljoog isku Duubnaano ayaa Mudnaanta Koowaad ta Labaad iyo ta Sadexaad  ba ah /. Gacmo Wada Jir ayay  ku Gooyaan./ ama/. Ilko Wada Jir ayay wax ku Gooyaan./  Dhamaanteen waxa inoo Ballana Horumarka Dhulkeena Inaga oo aan kala Jeclaysanayn.

               Guul&Gobanimo.

       Mohamed Mahamoud Shirdon.

                           Switzerland .

                           Nooli Kulantee.

                           Wabillaahi-Tawfiq

Gabay: Mahad iyo Salaad qudha muxuu kaaga heli waayay

$
0
0

Gabay Mahad iyo Salaad qudha muxuu kaaga heli waayey?

Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ayaan kula kulmay Nin aan is waji garanayney.Salaan ka dib ayaan ku idhi Salaadii ayaa la galayaa… isagoo mashquul ah ayuu igu yidhi ” Meel ayaan ku cararayee gaadhiga ayaan ku dhex tukan doonaa”!!
“Haye Salaama Calaykum” ayaan idhi. Inyar markaan kala tagnay ayaan eegay geed weyn oo Masaajidka ku horyaalay oo raxan shimniro ahi ka dul heesayaan Eebahooodna u mahad celinayaan. Waxaan is weydiiyey sababta shimbiruhu u heesayaan -waxaanan ogaaday inay ku faraxsan yihiin waaga soo gudoodan iyo maalinta cusub ee Ilaahay ku siyaadiyey noloshooda.

Markaan Salaadii ka baxay ayaan dib ugu soo noqday geedkii shimbiruhu ka dul mashxaradayeen. Wali sidii ayey u heesayaan markaa waxaan is garab dhigay ninkii ordayey ee mashquulka noloshiisu ahayd ee xataa salaadii haleeli waayey iyo shimbiraha ilaa wakhtigii aan quud raadsan ee Ilaahooda u mashxaradaya una mahad celinaya …

Wuxuu yidhi:

Inkastuu rag wada miigani, miimka ka hingaadsho
Hadaanu gabaygu miisaan lahayn, malaha iidaane
Is maqiiq midhkii kula galay, maqalku diidaane

Madmadow markay dhaafto ee,marinku soo gaabto
Munkar iyo hadii laga baqo, meehaliyo dheesha
Muran iyo is-moodsiina aan,lagu mashquulaynin
Milgaheeda suugaan galbeed, baw macaan badane

Hadala waa murti amase waa,Midaan haboonayne
Mansabkiisu waa mudan yahay,oo meel saraan dhigaye

Markuu mayeyga dayreed curto,uu ciida wada maydho
Manka soo carfaayiyo miskiga,moodka wada yaala
Xareed Miisan meeshaad daydo,oo moos kasoo jabayo
Hadii Geed madheedhkii ka baxay, midigtu laacayso
Nin walbaa macaankiisa saw muudso odhan maayo ?

Ceelkaan malkada loogu dhicin, maaxan waa abide
Maslaxaad ayaan uga socdaa ,waa macduun kaniye
Aniguna hamsada maalintaan ,gabay la maagaayo
Miyi iyo magaalaba dadkii, waw mulaaxsamaye
Mufti iyo sidii culimo saw, loo martiyi maayo?

Muxubana halkaad gaadho waad, mahadin doontaaye
Bal miliilic oo dhuux murtida, doqoni waa mooge

Mohashada aduun ee dadkii, meelkastaba geysay
Iyo mawd sugaayaa ilayn, waaba kala maane

Macno maleh aduunyadu naftaa, lagu mashquulaaye
Mujuq iyo adoo qaawanoo, mudh iyo diirkaasa
Mawlaha kusoo magan gashee, magacna kuu yeelay
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey?

Miisaanka noloshaa jirtuu, kuu maldahayaaye
Inta muruq jidhkaagiyo lafaha, midiba meel hayso
Moxigiyo mijaha hoose iyo,muuqa idilkiisa
Mixnad weeye maankiyo caqliga, kaa maroorsame e
Adoon madax adaygayn hadaad, magan allee dhawrto
Mar’uun saw qalbigu Eebahaa,uma muraaqoodo ?

Miridhkii aad joogtaba xubnaha, haga masayrkaaga
Moqorada intey nool yihiin, sida matoor xiima
Maashaa Allee xididadaa, dhiigu mulacyeeyo
mulkigaaga oo idil dadyahow, muhindiskii yeeshay
Mahad iyo salaad qudha muxuu kaaga heli waayey ?

Si’aan mirif xanuun kuu helaa, marino kaa raacin
Ama dhiiga meermeerayaa,meel xun ugu daadan
Maqaarkaaga sare oogaduu, kugu manaystaaye
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ?

Inta maal aduunyiyo hadii, dahab lasoo miiso
Miyirkaaga oo qudha ayaan, lagu mataaleyne
Mucjisada jidhkaagoo idili, waa mihniyo yaabe

Mawlaha intaa wada khalqee, waliba maareeyi
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ?

Malaa’iigta Eebiyo nafluhu, waw musbaaxsadaye
Mid yar iyo mid weyn mawlahay, mayna caasiyine
Aadmigaa midii laga rabay, moran ka joogaaye
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey?

Muunida salaadiyo ilaa, miiqa dhigo waagu
Shimbiruhu macbuudkood mashxarad, wey u mariyaane
Mana oga halkay manfac iyo,midho u doontaane
Nafta lama masuugee adoon, maalin qudha waayin
Mar’uun saw qalbigu Eebahaa, uma muraaqoodo?

Milada iyo diinta hadaad, Maad ka dhiganaysid
Ma ogtahay fircoonbaa hortaa, eeday magacaase
Isaguba intuu Muuse waday,wuu ka maagsadaye
Manhajkii Ilaah soo direy buu, iska maanacaye

Hadaad adiyo kala maaranteen, malaga soo jeedi
Mushmushaaxso noloshaa yar iyo, marin habowgeeda
Maruun saw qalbigu Eebahaa, uma muraaqoodo?

Aduun wa marad jeceshay ood, muudso leedahaye
Iyo maray macaan iyo qadhaadh, midina roonayne !!

Maqribkii salaad loo kacoo, mu’adin eedaamay
Waa maraad macaash raadisood, malo awaashaaye
Ka mabsuudi mayside ilayn, waa mur iyo leefe

Marna maro yarbaa lagu ridaa, maydka aad tahaye !!
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waaye ?

Muslinimada aan haysaniyo, diintu waa magane
Shanta milay nin weysada gabaa, malaha iimaane
Kol haduu mugaaguba yahay, noloshan meeraysa
Inaad muumino sheegataa, wayska meel madhane
Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey

Masalada dadkani moogyahaan, kuu dul marayaaaye
Hadaan Milic ilays diiran lihi, madax salaaxaynin
Dhirtu maba magoosheen midhana,lagama goosteene

Markuu waagu soo muuqdo ee uu, midab guduud yeesho
Meegaaris goortuu wakhtigu, kala maleegmaayo
Mugdigii habeenimo ayuu, kaa malmalayaaye
Midigtiisa saw Eebahay, laguma maashoodo
MAHAD IYO SALAAD QUDHA MUXUU KAAGA HELI WAAYEY?

Maxamuud Cabdilahi Rooble
email: roobleamin@gmail.com
Seattle USA

Hurdaayoow Toos: Dadka Reer Jabuuti Waxa Loo soo Rarayaa Awdal iyo Salal : WAA UJEEDADII LOO MAGCAABAY WASIIRKA DIBUDEJINTA SOMALILAND

$
0
0

Saylici maalin walba mashruuc dhaamaday buu xadhiga ka jraa, waar kuwayagii aaway ma yidhaa!!!!

 

NIN DHIRBAAXO QUUDHEED DUGSADAY  DHAQAYADEED MAALYE
DHEREG IYO MARBAY KAA YIHIIN        DHAQASHO XAARAANE
DHASHAADAY SUGTAA XAAJADAAD    DHAWRATAA ABI

Wasiirkan baryahan wuxuu u tafo xaytay inuu dadka reer Jabuuti wixii baahan soo guro oo dejiyo Saylac iyo Lughaya. dadkaa reer jabuti waxa laga been abuurayaa inay yihiin qaxooti somaliyeed.  Hayadda UNHCR ee qaxootiga ayaa laga rabaa inay maal geliso. arrintaa waxa ka caawinaya maamulka Jabuti iyo maamulka Siilanyo.

Wasiirka magcaabistiisa waa layska ogaa inay ahayd ballan ka dhaxaysay Siilanyo iyo ismacil cumr geele. Siilaanyo waa kii ogolaaday in kumanyaal reer jabuti ah laga soo guro Dalka Jabuti kana cod bixiyaan waddanka somalida doorashaii dawladaha hoose.

Maamulka Jabuti waxay isku sheegaan ” GURI AAN DAARAD LAHAYN”.  Daarada la raadinayaa waa dhulka somalida in lagu soo fidinayo Jabuti oo immikaba in badani gacan bax  ku dhowdahay.

Dawladihii hore, waxa loola tegey khiyaamooyin ay ka mid ahaayeen mashaariic kalluumaysi, iskaashato beeraley ah oo Siyad Barre looga digay. Burburkii somalida waxa la hoos orday Mohamed xaji  Ibrahim cigal oo qaxooti baan soo guraynaa lagu yidhi. cigal nin loo dhuunto muu ahayn waxaanu ku jawaabay ” war somaliyi way is taqaan oo dhul idinka maqani ma jiro ee dadkiina dhulkooda u daaya.”

Intaa kumay joogin ee Ina Rayaale iyo  Siilaanyo oo musuq iyo haween u taliyaan baa god laga samaystay. Danta  Dahabshiil ee jabuti baa Siilaanyo kala  wayn danta dalka, nabadda dadka iyo jiritaanka xuduudaha wadanka.

