Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all 613 articles
Browse latest View live

Hambalyo Aroos oo ku socota Faysal Cumar Geeljire Iyo Hodan Cali Ibraahim

$
0
0

Hambalyo Aroos:  Dhamaan reer Cumar Kahin (Cumar Geeljire) iyo
qoysaskooduba meelkasta oo ay kala joogaan
Faadumo Cumar Kahin (Geeljre) iyo reerkeeda
Dr. Abdirahman  iyo reerkiisa
Abdisamed iyo reerkiisa
Leyla Iyo reerkeeda
Chief Caaqil Cabdicasiis iyo reerkiisa
Nimco iyo reerkeeda
Umalkhayr iyo reerkeeda
Safiya iyo reerkeeda
Jamal iyo reerkiisa
Umalkhayr Maxamed Cumar
Mustafe Maxamed Cumar Iyo reerkiisa  dhamaantood dadkaa kor ku xusan
iyo qoysaskooduba waxay dhaleen waxay siidhaleen dhamaaan waxay
hambalyo kal iyo laaba u dirayaan Faysal Cumar Geeljire Iyo Haban Cali
Ibraahim oo meherkoodu kadhacay 15-11-2013 magaalada Ottawa ee Dalka
Canada waxaanay leeyihiinn gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax
noqda kuwii isku waara ee ubad khayr qaba kala hela aamiin aamiin
aamiin


SIRTA XASAASIGA AH EE KA DAMBEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” EE SOOMAALIYEED! Yey dani ugu jirtaa Khilaafka

$
0
0

SIRTA XASAASIGA AH EE KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” EE SOOMAALIYEED!

“If there is a will, there is a way”.

HORDHAC/GOGOL-DHIG

 

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

 

Intaa kabacdi, horta aan ku bilaabo’e xiligii Ra’isulwazaarenimada tartanka loogu jirey, oo rag badani eey xilkaa u xusulduubayeen, ayaa waxaa Madaxweynuhu iska diidey rag badan oo xaqiiqdii aad u culculusaa, aqoon ahaan, khibrad iyo waayoaragnimo ahaan intaba. Ragaas waxaa intooda badan uu Madaxweynuhu ku qoonsadey shuruudo u gaar ahaa, oo magacaabista Ra’isulwazaaraha uu ku xirayey, balse eey ugu waaweeynaayeen labo shardi. Labadan shuruud waxeey kala ahayeen: 1-In ninka uu Madaxweynuhu Ra’isulwazaare u magacaabayo noqdo “Nin uu wadankaro”, kana firfircoonaankaro, isagoo ka faa’ideeysanaya khibrada xukuumadihii ka horeeyey, maxaa yeeley madaxweyne Sh. Shariif wuu iska wadankarey Ina Sharmaarke, balse markii uu magacaabey Farmaajo xaalkiisu wuu is badaley, oo Farmaajo ayaa aad uga firfircoonaa, kana sumcad dheereeyey, oo shacbiyad aad u weyn ummada ku dhexyeeshey, dabcan illaa iyo maantana xaqiiqdii ku dhex leh.Waxeeyse howsha Shariif uga sii dartey markuu Ra’isulwazaare ka dhigey Dr. Cabdiweli Cali Gaas, taasoo  la yaabkeedaa laheyd, maxaa yeeley wuxuu Cabdiweli dagaal xoog leh iyo Caayba la daba taagnaa Sheikh Shariif xilligii C/llahi Yusuf, taasi oo ay Rag badan ku sifeeyeen in Sheekh Shariif uusan aragti fog lahayn. Cabdiweli wuxuu Shariifkaba ka dhigey nin hurda, siduu doonana ugu dulshaqeeystey, illaa uu dowladii Qarankaba Puntland hoos geeyey, Faroolena ka dhigey nin aad u awood badan, oo waxkasta oo Qaranka quseeyaba aanan looga maarmin. Wuxuu gaarey Cabdiweli Gaas heer ah in uu ka dhigo wufuudii dowlada Qaran u matali laheyd shirar caalami ah, gudi si toos ah uga socda puntland, miraha kasoo baxana Puntland eey gaar u qaataan.Waxaa intaa dheereyd in qalabkii dib u dhiska Caasimada dowlada Talyaaniga u bixisey, uu si toos ah ugu wareejiyey maamulka Puntland. Iyadoo meesha aanu ka marneyn “Dastuur-ku-sheegii” shakiga uu ku galiyey Caasimada dalka ee Muqdisho. Qoraa sare: Cabdi Cismaan, oo qormo ka sameeyey rag uu Cabdiweli ku jiro, ciwaankeeduna aha “Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD” fadlan Link-gaa ka eeg, qeybta quseeysda Dr. Cabdi Weli Cali Gaas, adiga ayaa ka dhargidoona sida uu waxbayahay uga dhigey Sh.Shariif, uguna dulshaqeeystey. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo tariikhdaa ka faa’ideeysanaya ayaa si sidii Sh. Shariif ku dhacdey aaney ugu dhacin, ayaa wuxuu doorbidayey nin uu ka firfircoonaankaro, sidaana shardiga koowaad ka dhigtey.

