Hindia: Nin loo guurinayo oo ka baqaya Naagta. Daawo qosolka
XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-QAYBTII 3
“MA LUMO XAQ NINKII LAHAA DABO SOCDO’
Waxaynu soo afjari doono si ku meel gaadh ah maqaaladan muujinaaya xatooyada loo badheedhay een haysan cid xakameysa iyo cid dabo gashaba. Waxaan haya xugo ay ii soo direen laba mas’uul oo Wasaaradda Maaliyadda ka tirsan laakiin aad u culus oo u baahan hubsiimo iyo xili la helo cid wax ka qaban karta. Waan hayn tan iyo xiligaas. Waxaan ka codsanayaa cid kasta oo haysa xoggo xatooyo iyo hanti boob ha ii soo direen iyana meel adag oo aamin ah ha ku hayaan. Waxa iman doonta maalin lala xisaabtamo dambiilayaasha. Dambiga xatooyadu ma duugoobo oo muddo kasta ha qaato ee waxa la gaadhi maalin laga jaro oo xaqaa lumay la soo celiyo, iyadoo waliba lagu xisaabin doono inta xoolahu maqnaayeen waxay faa’iido keeni lahaayeen. Hore ayaa loo yidhi ma lumo xaq ninkii lahaa dabo socodo. Ha daalin oo ha niyad jabin uruuri xogaha oo kaydso.
Waxaynu hore u soo qaadnay qaabka nidaam darrada ah ee miisaaniyaddii 2013 loo ansixiyey oo laga dhigey mid aan Wasiirna ogayn Wasiirka kale miisaniyadiisa loona afduubay si ayna cidina ula socon Miisaaniyadda buux dhaaftay ee Wasaaradda Maaliyadda. Taas aynu si wadno. Waxa iyana ka mid ah xisaabaha caqligu qaadan waayey kuwan:
IIBKA GAADIIDKA oo ahaa 2012, lacag dhan 660 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 2,540 Milyan Korodhsiimo ah 1,880 Milyan una dhiganta 285%
XAFIISYADA WASAARADDA oo aha 2012, lacag dhan 840 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1,500 Milyan, korodhsiimo ah 660 Milyan oo u dhiganta 79%
DHARKA IYO DIREYSKA oo aha 2012, lacag dhan 60 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 260 Milyan, korodhsiimo ah 200 Milyan una dhiganta 334%
MARTIQAADKA oo aha 2012 lacag dhan 50 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 200 Milyan, korodhsiimo ah 150 Milyan, una dhiganta 300%
Isugeynta afartan xisaabood waxay yihiin sidan. 2012, waxay ahaayeen 1,610 Milyan, waxuu ka dhigay 2013 lacag ah 4,500 Milyan, korodhsiimo 2,890 Milyan una dhiganta 180%.
Ma tahay wax macquul ah in intaasi si hawl yar oon naaqish iyo tafaasiil lahayn ay Golaha Wakiiladu ansixiyaan. Haa maayo mabay arag ee duuduub ayey ku ansixiyaan, waana xil gudasho la’aan. Dadweynow kala xisaabtan cidaad doortay ee baylahdaada u diratay halkey mariyeen.
Hoosna waxaan idinku naqilay seddex maqaal ee hore oo dhammaan ka hadlaaya mawduucan si ayna waxba idiin dhaafin.
Aan ku celiyo ee ciddii haysa war la xidhiidha hanti-boobka dalka ka socta meel kasta mid wasaaradeed, gobol, iyo degmaba ii soo dir si aynu dadka ugu bayaamino, xogtana haya oo ilaaliya maalin ayaa iman dib loo xisaabtamo ee fadlan kayd adag galiya. Intiina emailka ii soo dirtay ee igu dhiiragelisay arrintan waad mahadsantihiin, ninka cayda ii soo dirayna wuu mahadsan yahay oo dareenkiisa iyo caqligiisa ayaan hawl yaraan ku helay ajarna waan ka heley. Waxaan se ogaaday in dadkeenu yahay midho xariir ah oo jecel wanaaga necebna musuqa. Samaale qof ahaan ma necbi oo dambi khaas ah igama gelin, waxaan u arkay nin ka fog amaanada loo dhiibay. Walow wax badan uu fagaraha ka akhriyey ayadaha ammaanada ka hadla. Waana ayaan darro ninka ayadahaas akhriyayaa inuu noqdo hormoodka musuqmaasuqa.
Samalow Alle u toobad keen, ummadana xaqooda u soo celi, intaad haysan u ilaali, ammaantaada kolkaas igu eeg ani iyo inta wanaagaaga iyo wanaaga ummadda jecel.
Madaxweyne Alle ha ku tuso heshiisyada qarsoon ee kheyradka dalka ee Genel ugu dambeysay, Alle ha ku tuso lacag xad dhaafka ah ee ku baxda xafladaha iyo socdaalada aan macnaha lahayn. Alle ha ku tuso miisaaniyadda magacaaga ku baxda eedan waxba kala socon.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
G6 iyo Axmed Karaash: laba Maroodi meeshay ku cartamaan cawska iyo dhirtaa ku baaba’!!!
G6 iyo Axmed Karaash: laba Maroodi meeshay ku cartamaan cawska iyo dhirtaa ku baaba’!!!
In kasta oo ay isimadii Boocame ku shiray, ay go’aamiyeen in shirka Khaatumo3 la qabto ka dib marka uu soo dhamaado shirka beesha Ugaadhyahan, ka horna waraysi uu bixiyay Prof. Cali Khaliif wuxuu ku sheegay, in arinta meesha jirtay ay ahayd oo keli ah, in la kala duwo labada shir, taasna laga heshiiyay, oo ay hada dhamaatay, iyada oo ay sidaas tahay, ayaa hadana waxa
Muuqata in weli uu sii socdo, hadalkii hore shirka Taleex waa muqadas, waqtigiisii buuna dhacayaa, cidna loo joojin maayo, taas oo weli webabka lagu soo qoraayo, iyo weliba hadalo turxaan leh, oo xaga debedaha ka soo yeedhaaya, oo warbaahinta la soo marinaayo, waxad arkaysaa, baaqyo, iyo abaabulo weli socda, oo lagu andacoonaayo in lagu taageeraayo, shirka
Khaatumo3, lagagana soo horjeedo shirka beesha Ugaadhyahan ee Sarmaanyo! Tusaale ahaan, waxaa dhowaan warbaahinta Khaatumo lagu baahiyay, siiba garabka Daahir Calasow iyo garabka Ina Xaashi Dheere, oo runtii qayb libaax ka qaatay fidna abuurka, dab hurinta iyo iska hor keenista dadka ku abtirsada Khaatumo, iyo malaa qaar kalaba, baaq sidan u dhignaa:
“Beesha Naalaye Axmed Dhulbahante Oo Baaq Kasoo Saartay Shirka Khaatumo3 Ee Taleex”, markii aan cinwaankaa arkay aad baan ula yaabay, waayo markaan baaqaa arkay in yar ka hor, waxan ka soo kacay goob aan kula cawaynaayay dhowr nin, oo aanu dhamaantayo ka soo wada jeedno beeshaa baaqu xusaayo, wax badan baanu ka sheekaysanay oo ah arimaha
Khaatumo iyo shirarkaa la hadal hayo, midkayona warkaas baaqu sheegaayo mahayn! Marka waxan la yaabay baaqa beeshayadii ka soo baxay, ee aanaan intayadaa midkayona waxba ka ogayn, si kastaba ha ahaatee waxan bilaabay in aan aqriyo baaqaa, isla hordhaciiba waxa ii soo baxday in uu baaq been abuur ah yahay, waayo waxa lagu durayaa, oo lagaga soo horjeedaa
Shirka beesha Ugaadhyahan ee ka dhici doona Sarmaanyo, beesha Naalaye Axmedna waxay ka mid tahay, oo hormoodba ka tahay beelaha Ugaadhyahan, ee shirka ku qabsanaaya magaalada Sarmaanyo, markaan taas gartay waxaan u gudbay magacyada baaqan ku xusan, wuxuuna ahaa liis aad loo dheerayay, si baaxada beesha loo le’ekaysiiyo, hadaan aqriyay magacyadii baaqaa ku
Xusnaa oo dhamaantood wada Naalaye Axmed ahaa, waxa ii soo baxday in ay ka kooban yihiin saddex kooxood, waana sidan: (1) waa odayaal magac iyo maamuusba ku dhex leh beesha, hase yeeshee sariiro iska wada saran ama xanuun ha u saaraado ama da’ ee, kuwaas oo aan in dhowaydba ka qayb gelin hawlo beeshu leedahay, xaalada ay ku sugan yihiin awgeed, aana ka
Daafici Karin naftooda, wax kasta oo lagu been abuurto, marka kooxdan odayaasha ah waa lagu been abuurtay, baaqaana waxba kama oga. (2) Waa koox caan ah, oo aad loo yaqaano, waana Naalaye diid Ugaadhyahan diid ah, waa koox had iyo jeer mucaarad ku ah, wax kasta oo ku saabsan arimaha Naalaye Axmed ama Ugaadhyahan, kooxdan oo ah kuwa is qora ah, oo ay
Aafaysay ismoojin iyo mansab jacayl, waxba kama dhex noqon karaan Naalaye ama Ugaadhyahan, waayo beeshu way is taqaan, oo iyaga waxba loo dirsan maayo, marka si ay arimaha Dhulbahante uga dhex muuqdaan, waa in ay ku milmaan Dhulbahantaha guud, oo horboodaan Dhulbahantaha, si ay dusha ugaga yimaadaan Naalaye iyo Ugaadhyahanba, kana
Horyimaadaan wax kasta, oo ay ka uriyaan Naalaye ama Ugaadhyahan, kooxdanu waa qaswadayaal horgalayaal ah, kamana duwana kuwa u adeega maamulada hareeraha, dhab ahaan haday ka waayaan Dhulbahante waxay doonayaan shaki kuma jiro, in ay si fudud ugu diga roganayaan maamulada hareeraha, nin beeshii hoose iyo gurigiisii wax tari kari waayay, lana
Heshiin waayay, waa iska cadaan in aanu dhulbahantena dhib, kala fogaansho iyo xasarad waxaan ahayn, aanu ku soo kordhinayn (3) kooxdanu waa taageerayaasha kooxdii maalintii dhowayd Fiqifuliye isugu dhiibtay maamulka SNM, qaarkoodna markii horeba waxay ku xidhnaayeen maamulka SNM, sidaas darteed baaqaasu wuxuu ahaa been abuur, labada kooxood
Ee dambe iyo webabka faafiyay baaqa, midkoodna midka kale la dan maaha, oo isku aragti maaha, hase yeeshee waxa keli ah ee mideeyay, ee ay isku garabsanayaan, waa ka hor tegista iyo diidmada shirka beesha Ugaadhyahan, iyo in uu si dhakhsa ah u qabsoomo shirka Khaatumo3, oo aynaan ilaa hada garanayn waxa ku hoos qarsoon, ee loo dedejinaayo!!! Runtii