Taariikhdu way shalay. markii Fransiis wareejay lahaanshaha Jabuti. waa shalay markii Cabdilqaadir  la soo dejay qaxootigii  Ashacaddo. Maantana ma Saylc iyo meelo kalaa????. Ma riyaa…ma run baa

Waa yaabe dadkii dhulkan qarniyo lahaa xaggay mareen. waxa dadkaan horkacaya kuwo seexday, jeeblayaal jeebkooda u nool iyo qaar sida Siilaanyo bilaash uGu shaqeeya oo sheegtay..free ambassador .

Ahmed Ismail samatar

Waxay  Muqdisho ka wada noqdeen  Cali khaliif Gallayr oo labaduba doorasho soo waayeen. Professor Galayr dadaalkiisii somalinimo marna ma dhimin. Wuxuu aad uga shaqeeyaa siduu Somali u toosin lahaa iyo wuxuu aaminsanaa weligiiba.  Waxa kaluu ka dagaalamaa in dadkiisii iyo dhulkooda dad kale ka taliyaan.  Ahmed, naftiisa, Somali iyo dadkiisa midna wax uma hayo. waddankiisii waxa looga yaqaan magaca ah…BISADEEYE… Bisadeeye wuxuu ahaa nin aad looga yaqaan dhulkaa oo heeso qosol ah samayn jiray. sida bisadahana wuu ciyi yaqaanay una ciyaari jiray.

Abdiraxman saylici

Isaga kursigaaba ku filan. Wixii mucaawino ahaa …cunto, ceelal biyo,waddooyin,iyo maddaarro..boqollaal milyan waxba kama soo gaadhin  jiidda Awdal iyo Lughaya oo abaaro shan sano iyo dheeraad ku habsatay. Maalin walba mashaariic dhamaaday buu maqas ku furaa, kuwayagii aaway marna ma odhan. Waxa manta jooga waxa soo socda midna lama socon karo.

Suldaanka guud ee reerku waa Bisadeeye ina adeerkii. Suldaankaasi waa nin jeebkiisa u shaqaysta. waxba kama gelin dad iyo dhul midna.

ARRINI WAXAY U TAAL DADKA INTA WAXGARADKA AH IYO DHALLINYARADA OO MUSTAQBALKOODII LA LUMINAYO, LA IIBSANAYO, LA QARINAYO. DHALLINTU HA OGAADEEN INAANAY CIDINA U MAGNAYN. HA OGAADEEN INAY  IYAGU ISKA LEEYIHIIN  AAYAHOOGA DANBE.

Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca

Ogeysiis Muhiim ah: Mudaharaadka USP Khaatumo, Maakhir Iyo Awdal ee Looga Soo Horjeedo Turikaga

$
0
0
Ogeysiis Muhiim ah: Mudaharaadka USP Khaatumo, Maakhir Iyo Awdal    ee Looga Soo Horjeedo Turikaga
Ku socda Jaaliyadaha USP Khaatumo, Maakhir Iyo Awdal, Kasoo qeyb-gala Mudaharaad lagu diidanyahay  Wareega Afaraad ee Wadahalada Turkiga  ee u Dhaxeeya Culusow Iyo SNM
MadaxWeyne Xasan Culusow iyo Dowlada Turkiga waxa ee dafireen Jiritaanka Beelaha USP iyo deegaanadoodaba.
Mudaharaado Waa Weyn oo Looga Soo Horjeedo Wadahadala Turkiga Iyo Shirqoolka Culusow Iyo SNM
Goobta: Dhamaan Safaaradaha Turkiga ee Wadamada Caalamka
             Dhamaan Deegaanada Khaatumo, Awdal, Iyo Maakhir

 

Mudaharaadada Balaadhan ayaa waxaa lagaga soo horjeeda  Wadahadalada Turkiga ka socda ee Culusow iyo SNM, Heshiisyada Khiyaano Qaran ee Turkiga Dhexdhaxaadinayo, iyo Qodobadii xaaraanta ahaa ee ku hishiiyeen Xasan Culusow Iyo Dhiigyacab Siilaanyo.

 

Jaaliyaadaha  Beelaha USP Khatumo State, Awdal State, Iyo Maakhir State ee ku dhaqan dhamaan wadamada Caalamka   ayaa la filayaa Inay Mudaharado Balaadhan kaga hortagaan Wareega Afaraad ee Wadahadalada Turkiga ka  Socdo,

Shacabka USP waxa ee siweyn uga cadhoodeen Heshiisyadii Shirqoolka ahaa ee Madaxweyne Xasan Culusow iyo Dhiigyacab Siilaanyo Horjoogaha Maamul Beeleedka SNM Siilaanyo ay Ku Kala Sexeexdeen Wadanka Turkiga.  .Jaaliyadaha USP  waxay bilaabeen qaban qaabada  Mudaharaado waa  Weyn oo looga Soo Horjeedo  Dowlada Turkiga Iyo Madaxweyne Culusow.   Goobta ee ka dhacayaan Mudaharaadadu waa dhamaan Safaaradaha Turkiga ee wadamada Caalamka, Mudaharaadada la filayo waxa ee dhaawac weyn u keeni kara sumcada Dowlada Turkiga iyo  Xasan Culusow uu Caalamka ku lee yahay..

 

Kasoo Qeybgal Wanaagsan Mudaharaadka Balaadhan ee lagu Difaacayo Midnimada Soomaaliyaa Iyo Xuquuqda Shacabka Iyo Deegaanada Beelaha USP ee Woqooyiga Soomaaliya, loogana soo horjeedo Wadahalada SNM iyo USC ee dhowaan wareegii afaraad ka furmayo Wadanka Turkiga.

MadaxWeyne Xasan Culusow  iyo Dowlada Turkiga waxa ee dafireen Jiritaanka Beelaha USP iyo deegaanadoodaba.

 

Dhamaan Jaaliyadaha USP ee Midnimada Qaranka Soomaaliyeed Jecel.    Khaatumo State, Awdal State, & Maakhir State


Ninkii Qeyrkii Loo Xiiroow soo qoyso adiguna…. Maalintaad saxbkaa Burco ku gawracday ma garanaysaa