 

Shardiga labaad oo raga kasoo gudba qodobkaa hore oo kaliya lagala hadlayey ayaa ahaa,  2-In ninkaa daneeynaya in Ra’isulwazaare loo magacaabo uu ogolyahay liis wadaxweynuhu watey oo Damjadiid ahaa uu jagooyin waziiro ah, oo  waliba uu sii xadidey, iyagoo sidooda ah in uu ugu magacaabayo, waliba waziirada oo kaliya ma aheeyne in uu waziiro kuxigeenada iyo waziiru dowlayaasha lamagacaabi doonaba uu sidaa oo kale Liiska loo keeni doono uu u yeelidoono. Qodobkan rag kooban oo shardigaa hore kasoo gudbey baa iska diidey, iyana xilka Ra’isulwazaarenimo ku waayey. Ra’siwazaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid wuxuu kasoo baxaey shardigii 1-aad, wuxuuna si toos ah u aqbaley shardigii 2-aad, sidaa daraadeed waxaa madaxweynuhu ku abaal mariyey jagadii Ra’isulwaaaraha Dowalada Federaalka ah ee Soomaaliyeed. liiska loo dhiibey waxa ugu cadcadaa sadex qof, xaqiiqdiina ahaa lama taabtaan: 1-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya: Mudane: Faarax C/qaadir (Faarax Topaz) oo ah Damjadiid, ahna mas’uulka ugu sareeya hey’ada weyn ee Muslimii Ifriiqiya, Simad iyo Sikuulka weyn ee Axmed Gureeyna iska leh, iyo mashaariic badan oo Soomaaliya Gudaheeda ah.Waa nin aad u firfircon oo aad u karti badan, jecelna in uu gadaal (Shaashada gadaasheeda) wax kahogaamiyo.Waa ninkii hogaaminayey ololihii utartanka Madaxweynenimo ee Madaxweyne Xassan. Waa ninka hey’adiisu maalgalisey mahcadka Simad ee Xassan uu madaxda ka ahaa. Faarax inkastoo Wazaaradii uu doono uu helayey, hadana si aan Madaxweynaha  loogaga dhawaan, Villa Soomaaliyana uu dalka uga maamulo ayuu isaga doortey in loo magacaabo Waziiru-Dowlaha Madaxtooyada. Waxeey labadoodu waligood ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow. Faarax oo kasoo jeeda mid ka mid ah Beelaha aan Muqdisho ku xoogbadneyn, (Reer Owxasan), ayaa Xassan Sh.Maxamuud oo Abgaal ah (Waceysle), wuxuu u ahaa Nin meelo badan wax uga soo dhicinkara mashaariicda baaxada weyn ee Faarax, gaar ahaan Waqooyiga Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan.