Arintan ah in la is hortaago shirka beesha Ugaadhyahan, dedaal aad u wayn iyo dhaqaale xoogan baa la geliyay, si loo kala qaybiyo beesha, kaas oo wax badan inooga tari lahaa, hadaynu gelin lahayn xaga difaaca iyo fidinta maamulka Khaatumo, waxaad iyana maalmahan warbaahinta ku arkayseen in magaalada Caroolay xoogaa dumar iyo caruur masaakiin ah, inta la soo ururiyay,
Iyadoo xoogaa lacag ah loo qaybiyay, la yidhi halkaa bood booda si fiidiyow laydiinka duubo, waxay hore uga dhacaday Taleex arintaas mid la mid ah, hadaba is waydiintu waxay tahay, maxaa sida fiinta looga qayliyay shirka beesha Ugaadhyahan, iyaga oo in badan ku celiyay, in aan shirkaa waxba loogu dhimayn Khaatumo, iyo danta guud ee Dhulbahante toona, iyada oo
Weliba ay hore gaar gaar ugu shireen beelaha Dhulbahante badankoodu, waayo Ugaadhyahan hadaba?!!! Origiga se baroortu ka wayn ee, maxaa lagu hoos qarinayaa, oo loo dedejinayaa shirka Khaatumo3, ee la hadal hayo?!!! shirkan la leeyahay waa muqadas, oo cid loo joojin maayo, waa maxay baahida sidaa u wayn, ee uu dadka qaarkii u leeyahay, oo aanay inteena kale
Ogayn ?!!!Waayo Khaatumo way inoo dhisan tahay, way taaba qaaday, wixii qurxin iyo dhamaystir ahna, sida in ku-meel gaadhka laga gudbo iwm, iyada oo aan lays dedejin, khilaaf la abuurin, dhaqaal badan, oo aynu baahi wayn u qabno lagu lumin, ayaynu waqtiga ku haboon qabsanaynaa, waxan kale oo aan anigu qabaa, in ay maanta ina hor yaalaan arimo ka cul culus,
Oo ka muhiimsan shirar la qabto, oo ah in aan is xorayno, oo xorayno dhulka laynaga haysto, oo aan awoodeena u muujin Soomaalida iyo caalamkaba, uguna quus gowno maamulada SNM, SSDF iyo HAG oo dhowaanahan ku soo biiray shirqoolada laynagu hayo, waxan aamisanahay siday dad badan oo kalena qabaan, in maanta xalkeena oo dhan, uu ku jiro dagaal aan dhulkeena
ku xorayno, dagaal wax lagu degdego, oo laysku booriyo maaha, laakiin waa laynagu khasbay, khiyaar kalena ma lihin, oo aan dagaal ahayn, waayo caalamku wuxuu aqoonsan yahay kuwii hore wax u dhistay, ee is muujiyay, xaq iyo baadil waxay doonaan ha ku dhisteen, xataa dowladan dhexe, oo ayba hada qabsadeen kooxda cunsuriyiinta ah HAG, oo aynu wax ka
Dhisnay, bal aynu doorarka ugu waawayn ka qaadanay dhismeheedii, ee iyagu kala og siday Soomaalidu dhulka u kala degto, iyo waxa ay kala yihiin, waxay si badheedh ah garabka u saareen labada maamul ee SNM iyo SSDF, oo ay ka wada xaajoonayaan arimeheena inaga oo nool nool, oo iska soo taagan, shirqoolo waawayn baa inagu socda, dhiciskuna inta birta loo soo
Sido buu bakhtiyaa! dhowaan arintii ka dhacday Fiqfuliye ma ahayn dhacda iska caadi ah, bal waxay ahayd shirqool ay labada maamul ee hareeruhu iska kaashadeen, dowlada Xasan Culusow ee HAGna wax badan ka ogayd, dhiirina gelisay, waa arin la xidhiidha shirkii dhowaan Turkiga ka dhacay, oo la rabo in la dhamaystiro, inta aan shirka dambe la isugu imaan, waxmagarto
Iimaanlaawayaal ah, oo inaga mid ah baa la adeegsanayaa, ninkii shirqoolkaa Fuliyay, waa horgale weliba jaahil ah, oo si fiican ugu xidhan maamulka SSDF, oo aan ka maarmi Karin, wuxuu degan yahay, oo guryo ku leeyahay Garowe, baayac mushtarkiisu wuxuu ku xidhan yahay Boosaaso, u malayn maayo in uu dhowr iyo labaatankii sano ee ina dhaafay, uu tegay
Degmada Fiqifuliye, Ceerigaabona haba sheegin, hase yeeshee maamulka Garowe ayaa shirqoolkan u xilsaartay, u fiirso markii degmada Fiqifuliye la joogay, iyo markii dambe ee ay Hargaysa tageenba, ninkaasu goob joog buu ahaa, hase yeeshee mar qudha kama soo bixin sawiradii iyo fiidiyowgii laga duubaayay dadka, waayo waxaa xaqiiqada laga qarinayaa
Shacabka Puntland, iyadoo uu ninkanu marka uu shirqoolka loo dirsaday, uu soo guto uu deeganada Puntland dib ugu soo noqonaayo, waxa kale oo jira isna shirkii ay dhowaanta SNM kaga baxday SSDF ee ka dhici lahaa Nairobi, kaas oo ay ahayd in ay kaga wada hadlaan dhulkeena, oo inagu dul shaxaan inoogoo soo taagan!!! Bal hada u fiirso kan xila sakhiran ee
Amniga u qaabilsan maamulka SSDF Ina Ciise Mudan, wuxuu ku sheegay maamulka SNM, mar uu ka hadlaayay shirkii Nairobi, wuxuu ku sheegay dal ay deris yihiin, waa mar uu waraysi siinaayay TVga SomaliChannel, waxanu waa uun masuul maamulkaas ah, hadalka afkiisa ka soo baxaana, wuxuu ka turjumayaa siyaasada maamulkaas, markaa SSDF waxay u aqoonsan tahay
Maamulka SNM in uu dal deris ah yahay. Mar hadaan soo qaadnay kelmeda aqoonsiga, waxaa iyana xusid mudan, in aan sheegno in maamulka SNM keenay, oo maamulkooda ku soo dareen nin cusub, oo la yidhi muftaaxii aqoonsiga ayuu jeebka ku sitaa!!! Hada waa sida ay ina yidhaahdeen taageerayaasha SNM, iyo warbaahintooduba, ama uu isaguba ka dhawaajiyay!!!
Runtii maaha nin cusub, ee waa ruug cadaa SNM ah, oo weligiiba arimaha SNM daaha gadaashiisa kaga tala bixin jiray, ninkan oo lagu magcaabo Maxamed Biixi Yoonis, sidaynu la wada socono waxay ku bedeleen wasiir beenaalihii arimaha debeda u qaabilsanaa maamulkaa, waxaa isna la socda, oo arimahaa kala talin doona Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo isna dhowr
Jeer oo hore sheegay, in uu og yahay meesha aqoonsigii maamulka SNM ku duugan yahay!!! Hadana sidaan la wada socono u diga rogtay xagaa iyo maamulka SNM. Garan maayo waxa ay maanta Xasan Culusow iyo Siilaanyo, oo meela badan taageero ka haystaa, ay meel marin kari waayeen, sida ay nimankanu u meel marin doonaan!!! Bal se aan eegno kaashada uu ninkanu
Muftaaxaa la sheegaayo ku rogo, iyo in uu noqdo wasiir beenaalihii labaad!!! Inaga se marlayba digtoonaantu waa waajib. Hadaba markaan is tusaalaynay qaar hawlaha culus ee ina horyaala, iyo shirqoolada inagu hareeraysan, aan dib ugu noqono su’aalihii aan hada soo xusnay ee ahaa: maxaa sida fiinta looga qayliyay shirka beesha Ugaadhyahan, iyaga oo in badan ku celiyay, in
Aan shirkaa waxba loogu dhimayn Khaatumo, iyo danta guud ee Dhulbahante toona, iyada oo weliba ay hore gaar gaar ugu shireen beelaha Dhulbahante badankoodu, waayo Ugaadhyahan hadaba?!!! Origiga se baroortu ka wayn ee, maxaa lagu hoos qarinayaa, oo loo dedejinayaa shirka Khaatumo3, ee la hadal hayo?!!! shirkan la leeyahay waa muqadas, oo cid loo joojin
Maayo, waa maxay baahida sidaa u wayn, ee uu dadka qaarkii u leeyahay, oo aanay inteena kale ogayn ?!!! si aynu jawaabo ugu helo su’aalahaa, iyo xalka saxa ah, waxa laabud ah in aan ogaano meesha ay sartu ka qudhuntay, ugu horayna waxaa mudan in aan ogaano, in odayadeenii G6 ee ahaa haldoorkii shacabka Khaatumo, madaxdeenii aynu jeclayn, aqoonyahankeenii iyo
Siyaasiyiinteenii, kuwii inoo soo gurmaday, ee inaga soo saaray godkii gudcurka ahaa, in ay maanta xabsi ku jiraan, oo la haystayaal yihiin, inoogana baahan yihiin shacab ahaan, in aan inana maanta xoriyadooda u soo celino, waxay xabsi ugu jiraan, oo isku xeeray wixii shirkii Khaatumo2 ka dambayayba, niman qaswadayaal ah, oo deegaamada Khaatumo ka soo wada
Jeeda, waa kuwii aan hada qoraalkan ku soo xusay, ee Naalaye diidka iyo Ugaadhyahan diidka ahaa, iyo kuwa kale oo la mid ah, oo beelaha kale ee Dhulbahante ka soo jeeda, oo is gaashaan buuraystay, kooxdan oo ah niman is qora ah, oo ay mansab jacaylka iyo ismuujintu madax martay, uma socdaan dan Dhulbahante, bal waxay rabaan mansab iyo ismuujin keli ah inay inagu
Gaadhaan, sidaan soo xusay,waxay isku xeereen odayadii G6, waxayna hadba farta ugu fiiqaan cida ay is yidhaahdaan, way ka hor imanayaan fikirkiina iyo rabitaankiina guracan. Hadaba kooxdanu iyagoo damac wayn ka qabay in loo magcaabo mansaba sar sare, markii la dhisay maamulka Khaatumo, kuma ay qancin ragii loo magcaabay madaxtinimada maamulka, si gaar ah
Madaxwayne Axmed Karaash iyo madaxwayne Cabdi Nuur Biindhe, waxayna bilaabeen in ay iska hor keenaan golaha fulinta iyo golaha madaxtooyada, oo ay had iyo jeer odayada G6 farta ugu fiiqaan labadaa oday, iyagoo ku andacoonaaya, in ay yihiin fadhiid aan maamulka socodsiin Karin, iyo in ay Puntland ku xidhan yihiin iwm, taas waxa raacday in odayada G6 iyo Axmed