$
0
0
Muuse biixe waa kee? Muuse waa kaa….Ina biixi waa inuu is-xisaabiyaa intaan kawaanka la saarin, miyaanu ahayn
1. kii cidlada kaga tegay saaxiibkiisii dhabta ahaa ee ay KAADIDA u soo wada cabbeen sidii ay waddankan Somaliland Republic uga goyn lahaayeen dal weynihii Soomaaliyeed. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ay dadka reer Soomaaliland u yaqaanaan: Cabdiraxmaan Tollaawe, ama Cabdiraxmaan Laba-tolle, magacyadan oo uu u bixiyey saaxiibkiisii dhabta ahaa(ina biixi) markii qoriga la watay ee ay QAAXO loo qaxay, laakiinse Siyaasaddii ardeydii ka soo aflaxday malcaamaddii Siyaad Barre ay kala dhaqaajisay, kaddib markii Siilaanyo dhegta ugu
qabtay ina Biixi haddii uu rabo inuu madaxweynaha mustaqbalka noqdo inuu khaarajiyo Cabdiraxmaan Aw Cali, oo uu markaa u arkaayey Siilaanyo inuu khatar ku noqon doono maamulkiisa haddii uu ku soo baxo Madaxweyne ku-xigeen. Iyadoo looga soo bartay keli-adayg iyo ragannimo dheeraad ah markii uu madaxweyne ku-xigeenka uu u ahaa Marxuum AUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ay dhacday goob joogna aan u ahaa ina Cigaal oo odayaashii beesha Cabdiraxmaan kaga soo dacwooday inuu aad ugu ad-adag yahay amarna aanu ka qaadanaynin, innagoo ogeyn Alla-ha-u-naxariistee inuu hantidiisii u huray dhismaha iyo horumarinta dalkiisa, oo aanu ahayn sida Bataantan Burco innooga timid.
Markaa qisada Ina biixi maanta waxaa loo akhriyi karaa…(Ninkii qayrkii loo xiirayoow, soo qoyso soo qoyso adiguna), markaa waxaa fiican uun inuu ka fekero habkii loogu xiiri lahaa ee taaloogga loogu jari lahaa, anigoo shaki ka qaba xataa inuu taa lafteeda talo ku yeelan karo, ama wax laga weydiin karaba. waxaan xasuustay Sheeko xariiro ay ayeyday Bilan Catoosh Alla-ha-u-naxariistee iiga sheekeysay anigoo aad u yar waxaanay sheekadani u dhignayd sidan:
Beri baa waxaa meel barwaaqo ah ku wada noolaa oo saaxiib aan la kal dhex-gelin ahaa (sida Ina-Biixi iyo Cabdiraxmaan Aw Cali) saddex dibi (dibi cad, mid dhiin (cas) ah iyo mid madow) iyo Libaax. waxay beryo samaan iyo barwaaqadii ku jiraanba nolol baase ka badatay.
Libaaxii ayaa u baahday Hilib uu hiigo illeyn waa dabeecad ilaahay ku abuuree, heshiiskii iyo walaaltinnimadiina ma jabin karo, sidaa awgeed wuu fekeray sidii uu mid ka mid ah saaxiibbadii u khaarajin lahaa iyadoo kuwo kalena ay raalli ka yihiin, sidaa awgeed waxa uu shir albaabadu u xidhan yihiin la qaatay dibigii dhiinka ahaa iyo kii madoobaa, waxaanu dooddiisii iyo taladiisii ku soo jeediyey in laga tashado dibiga cad, sababtoo ah cadawga ayaa soo bil-dhaansanaaya taasoo iyagana noloshooda khatar gelin karta, isla markaana been buu ka sheegay oo wuxuu yidhi, horta ma ogtihiin dibigan caddi inuu kibir badan yahay isla markaana uu aamminsan yahay inuu innaga karti iyo aqoonba badan yahay, Dhiin iyo Madoobe (ina biixi iyo ina kaahin/dhegaweyne) arrintaa dambe aad bay uga xanaaqeen, cadaawad baanay u caddaysteen Caddaawe (Tollaawe)
arrintii waxa la gorfeeyaba waxay talo ku soo ururtay in Caddaawe laga saaro liiskii walaaltinnimada uuna yahay saacadda laga bilaabo cadaawe ay bannaan tahay in rubadka la gooyo, heshiiskii hore waa jabay mid cusubna lama dhigan, Mr libaax ayaana loo xilsaaray sidii uu caddaawe u khaarajin lahaa, taasoo ku qaadatay waqti yar in caddaawe kawaanka la saaro isagoo saaxiibbadii uu isku hallaynaayey ee heshiisku ka dhexeeyey arkayaan raallina ay ka yihiin sida hilibkiisa baruurta iyo caddaanta badan leh uu ugu raaxaysanaayo Mr Libaax.
Sannad kaddib ayaa libaaxii magaagay (hilib-u-baahday), taasina waxay ku kalliftay inuu gaar ula shiro dibigii madoobaa oo uu ka dhaadhiciyo inuu rabo inuu cuno dibigan Dhiinka ah, sababtoo ah wuu kibir badan yahay, midabkiisuna waxaa uu u eg-yahay dhiigga, markaa Mr Libaax marka uu arkaba ciddiyaha iyo ilakaha ayaa saliilyooda, Mr madoobe go-ahead ayuu siiyey libaaxii inuu barakaysto saaxiiibkii Mr Dhiin.
Maanta oo ay doorashooyinkii  ka hadhsan tahay sannad kaliya Mr libaax waxa uu u baahan yahay jicsin uu abaaraha kaga baxo waxaana meesha soo mutuxan Mr madoobe oo hortiisa lagu soo halaagay saaxiibadiisii dhabta ahaa Mr Caddaawe iyo Mr Dhiin, dabadeed waxba lagamaba qarin ee si cad baa loogu sheegay inuu Mr Madoobe doqon yahay bilaa damiira, markii uu aqbalay in saaxiibadiisii dhabta ahaa la cuno, maantana la soo gaadhay markii isaga kawaanka la saari lahaa.
waxaanu Mr libaax ugu maahmaahay: Ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso adiguna. Markaasuu garawsday dhoohane Madoobe oo uu yidhi; ‘wayyy-iyo-wayyy, tolla’ay oo tacabkay khasaarye, maanta ima aanad cunine waxaad i cuntay markaan kaa aqbalay inaad cunto walaakay Mr Caddaawe iyo Mr Dhiin’….Haddaba xaaladda ina-biixi waxay ku suntantahay Dhoohane Madoobe ee yaanu cidna xag-xagannin illeyn bohoshii uu qoday ee ay saaxiibbadiisii hore ku dhaceen ayuu maanta xaqiiqsaday inuu ku dhacaayo e.
2. Qodobkayga labaad ee aan ku xusaayo qoraalkaygan waxa weeye, ina biixi ha garawsado inuu ahaa askari, loona tababaray inuu waddanka ka difaaco cadawga oo uu wax uun dilo, isla markaana aanu aqoon u lahayn sida horumar iyo siyaaasad looga shaqeeeyo, waqtigana inuu iskaga lumiyo maaha wax aanu u lahayn aqoon iyo qualification. Runtiina uma baahnin waqtigan xasaasiga ah qof caanaha iyo biyaha aan kala saari karayn oo waqtiga innaga lumiya. waxaan kula talin lahaa xerooyinka ciidamada inuu iska xaadiriyo oo aanu ka qadin darajooyinka la bixiyey.
3. Xisaabta ha ku darso Mr Madoobe; shacbiyaddaadu halkay maanta gaadhsiisan tahay? iyo Xisbiga aad ku abtirsataa Garaafkiisii halkuu taagan yahay? runtuna waxay tahay haddii in uun u dhug iyo aragrti leeyahay, mar hore ayuu ka carari lahaa oo uu ku biiri lahaa xisbiyada kale ee aan wali la tijaabin ee curdinka ah waa Waddani iyo Ucide. Sababtoo ah waan la soconnaa maanta Xisbiga Kulmiye halka uu Somaliland marinaayo. Ictiraafkii inuu cirka isku shareeray, Qabyaaladdii oo qaawani inay suuqyada iyo xafiisyada dawladda lugayso, taasoon aan abid soo marin dadka ku abtirsada Soomaali oo dhan, Boobka iyo dhaca lagu hayo hantida qaranka, Maamul xumada ka taagan hay’adaha dawladda, iyadoo ay xukuumadda Kulmiye mansabyada iyo mas’uuliyadda ku magacawda AYAAD TAQAAN ama AYAAD TAHAY, halkay ka noqon lahayd MAXAAD TAQAAN ama MAXAAD WAAYA’ARAGNIMO IYO QUALIFICATION u leedahay.
Dadkii walaalaha ahaa ee is-dhalay abtiga iyo habyarta isku ahaa ee rootiga kal goosan jiray oo Xukuumadda kulmiye isugu dhiibtay middiyaha, inta ku dhimatay ama ku bara-kacdayna ay ciiddaa ka badan tahay, ilaa iminkana eeladaasi ay taagan tahay oo aan maaro loo hayn, Soomaliland oo aad mooddo inay sidii wanla-weynta ay u qayb-qaybsamayso duweylaat yar-yar, sida Awdal State, Khaatumo State, Saaxil State iyo kuwo kale oo badan oo soo socda
sababtoo ah wixii la wada lahaa ayaa meesha ka baxay, dawladdii aan wada dhisannayna waxay noqotay AWR DHINAC KA RARAN. waan aragnay in saxaafaddii iyo xurriyatul-qowlkiiba afka laga xidhay, taasoo culays weyn ku keentay siyaasaddeennii arrimaha dibadda, waddammo badan oo aan xidhiidh dhaw la-lahaynna ay maanta dhabarka innoo jeediyeen. Xukuummadda oo iibsatay labadii gole ee shacabka u adeegaayey waa Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamaanka e, iyadoo aan ognahay inay u nacam-leeyaan Xukuumadda kulmiye gar iyo gardarraba.
Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo gunaanadayaa, Ina biixow cidna ha eersan ee adigu is-eerso, sababtoo ah miisaanka isma aanad saarin markaad siyaasaddan goola-goollayaasha soo galaysay, siyaaasaddana waxaa ka bixi kara uun ardeydii macallinkii weynaa ee ina barre AUN.
 Qureesh Guuleed (Sheekh Ismaaciil).

Sagaal Arrin Oo Golaha Wasiirada Cusubi Kaga Duwanyihiin Kuwii Ka Horeeyay

$
0
0

Aroortii Jimcihii, goor dadku hurdo sanqartuna tahay mid yar ayaa Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah, qaar kamid ah Wasiirada oo aan xalay seexan, Saxaafadda u soo bandhigey Golihiisa wasiirada ee la shaqeyn doono tan iyo sanadka 2016, haddiiba aan shaqada laga cayrin.

Haddaba xukumaddan ayaa la dhihi karaa arrimo badan oo ayaa laga tilmaami karaa waxaana ka mid ah:

1. Golaha Wasiirada ee uu soo dhisey Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa la dhihi karaa waxay ahaayeen miro Garas, wa lala soo daahey, waqtigii dastuurku siinaayey ayaa la dhaafey, waqti dheraad ahna waa loogu daray, sababtu maxay ahayd?, Dastuurka loo dhaartey oo aan la fulin, shaqo nin lee yahay oo nin kale ka arriminaayo iyo arrimo kale.

2. Waa Wasiiradii u horeyeeyey ee habeenbarkii salaadda subax ka hor lagu dhawaaqo Dowlad Soomaaliyeed, lama yaqaano sababta ay waaberka u sugi waayeen.

3. Wasiirada cusub ayaa sicir barar xoog leh ku dhacay, tiradooduna si xad dhaaf ah ayey kor ugu boodey, waa golihii Wasiirada ee ugu badnaa tan iyo Xukuumaddii Cumar Cabdirashii Cali Sharmarke.

4. Xukumaddii ka horeysey haweenku waxay ku lahayeen 2 wasiir haddii boqoley loo qaybiyana waxay ahaayeen 20%, marka la eego tiro yaraanta Wasaaradaha, Tirada guud ee Wasiiradan waxay kor u kacdey 75%, haweenka waxaa ku dhacay hoos u dhac waana wax ka yar hadda 10%, halkoodi ayey tagan yihiin.

5. Waa Golihii wasiirada ee ugu badnaa ee ka yimaada Baarlamaanka tan iyo Xukumaddii Cali Maxamed Geedi.

6. Inkasta oo ay weji cusub ku jiraan haddana waxaa aad ugu badan magacyadii dadka Soomaaliyeed maqlayeen tan iyo xukuumaddi Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo lagu bartey in aysan waxba dalka ku soo kordhin.

7. Waa markii u horeysey ee Wasiirka Arrimaha Dibadda la siiyo Aqoonyahan ka soo jeeda Beesha Gadabuursi  halka ay markii hore u xirneyd Beesha Isaaq ee Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somalailand, kuwaas oo sheeganaya in ay yihiin dowlad ka madaxbanaan kuwa wasiirada u magacaabaya.

8. Golaha Wasiirada ee cusub ayaa la dhihi karaa waxaa ku badan Xubnaha, taageerayaasha, ka agdhawayaasha Damuljadiid ee majaraha dalka haya.

9. Labadii wasiir ee madaxweynaha u ahaa daacadda dib ayey u soo laabteen.

Ugu danbeyntii Golahan Wasiirada iyo barnaamijka Dr.Cabdiweli Shiikh Baarlamaanka ma dhaafi doonaan, jawaabtu waxaan filyaa HAA golaha Xukuumada 70% waa Xildhibaano.