 

2-liiska waxaa safka hore kaga jirey sidoo kale: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka ee xukuumada federaalka ah ee Somalia: Mudane: C/kariin Xuseen Guuleed oo isna ah Damjadiid, kana mid ah shaqaalaha usoo shaqeeyey hey’ada Muslimii Ifriiqiyada ee Faarax madaxda u yahay, iyo waliba college-kii Simad. Maadaama C/Kariin kasoo jeedo Beesha Habargidir (Sacad), isna wuxuu u ahaa Faarax nin meelo badan wax uga soo dhicinkara, gaar ahaan Koonfurta Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan 3-Waxaa Iyana liiskaa ka mid aheyd wasiirada Arimaha Dibada, ahna Ra’isulwazaare ku xigeen: Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji, waa gabadhii eey Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud isla wadeen mashruucii Jaamacada Hargeeysa. Mudo ayey iskala qaraabanayeen oo wax iskala cunayeen mashaariicda UN-ka wax looga cuno. Waxbadan beey iska kala ogyihiin, waase laba qofood oo wax isla wadi kara, isla cunikara, kalana badbaadi kara, waana waxa saaxiibada aadka u dhow ka dhigey oo xilkaa eey ku muteeysatey, liiskana safka hore uga gashey. Meesha kaliya oo eey isugu dhicikareen waa arinta “Qadiyada Goonni-isu-taagga Somaliland”, taana Madaxweeynaha indhaha ayuu ka laabtey, oo waakan soo istaageyba [Wax Diplomatic Pressure ah u isticmaali meeyno Somaliland], ogoowna Diplomatic pressure waa awooda kaliya ee dowladani heysato si dalka aan loo kala gooyne, ileyn “Economic Pressure”, ma heeyso, oo iyadaaba mushaaraadka laga bixiyaa, “Military Pressure-na” warkiiba daa, oo iyadaaba Villa Somalia lagu waardiyeeyaaye. Wuxuuna sidoo kale Madaxweynuhu goostey in uu albaabkaba ka xirto “Khaatumo State” oo taagan midnimaan rabtaa, sidaa daraadeedna eey Somaliland xiisado colaaleed kala dhaxeeyso. Foowsiyo maxeeyba iyada iyo saaxiibkeed iskula dhacaanba! Marka arintan “Midnimada” toos saxaafadu uweydiiso Foowsiyana jawaab cad iska diidey in ey ka bixiso, maxaa yeeley Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir oo Waziir iyo Ra’isulwazaare ku xigeen kasoo noqdey Xukuumadii Soomaaliya ee uu  Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf ka ahaa, maantana xukuumada Soomaliland dib ugu noqdey, sidiisii oo kale ayaa malaha iyana u qorsheeysan in eey Ururkeedii Siyaasadeed ee Somaliland ka dhisnaa, dib boorka uga jafto, waliba iyadoo aduunka caan ka ah, oo Soomaaliya oo dhan usoo noqotey Ra’isulwazaare ku xigeen iyo Waziir Arimo Dibad.

 

MAXAA IS BADALEY, OO LEEYSKU HEEYSTAA KHILAAFKANA KEENEY?

 

Mudo sanad ah ayaa sidaa aan kor kusoo xusney lagu shaqeeynayey, xaqiiqdiina inta badan siyaasada dowlada waxaa kala wadey “Madaxweynaha iyo Kooxdiisa” oo eey ugu horeeyaan; Faarax C/qaadir (Faarax Topaz), C/kariin Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Kamaal Daahir Guutaale oo ah Chief of Staff-ka Madaxweynaha. Waxaa jira waziiro madaxweynha iyo Ra’isulwazaarahaba kawada garab muuqda kartidooda iyo firfircoonidooda darteed sida: waziirada Wasaarada Hormarinta Adeega Bulshada: Dr. Maryan Qaasim Axmed, wasiirka Difaaca Mudane: C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka Warfaafinta Mudane: C/laahi Ciil Mooge Xirsi. Nasiibdaro! waziirada Madaxweynuhu keensadey Ra’isulwazaaraha waxba uma oga, waxaa daliil kuugu filan shirkii waziirada ee dhacay (November 14, 2013), khilaafka labada mas’uul ka dhaxeeya darteed aaneyba soo xaadirin “Waziiradii madaxweynaha” iyo waliba kuwo kale oo xilkooda u cabsadey.