Karaash dhowr arimood isku khilaafeen, oo ay ka mid ahaayeen, nin ay dhaqaalaha u xilsaareen odayada G6, oo ay dad badani ka qayliyeen bilowgiiba, odayadana uga dacwoodeen in aanu ninkaasu ku munaasib ahayn hawsha loo xilsaaray, uuna ka mid yahay raga Dhulbahantaha kala fogeeyay, ay se odayada G6 dacwadaa iyo qayla dhaantaa ka timi qayb wayn, oo ka mid ah
Shacabka, dhegaha ka furaysteen, bal ayba ninkaa ugu abaal gudeen, in ay ku soo dareen golaha fulinta, ayaa Axmed Karaashna ugu dambayntii ka soo cawday, sida uu u maaraynaayo arimaha dhaqaalaha, waxa kale oo iyana laysku khilaafay arimo la xidhiidha waxyaabihii lagu balamay dhamaystirkooda inta ku-meel gaadhka lagu jiro, sida difaaca iwm, khilaafyadaasuna waxay
Keeneen in uu go’ xidhiidhkii G6 iyo golaha madaxtooyada ka dhexayay, siiba Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindhe, taas bedelkeedana G6 waxay hawlaha maamulka kala xidhiidhi jireen wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno aanba ka amar qaadan madaxwaynayaasha!!! Ka dib markii uu tegay madaxwayne Indhasheel Nairobi, waxay kooxihii qaswadayaasha ahaa ku guulaysteen, oo
Ay ku qanciyeen G6 sida muuqata iyo madaxwayne Indhasheelba, iyada oo aan lala socodsiin labada madaxwayne, ee wadankii jooga, in halkaa laga abaabulo shirwayne lagu qabto magaalada Taleex, kaas oo loogu magac daray Khaatumo3, laguna dhiso halkaa maamul cusub, oo ay qaswadayaashu qaybta libaaxa ka qaataan!!! Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindhebana
Daaqada laga tuuro!!! Abaabulka shirkaa waxay Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindheba ka ogaadeen suuqa iyo warbaahinta!!! Taas waxaa raacday in websiteyada la soo geliyay go’aamo la yidhi waxay ka soo baxeen, shir ay wada yeesheen golaha isimada iyo golaha fulinta G6, go’aamadaas oo maamulkii Khaatumo lagu kala diray, laguna magcaabay afhayeen ku hadli
Doona magaca Khaatumo, ilaa inta laga soo dooranaayo maamul cusub!!! Kana golaha madaxtooyadu warbaahinta ayay ka ogaadeen!!! Waxay noqotay arin nina qaadan waayay, sida ay wax u dhaceen, markii daba gal lagu samayayna waxa la ogaaday kolay in aan arintaa isimada qaarkood waxba ka ogayn, G6 xog badan lagama hayo, sida ay wax uga og yihiin arintan, hase
Yeeshee ilaa maantadaa ma jirto cid beenisay, in aan go’aamadaas waxba ka jirin, taasuna waxay cadaynaysaa in ay go’aamadaasu sax ahaayeen, in ay ka soo baxeen qaar ka mid ah labadaa gole yaanba loo dhamaan ee!!! Xukumka dhacdooyinkan aqristayaasha, inta caqliga wanaagsan, ee ka caafimaadka qabta cadaafida nin jeclaysiga iyo beel jeclaysiga, inta jecel in
Aan yeelano maamul dhab ah, oo kala dambayn, is qaderin iyo waajibaad si daacadnimo ah loo guto ku dhisan, baan u daayay. Hadaba fal celintii dhinaca kale, waa golaha madaxtooyada ee Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindhe ee, oo ay muuqato in cida arimahaa aan soo xusnay ka soo shaqaysay, aanay xisaabta ku darsan markii hore, ayaa kicisay uufada iyo mowjadaha kacsan
Ee ina qarqiyay, waana tan keentay jaah wareerka,qasks iyo is qab qabsiga hada taagan, waana in ay qabsadeen sharciga, iyada oo ay ku adkaysteen, in ay iyagu yihiin madaxwaynayaashii Khaatumo, ayna iyagu soo diyaarinayaan, oo u mudaynayaan waqtiga ku haboon shirka Khaatumo, ee lagaga baxaayo ku-meel gaadhnimada. Waana taas halka ay sartu ka qudhuntay,
Su’aalihii aan soo xusnayna aad jawaabahooda ka helaysaa. Hadaba hadii arimahan la soo afjari waayo, oo aynaan isu soo jiid jiidin labada dhinac, arimuhu meel xun bay gaadhayaan, waxaana sidaa ku burburaaya maamulkii Khaatumo ee aynu dhisanay, oo aynu wax badan oo qaali ah u huray, waxaynuna noqonaynaa meel ay laba Maroodi ku dagaalameen, laba Maroodi meeshay ku
Dagaalamaan waxa ku baaba’ cawska iyo dhirta, oo meel kayn jiqqa ahayd, bay waxay u rogaan lamadegaan, sidoo kale haday labadan dhinac dagaalkoodu sii socdo, waxa ku baaba’ya Khaatumo iyo himilada aynu hiigsanayno, waxana soo bixi doona toban Khaatumo, halka aynu maanta ka leenahay hal maamul, oo la yidhaahdo Khaatum, xalkuna wuxuu yahay, waa maalintii
Loo baahan jiray guurtida, raga tolinimada iyo raga samataliska ah, waqtigan aan qoraalkan qoraayo waxan la socdaa in madaxwayne Axmed Karaash, uu ku sugan yahay magaalada Boocame, iyada oo uu u yeedhay Ugaas Cabdullaahi Ciise, oo beryahan ku hawlanaa isu soo dhowaynta iyo isu jiid jiidka labada dhinac, madaxwayne Cabdi Nuur Biindhena horuu ugu
Sugnaa magaalada Boocame, waxan rajaynayaa in shirkoodaa uu ka soo baxo war lagu farxo, biyuhuna dib ugu noqdaan mareenkoodii hore. Waxana ku darayaa oo kula dardaarmayaa beesha Khaatumo, in aan laysku deyin in la kala qaybiyo, beel ka mid ah beelaha Dhulbahante, bal waa in lala xaajoodo, oo lala xisaabtamo beeshaasu siday u dhantahay, hadii wax laga tabanaayo, waa
In aan Dhulbahantow isu celinaa baadida, waxmagaratada iyo kuwa damaca guracan wata, ee aynaan isu adeegsan, siday inagu samayaan maamulada hareeruhu, waan inaan albaabka ka xidhnaa kuwa is qorada ah, ee damaca guracan iyo ismuujintu madax mareen, waa in uu noqdaa albaabka Dhulbahantanimada laga soo galaa, kan beelaha hoose iyo jifiyaha, oo aynaan aqbalin,
In dan iyo hawl Dhulbahante loo dirsado, nimaan beeshiisa ka haysan taageero iyo aqbalaad. Anoo qoraalka idinku dheerayay, waxan ku soo afmeerayaa, waxaa jira ciyaaraha qaarkood marka la ciyaarayo, sida Turubka tusaale ahaan, waxa jirta mar qofka ciyaarayaa, marka uu arko siday ciyaartu u socoto, iyo waxa gacantiisa ku jira, ay u cadaato in ciyaarta laga badinaayo,
Markaas si aanu tan waqti badan ugu lumin, maadaama uu og yahay in laga badinaayo, oo uu isu diyaariyo in uu tan dambe badiyo, wuxu yidhaahdaa: “war ciyaarta baandhaya, waa layga badiyay ee”, hada ciyaartan waa la kala badiyay ee, hala baandhayo, oo haloo diyaar garoobo tan dambe, haa, siyaasadu waa ciyaar aqoon iyo xirfad badan u baahan, hadii damiir wanaagsan iyo Allaah ka cabsi raacona waaba khayr oo dhan, hase yeeshee waa inaan dabka lagu ciyaarin!!!.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
Xirsi oo ku noq-noqday halkii uu jilcistay iyo hawshii Samaale oo uu la wareegay
Hambalyo iyo tahniyad Aroos oo kuk socota Ramadaan Sheekh Xuseen iyo Xamda Maxamed
Qoyska Reer Xaaji Siciid Maxamuud Oo kala jooga wadamada UK , Holland , Biljum , Norway , Sweden iyo Somalia waxay tahniyad Kal iyo Laaba u Dirayaan Boqorka Ramadaan Sheikh Xuseen Sheekh Maxamed Iyo boqorada Xamda Maxamed Xasan Oo Maherkoogu ka dahcay maalintii Axadii 09-09-2013 magaalada Konyo Ee dalwaynaha Turkiga. Baaarakalaahu lakum waa baraaka calaykum wajamaca baynakumaa bikheyr.Noqda kuwa ku raaxeeysta guurka iyo jiraalka hayaanka wadada dheer ee nolosha aduunka is maqla, wadaaga jacay,xushamad iyo kalgacal iftiimiya qalbiyada lamaano isu dhaxay, Noqda Kuwii Kala Hela Wiil Iyo Caano Gabar Iyo Caano. Aaamiin Aaamiin
.Hooyo Cadar Muruud Cubaysh
2.Hooyo Maryan Maxamuud
3.C/llaahi Xaaji Siciid Maxamuud iyo Xaaskiisa Safiya Yuusuf Axmed iyo caruurtiisa
4.Axmed Xaaji Siciid Maxamuud – Xaaskiisa iyo caruurtiisa
5.Maxamed Xaaji Siciid Maxamuud – Xaaskiisa iyo caruurtiisa
6.Eng Qaasi Xaaji Siciid Maxamuud Xaaskiisa iyo caruurtiisa
7.Mukhtaar Xaaji Siciid Maxamuud
8.Khadar Xaaji Siciid Maxamuud – Xaaskiisa iyo caruurtiisa
9.C/raxman Xaaji Siciid Maxamuud
10.Xaliimo Xaaji Siciid Maxamuud Saygeedaiyo caruuurteeda
11.Nimco Xaaji Siciid Maxamuud Saygeeda iyo caruurteeda
12.Hindo Xaaji Siciid Maxamuud
13.Saynab Xaaji Siciid Maxamuud iyo saygeeda
14.Sucaad Xaaji Siciid Maxamuud iyo saygeeda
Hambalyo iyo bogaadin ku socota Wariye Cali Barkhad iyo Khadra Maxamed Cabdilaahi oo Arooskoodu ka dhacay Lafacase ee degmada Awbare
Hambalyo hambalyo hambalyo
waxaa hambalyo siwada jir ah udiraya
Hooyo Khadiijo maxamed iyo hooyo caasha ducaale
C/lahi barkhad cumar (C/lahi tulli)
Walaalo yusuf barkhad iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa
Walaalo xusni maxamed c/lahi
wlo cabdi,mahamed,wlo ahmed maxamed,wlo ayaan,c/lahi,suhuur,
sacad,sakariye,khaalid,xuseen,
hambalyo aroos udirayaan aroos dhaqameedka wariye cali barkhad iyo
marwadiisa khadra muhamed c/lahi oo arooskoodu kadhacay magaalo
dhaqameedka dhulbeereedka qaniga iyo cagaarka barwaaqada
rabikumanaystey ee Lafacase degmada Awbare.