 

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal; Qormaddii 7aad. By; Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0

Shirweynihii labbaad ee ururka SDA oo qabsoomey muddo saddex bilood kadib kuna beegan dabayaaqadda sannadkii 1989-kii oo lagu qabtey isla magaalada London waxa ay aqoonyanadda reer Awdal ka wadda hadleen doorashada guddoomiyaha rasmiga ah ee ururku yeellanayo. Inkasta oo shirka ay qaadaceen xubno muhiim ahaa oo ku jirey golaha dhexe ee ururka SDA haddana fallanqeyn dheer iyo dood hufan oo aad u adag kadib waxa qalinka lagu duugey in hoggaamiyaha rasmiga ah ee ururka SDA yeellanaya uu noqdo Jaamac Rabiile Good oo dowladii Soomaaliya mar noqdey Wasiirka Dalxiiska ee Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre. Doorashada hoggaamineed ee Jaamac Rabiile Good waxa ay ahayd mid ku timmid fekrad xeel dheer oo ku dhisan in uu ahaa shakhsiga ugu da’da weyn aqoonyahannada ku bahoobay ururka SDA isla markaana ugu caansan dhinaca magaca maadaama uu ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo dal iyo dibadba wakhtigaas laga yaqaanney. Xubnihii kale ee ka tirsanaa golaha dhexe ee SDA isla markaana kalfadhiga labbaad ee ururku yeeshay aan ka soo daahirin waxa ay gudaha magaalada London isugu yimmaadeen kulan deg deg ah waxaana ay hoggaamiye u doorteen Maxamed Faarax Cabdillaahi Xansharo. Sida muuqata waxa ay SDA oo aan wali raad qaadin u kala jabtey labbo garab oo mid walbe dhankiisa ku adkeysannayo in uu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee ururka himiladiisa ka midho dhalin kara sidaas darteed waxa aan si hufan isku dul taagi doonnaa koox kaste halka ay la beegsatey himiladii magaca ururka SDA iyo martabada ay ka gaadheen guushii ay baadi goobkeeda ku jireen. Balse inta aan faaqidaada iyo faalladda labbada garab ee SDA u kala jabtey gudo gelin haan labeenta qoraalka ka hirqano qeyb ka mid ah taariikhda Marxuum Jaamac Rabiile Good? Jaamac Rabiile Good AUN waxa uu sannadkii 1940-kii ku dhashey degmada Borama ee gobolka Awdal, dugsigii Camuud ayuu 1955-kii ka baxey kadib sannadkii 1960-kii ayuu waxbarasho sare u tagey dalka Maraykanka wuxuu soo noqdey 1968-kii sannad kadib waxaa wadanka Soomaaliya ka dhacey Inqilaab Milateri. Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa hormuudka Saraakiishii Kacaanka Soomaaliya ee hoggaaminayey Inqilaabka ayaa sannadkaas 1969-kii u baaqey dhammaan mutacaliintii Soomaaliyeed ee heerka aqoontoodu sareysay oo dhan sababo la xidhiidha dardar gelinta iyo horumarinta shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha dalka, nasiib wannaag Jaamac Rabiile Good dadkaas la qaatey ayuu ka mid noqdey waxaana laga dhigey Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka. Sannadkii 1972-kii waxa loo wareejiyey Agaasimaha guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha oo berigaas uu Wasiir ka ahaa Jeelle halka sannadkii 1975-kiina laga dhigey Wasiirka Dalxiiska Soomaaliya, nasiib xumo waxa xilkii Wasaaradaas Dalxiiska uu Jaamac Rabiile Good iska casiley sannadkii 1978-kii. Billowga sannadkan aan ku jirno ee 2014 waxa aan booqdey guriga uu ka baxey Jaamac Rabiile Good AUN oo ku yaalla magaalada London, waxa aan kula kulmey Ooridii ka hadhey marxuumka Maamo Sahra Cismaan Suldaan, soo dhaweyn diiran kadib waxaan si wadda jir ah u faqnay ubucda waayihii nololeed ee uu soo marey marxuum Jaamac Rabiile Good sababta oo ah su’aasha I dhaqaajisey ee aan xiisaha gaara u qabey isla markaana aan ugu tagey Maamo Sahra Cismaan waxa ay ahayd in aan ogaado duruufta kaliftey amma ka dambeysay iscasilaadii wasiirnimo ee Jaamac Rabiile Good oo markaas hiigsatey in uu ka ruqsaysto madaxtinimada Wasaaradii Dalxiiska Soomaaliya waxaana Maamo Sahra si kalsooni ku jirto ay iigu jawaabtey. “Hooyo Jaamac Rabiile Good AUN waxa uu ahaa wadani dhaqan wannaagsan leh oo ku sifoobay daacadnimo iyo hawl kar, wuxuu ahaa shakhsi wasaarad kaste oo uu joogo si fiican u illaaliyo hantida ummadda Soomaaliyeed, Wasaarada Dalxiiska markii uu joogey waxa Agaasime guud ka ahaa nin Mareexaana oo Maxamed Siyaad Barre ay Ooriyo walaal ahaayeen, Xisaabiyena waxaa ka ahaa nin Isaaq ah iyo nin kale oo Ogaadeen ah oo shaqaalaha Wasaarada ka mid ahaa ayaa lacag fara badan cuney oo musuq maasuqey, markii uu Jaamac Rabiile arrintaas ogaadey wuxuu ka badheedhay in uu wax ka qabto, ninkii Isaaq ee Xisaabiyaha ahaa waxa uu markiiba u baxsadey dalka Sucuudiga, ninkii Ogaadeena lama xidhin ee waxa laga eryay shaqadii ninkii Mareexaan Maxamed Siyaad Barre ayaa hor joogsadey in Jaamac Rabiile tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado. Taas baa sabab u noqotey in Jaamac Rabiile iska casilo xilkii Wasiirka Dalxiiska Soomaaliya”. Jaamac Rabiile Good AUN waxa markiiba uu u dhoofey dalka Ingiriiska waxaanu bilaabey in uu qoro buug uu ku faah faahinayo sida ay u shaqeyso Xukuumadda Maxamed Siyaad Barre iyo waliba sida indho la’aanta ah ee loo cuno amma halafsado hantida ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Siyaad Barre arrintaas ayuu ka war helay dabadeed wuxuu Jaamac Rabiile u direy walaalkii Muuse Rabiile Good oo markaas ka mid ahaa golaha sare ee Kacaanka Soomaaliyeed. Gaashaanle sare Muuse Rabiile Good oo xubin buuxda ka ahaa shan iyo labaatankii Sarkaal ee sammeeyay Inqilaabkii Soomaaliya waxa uu walaalkii kula kulmey magaalada London waxaana uu ku yidhi “Maxamed Siyaad Barre wuu cabannayaa, cabsida ku jirtaana waa buuga aad qoreyso iyo dunidda deeq bixiyayaasha ah ee aad u bandhigeyso sidaas darteed maadaama aan ahay walaal dhinaca da’da kaa weyn waxaan kaa codsanayaa in aad joojiso qoraalka buugaas lagu sheegay in aad ku dhaliileyso Kacaanka dalka Soomaaliya”. Jaamac Rabiile Good oo ahaa nin karmeed lagu yaqaaney hal adayg iyo qof cidna uga habran qabashada amma fulinta waxa ay laabtiisu tamanido iyo hadafka ay niyadiisu damacdo haddana waxa uu walaalkii ugu jawaab celiyey odhaah aan isleeyahay waa mid la misaal joogta murtidii Sayid Maxamed Cabdile Xasan kadib markii nin Sodog u ahaa ka qabsadey Faraskii Sayidka oo la odhan jirey Xiin Finiin “Xadhigiisa qabbo aadmi kale kuma xurmeeyeen”. Jaamac Rabiile Good aad buu u ixtiraami jirey walaalkii sidaas darteed buu uga ogolaadey codsigii uu u soo bandhigey isla markaana u joojiyey qoraalka buugaas uu ku soo bandhigayey sida shaqaalaha Xukuumadda Siyaad Barre u boobaan hantida ummadda Soomaaliyeed. Markii se Muuse Rabiile Good dib ugu noqdey magaalada Muqdisho waxa uu Siyaad Barre ku yidhi “Waar Muusow maxaad uga timmid Jaamac? waa in aad soo kaxeyso waayo nin aan ka maarmi karno maaha waa nin dadka iyo dalkuba u baahan yihiin”. Sidaas darteed ayuu Muuse Rabiile dib ugu laabtey magaalada London, kulankoodii labbaad ee ay wadda yeeshaana waxa uu Jaamac ka codsadey in uu raaco si loo dhameeyo xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhexeeya isaga iyo Maxamed Siyaad Barre. Jaamac Rabiile waxa uu walaalkii ku yidhi “Walaal Siyaad Barre waad taqaan maaha nin la aamini karo amma amaantiisa la isku haleyn karo balse wax kaste ha dhacaane diyaar baan u ahayn in aan wadda socdaalno oo aan galo gudaha dalka Soomaaliya”. Labbadii walaalaha ahaa oo wadda socda markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho maxaa dhacey?.


 


  • La soco qeybaha kale……….

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com



                       

Inta Maqaamkii Sh.Samaroon Ee Boorama Dunsanyahay Gadabuursi Guuli Ka Dheer.

$
0
0

Boorama (Harowo)–  Maqaamyadu waxay astaan u yihiin xusuusta waalidiinta laga tafiirmay ,mar kasta oo la xusana waa loo duceeyaa ,masaakiinta ayaana sadaqadda la siiyaa si ay iyaguna ugu duceeyaan waalidiintii ay ka tafiirmeen .

Soomaalidu dhaqanbay lahayd ,weligeedna muslinnimada way ku adkayd ,waxayna soomaalidu sideedaba  qurxisaa astaamaha waalidiintii ay kasoao tafiirmeen u yaalla .Koonfur haddaad tegto waxad arkaysaa qabuurihii sheekh Aweys al qaadiri oo ku yaal gbobolka Bakool .

Waxad arkaysaa qabuurihii sheekh Nuur Xuseen oo ku yaallay Jubbada dhexe  ee soomaaliya ,waxad arkaysaa qabuurihii sheekh Biyamaalow oo yaal Baraawe ,intii ay shabaabku ka baabiiyeen mooyee intii kale koonfur  waa sidoodii,waxana sannad kasta tega kumanyaal qof  si ay ugusoo duceeyaan waalidiintii ay ka tafiirmeen,inta gaadhi weydana waxa loo dhisay meelo ay ku xusaan.