 

Saacid waa nin wadani ah, waana nin dagan oo aad u samir iyo dulqaad badan. Waxbadan indhaha ayuu ka laabanayey, maadaama uu ogaa sida uu ku yimid. Wuxuu sidoo kale mudo iska indhatirayey “Kooxda S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Galeyr, Gaandi, Ina Sharmaarke, Cabdiweli, iyo inta ku fikirka ah ololo Beeleed eey wadeen isaga ku kicinayeen. iyadoo eey ragan jiraan ayaa sanad kabacdi waxaa ololihii kusoo biirey kooxo kale, oo isu wada baheeystey naceybka madaxweeynaha iyo kooxdiisa Damjadiid, waa kuwii la baxay “Golaha Samatabxinta Qaranka” ee Nairobi ku shirey. Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Fuley la caraadiyey, Geesi buu noqdaa!” ugu dambeyn Ra’isulwazaare Saacid, wuxuu ku qancey in uu xaalka wax ka badalo.

 

Qorshaha wuxuu ka bilaabey in uu yiraahdo xukuumada ayaa la ballaarinayaa, madaama wazaarado badan isku hoos jiraan, madaxweynahana wuu ku qanciyey, ulajeedada dhabta ahse waxeey aheyd in uu xafiiskan Ra’isulwazaarenimo ee uu isu arkey in uu maqaar-saaar ka yahay, si buuxda gacanta ugu dhigo, isagoo soo magacaabaya xukuumada isaga u og in uu madax u yahay, oo eey hoos tagaan, taana ma dhici karto iyada oo aan meesha laga saarin “Waziirada Madaxweynaha” ee Damjadiid, gaar ahaan raga garbaha u ah madaxweynaha ee uu ku duulo, ama “Inner circle-ka Madaxweynaha”. Sidaana wuxuu ku gudbiyey Liiska cusubka ee waziirada oo eey kawada maqanyihiin kuwii safka hore kaga jirey liiskii loo dhiibey xiligii la magacaabayey. Dadkaa waxaa ugu horeeyey Faarax, Fowsiyo iyo Cabdikariin

 

Nasiibdarro! Ra’isulwazaaraha wuxuu iska indhatirey in madaxweynuhu aanu ogolaaneyn in liiskaa meesha ka baxo, Gaar ahaan Faarax C/qaadir (Faarax Topaz). Hadaan soo gaabinno, “Faarax C/qaadir  meesha haka baxo, waxeey la mid tahay Xassan Sh. Maxamuud meesha haka baxo”, waana waxa keeney xanaaqa gaarey, “Saacid;  Adeeroow is casilba!”.

 

HORTA MADAXWEYNUHU MA CASILI KARAA RA’ISULWAZAARAHA SHARCIYAN?

 

Jawaabta tooska ah ee su’aashaasi waa: “Maya!”. Maxaa yeeley [Dastuur-ku-sheega] hadda inoo yaallaahi cutubkiisa 7-aad, qodobka 90-aad wuxuu ka hadalayaa Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha JFS, isla qodobkaan farqadiisa (d) iyo (e) waxeey dhigayaan sidan:

 

D) Wuxuu madaxweynuhu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad, wuxuuna xilka ka qaadayaa, ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka ah, hadii eey weeydo codka kalsoonida golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal dheeri ah (50%+1).

 

E) Wuxuu Madaxweynuhu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wasiir-ku- Xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

 

Waa intaa waxa inoo qoran, balse malaha “Orodoo is casishu”, waxeey aheyd codsi’e, meel ma heeysato sharciyan.