Waxan ilaahay uga baryaynaa inuu ka dhigo kuwii isku waara bash bash iyo barwaaqo ku noolaada, ubad kheyr qabana kala hela. Aamiin
Kuwii Guryaha xoogga ku deganaa Xamar ma laga saaray!!! Sawir Fariin weyn gudbinaya
BAAQ Ku Wajahan Jufada Madaxweyne Siilaanyo
Wasiirada Waxbarashada Somaliland Ha Iska Casisho Xilka….
Waxaan salaan halkaan uga dirayaa saxaafada xorta ah in ay aaraada umada gudbinayaan sida aynu fakarka xor ah. Allaa mahadaa iska leh.
Waxaa isa soo taraayo fashilaadaha xukuumada ay sadaxda sano dalka isa soo tarayo waxaan oran karaa ceebihii shame of watergate, aan dhamaantooda midba mid ka foolxun, Gabar ayaa i cayday,Haamihii total, warshad sibir reer lasiiyey,shidaa baarista wadanka baarlamaan lamarin,lacagihii Air Port lawada cunay wada yar afar milyan Dollar ku baxday.
Waxaa kaba sii daran iga daran tacliintii oo dowlada gacanteeda ku maamuleysay in aan lakala jecleyn hab’dhaqankii caruurta dowlada maamuleysay la bahdilay dhulka jiifaan. Caruurtii waalidiintooda waxa heystay iskuulaad kooda sare u kacay sumcad iyo sharaf caalamka tusay.
Waxaa muhiim ah in ay shacabka Somaliland in aysan caruurta kala fiicneeyn lagu kala tagay tayada iyo maamulka macalimiinta iyo maamulayaasha wax barayo schoolada ay sababta u weyn tahay fadeexada dul hagoogan tacliinta aan maamulayaal xilka iyo macalimiin looga qaaday ayna jirin.
Dad lagu soo wada xulay iyo dowlad musuq maasuq hadheesay maahin in aan aan ka sheekeyno maalin walba dhegex dhig iskuul sheekada iyada oo taagan timirtii hore ayaa dab loo waayey.
Daarihii hore aan dhisaynay ayaa uga wacneyd wasiirada iyo xukuumada ceebta ardaydii dowlada gacanta ku heysay in kaalmaha koowaad ku dagaalamaan ay aheyd ay soo iftiimi weyday maaha in aan wasiirada u badheedhay dhaliisha malahan waa dumaroo ka xishoo waan jecelahay wasiirada waxaan rabaa in ay shaqadeeda muuqato aysan noqon shaqadeeda dhagax dhigista riwaayada reer kulmiye ay ka hortooo isbuuca soo socdo ceebta iskuulaadka dowlada raga maamula ha is wada casilaan.
Macalimiin moralka loo dhisay training dibada loo qaadayo balan qaadyo koorsooyin hab dowladnimo loo sameeyo iyo mushaharkooda iyo tayada macalimiinta waa in dib u eegis lagu sameeyaa mudanne wasiir sam sam kameradaha adigey ku hayaan wasaarada adigaa maamula kulmiye way tagi magacaaga waa in aad wanaajisaa wasaaradaada.
waxbarashadii macalimiinta wanaagsan waad heli kartaa ma xisbiga kulmiyaa lagu wada guray waan taan layaabnay in dunidii dowlada wax walba heysatay socod siin kari wayday howl maal meedkeedii tacliinta iskuulada gaarka loo leeyahay wax noqdaan taas ayaan la murugooneynaa waad mahadsantihiin
waxaan dad weynaha kula talineynaa in talo qaran laga yeesho samirka waa nagu fogaaday dalkaan Madaxweynaha talada hayo shaqo ka dhigtay fur furka dalka.
Waxaan u bixiyey Dowlada Dulmiye Dumiye Daneyste M Damqade.
Allow umada ka soo gaar waa la danbaabeeee. !!!!!!!!
Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari) CHAIRMAN OF UCID PARTY KENYA somalilandfirst@live.com +25472281904
Aqoondarada wasiirka maaliyada Samaale waataa u geysay inuu dadkii canshuur madaxfurasho ah ku soo rogay sida budhcad-badeedii Somaliya.
Aqoondarada wasiirka maaliyada Samaale waataa u geysay inuu dadkii canshuur madaxfurasho ah ku soo rogay sida budhcad-badeedii Somaliya.
Marka hore waan idin salaamey saxaafadeey dhamaantiin. Kadib,xukumada uu siilaanyo madaxweynaha ka yahey waxaa ay la timid waxyaabo ummadii la yaabtey sababtoo ah raga uu wasiirada ka dhigtey oo ah kuwo aan intooda badani xilalka ay hayaan aqoon u laheyn,
Bal aan wax yar ka idhaado wasiirka maaliyada c/casiis samaale iyo aqoon xumadiisa xaga dhaqaalaha iyo meesha ay la martey waxii aanu aqoonta u laheyn ee uu madaxweyne siilaanyo dusha u saarey.
Wasiirka maaliyada c/casiis samaale markuu ogaadey in aanu aqoon dhaqaale laheyn waxa uu ku tashadey sidii uu wasaarada u sii joogi lahaa dadkana isga dhigi lahaa nin wax soo kordhiyey balse ma oga in ay dalka joogaan, aqoonyahano, islmarkaasina dhaqaalayahano ah iyo siyaasiin , aqoonteeda, dowladnimada uga xeel dheer, ayaa waxa uu sameeyey miinsaaniyad been abuur ah ooy ku heshiiyeen isga iyo madaxweyne siilaanyo, sababtoo ah waxaa shuraako lagu yahey musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha.
Wasiirka maaliyadu wax uu aqoontii dhaqaalaha maadama aanu aqoon waxa uu sameeyey, oo uu dadka la hor yimid miisaaniyad ayaa koradhey, hada sidey miisaaniyada ama dakhliga dowladuhu u kordhaan? waa suaal aad isk weydiin karto?
aan wax yar aqoonteyda ka idhaado, dal marka uu leeyahey wax soo saar, isla markaasina uu wax badan dunida u iib geeyo ayaa haduu dakhli badan dibada ka helo oo wax soosaarkii dalka, shaqada ayaa kordha ,dalka waxaa soo gasha lacago badan oo ADAG, markaasi waxaa la odhankaraa sanadkan dalkii dhaqaalahiisii kor ayuu u kacey.
Maxuu wasiirka maaliyadu sameeyey? ,waxa uu dadka u sheegey in miisaaniyadii korodhey, sideyse u kordhey ? dadka umuu sheegin sababtoo ah ma jirto miisaaniyada koradhey, ee waxa uu sameeyey lacag ururin uu dadkii masaakiinta ahaa ku soo rogey.
Hadaan tusaale yar soo qaato bal eeg todobaadkan aynu ku jirno waxa ka dhacey xaduuda Jabuuti iyo somaliland, waxaad arkeysaa ama maqleysaa dad shacab ah oo safar ah oo lagu soo rogey lacag madax furasho ah, aduunka ma jirto qof la cashuuraa balse waxa la cashuuraa waxii alaab ama qalab ganacsi ah ee uu qofkaasi rabo in uu dal soo gasho, wax kaliya ee qofka la weydiiyaa markuu dal kale galaayo waa fiisaha ama dal ku galka markaasi waxogaaga fiida yar ah ee qiimaha fiisahaasi markaasi yahey ayuunbaa laga qaadaa, balse ma jirto qof la yidhaado lacag adigu bixi, taasina waxey la mid tahey qof naftiisii lacag madaxaa ha ku furto ah la dul dhigey sida budh-cad badeeda oo kale.
Hadaba madaxweyne siilaanyo, waxaa la odhan karaa isagaa raali ka ah wax ay sameynayaan, wasiirada qaarkood, sida wasiirka maaliyada , wasiirka,duulista, wasiirka madaxtooyada, dhamaantood waxey ku jiraan xatooyo xoolo dadweyne, hadaan siilaanyo si dhaqso ah ragaasi maxkamada ama hanti dhowrka la galin wasaaradahoodana, waxaa meesha ka cad in uu madaxweyne siilaanyo ku jiro danbi qaran oo uu xilkiisa ku waayi karo hadaan talaabo la qaadina macnaheedu waxaa weeye somaliland dowlad maahan, ee waa koox budh cad ah.
By Axmed Haaruun.