Waxa kale oo ad arkaysaa qabuurihii sheekh Isaxaaq oo ku yaal Sanaag ,iyadoo meelahaasoo dhan ay ka dhisan yihiin dhismayaal loogu duceeyo culimadaasi iyo aabayaasha  dadka dhulkaa ku nooli kasoo tafiirmeen.

Markaad eegto Sheekh Samaroon  qabuurihiisa ku yaalla gobolka Sanaag ,meesha la yidhaa Dirgax iyo markaad eegto Maqaam ciddii dirgax tegi kari weydaa ugu ducayn jirtay sheekh Samarroon  oo Boorama ku yaalla .waxad ka shakiyeysaa in dadka Gedebuursigu meel ka wada yimaaddeen.

Berigii dhaweyd ee la xusayey  dhalashada nebigeenna NNK,  laguna qaban jiray maqaam taariikh ahaan lagu xusi jiray maalintan oo kale ayaa la waayey meel la hadhsado iyo meel  sadaqadda lagu siiyto masaakiintii ku soo ururtay.

Maqaamkan ayaa la dumiyey markii ay culimada  Boorama isku qabatay fasiraadda diinteennu ka bixisay maqaamyada ,siyaarooyinka iyo xusaska nebigeenna ,waxayna aakhirataan kii keentay in duullaan lagusoo qaado maqaamkaasi shan sano ka hor ,dhulkana la dhigo dhismhii lagu xusi jiray Nebigeenna, sheekh samaroonna loogu ducayn jiray. Dadbaa lagu dhaawacay oo dhakhtarada la geeyey ,dad kalena way ka dareereen  xeradii  dhismaha laga baabiiyey.

Murankani wuxu keenay inay cidina ku guuleysan weydo inay dhisto maqaamkaasi oo ad moodayso inay laba ciidan  oo jihaad kala duwan ku kala jira ,waxana la waayey dawlad kala saarta iyo culimo runta u kala  sheegta .Waxay doonaan hakala aaminsanaadaane waxay ahayd in sheekh Samaroon hadii dadkani yihiin kuwii kasoao tafiirmay la qurxiyo qabrigiisa iyo meelaha lagu xuso  sida soomaalida kaleba u qiimayso gaal iyo islaanba awoowayaashii ay kasoo tafiirmeen boqolaal sanadood ka hor .

Waxa lala yaabayaa marka laleeyahaya Samaroon ha midoobo oo wax ha wada qabsado ,maxay midoobayaan  tafiirtoodiibay ku mormayaane ,oo sheekhii  cid kastaaba u ducayn jirtay labaatan sanadood ka hor ayaa maanta la leeyahay hasoo hadalqaadina ,markaa Samaroon marnaba guul gaadhi maayo inta ay dafirayaan xaqa waalidiintoodii iyo tafiirtoodiiba ku leedahay inay ciseeyaan , jago lagu mormayana  ay ka dhigayaan maqaamkii lagu xusayey sheekh Samaroon oo maanta ciddii garab maraysaaba ka naxayso  muuqaalka goobtaasi iyo waxay ahaan jirtay.

GARSOORE IIMAAN LAAWE AH

$
0
0

GARSOORE IIMAAN LAAWE AH

Maxkamadaha & Garsoorka Dalka waa u muhiim amniga iyo Horumarka dalka guud agaantiisa,haddaanu Caddaala jirin Amni ma imaan karo waayo zamankan aakhiru zamaanka ah waxay dadka badankooda ka baqayaan Ciqaabta wax alla ka baqaayo waa yaraadeen.

Garsoorka dalkeenna maantana far baa ku taagan…far keliya ma ahee gacmo iyo hadalo fara badanaa ku taagan,dab la’anna uun(qaac) ma baxo.

Horta ma isku raacsanahay? Garsoore waxaa ku haboon inuu noqdo qof Illaah ka baqaayo, Aqoon u lah waxa uu ka garsoorayo,Balwad laheyn,Bulshadana ku kalsoon tahay, Jeebka dadkana ka kaaftoon.) ka dib,

Waxaa la rabaa Maxkamad dadka ay ku kalsoon yihiin og yihiinna iney gartooda u dhicineyso.

Mala rabo in iney dhacdo dad la og yahay iney garta leeyihiin in Maxkamadda u dacwoodideeda ay uga haraan iyago is leh : Laaluushaa koleyba lagu weydinaayee see yeeleey ! Ama Ninka aad dacweyneysid  ina Adeerkiisaa Maxkamadda  u jooga maxaan la iiga qaadaa? ! iwm.

Sidoo kale mala rabo in dad lagu dulmey Maxkamadaha hoose, haddeey madaxdaMaxkamadda sare u aadaan in la dhaho awalba inta inaa ka dhacdidaa lagaa rabey ,maxaad u maleyneysey markaad lacagta siineysey kan aniga iga hooseeyo ee hadda ka xaaxaabi ama soo tuuro lacag cusub iwm.

Sidoo kale yey dhicin nin hal dooro xadey oo 10 sanno la xiro,ninna mallaayiin Lacag ah xadey oo xataa lala hadleyn isagoo la og yahay meeshana hor marmaraayo.    ( Wax la mid ahaa jira ilaa hadda….).

Sidaasoo dhan waxay ka suura gashaa Garsoore aan iimaan leheyn.

Umulisadii   ilmaha  ciijisay  ha  noqonina Garsoorey.

Dhinaca kale,Dadwynaha qaarkoodana waxaa jira dad ka dhex dalaala Garsoorayaasha Maxkamadaha  & Dadweynaha Dacwoonaya oo labada dhinac midna ka dhaadhciya inuu Laaluush bixiyo si uu wax u helo (Sax ama Qaladba ha ahaadee) iyo dhinaca kalena ka dhaadhiciyo inuu Laaluush qaato si uu ugu hiiliyo Laaluush bixiyaha ( Sax ama Qaladba ha ahaadee).

Haddaba si ay Caddaaladda u hagaagto waa in tallaabo sharciyeed laga qaadaa, Dadka Laaluushka bixiya ,Garsoorayaasha Laaluushka qaata iyo dadka ka dhex dallaala intaba.Arintanna Diinteena Islamka aad bey uga digtey aawi hee Iimaankaa illaahey ka qaadeyee dadka qaarkood.

Horta kaali ma jirtaa hadalka dhahaayo dadka Maalka ama Macaga leh sharciga ma qabanaayo…hadduu jirana why ?

Jawaabtaasi iyo arimahii hore aan maqaalkan uga soo xusney Dowladda Federaalka Soomaaliyeed guud ahaan iyo Xukuumadeeda ayaa looga fadhiyaa wax ka qabashadeeda,Barnaamijkeeda Dowladana waaba ku jiraa, allah u fududeeyo, waxaan ku tallinayaa isbedel weyn in lagu sameeyo Maxkamadaha iyo Garsoorka Dalka guud ahaantiisa.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Qore: Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

 

Dar allee shan midablow, ninka duubka kaalulay, derojooyin kugu taxay, kaa dhigay ragdoorkii, dabin looma qoolee, ha deg degine caga dhigo!

$
0
0

Dar allee shan midablow, ninka duubka kaalulay, derojooyin kugu taxay, kaa dhigay ragdoorkii, dabin looma qoolee, ha deg degine caga dhigo!

 

hadaynu soo qaadano tudco kamida maasadan uu curiyay abwaan axmed aw geedi ee garbo-diir oo la odhan karo waa maanso aad iyo aad u baaxad weyn oo xitaa kamiisaan culus deelaydii hore inoo soo martay markaad eegto murtida, midhaha, maah maahda ku jirta iyo inta ay baaxad le-eg tahay maansadu waxay ka turjumaysaa waaqica siyaasadeed ee Somaliland kajira waqtigan aynu joogno iyo heerka hogaamineed iyo ka siyaasadeed ee madaxweyne siilanyo dalka iyo dadka ku dhaqaayo cadaaladiisa eexdiisa nin jecleysiga xadhkaha goostay! abwaanku maansadiisa cidna kumuu magacaabin laakiin dhaqanka suugaanta ayay kamid tahay in si guud looga turjumo hadba waxa ay dareemayaan bulshada ay ku dhex noolyihiin,

 

dar allee shan midablow rag sidaada deli dhacay

dibso lagala ayn go-ay daruur mooday dhalanteed

haab haabtay dunidaba degta inay ku qaataan

kibirkiyo durduradii muxuu daansho daanshuhu

dayn iyo jardheer iyo daadeys ka raariday!

 

waxa uu abwaanku tuducdan aynu kor ku xusnay kumuujiyay dardaaran aad iyo aad u balaadhan oo uu uga digaayo duqa inuu wax ku qaato kuwii ka horeeyey ee dunidan soo maray ee xukaamta ahaa ee weliba ku kibray iyo waxa ay aakhirkii ku danbeeyeen tusaale ahaan sida sadaam xuseen oo la ogaa awooda uu ciraaq ku lahaa iyo aakhirkii halkuu ku danbeeyay oo ay weliba ay sugayso xisaabtii allah , qadaafi oo isna aynu la wada socono inuu 40 sano in kabadan libiya xukumaayay aakhirkiina shicibkii uu ku dulsocon jiray ay gacantooda ku dileen! hadii ragaas la tiriyo wax lasoo koobi karo maleha marka laga soo bilaabo waqtigii nabi nuux CSW qofkii caqli leh ee ilaahay SWT uu cidhib fiican u reebayo ayuun baa wax ku qaata,

 

dar allee shan midablow ninka duubka kaalulay

dero jooyin kugu taxay kaadhigay ragdoorkii

dabin looma qoolee ha degdegine cagadhigo

nabsi haw fariin diran haw yeedhan daay-iro

dibna hasu qolof ridin!