 

MUXUU KU DAMBEYNKARAA  IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?

 

Hadii aan la xallin, waxaa ugu dambeyn daaqada ka baxaya mudane: Saacid, meeshaa ayuuna kusoo afjarmayaa Political Career-kiisii Ra’isulwazaare ahaan, waa marka aad dib u fiiriso taariikhda mugdiga ah ee isku soo dhaca madaxda’e. Waxaa intaa kuu sii raacsan in Saacid aanu taageero ka heeysan inta badan beelaha Daarood, Digil & Mirifle, oo waxeey isku seegeen sanadkii si kasta eey ugu kicinayeen Madaxweyne Culusoow, balse uu ka dhaga adeeygey, maanta waa xiligii eey duruusta u dhigirabeen. Dir iyo Hawiyana inta uu ka heeysto ma badna. Laakiin waxa meeshaa ku qasaaraya ma aha Saacid oo kaliya, ee Madaxweyne Xassan isna qasaare farabadan ayaa kasoo gaaraya, maxaa yeekey nin eey wada shaqeeynkaraan, ama sida dadka qaar u dhigayaan, “Uu wadankaro” ayuu heeystay, kan imaandoona sida uu ku noqondoono ma hubo, inta arintan aan xal laga gaarinna, waxaa maalinba maalinta kasii dambeeysa buris weyni uu ku dhacayaa isaga iyo kooxdiisa Damjadiid, iyo waliba guud ahaan xukuumada uu madaxweynaha u yahay, oo in badani aaminsaneyd in eey tahay xukuumad rasmi ah, oo wixi hore ee xumaa oo dhan ka gududbtey, is khilaafka madaxduba ha ugu horeeyee.

 

YEEY DANI UGU JIRTAA IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?

 

Dhowr kooxoodba dabaaldagii eey bilaabeen marka khilaafka labada mas’uul uu soo baxay illaa hada weey ku jiraan. Kuwaa waxaa ugu horeeya 1-Kooxa qabyaladeed ee “S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Ina Sharmaarke, Cabdiweli Gaas, Galeyr iyo Gaandi iyo inta ku fikirka ah oo mudo sanad ah Caayda iyo Caraadinta Saacid ka dhamaanwaayey. Faroole iyo inta ku fikirka ahba waxeey rajo weyn ka qabaan in sidii hore u dhacdey xiligii Farmaajo, inta Saacid meesha ka baxo, Faroole Ina-Adeerkii loo dhiibo Xilka Ra’isulwazaarenimo, kaasoo sidii Cabdiweli Gaas danaha ummada Soomaaliyeed oo dhan Puntlad hoosgeeya, oo waliba u garbaduuba Soomaali oo dhan. Waxaa intaa soo raaca 2-Kooxda Nairobi, ee isku magacoowdey “Kooxda Samatabixin Qaranka”, oo eey aad ugu weyntahay naceybka Madaxweynha iyo Kooxda Damjadiid, ugu yaraana raba in eey arkaan, dowladan oo gabi ahaanba burburta maadaama eey ku ridey “Rajo beel jaggo”. Kooxdan waa fursad xil raadis, naceybkoodu meel kale haka raadin. Waxaa soo raaca 3-Xildhibaannada intooda badan marka laga reebo tiro aad u yar,  oo Mooshin keenis iyo khilaafka madaxda sare “Naq iyo Barwaaqo ka daga”, oo caasuumad joogto ah iyo dhaqaale xoogan oo lagu kala jiidanayo u bartey in eey farqaha ka buuxsadaan, ogow hade waa dhaqaale xaaraan ah, ileyn dhaqaalahaa waxaa iska leh danyarta Ummada Soomaaliyeede,  iyo igu dambeeyn 4-Wadamada dariska iyo hey’adaha Nairobi u fadhiya dhaca dhaqaalaha ummada, oo u arka khilaafka joogtada ah in uu sii fogeeynayo rajada Ummada, iyo helitaankooda Qaran dhab ah, oo danta dadka iyo dalka si dhab ah uga shaqeeynkara.