(axmedhaaruun@yahoo.nl
BAABUURTA KASHIFTAY SAMAALE, XIRSI IYO WASIIR GURAY
GOORMUU CIIDANKII QARANKU DHISMAYAA, KUWAN SHISHEEYANA DALKA KA BAXAYAAN?
GOORMUU CIIDANKII QARANKU DHISMAYAA, KUWAN SHISHEEYANA DALKA KA BAXAYAAN?
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow, aan toos u galee ciidamada shisheeye ee dalka joogaahi waxeey isugu jiraan, kuwa dowlado ka socda, oo si sharci lagu sheegey dalka kusoo galey, kuna jooga. Waxaase sidoo kale jooga kuwo calooshood-ushaqeysteyaal ah (Mercenaries), oo shirkado wada ah. Waxaa intaa kuusii dheer Sir-doonno dowlado ka kala socda ha ahaadeen kuwa dariska iyo kuwa quwadaha waaweyn iyo dunida inteeda kale’e. Dowladu waxeey kuwa Amisom ugu tiirsantahay amnigeeda iyo amniga xarumaha muhiimka ah ee dowlada.
Aminson oo u dabaaldageeysa ka bixidii Al-Shabaab ee Muqdisho Madaxdii Soomaaliyeedna isu keensateya.
Waxaan wada ognahay in ciidamada Afrikaanka ah (African Union mission in Somalia-AMISOM) eey dalka soo galeen 2007-dii. Waxaa muhiim ah marka bal in aan isweydiinno, horta ma jiraa waqti cayiman oo ciidamadii qarankana lagu dhisayo, dhamaan ciidamadan shisheeyana dalka eey uga baxayaan? Ileyn hadii waqtigaa aan la qaban, oo aan inta la isla garto, meel la isla dhigin, ciidan qaranna inoo dhismimaayo, ciidamadan shisheeyana dalka waligood ka biximaayaan’e. Su’aashaa in aan isweydiinno waa muhiim, maxaayeeley wax caqli-gal ah ma aha in amniga dalkeena aan ciidamo shisheeye waligeen ugu tiirsanaano, waana nasiibdarro! In aan waqti go’an loo qaban oo eey dalka uga baxayaan, ciidamada qarankana uu ku dhismaayo. Waa caloolyoow inteeda la eg ah in ciidamadaa shisheeye yihiin kuwo dhextaagan xarumihii dowlada, haba ugu sii darnaatee Madaxtooyadii Qaranka (Villa Somalia/The State House). Waa wax aan la aqbali karin in ciidamadaa shisheeye ahaadaan waligood kuwa madaxda qaranka amnigooda qaabilsan, oo xitaa ka xiga askarta dowlada. Waa wax aan sahlaheyn in qaranka sirtiisii oo dhan eey gacantooda si sahlan ugu galeeyso, maadaama eey xarumihii dowlada oo dhan Muska/salka dambe uwada fadhiyaan.
Lacalla hadii aad illoowdey bal ana xasuustaada dib u celiyee, ciidamadan shisheeye kuwii baxay iyo kuwa maanta joogaba, waxeey xasuuq ba’an u geysteen ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan magaala madaxda qaranka ee Muqdisho, haba ugu sii darnaadee suuqa Bakaaraha oo eey si joogta ah isaga duqeyn jireen. Waxeey caan ku ahaayeen in hadii xabad meel looga soo rido, eey waxkastoo nuuxsanaya baas ooda uga qaadaan, illaa wax dhaqdhaqaaqaya la waayo. Wadooyinka Muqdisho marka eey marayaan baabuurta si cabsi badan oo degdeg ah ayaa loo wada parking-gareyn jirey, maxaa yeeley baabuurta iyo dadka saaranba wey dulmarijireen. Waxaa dhacdey in dad salaad Jamaaco wadada dhinaceeda ku tukanaya eey gawaarida qafilan dulmarsiiyeen. Hadiiba xarumahooda wax uun kusoo dhacaanna, waxeey duqeyn aan kala go’ laheyn u qeybinjireen xaafadaha Muqdisho, si gaar ahna Suuqa Makaaraha oo xiliga maalintii ah goobta ugu dadka badan, ahaana xarunta dhaqaale ee nolosha ummadu ku tiirsaneyd. Ciidamada hadda jooga ee Amisom waxeey duruurstaa ka barteen, malaha kulana dardaarmey ciidamadii Xabashida Itoobiya, ee duullaanka kusoo galey dalka, dhamaan ciidamaadii kalee shisheeyena dardaarankaa weey sii kun jibareen, gaar ahaan kuwa Yugaandha iyo Burundi, oo ugu soo horeeyey. Madax naftoodii badbaadinteedaba magan ugu ah, iyo waliba sii jiritaanka Saldanadooda, ma aaney awoodin in eey wax badan ku canaantaan, ama eeyba ka xanaajiyaan.
Hadana dadka qaar ayaa qaba in dowladuba meesha ka bixi laheyd la’aantood, oo waatii shabaab saacadaha kooban u qabteen in dowladuba isu soo dhiibto, maadama madaxtooyada eey ku aruursaneyd dowladu xilligaa.
Balse hadii xita xasuuqyadii eey geeysanjireen laga soo gudbo, maanta dhibaatada dhinacyada badan oo eey ku hayaan ummada ayaa iyana aad u baaxad weyn, oo dalka waxeey ku baahinayaan cuduro halis ah sid:a AIDS-ka IWM, oo eey ku dhexfaafinta Mujtamaca Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, iyadoo nasiibdarro! Eey kusii qulqulaan dumarka xunxun ee jirkooda ka ganacsada, walibana u sameystey Bootafooriyaal/Pimps/Kuwo dumarka gada iyo waliba Mooryaan iyo gangs, oo hada inta dumarkii waaweeynaa ka qashin-dhaceen u gudbey in eey gabdhaha yaryaree iskuulleeyda ah lacago yaryar iyo soo sirid ugu geeyaan ciidamada shisheeye, taasoo halis weyn ku ah ummadeena, iyo waliba dhaqankeedii, diinteedii iyo akhlaakhiyaadkeedii intaba. Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International waxay qeexday sannadkii 2012 in Gobolka Banaadir oo kaliya lagu kufsaday 1,700 oo Haween ah, inta badan kufsiga waxaa geystay ciidan ku-sheeg hubeysan. Dhowaan waxaa Xamar laga billaabay mashruuc halis ku ah haweenka oo Dableey wadata baabuur ayaa haweenka xaafadaha ka afduubta, waxayna geeyaan xeryaha ciidammada AMISOM. Sida warbixinnadu sheegayaan haweenka la afduubay waxay AMISOM u noqdaan addoon loo galmoodo “Sex Slaves” ugu dambeynna waxaa lagu beeraa cudurro halis ah oo “AIDS” ka mid yahay. Qoraallada qaar waxeey sheegayaan in imaanshihii AMISOM ka hor koofurta Soomaaliya aanu ka jirin cudurka “AIDS”, nasiibdarase! Maanta uu gaarey 5%. Inta xaalada dalka la socotaahi maanta wexeey wada ogyihiin in ciidamadan shisheeye eey leeyihiin xarumo iyo xabsiyo u gaar ah, cid aan iyaga aheyna aaney gali karin. Waxa eey ka sameeyaan cidi ma oga, si dhameystiran ayeyna ugu madax bannaanyihiin howlahoodana uga wataan. Cidi kama warqabto waxa ka socda gudaha xeryahaa, wixii mar eey la galaanna ka samir waaye dad iyo duunyaba.
Waxeey qabtaan howlo kaloo dhaqaale eey caalamka uga helaan, oo dad Soomaali ah eey qabankaraan balse aaney u ogoleyn, sida mashaariic jidad dhisid ah, dhismaha qeybo ka mid ah xarumaha dowlada, howlaha qaar ee Airport-ka caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo dakadda intaba. Waxeey sidoo kale dhisteen oo eey leeyihiin Hoteello iyaga u gaar ah oo eey Xalane iyo Afisiyooni ka dhisteen, shisheeyaha soo dagaya iyagaa Airport-ga ugu yimaada, oo ka kaxeeysta, iyadoon sidaana cidi u fiirinkarin, sidii iyagoo Dalka eey leeyihiin, maadaama uu iyaga uun u furanyahayna wixii dhaqaale ah iyagaa qaata, iyada oo aan cidina canshuureyn, koontarooleynna. Waxaa intaa kaaga sii daran dumarka lagu gadayo waa Soomaali intooda badan, iyadoo aaney cidiba ka dhiidhineyn, ileyn inagii ayaanba isku filneeyne.
Askar Qaran oo Kuwa Ajaanib ah loo dulleeyey
Gobollada kale qaarka eey ka joogaanna iyaga warkoodaba daa, illaa maanta ayey reer baadiyuhu aad uga argagaxaan, maxaayeeley ciddii u dhawaata rasaas ayey ooda uga qaadaan. Gabadhii eey kufsadaanna cidiba warkeeda gaarimaayo ileyn waa baadiyo’e, ugu yaraan kuwa magaalada ayaaba la maqlayaa oo warbaahintu ka warheeshaaye.
Dhinaca kale, Ciidamadan Shisheeye ee dalka jooga, waxeey dhaqaale xoogan UN-ta iyo wadamada deeqaha bixiya uga qaataan joogitaankooda dalka. Nasiib darro! Dhaqaalihii dhisida ciidanka Qaranka lagu bixin lahaa, waxuu intiisa ugu badan galaa kuwa Amisom. Ogoow meesha askariga Soomaaliyeed uu $160/ ka qaato, laga bilaabo Dable illaa Janan, kan Amison wuxuu qaataa ugu yaraan Kun iyo Dhowr boqol oo Doolar. Waxaa intaa usoo dheer, Dhaqaalaha gudaha dalka kasoo gala, ha ahaado: Mashaariicdaa aan soo sheegney, ka Dhoofinta dhuxusha Dakada Kismaayo (Kuwa Kenya), iyo Laaluushka eey ummada Dhuunta ugu galeen. Waxaa sidoo kale jirta in iyaga iyo dalalka eey kasoo jeedaanba qalab Military eey joogistooda Soomaaliya ku helaan, walibana dalalkooda taageero dhinacyo badan ah ayeey aduunka uga helaan, mid dhaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid diplomaasiyadeed intaba.