 

tuduc dani waxay sigaara farta ugu fiiqaysaa sida uu uga abaal ka dhacay madaxweyne siilanyo shacabkii codkooda siiyay ee 100% 54 kudoortay oo uu markuu kursigii fuulay tacabkoodii kadhigay hal bacaad lagu lisay! sidoo kale siyaasiyiintii habeen iyo maalin u ordaayay inuu maruun madaxweyne siilanyo xukunka qabto ee ku soo tabcay ee kulmiye ahaa oo iyana markuu awrkiisii ku kacsaday uu cidla kaga dhaqaaqay kuwaas oo aanu nin kaga soo darin xukuumadiisii ugu horaysay waxa ragaas kaga sii hadhay gudoomiye muuse biixi iyo maxamed kaahin oo iyana dalow kasii laalaada! waxay tuducdu tilmaan u tahay abaal la-aanta lagu sheeyo madaxweyne siilanyo!

 

dar all shan midablow dulmi haw qareen noqon

xaqna haw dardaar werin ha galaafan ducafada

haku digan agoomaha ha durqiyin masaakiin

kadibarayna booliga deeq hawgu sii ladhin!

 

tuducdan kale waxay dar daaran u tahay duqa oo ay u sheegayso in dulmigu aanu ka raagin meesha lagu galo waqti kastaba hanoqotee  xaqdaro kasta oo lagu socdo uu aakhirka xaqu yimaad  waxa uu nabigu yidhi SCW iska ilaaliya dacweda madluunka! mushtamacan uu masuulka ka yahayna waxaabay u badan yihiin dad ducafo ah oo aan xitaa nolol maalmeedka helin iyo agoomo sugaayay maalinta uu siilanyo xilka qabto oo is lahaa malaha isaga ayuun baa garan kara xuquudaad dalka ku leedihiin oo iyana ku hungoobay! waxay kale oo tuducdu tilmaan u tahay sida eexda iyo qaraabo kiilka ah ee madaxweyne siilanyo wixii umada ka dhexeeyay uu cid gaara ugu xidhay weliba intii wax haysatay ee qoyskiisa kazoo jeeday!waatii deelaydii ay ku jirtay ninka diba qalay ee kadibiray casuumay ee dibjirkii ka qadiyay duco kuuma soo hoyan!,

 

dar allee shan midablow diintana ha caasiyin

ha dafirin illaahbaa dulbadni iyo naxariis galadiisa daadka ah

kugu daajinaayee dhinacaaga dogob iyo dumayo iyo naar

dunqulaadna haw hurin naftana meel u daran iyo haw deeyrin guri baas!

 

tuduc dani waa dar daaran alleh ka cabsiya oo uu abwaanku uga digayo adayga aakhiro cimriga jooga inuu aakhiradiisa ilaashado oo xisaabtii ilaahay ay sugayso SWT qof iimaan leh oo naxariisi ku jirto ayaa ilaahay SWT iyo aakhiro ku xasuusiya laakiin ka munaafaqa ah weligii run kuu sheegi maayo xitaa markaas waxa xukun kaaga ka khaldan ku odhan maayo halkaasaad ka liidataa ee iska hagaaji iyo waxaasaa kaa khaldan inta uu ku kool kooliyo ayuu maalinta uu arko inaad sii liicayso waxa uu ku odhanayaa bal dayaay waakaas wadaadkii sii dabayshadaye! sidii shaydaankii bani aadamka ku kufriyi jiray marka uu duufsado ee ay jahanama salkeeda ku qabsadaan ee ay yidhaah daan adiga ayaa naduufsaday oo cadaabka noogu wacan waaka leh aniga haycanaanina ee idinku is canaanta ilaahay na waa idiinyeedhay oo waad diideen ana waan idiin yeedhay oo waad I ajiibteen!

 

dar allee shan midablow nabad iyo degenidaa

lagu kala danbeeyaad adiguba ku darartee

bal u fiirso dacalada docahaaga qaar eeg

dugayeeyda dhiilada sida loogu dabar go-ay

diris aad ka baratide!

 

tuduc dani waxay tilmaan u tahay sida dalkii somaliya la odhan jiray ee Somaliland deriska la ah uu 23 sano u degi la yahay ee laysugu qalanayo ee aanu weli dhadhaweyn Somalilandna intaas nabad iyo harumar ku naaloonaysay aanay tahay wax ilaahay loogu xamdiyo alxamdu lilaahi waana mid wax ku qaadasho mudan waxaanay ku timid ileen sigaara ilaahay SWT uma nebcee waxa maasha yaal xaqdaro biirtay oo kii xooga badnaa kii diciifka ah uu dulmaayo iyo cadaaladii oo meesha ka baxaday xaqii oo laga tegay markaas abwaanku waxa uu leeyahay wax ku qaado deriskaaga adiga oo meeldheer ba aadin! waxa hore loo yidhi qofka fiican waaka wax ku qaata dhibaatada walaalkiis soogaadhay!

 

 

dar allee shan midablow ninka dhagax dixeed iyo dun dumooyin

la hadlaa dux ka gaadhi maayee salax erey madeeqee doocaagu ba-anaa

bal maruun digiigaxo hala guu duceeyee!,

 

hadaynu ku soo xidhno tuducdan waxay tilmaan u tahay  dhegihii ilaahay waaniyo ayaa waansan ( wa taciyihaa udunun waaciyan) qof meel baas looga yeedhayaa wax ma maqlo oo hadalka kiisa fiican ma qaato waa kii abwaankii weynaa ee tima cade lahaa dadkaan lahadlayo ayaan lahayn dux iyo iimaane waxaad moodaa inuu abwaanku quus ka joogo in duqa laga helo in uu maruun cadaalada dib ugu soo noqdo oo wixii uu hore u khalday dib u saxo

in qof caqli lihi wax ku qaato abwaanku waa sheegay ee ilaahay ha garansiiyo ayaynu leenahay.

 

aadan axmed nuur

 

Warlords Who Campaign For Presidency Rather Being Arrested in Hague

$
0
0

Warlords who campaign for Presidency 

aleel

Since the devastative and volcanic civil wars erupted in Somalia, the dark-age is reborn in 1977, were rivers of youths’ blood spilled, massacres occurred in many cities, the civilisation of Somala is doomed and yet people are still asking themselves the cause and the casualties.

But one thing is certain, that several individuals got highly ambitious, mixed up capitalism and communism ideology as they followed wrong routes and used wrong tools or methods such as bribery, trait, killing, spread of rumours, tribal propaganda, assassinations, destruction of social cohesion, and manipulation of youths. 

 

Until the situation worsened and everyone fled to the neighbouring countries, some immigrated to far east and far west of the world and the country is being broken down into many states, tribes as hatred being spread within the Somala. ‘Thanks to the New Somali Social Medias, such as Universal, HCTV, Somali Chanel, etcetera, who made easy to answer some of the miserable and mysterious questions.’

 

But one question still remained unanswered, why? Why? Why? This question could not be answered, until the remained warlords being held accountable or responsible to the bloodshed, killings, cold-blood murderers, as they only can dig the graves full of secrets, without these interrogations then the pain of Somala will not ease and the souls of innocence victims will not rest nor purified and until those who are claiming up for being heroes being proven guilty , traitors and murderers and yet can’t face the truth while continuing  hiding behind the curtains or false flags, while all Somala people are calling help and crying for unity.

 

Based on the facts and evidences gathered, then AwDAL State of Somalia in cooperation with the other Somali States, together we condemn the acts of evil committed by the Dictatorship regime in Somalia, the same and much more worse we together condemn the SNM, USC, SSDF, SDA warlords, because they worsened the situation, while calling themselves saviours, as they created new era called the loss civilisation “ an era from military regime to militia states” and the existence of Somala is already at the edge of being a history.

 

 

Puntland and South Central Somalia  accepted the challenges, eradicated the leaders of SSDF and USC while some held themselves accountable of the damages, as they fled from the country forever, some being killed and some shot themselves and died with honour. But most shockingly and most surprisingly SNM and few SDA leaders still call themselves leaders and campaigning for presidency, while rejecting the truth of the bloodsheds in Burco, BerBera, Hargiasa, Borama, Dilla, Lasanod, Cerigabo and yet walking freely at home and in the western metropolitan cities.

 

But the victims of these militias, will not rest and request justice from the international community. Soon these criminal cases, massacres, genocide, murders will be raised to the international criminal court The Hague and yet justice will be served as usual and these troubled souls will rest in peace.

 

In conclusion, Somali States support and call for a collective debates, dialogues and  communiques between all the Somali States based on land and ethics without the representatives of the militias SNM, SDA, SSDF, USC leaders, and debates only led by the Somali Federal Government, his excellency Hassan Shekh Mohmoud and The Prime Minister His Honour Abdi Weli Sheikh, who will be accountable to the transparency and to the general development of each state and these dialogues will be backed up by the United Nations with respect to the credentials of the Somali Government and the credentials of each Somali state ‘’starting with the credentials of AwDAL State of Somalia and Ending with the credentials of Jubba State of Somalia’’ i.e. all stats credentials to be submitted to the Somali Federal Government witnessing by the international community.

 

Abdi Rahman Hamud Alleel

BSc, BSc, Eng, MSc, PGCE, LLB

 

Friday, 24th  January 2014.


Muxuu Salka Ku Hayaa Heshiiska Turkiga ee SNM/Somaliland Iyo USC/Culusow ?

$
0
0

Waxaa shir lagu magacaabay heshiisiin somalia iyo somaliland u ku dhexmaray dalka turki wakiilo ka kala socdey ururadii somalia dumiyey ee snm iyo usc. Wafdiyada Shirkaasi waxay ka kala yimaadeen magaalooyinka Xamar iyo Hargeysa waxaana kala hoggaaminayey cabdikarin Xusein guuled oo ka soo jeeda beesha hogaamiyihii USC mohamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa ururadiisa dhallinyarada iyo mohamed mohamed Biixi yonis oo horay u sargaal sare ahaa afrikan development bank kana mid ahaa xubnahii ugu firfircoon ee maal galin jirey xurur beeleedka Snm haddana ah wasiirka arrimaha ee isla dowlad beeleedka S.N.M.