Nasiibdarro! Waxaa in badani oo Ummadeena ah aaney ku baraarugsaneyn in ciidamadan iyo dalalka eey kasoo jeedaanba, eey hortaaganyihiin in ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo tayo leh in uu dhismo. Waxeey sidoo kale hortaaganyihiin in loo qabto waqti xadidan oo ciidamo qaran, oo howsha kala wareegi kara la dhiso, iyagana dalka eey isaga baxaan. Waa tan keentey in aan labadaa la isku xirin, lagana hadal. Xaqiiqdiina waxbadan oo qalqal lagu galinyo amniga oo ka dhaca meelaha eey joogaanna ma garankartid cida ka dambeeysa! Laga yaabe in eey u dhacaan muujinta in wali loo baahanyahay ciidamadan shisheeye, iyo si sii joogitaankoodu u noqdo mid aan xad iyo dhamaad toona laheyn. Waxaa sidoo kale muhiim ah in aanu wada fahanno danaha gaarka ah ee madaxda dowladaha eey kasoo jeedaan ciidamadan, oo hada inoo sameystey waxa eey ugu yeereen (AMISOM Troops Contributing Countries), oo qaarkood eey xukumaan niman Kaligood-Taliyeyaal ah (Dictators), danna u arka in Soomaaliya lagu mashquuliyo saraakiil badan oo hami sare leh, dhaqdhaqaaqoodana aan la jecleysan, Afgambina ku fikiri lahaa, iyadoo dhaqaale aaney dalkooda ku heli laheyna meeshaa loogu helo ($200/= ayey Uganda ku qaataan), taasoo iyana keeneysa in eey Saraakiishaasu u arkaan in dani ugu jirto siijoogitaankooda Soomaaliya mudo aad u dheer, amaba aan xad laheyn.
Waxaa walwalkeeda leh marka intaa lagu siidaro Sirdoonka dariska iyo kuwa caalamiga ah ee dalka jooga, iyo waliba shirkadaha military ee Calooshood-u-Shaqeeystayaasha ah, ee faraha badan sida: Black Water, Halliday Finch, Bancroft Global Development, Saracen International, SKA, iyo kuwa la midka ahba ee dalka wada jooga, qaarkoodna maal gashiba ku sameeystey dalka, ee Qasriyo Hoteello ah iyo Resorts ka dhistey, cidii eey rabaanna ku dila, kuna afduubta, nasiibdarrona! Cidiba aaney baarin, amaba aaney baarikarinba, oo waxkasta oo qarbudaad ah oo caasimada ka dhacaba waxaa dusha laga saaraa Al-Shabaab, (Wixii xunba Xaawaa leh). Bal u fiirso waxa dhacaya: Dhaqaatiir baa la diley, Isbitaallo qaab casri ah loo dhisey baa la duqeeyey, Baallayaal baa la qarxiyey, soow marka waxa lala dagaalayaahi ma aha horumarka dalka? Xikmad Booliisku leeyahay ayaa dhaheeysa, “Hadii dambi dhoco, si aad u ogaato Dambiilaha, isweydii cidda ka faa’iideeysa, oo dani ugu jirikarto Fal-Dambiyeedkaa”.
Ciidamada shisheeye ee Amison si eey dhibka baaxadda weyn ee dalka eey ku ahaan u qariyaan, waji wanaag badanna caalamka iyo inta aan wax garan ee ummadeena ka midka ah u tusaan, ayey waxeey u sameynteen xarun propagandada u qaabilsan (Media and public Relations/propaganda Department).Waxeey leyihiin website wararka eey ku baahsadaan, waxeey sidoo kale soo saran Joornaal safaaradaha iyo hey’adaha caalamiga ah loo qeybiyo, iyadoo eey usii dheertahay nuucyada kala duwan ee Social Media-yaha ah oo eey arintaa u sameeysteen. Waxeey casuumaan wariyeyaal caalami ah, wareeysiyo hal dhinac ah ayeyna siiyaan. Waxeey sidoo kale sameeyan Video-yo, eey ku sheeganayaan isbadalka iyo horumarka eey Soomaaliya gaarsiiyeen. Bal Is weydiiye, ciidanka Qaran ee Soomaaliyeed inta hada jirtaahi ma leeyihiin waxa oo dhan? Maxaase u diidan oo ka hortaagan?
GABAGABO IYO GUNAANAD
Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeeysee, wixii ciidan la dhisayay illaa 2007-dii, ee tababarka loogu qaadi jiray Uganda/Kenya/Jabuuti iyo kuwii dambe ee Turkey-ga loo qaaday toloow halkee la geeyay? Waxaas oo dhan ma warqadaha ayaa lagu soo qori jiray uun mase dhab ayeey aheyd in kumanaan ciidan dalka dibadiisa tababar loogu qaadi jiray oo ilaa hadda loo qaado? Maxay ku dhici la’dahay in amniga Caasimada oo kaliya eey sugaan iyaga iyo kuwan AMISOM? Maxeyse ku dhici la’ dahay kumanaanka ciidan ee xerada Xalane ku xareeysan in eey hantaan ugu yaraan Ammaanta Xamar? Su’aasha ugu yaabke badanse waa: Goormuu ciidankii qaranku dhismayaa, kuwan shisheeyana dalka ka baxayaan?
“Writing only for SOOMAALINIMO”
Wabillaahi Towfiiq
W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
Maanta aynu ku eegno Goloha Wakiiladu waxa ay Cashuur Nin keensaday ka yeelaan
SOMALILANDEEY MAANTA AYNU KU EEGNO GOLAHA WAKIILADU WAXAY CASHUURTA NIN KEYNSADAY AY KA YEELAAN.
Waxa ceeb ah in dadkeenu u sacab tumo mashaariic lagu dhisay adduun iyagu bixiyeen oo intoodii badnayd ay jeeb qof gashay. Haddaan kaa qaado 100 kun oo doolar oon kuu dhiso guri 50 kun ah ma sacbinaysa mise waad lala dagaalmi doonta, miyaad ii mahad niqi mise waad i dacweyn. Haddaba Xaaji Axmed oo aad u yaqaan sida uu bulshada u jeediyo isagoo inta badan aan la socon ayaa xanaaqu soo kiciya deedna la soo baxa intuu Ina Barre ka bartay, waa khrash loo daadiyo afmiinshaar hooyooyin iyo guulwadayaal sacab iyo sawaxan la dabo socda, iyo koofiyad baclayaal loo qadiido oo lagu laaluusho hantidoodi.
Waxaqabadka ma diidanin oo waa waxa aynu u dooranay, laakiin yaa xukuuma jiib xisaab ayaanu leenahay. Ma aha faanku inuu noqdo cashuur ayaan kordhiyey oo miisaaniyaddii waxaan gaadhsiiyey intaas. Sale cale taas waa idinkaan idin baadhay ee dalka maxaad kheyraad ku soo kordhisay, meeday xisaab celini, maxaa ku baxay mashaariicda maqaska lagu daaliyey, hantidhowrka hurda ma soo ansexiyey.
Waxa maanta Wakiiladu ka doodayaan waa cashuur si toos ay oo bilaa shuruud ah loo xalaaleenaayo Wasiir Xirsi oo horeyba keli ku ahaa lacagta xad dhaafka ah een hantidhowr taaban karin ee Madaxtooyda, een Xaaji Axmed iyo Aw Saylici midna ka war qabin iyo cid kale toona.
Waxa baabuurta yaryar ee maxaysatadu ku qadhaabato iyo Landcruiserkii ayaa isku cashuur laga dhigay. Waxa la kordhiyey wax ka badan labanlaab cashuurta baabuurta yaryar oo laga dhigay sanadkii 60 ( Afar jeer oo min 15 ah)doolar halkay ka ahaayeen 20 dollar sanadkii (Laba jeer oo min toban ah) Waa korodhsiimo ah 200%. WAxa la saaray cashuur la yaab ah oo xoolaha dhoofaya la dul dhigay, waxaynu ognahay qorshaha Itoobiya iyo Jabuuti ku wadaan inay tartan toos ah sanadka soo socda inala galaan ooy xoolaha laga dhoofiyo Jabuuti iyo maxjarka kilinka laga wado.. Waaa ayaan darro in xoola dhaqatada la saaro culus iyadoon waxba loo qaban. Waxaad ogaata nin tajirku ka jaraayo xoolo dhaqatada oo sicirka neefka hoos loo dhigi doono. Caashuurtu sideedaba kuma dhacdo ganacstada haddayna ahayn tan maacaashka.
Golahu heys weydiiyo waxa hortaagan in cashuurta malaayiinta ah ee xawaaladaha iyo isgaadhsiinta ku baaqata. Maxuu Xirsi uga fakirwaayey in maal qabeenka dalka laga soo xareeyo cashuurta, Dabcan waa isaga iyo Samaale oo ku xidhan maalqabeenada ayna dhibti tahay inay iyagu halkan ay joogaan keynsadeen. Haddaba Wakiilada waxa looga fadhiya haddayna iyana maalqabeenku keensan kolay qaar ayey ku leeyihiin inay ka gilgishaan dulmigan yuurura ee is dul koray ee lagu hayo danyarta.
Waar cashuur malaayiin ah ayaa inaga maqan maalqabeenka ee culayska ka daaya danyarta.
Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso lacagta danyarta laga soo uruuriyey ee sida bahalnimada ah loo cantoobsanaayo agtaada waliba sida araxan darrada ah ugu baxda safaradaada bal eeg inta ku dhinac socota ee hawshoodi soo dayacday ee gunada iyo dhiidhiida jeebka loogu ridaayo, eeg inta guulwade iyo afmiinshaar dhoolacaddeynaysa. Xaaji Axmadow xisaab ayaa kaa dambaysa ee is xisaabi intaadan hoyan. Wallee waa iga talo ee is dabo qabo. Waxba ha ku raaxeysan sacab been ah iyo munaafaqadda ammaanta beenta ah ee hortaada laga sheegayo. Alla maxa mid ku amaanaya kolka uu kola joogo cay iyo aflagaado kuu miisa kolka aad ka jeedsato. Ragganimadu waxay ku jirta inaad shib ku tidhaahdo Wasiirada sida doqonnimada ah kuu amaana..kuwa nabi iyo Cumar Binu Khadaab ku ag dhigaya waa qaar ku yaqaan nin ammaan jeceyl oo ka naxa runta, nin nacas ah ayaa ku raaxeysta ammaan aanu lahayn…Alleele iyaga ayey ahyd inaad UF UF UF ku tidhaahdo.