Waxa ugu muhimsan ee ay wada gaareen Labada wafdi urureed ee u kala huwaday magacyada jamhuuriyadda federaalka somaliyeed iyo magaca beelaha somaliyeed ee dega gobollada waqooyi waa cambaarayn xukunkii hore (kacaanka) ee ay dalka ka burburiyeen. Waxaan u malaynayaa in ayna qof somali ah shaki ka gali karin sida ay arrintaa ugu oomanaayeen labada wafdi waayo waxay meesha uga bidhaantay fursad ay uga bixiyaan dambiyadii ay ururadoodu galeen. Waxaa shirka turkigu siiyey labadaba fursad qaali ah oo isku day dambi iska-mayr. Waxaa turkiya la isku tusay fursad laga la iska rogo dunuubtii la galay ee qaran dumin: tacliintii asaasiga ahayd ee somalia tuulo walba gaartay, jaamacado laga aflaxay, caafimaadkii baahay, baahsanaanti shaqo, nabadgalyadii iyo is-dhex socodkii dadka, diyaaradihii aduunka dadku ugu kala gooshayey iyo sumcadii qaranimo. Waxaa kulanka usc –Snm ka midaysnaa raadinta helitaanka meel loo been saariyo dhacaya,dilka, kufsiga umulaha, bad-ku- shubidda dhallinyaradii dalka, kala jarka iyo kala qoqobidda ummadda iyo dhacan uga qaadida dalka soo gelinta nooc kasta ee cadaw yahay.

 

Xukunkii militarigu caruurta somaliyeed wuxuu u hayey daryeel, dugsiyo bilash iyo nabad galyo umulaha, ugubka iyo inta u dhaxaysa ee la kufsanayo eedaankoodana ma dugsan jirin. Kuwii intaa oo arrimood iyo boqolaal silic oo ka sii xun baday somali yaa maanta inta qamiisyo dowlonimo- ku- sheeg gashaday doonaya in ay been taarikh uga dhigaan somali. xukunkii kacaanku (militarigu)wuxuu sii arkayey kana dagaallamay hadaanta jabhado beeleedyadu ku sii wadaan somali oo ah midda maanta ay ku sugantahay. Burbur, kala qoqob iyo kala jarjar dal, beelo beela gumaysta, didin iyo mustaqbal la’aan dhallinyaradii dalka, malyan barki xeryo qaxooti ku basay, laba malyan oo qaxooti ku ah dalal qoosaskii ku burburend hallaankiina ku dufoobey, caruurtii ku luntay, dad qalatada Al-shabaab ee baqtiisay ummadda oo idil, dalkii oo dhan ka noqday qashinqub dhanna shisheeye xaalufiyey. Waa kuwaa miraha somaliyi ka dhaxashay jabhado beeleedka wakiillada USC-SNM ee turkiya tegay ay rabaan in ay dib u aslaan oo qurxiyaan. Marka an si kale xagga nuxurka u eegno ujeedooyinka snm iyo usc midina ma doonayn xukun beddel iyo wax wanaajin.

Turki

Macne badan samayn maayo ku soo koobka waxii dhacay ka hadalka iyo dul yuurursiga samaaynta dagaalka oo kaliyhi in kasto ay xanuun badan sababeen oo cidina inkireen., waxaa macne samaynaya ujeedada cidda dagaalka curisay iyo ujeedooyinka ay kala xambaarsana dowladdii iyo jabhadii diriray.Jabhadihii dagaalka ku soo qaaday dowladda midina waxay doonaysey dal kala go’in (sida ay durbadiiba ku dhaqaaqday)midina gacan sarrayn beeleed. Waxaa qofka kasta oo garasho wax uun uga dambeeyaan u ogyahay in ayna horay u jirin, jiri doonin dowlad tiri ama dhihi doonta jabhad yaa kala dhantaal dal u soo guntatey ee waan u banaynayaa oo sacabada yaan ka laabanayaa si kasta oo jabhadaasi gabbaad uga dhigato shacbi an waxba galabsan. Dowlad xilkeeda kowaad waa ilalinta midnimada ummadda iyo dhammaystirnaanta dalka.

 

Tusaale waxaa maantadatan ah waxa aduunka ka dhacaya meel kasta. SNM ayada weerar ku soo qaaday magaalooyinkii shacbiga rayadka ahna gabaad ka dhigatay. Suurtogal ma aha in gar ama gardarronimo ahaantii dagaalkii waqooyi(sababti) meesha laga saaro oo laga hadlo kaliya samayntiisii(consequencies) oo la qabyaaliyeed yey. Waxaa shirkii turkiya ka soo baxaysa in ay meelmartay ajendadii SNM oo gabbaad looga dhigay doonitaan wax walba u siideyn wakillada SNM si midnimo- soo-celin loo helo. Runtu waxay tahay heshiiskani wuxuu wadadii kala go’a ee ay ku joogtay ugu sii xaaray SNM wuxuuna kala geeyey intii midnimada u guntanayd. Waxaa soo baxay in ugu yaraan dowladda qaarkeed wali riman yahay caqli beeleedkii USC oo usan walwal ka qabin rabitaanka iyo dareenka shacbiga oo idil.

 

Si kasta oo ay xubnihii Usc –snm ee koofiyooyinka fsg iyo somaliland watey ay ugu tartamayeen cambaraynta xukunkii somaliya ee burburay, haddana wakiilka Snm meeshaa wixii u ka doonayey tilaabooyin yuu horay u dhigay meesha wakiilka somaliya u soo horseeday arrimo halis ku ah (midnimo ku- soo- celin jamhuuriyadda SNm iskaa dhaafe) sii wada jirka inta hadda wada sheeganaysa midnimo doonitaan sida hoos ka muuqata. I. maamul beeleedka Snm wuxuu helay aqoonsi dambi la’aan II. -wuxuu helay aqoonsi in beeshiisa dambi gaar ah laga galay taaso ay ka soo degaandegayso in magdhaw la siiyaa SNM. -waxaa loo aqoonsaday oo laga aqbalay in u xoog ku haysto degaano beelo kale oo bannaanka la taagan rabitaan midnimo waxuuna gulaystey in wakiillada beelahaasi laga xannibo wafdiyada iyo fagaareyaalka midnimada looga hadlayo marka laga reebo kuwa yar oo SNM la shir timaado.

 

Talo Aniga waxay ila in midnimo ku- soo-celinta loo maro dariig ku salaysan runta, danaha dhabta ee an dadku ku kala maarmin iyo sidii wax u dhaceen ee an la qaadin mid ku salaysan sasabid iyo madax salaax been ah oo cidna ka degeen. In daraasad dhab ah oo ujeedadeedu tahay raadin faham wixii dhacay, isfafaham iyo dib- u- walaalayn lagu sameeyo wixii dadka ka soo gaaray dowlad, jabhado iyo xataa wixii asaga kala gaarey. In wada hadallada maamulka Hargeysa iyo dfs loo xil saaro wixii hadda ka dambeeya (siiba xagga dfs)dad aqoon iyo xog ogaal u leh wixii somalia ka dhacay iyo waxa ka jira kana sare kacsan caadifado beeleedyada meesha xilka leh somali wada dhigay. In lagu biiriyo wadahadalka shakhsiyaad haybad qaran leh iyo tiro madax dhaqameed asali ah oo aad kooban oo si madax bannaana ay iskaga soo dhex xulaan madax dhaqameedkii soo jireenka ah ee somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Dadka hadda hawshaa wadaa dhan kasta oo laga eego ma aha kuwo si san uga miro dhalin kara. Waxaan ugu yeeraya sida oo kale dowladda iyo barlamaanka in ay si an ka meermeer lahayn looga noqdo dhaleecaynta an ku salaysnayn wax faaqidaad cilmiyeed ah oo la sameeyey (assesment) ee sida caadifada degdegta ahi ka muuqato dusha looga ridey dowladii dhacday (dowladii kacaanka, dowladii militariga cidiba say u jeceshahay.). Haddaan sida ugu jilicsan u sheego ma jirto meel somaLiyi daraasad loo bato ku samaysay oo ku melaysay aragtideeda la xiriirta nidaamkii dowladaas.wixii ka soo haraa meelaynta caynkaas ah waa aragti shakhsiyeed ama kooxeed mana aha wax loo xilsaartay ama dowladi ka dhigi karto fakar u qabo shacbi somaliyeed. mowqifka caynkaas ahi wuxuu dhaliinaya oo kaliya dib u soo fagid xumaato, kala geyn iyo sii fogaansho dib-u heshiisiineed.

Dowladii kacaanku waxay ahayd dowlad somaliyeed oo idil, somali oo dhan yaana xaq u leh, xataa mid mid ahaan, in ay fakarkeeda ugu dhibaato lakiin mowqifka dowligu wuxuu noqonayaa midka qiimayn loo dhan yahay ka dib dadku qaato; ma noqon karo mowqifka dowligu mid shakhsiyaad ka soo jeedaa usc iyo snm oo xukunkaa la dagaallamay kaligood ka dhigaan mowqif somali u dhantahay, sida turkiya ka dhacday. Cabdikariin Xusein Guuled iyo Cabdullahi sh. Ismaaciil wakaalad ugama haysantaan somali cambaarayn caynkaas ah. Xataa madaxweyne iyo ra’iisulwasare uma haystaan carte blanche arrin baxaadda leh.