Reer Burcana waxaan leeyahay waar dhibtu dalkoo dhan ayey haysata, oo maalkeeni ayaa xisaab la’aan loo dhacaya ee beerlaxawsiga doqoniimo diida, reer waliba wuu leeyahay tuug dhacan qayb ka ah, laakiin bulsho weyntu meel ay joogtaba wey ka aradan tahay. Yaan xoolihiina leydunku laaluushin.
Wadajir iyo dan wadaag ayaan inoo rajeynaya.
Abdi Haji Ahmed hargeysawi@ymail.co
Waxbarashada Dawladu maamusho ha la saxo, ma waxbaa ku jaban
Waxbarashada Dawladu maamusho ha la saxo, ma waxbaa ku jaban
Waxa la wada dareemay oo aad looga dayrinayaa tayada iyo xaalada waxbarashada dugsiyada dawlada, in kasta oo markastaba dhaliilo jireen waxay hoos u sii hoobatay Saddexdii sanadood ee kulmiye talada hayay, waxa la filayay in tiradu ka sii badato tayaduna ka sii fiicnaato halkay ugu yimaadeen marnaba maanka laguma hayn in waxbarashada dawladu maamushaa tayo ahaan dib ugu noqoto ama ku dhawaato Cahdigii ardaydu ku fadhiisan jrtay daasadaha caanaha, macalimiintuna ku shaqayn jireen iskaa wax u qabso.
Waxa kale oo la og yahay Miisaaniyada dawlada ka sakow in deeqaha dalka lagu caawiyo ee soo mara ururada UN-ta iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo lagu qiyaaso Boqolaal Mliyan oo Dolllar, Boqolkiiba Todobaatan (70%) waxa la siiyaa laba wasaradood oo kala ah waxbrashada iyo caafimaadka.
Dabcan Wasaarada Kharashka intaa leeg la geliyay waa inuu ka muqdaa dadka (macalimiinta) iyo dugsiyadaba.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisu malaha ma dareensana in deeq-bxiyayaashu joojin doonaan ama yarayn doonaan lacagaha lagu taageero Hay’adaha dawlada hadii si xun loo maamulo ama looga faa’iidayn waayo meelihii loogu talo galay.
Hadaba maxaa keenay dib u dhacan ku yimid dugsiyadii dadweynaha (public Schools)?
- Xukuumada Madaxweyne siilaanyo iyaga oo aan ka fiirsan waxay ku dhawaaqeen in dugsiyada hoose/ dhexe laga dhigay bilaash iyagoo markii horeba bilaash ahaa ujeedaduna tahay kaliye inay ku faanaan waayo ardayga bishii waxa laga qaadi jiray wax ka yar laba dollar laakiin wax badan ka tari jiray hawlaha dugsiga sida dayactirka ( kuraasida, miisaska, daaqadaha iyo albaabada), laydhka, biyaha, fayo -dhawarka IWM adeegyadaas oo dhamaantood maanta ka maqan dugsiyada dawlada
- Macalimiinta oo niyad jabsan morale-kooduna aad u hoseeyo , waxay shaqada ku tagaan cago jiid ama maba tagaan
- Mushahar yari awgeed macalimiintii ugu wanagsanayd waxay ka hayaameen dugsiyadii dawlada iyagoo mushahar fiican ka helay dugsiyada gaarka ah oo wakhtigan suuqoodu xaami yahay markii waalidku caruurtoodii kala baxeen kuwa dawlada iyaga oo ay dantu ku kaliftay inay ka bixiyaan 20$ iyo in ka badan bishii
- Heerka daba galka iyo qiimaynta wasarada oo aad u liidata sababta oo ah waaxyihii shaqadaa lahaa qarkood oo aan la hawl gelin, bal u fiirso saacadaha subixii dugsiyada dawlada la galo iyo saacadaha laga soo rawaxo ama la soo fasaxo.
Hadaba waxa layswaydiinayaa laba su’aalood oo kala ah: wasiirka iyo wasiiru dawluhu ma ka war qabaan xaalada dhabta ah ee waxbrashada dalka ee loo igmaday? Hadii ay jawaabtu haa tahay maxaa warbixin loogu gudbin wayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo golaha wasiirada si wax looga qabto ama dib u habayn loogu samayeeyo? Haa way ka war hayaan dhibaatada waxna kama qarsoona laakiin Madaxweynahoodii oo meesha uu tagaba kaga faanaya waxbarashadii baan bilaash ka dhigay iyo tiradii ardayda korodhay, tayaduna ka sii daran sidee bay ugu dhici karaan inay u sheegaan hoos u dhaca ku yimid iyo xaaladu inay marayso meel laga naxo sidaa daraadeed madaxda sare ee wasaarada wado kale uma banaana oo aan ahayn inay dhibaatada iska huursadaan cabashada iyo dhaliilaha loo soo jeediyana muran kaga jawaaban hase ahaatee waxbarashada dawladu maamusho, hala saxo ma waxbaa ku jaban.
Si kastaba ha ahaatee macalimiintuna waxay noqdeen ma yeedhaan aan codkooda la maqal, ma hadlaan cid u hadashana ma haystaan, hase yeeshee tabashada aamusan ee macalimiintu waligeed sidaa ahaan mayso waxa iman doonto dharaar ay isa soo taagaan, dawladaha Africana guud ahaan waxa lagu xantaa in dhibaato laga hortagi karo la sugaan inta ay ka qarxayso marka danban maaraynteedu adkaato ama qiimo sare ku kacdo.
In kastoo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqaano inay sas ka qabto in dhaliilaheeda la sheego hadana waxaan u soo jeedinayaa talooyinkan:
- In la soo celiyo fee-gii yaraa ee ardayda laga qaadi jiray, go’aan aan laga fiirsan oo qaldan laguma sii adkaysto haddii laga noqdo daciifnimo maaha balse waa geesinimo
- In haddii sanadkan 2014 shaqaalaha dawlada loo kordhiyo 20% Macalimiinta waa in loo kordhiyaa 100%.
- In la xoojiyo lana hawl geliyo kormeerka guud ee wasaarada.
- In macaliimiinta wasaaradu tababarka siiso heshiis lala galo si aanay marka ay doonaanba ugu digo rogon dugsiyada gaarka loo leeyahay.
- In Madaxada wasaradu ku dhiirto inay Madaxweynaha u sheegaan in hanaankii Waxbarashada Dawladu fashilmay oo anay sidan ku sii socon Karin iyaga oo u raacinaya talooyinka ugu haboon ee lagu sixi karo
C/raxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.co
Adduunyada iyo ururada caalamiga ah oo laga soo xigtay In Somaliland La Galiyey BLACK-LIST!: waxna lagu aamini karin
Waxa loo samaynayaa Financial Management Board sida dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo kale!
Waxa ay Somaliland xukuumaddeedu lumisay kalsoonidii beesha caalamka kedib markii ay lunsatay lacagihii loogu deeqay ee lagu tijaabiyey!
Nasiib-darrooyinka Somaliland ku habsaday waxa kamid ah in maanta beesha caalamku ka dooddo in aan Somaliland dawladdeeda lagu aamini karin in ay maamusho. Karaamadii iyo haybaddii iyo magacii Somaliland soo dhisaysay 22ka sannadood waxa ay ku dambeeyeen in maanta shilin dambe lagu aamininaynin Somaliland.
Waxa aad ogeydeen in EUdu la noqotay lacan dhawr iyo labaadan million (in ka badan 20 000 000) oo Uuroo kedib markii haydaddii Waddooyinka ee Somaliland Road Authority inta laga qaaday ninkii masuulka ka ahaa ee Cabdixamiid la hoos geeyey Madaxtooyada. Waxa EUdu lacagtaas ula noqotay markii ay aragtay in xukuumadda jirtaa la baabiisay hayaddii 22ka sano jirtay ee ay hore lacagaha faraha badan u siin jirtay sida 6 000 000 ee lagu dhisay biriijyada Hargeisa ilaa Laascaanood u dhexeeya!
Waxa kale oo iyada aad ogaydeen in sanduuqii Somaliland Development Fund ee qaadhaanka loogu uruurinayey labadii dawladood ee ugu horeeyey UK iyo Denmark cid ka dambaysay oo wax ku shubtay ama ballanqaaday aanay jirin sababtuna ahayd in mukhaabaraadka dawladaha deeqda bixiyaa ogaadeen in xubno xukuumaddan ka ag dhawi akoono ka furteen Imaaraadka si ay lacagtaas u weecsadaan. Taasina waxa ay dhalisay in labadii dawladood ee deeqda ugu hor bixiyey sameeyaan guddi ay kamid yihiin oo maamusha lacataasi halka ay tagayso xubnahaas oo ay kamid yihiin Diktooreso Adna Adan.
Xukuumaddani waxa ay hore maalmo kedib markii la doortayba lumisay kalsooonidii shacabkii rajada ka qabay in ay wax hagaajiso, maanta waxa ay lumisay kalsoonidii beesha caalamka.
Haddaba, waxa loo baahan yahay in loo guntado sidii wadanka looga qabanlahaa xukuumadan inta ay wixii la siiyey dam ka siisay hadana midiyaha u lisanaysa in ay dhiigmiirato shacabka, iyada oo aan haba yaraatee waxba ugu filnayn oo aan xitaa diyaaradda ajaanibka ah ee dadkeeda balanbalinaysana juud ka odhanaynin.
Dr. Hasan Kamaal hassanberbera2000@gmail.com
Hambalyo ku socota LAMAANE is calmaday
Hambayo Meherka Boqorka Cabdikarim Daahir Bille iyo Boqorada Nimco Hana Muuse Kaahiye
Dhamaan Dadkan Hoos ku qoran waxay Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Meherka Boqorka Cabdikarim Daahir Bille iyo Boqorada Nimco Hana Muuse Kaahiye oo Jimcihii(20/09/2013) ka dhacay Magaladda Qahira ee Dalka Masar.
Dr Cabdi Mumin Xamari iyo Xaaskiisa Xalimo Maxamed Diirye
Maxamed Axmed Bare iyo Xaaskiisa Aniisa Muuse Kaahiye
Barkhad Maxamed Diiriye iyo Xaaskiisa Kawsar
Cabdikarim Sh. Abdiraxman Awgamboole iyo Xaaskiisa Ayan Mumin
Oo kala jooga Magaladda Qaahira ee Dalka Masar iyo Magaladda Ottawa ee Dalka Canada, waxaan leenahay Ilahay ha idinka dhigo kuwii isku waara Ubad khayr leh kala hela .. Noqda reerkii lagu Nastee lagu barwaaqaysto. amiin amiin
Maxamuudow 4.5 Million Oo Dollar May Gelin Madaarka Hargeysa Ee Meeday Lacagtii?
Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland way ku fashilantay dib u habayntii labada Madaar ee Hargeysa iyo Berbera.
Madaarka Hargeysa waxaynu la soconaa in isaga oo shaqaynayaa la xidhay oo la yidhi waa la adkaynaya waana la dheeraynaya si ay dayuurado waaweyni usoo fadhiistaan.
Markii loo diyaar garoobey in Qandaraaska la bixiyo ayaa sharikadihii ku tartami lahaa candhuuftoodi dib u liqeen markay ogaadeen in tartanba aanu jirin ee Madaxtooyada laga soo bixiyey Qaqndaraaska oo lasiiyey wiil odaygu adeer u yahay . Berigii hore marka mashruuc soo baxo, nin qoyska ka mid ahna uu shaqo la’yahay, waxa la odhan jirey waar hebel waa dareewal e meesha shaqo ka siiya. Laakiin may dhici jirin mashruuc dawladi fulin kari weydey in la siiyo qof keligii ordaya. Dawlada indha adkaanta intaa leeg dadka la hor imanaysaa, waxa kasii darana way ku kici kartaa.
Madaarka waxa ka soo degi jirey dayuurado waaweyn oo ay ka mid yihiin dayuuradii Ruushka ee Illyushin 18. Bal fadlan isu eega waxa u dhexeeya labada dayuuradood ee midna hada lagu faanayo in ay kasoo degto iyo kuwii markii hore ka soo degi jirey. Miisaanka hore waxa weeye miisaanka u culus ee mid waliba ku kici karto. Miisaanka danbena waxa weeye miisaanka u culus ee mid waliba kusoo degi kagi karto.
Illyushion 18 DC 9 Boeing 737-400
Miisaanka U culus 64,000 Kg 54,000 Kg 68,000 Kg
Ee ay ku kici karto
Miisaanka u culus 53,000 Kg 50,000 Kg 56,000 Kg
ee kusoo degi karto.
Tirada rakaabka ee 120 100 200
ay qaadi karaan
Waxaad arkaysaa n in waxa u dhexeeya ee la taaban karaa ay tahay tirada rakaabka.
Waa maqlayseen maalmihii dhaweyd oo dhan in lalahaa dayuuradaha Daallo iyo Jubba waxay qaadeen 120-130 rakaab ah. Waa intii awelba ay qaadi jireen dayuuradihii iman jirey Hargeysa. Haddii dhabaha dayuuraduhu adag yahay ama ku filan yahay maxaa loo qaadi waayey 200 oo rakaab ah. Xujaajtii way buuxdaaye, Maxaa kolba loo qaadayaa 120 qof?
Nasiib darro, Wax iska bedeley Madaarka Egal international ma jirto. Tiradii rakaabkii kasoo degi jirey ama ka dhoofi jirey ayaa hadana kasoo dega ama ka dhoofa.
Runtii taasi may ahayn ujeedadii laynoo siiyey mucaawimada ee waxa laynoo siiyey in aynu dhabaha dayuuradaha ku adkayno kuna kordhino dhererkiisa. Dayuurada hada imanaysaa maxay taraysaa hadaanay iyadoo buuxda soona fadhiisan Karin kana kici Karin dhabaha ee ay ku qasban tahay in ay mar walba aad u dhinto rakaabka ama alaabada ay keenayso ama qaadayso
Waxaan aad uga xumahay in dawladii difaaci lahayd Madaarka iyo dadka kasoo degaya ay been iyo indho aadayg lasoo taagan tahay oo ay difaacayso budhcadii lunsatay caawimadii lagu soo qaaday magaca ummada.
Waxaa arkayseen maalmahanba Culays la saarayo shirkadaha dayuuradaha oo marna la baryayo marna loo hanjabayo si ay u hadlaan oo yidhaahdaan Madaarkii waa la hagaajiyey.
Waxaanu leenahay dayuuradahaas kalsoonida shicibka ha luminan oo dacaayado dadka lagu majaro habaabinayo ha ka qayb gelina. Denbigaa waxa kow ka ah Wasiirka wasaarada duulista Maxamuud Xashi.
Qandaraaskan sidii loo musuqmaasuqayna waxa kula jira guddoomiyaha guddida qandaraasyada, dareewalka lasiiyey qandaraaska ee isku qaaday waxaanu garanayn iyo cidii Madaxtooyada ka soo socotey ee soo saartay amarka lagu bixieye qandaraaska.
Waxaan nasiib darro labaad ah in Wasiiro dhawr ah oo magac ku leh umada reer Somaliland dhexdeeda loo adegsado sidii loo denbebesi lahaa musuqmaasuqa intaa leeg.
Waxaan kusoo gabagabynayaa, Maxamuudow fadlan ummada reer Somaliland u sheeg lacagtii xagay jirto, ilayn way cadahay in aanay Madaarka Hargeysa 4.5 million Dollar geline?
Eng. Maxamuud Xirsi Qatala yifnan@yahoo.com
Sawaaxilida oo Somalida u hanjabtay iyo Qeyb ka mid ah Mall-ka West Gate oo duntay
Wakaalada wararka ee AFP ayaa kasoo xigatay saraakiisha dab damiska iyo kuwa amaanka in goor dhaweyd qeyb kamid ah dhismaha kore ee xarunta Westgate ay soo duntay, ayadoona imika uuro ay ka baxeyso xarunta, oo mudo afar cisho ah ay gudaha ugu jiraan dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab, sida ay ayagu sheegteen.
Waxaa lagu waramayaa in qeybta duntay ay tahay qeyb ku aadan goob la dhigto gawaarida, ayadoona wararka ay intaasi ku darayaan qeybta imika duntay shalay laga maqlay qaraxyo xoogan.
Dhanka kale warar ayaa sheegaya in Ciidamada Police-ka Kenya ay maanta kala eryeen dad mudaaharaadayaal ah oo Banaanka Guriga Westgate isugu soo baxay oo ku qeylinayay Soomaali hanaga baxdo.
Dadkaan ayaa ka careysnaa sida la sheegay Weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate Mall oo Kooxo Mileeshiyo ah ay Sabtidii Weerareen.
Waxana lasoo warinayaa in Ciidamada Police-ka ay awood ku kala Eryay, mana jirto cid wax ku noqotay Mudaaharaadkaasi.
Si kasto wali xal buuxa laga gaarin arinta westgate waxaana kooxihii sabtidii la wareegay goobtas ay wali ku jiraan , waxaana muuqanaya bur bur oogan oo goobtaasi soo gaaray kadib arkii qeyb ka mid ah daartaasi ay duntay
Tacsi kusocta Qoyskii Axmed Sheekh Mahdi
Dhamaan qoyska reer Xaaji Nuur Maxamuud Kaadiye oo kala jooga wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Ahmed Sh. Mahdi Adem oo manta ku geeriyoodey magaalada Borame, waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu u naxariisto janadii fardowsana ka waraabiyo. Eheladii iyo qaraabadii iyo intii uu waxbarayna dhamaan sabir iyo iimaan ilaahay ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
A short tribute to my teacher (Ahmed Sheikh Mahdi)
A short tribute to my teacher (Ahmed Sheikh Mahdi)
Expressing how it feels to lose someone with so much significance in your life is an overwhelming task. The heartache and grief that must accompany the loss is far beyond words. The pain is intense when the loss is someone so dear to you that had many impacts and unforgettable mark on your life.
I was browsing through facebook last night, when I stumbled the regretful, deplorable news of the sudden demise of my beloved and respected teacher, Ahmed Sheikh Mahdi. It was heartwrenching, unbearable and extreme shock to me. It was such a tragic and tremondous loss that I felt completely devastated. My first response was a grief and tears filled my eyes as I read the shocking news. Indeed, words are inadequate to express my feelings. We lost a hero, a legend, a star that brightened the future of many generations. We have lost some one who is precious beyond words.What a catastrophic loss!!! Ina lilah wa ina ilayhi rajicuun.
Ahmed Sheikh Mahdi was passionate, hard-working and commited teacher, putting his heart and soul into teaching, driven by a need to give his best in contributing to the betterment of his students. He had a way of communicating with his students that resonated far beyond what most teachers ever manage to achieve. Teaching was not just a job for him, it was a passion that flowed from his heart. Not only was he an English teacher, he also had a way of making you think critically, inspire you, and could make lessons resonate with you, even years afterward. This made him loved, appreciated, and respected by any generation including me that had the previledge to learn from him over the years.
He established the first ever reputable English Institute in Borama in 1990s. This institute represented the higher education at the time because all the secondary schools were put to a halt during the wars. I can describe that Institute as a University as it was the only hope and light Awdal generations had before Amoud University was launched. However, his unparallel profound impact upon Awdal students is hugely commendable and history will undeniably look favorably on him.
For me, he was one of the most exciting teachers I have come across in my academic career. I feel so grateful to have been taught so much by such a wonderful man and educator. He had a strong instrumental positive force in my life. Apart from my intermediate and high school, I had also the previledge to be one of his close students in Sh.Mahdi Institute. He was so friendly that he always inspired me with successful stories. His constant motivation and impetus left an indelible mark on my life; a remarkable mark that imprinted in my heart. I vividly remember his words when he gave me the certificate of his Institute almost a decade ago. “Mustafa, you have a bright future ahead, keep going and do whatever it takes to reach you goal”. As I move forward, I hold tight to those wholehearted words.
In a nutshell, Ahmed Sh.Mahdi was an extraordinary teacher in every sense of the word. He left behind a a real legacy of love; in his career, he touched more lives than some people do in lifetime. His loss profoundly impacts so many people who knew him well. Our grief is deep with the knowledge that will no longer be at the institutions with students who adored him and colleagues who respected him. Time is the healing agent. He will forever remain a hero, a legend and a role model in our eyes. My sincerest condolences to his family for his loss. I grieve with you and may allah bestow upon you his grace and mercy at this tragic time. And may allah grant him Jannah.
Dr. Mustafa Mohamed Ahmed ( The product of Ahmed Sh.Mahdi)
Amoud Medical School MBBS
Pediatric Resident at Jiamusi University
Heilongjiang Province, CHINA