Eng. Faarax Shire

Aachen, Germany

 

Globalizing Talks between FGS and “Somaliland” Reflects Political Immatureness in Mogadishu. By Said Farah

$
0
0

Globalizing Talks between FGS and “Somaliland” Reflects Political Immatureness in Mogadishu

By Said Farah

Like most of the Somalis, one can understand the good intentions that lied behind the initiative taken first by president Sharif in 2011 and later followed suit by President Hassan in order to solve the issue of secession for “new Somaliland”. However, a problem of this depth of gravity to the level of breaching to one of the first articles in each subsequent Somali charters and constitutions since 1961- openly claiming for breakaway region from the rest of Somalia, would certainly require a different and carefully balanced approach to decipher it. In my opinion, the direct talks that have taken place outside the country thus far have done more harm than good to the Somali unity.  With Over ten meetings that were held between the two sides since 2011, none of it resulted of any meaningful outcome to Somali nation except that it exposed to our territorial integrity to risk. On the contrary, the secessionists get a propaganda opportunity during each negotiating period abroad whereby telling the outside world and in front of the international media that the two teams represent two separated sovereign countries which negotiate on equal terms with their counterparts standing nearby but keeping subdued and silent. On one occasion the head of the official delegate from Mogadishu declared that he is ready to recognize Somaliland had he got the final authority to carry out!

Clear Strategy for Negotiation
Turki h1

It is so much pretty that President Hassan, in his final speech before the parliament on January 22 2014, pledged that his government will continue negotiating with “Somaliland”, hoping that it will conclude to a good ending. But the million dollar question is what kind of strategy will the president and his team employ to address future negotiations? If it continues on the same trend as before, the outcome will surely be catastrophic and Somalia will disintegrate without doubt. However one may expect a better result, if the government reviews back her old tactics and contain the following points to remake a new approach. Nevertheless before defining a set of strategies to weigh, let us have a close look to the difference between Somaliland today and that one in 1960. The previous firmly united Somaliland (northern regions afterwards) opted for union with Italian Somaliland with no exception while the new Somaliland that calls for separation in 21st century is a divided one.  Apart from the diehard separatists who campaign for secession the majority of the grass-roots society in the north are open-minded, peace loving people who do not hold any grudge to co-live with other brothers and sisters together within the same country under a democratic rule provided that they get conducive environment to express their true aspirations.

To formulate the new strategy, FGS must determine first the boundaries which delimit the area that covers the new Somaliland administration. How many of the previous 18 regions stated in the federal constitution belong to new Somaliland? Do Sool and Sanaag regions include it?  If the answer is yes to the later, then a point of order comes out! FGS has already recognized those regions to be part for Puntland State of Somalia. On the other hand the President has told in his last speech that they are going to restore back the unity. So which unity does his Excellency points out? Does he mean the old union or a different one? How many regions in the north deny unity currently, and how many of them are sacrificing their lives for it?  For the Somali government they have no legal justification whatsoever to consider the pre-union conditions for this issue. The border between the previous two Somalilands was permanently annulled in 1961 right after the referendum to Somali population including the North which resulted clear majority win vote in favor of the union and it was subsequently affirmed by UN, OAU, AU, IGAD declarations which protected the sovereignty of Somali Republic borders since 1991. These and other questions are strongly needed to get proper answers before proceeding to any negotiation with secessionists in the future. Moreover, we recommend the following points to be referred as guiding principles to the negotiation process:

1- All negotiating meetings must shift from Istanbul, Turkey to inside the country be it in Hargeisa, Mogadishu or any other Somali town agreed between the two sides. It is in no way acceptable to the public the continuation and globalization of talks in a foreign country.

2- FGS should adopt a clear policy which underlines that the final decision on the status of future sovereignty of Somalia will only be determined when a democratically elected government takes office in Somalia. To expedite that, Somaliland authorities must extend support in settling and pacifying the country to run 2016 elections across all Somalia.

3- “Somaliland” must stop considering Somali passport as a foreign one and remove all other hostile restrictions to Somali citizens living in northern regions or travelling to it to show good faith particularly those from other parts of Somalia.

4- “Somaliland” must permit unionist parties to exercise local politics and should restore back their right to open offices in northern regions without fear to jail in those areas that come under their control.

5-  Puntland should be part of negotiating process since Sool and Sanaag regions are disputed by both authorities. As per the federal constitution Article 53 states, International Negotiations: in the spirit of inter-governmental cooperation the Federal Government shall consult the Federal Member States on negotiations relating to foreign aid, trade, treaties, or other major issues related to international agreements.

b.  Where negotiations particularly affect Federal Member State interests, the negotiating delegation of the Federal Government shall be supplemented by representatives of the Federal Member States governments.
6- In case Somaliland authorities defy accepting those conditions, the federal government should cancel these unproductive talks, prioritize activities and divert its utmost concentration on completion of establishing remaining federal member states to prepare for 2016 elections, as per article 49 in the constitution.

Finally FGS must not entertain comprises that violates wishes and interests of all Somali citizens inside the country. The time to bombard Hargeisa population with planes, crash Buuhodle dwellers with armored cars or dictate unwanted decision to others have gone forever and will never come back Inshallah. The will of our people united will reign.

Said Farah
Email: inasanweine@gmail.com

Amin Caamir Muxuu Uga Jeedaa Sawirkan Cajiibka ah

Dareen celinta Akhristuhu ka qabo shirka Turkiga Iyo Sheekada Gooni isutaagga Hargeysa.

$
0
0

Xogaha Qarsoon ee kasoo baxaya shirkii Turkigu waxay muujinayaan in Qalleylka la isugu xiirayo oo xaaladu ay meel adag gaadhi doonto, Qayilka iyo Qosolka Hargeysa yaallana ay arrintu ka Qallafsantahay. Sidaas darteed Dareen celinta bulshadii akhriday Xogtii laga helay Shirka Turkigu way badantahay feedback-ga nasoo gaadhayina waa mowjado laakiin dulucdiisa markaan soo xafuujinnay waxan kusoo koobnay dhawr sadar oo ay sheekadu isugu soo ururtay.  Marka hore fariimahan kookoobani waxay muujinayaan in midnimo soomaaliyeed ay tahay lagama maarmaan, maamulka Hargeysana uu aakhirka ku dambeyn doono, labo daran mid dooro.

Aragtida akhristayaasha oo aan soo koobnay waxay abbaareysaa Ujeedada maamulka Hargeysa u fool eryayo wada hadalada Soomaaliya oo ah sidan:-

Haddii Dawlada Soomaliya cagaheeda isku taagto oo ay xoogeysato hay’adaha dawliguna dhismaan, cudud millatarina ay yeelato waxa sii xoogeysan doona awoodeeda siyaasadeed iyo saameynta caalamka iyo wadamada dariska ay ku yeelan doonto.

Markaa hadii wadahadalku sii xumaado oo siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa ay ku adkeystaan gooni isku taaga ay ku dhawaaqeen dalka oo burbursan oo aan dawladi ka jirin, waxa dhici karta in dawlada Somaliya ay taageero millatari siiso maamulada Khaatumo iyo Awdal, awoodda Hargeysa ay ku gorgortamaysana meesha laga saaro aakhiritaanka, oo xataa maamul goboleedkeeda su’aal la galiyo.

Waxa uu maamulka Somaliland u xiisaynayo wada  hadalka dawlada Somaliyana waxkale maaha ee wuxu isleeyahay inta aanay dawlada Somaliya idinku xoogaysan la gorgortama, oo haddii gooni isku taagu idiin mari waayo dawlad goboleed awood leh kula heshiiya oo waxbadan ka saxeexda.

Aragtidaada aad ka qabto Ujeedada maamulka Hargeysa kusoo hagaaji      Harowonews@gmail.com

Tacsi Ku Socota Qoyskii Maxamed Buraale Faarax

$
0
0

Marxuum Buraale
buraale
Tacsi:- Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun.Waxaan Ilaahay uga baryenaa Walaalkeen Eng. Maxamed Buraale Faarax oo kamid ahaa golaha fulinta maamulka Khaatumo State.

 

Waxaan Ilaahay uga baryenaa Walaalkeen Maxamed Buraale Faarax oo ku geeriyooday wadanka Ethiopia naxariis iyo danbi dhaaf.

Ilaahay Jannada haka waraabsho Maxamed. Qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna, gaar ahaan illaahey ha siiyo samir iyo iimaan.

Asxaabtiisa iyo umadda tirada badan ay noloshisii taabateyna, gaar ahaana reer khaatumo oo dhana Ilaahey iyagana samir haka siiyo. Annagoo dhana kuwii geeridiisa wax ku qaata Alla ha naga dhigo.

Maxamed wuxuu ahaa Nin qiimo iyo dadaal badan, dadka laso shagayeyna aad bay u tebayaan. Dhamaan Shaqaalaha Xarunta Daraasaadka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ee Geeska Afrika (HESPI) ee magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia. waxay u dirayaan tacsi qoyska iyo eheledii uu ka tegey marxumku.

Golayaasha Khaatumo State oo Maxamed Buraale ka ahaa xubin muhiim ah, waxay la wadagayaan umada Somaaliyeed tacsida geeridan ku timi Maxamed, oo ahaa halyey ku dheer halganka iyo jiritaanka shacabka Khatumo iyo Qaranka Somaaliya.

Dr Ali Issa Abdi

Tacsi:- Inaa lilaahi wa inaa lilaahi raajicuun, waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Adis-ababa..

Eng: Eng. Maxamed Buraalle Faarax {Doxarre} oo kamid ahaa golaha fulinta maamulka Khaatumo State.

Eng Maxamed ayaa wuxuu ahaa buddhigaya-yaashii maamulka Khaatumo State, wuxuuna ahaa aqoon-yahan ruug cadaaya kana tirsanaa xafiiska hay,adaha qaramada midoobay ee dalka itoobiya.

Sida uu Sheegay xubin ka tirsan jaaliyada Khaatumo ee wadanka itoobiya, marxuunka in shalayto lagu soo booday isla markaana la dhigay cusbitaal kuyaal magaalada Adis-Ababa,  saakana uu ku geeriyooday isla cusbataalkaas.

Allah ha unaxariistee geeridan ayaa ah mid aad looga naxo, iyadoo ay geeridu xaq tahay hadana waa mid naxdin ku reebtay bulshada Khaatumo.

Waxaaanu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan shacabka  Khaatumo iyo Shacabka Soomaaliya, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Buraale Faarax(Doxore).

Viewing all 613 articles
Browse latest View live