 

MAXAA XAL AH OO DANTA GUUD IYO TOODUBA EEY KU JIRTAA?

 

Gudoomiyaha maxkamada sare oo Universal wareeysi khilaafkan ku saabsan siiyey wuxuu yiri, “Muskiladu waa nidaamka aan qaadanney” link-gaa ka daawo, gudoomiyaha Baarlamaankuna ka hadal. Anigase ma garanayo in eey ka wada badbaadinoonaan Culusoow iyo Saacid kuwa iskusii diraya, kala jiidanaya, siina kala fogeeynaya, oo qarashka ku bixinaya, balse hadii caqli miirqabaahi eey ku fikiraan, waxaa usoo baxeeysa in eey ku dadaalaan is fahan, iyo isu danaasul, cadowgoodana aaney fursad siin, walibana aanu waqtiga kusii dheeraane degdeg eey xal u gaaraan, waloow taasi adagtahay, hadana waligeedba hadii rabitaan jiro, xal lama waayo, maahmaah Ingiriis ah ayaa leh, “If there is a will, there is a way”.Waxaan ku gabagabeeyn lahaa, “Madaxweyne Shalay adigoo rag kuu tashadey ayuu Ra’isulwazaare Saacid kuu hiiliyey, ee maanta u hiilli oo cadow ha u jabin, waa hadaad nin in la taageero mudan tahay’e.”

 

Writing only for SOOMAALINIMO

 

Wabillaahi Toowfiiq

 

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

 

Bare/Macallin Jaamacadeed. Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

 

Al-Madinah International University, Malaysia

 

abdulkadirphd@hotmail.com.

Hurdoweyne Saacid, Nacweyne Xasan & Danbiweyne Jawaari The dead, the bad & the ugly W/Q: Ahmed A. Ali

$
0
0

Hurdoweyne Saacid, Nacweyne Xasan & Danbiweyne Jawaari The dead, the bad & the ugly W/Q: Ahmed A. Ali

E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

Ilaahow adaa weyn oo waaxid ah. Ilaahow Aqoonna ha nagu cadaabin Eexna ha nagaga tagin.

 

Nacweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa hogaamiye qaran oo qaba, xilka uu u hayo ummadda Somaaliyeed in loo iibiyey. Xasan wuxuu aaminsanyahay inaan cidina ka dabahadli karin inta uu dhammaysanayo mudada uu u kireysanyahay xafiiska uu maanta fadhiyo ee uu ku matalayo Shacabka Soomaaliyeed ooy ka hadhsantahay saddex (3) sanadood.

 

Dillaalweyne Faarax Abdulqaadir, waa Hoggaamiyaha dahsoon ee ruuxiga ah ee kooxda Dam-Jadiid (Dhiiga Cusub) oo uu xubin ka yahay Xasan.  Faarax iyo kooxdiisu, iyagoo adeegsanaya lacagayow farabadan oo qayb ka ahaa dhaqaale loogu talagalay in lagu bur-buriyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya ayey u suurta gashay in ay Maalgalin balladhan kula wareegaan Hannaankii Dowladnimo ee wadanku lahaa.
Si hawlyar waxey heshiis hoose ula galeen Koox kale oo ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya. Dam-Jadiid, waxey si fudud ugu guuleysteen iyagoo doolar adeegsanaya iney Xasan oon Soomaali aqoon ay u leedahay daayoo, horey Magaciisana u maqal ay u iibiyaan Xilka uu hadda hayo.

Faarax (Hoggaamiyaha Qaranka een dahsoon) wuxuu qabaa in uu isagu leeyahay awoodda ugu sareysa ee Dowladnimada Soomaaliya. Faarax wuxuu hadaba aaminsanyahay in Xasan iyo cidii kale ee Xasan magacaabey iyo Xubnaha Baarlamaanka, aaney mid koodna ka daba hadli karin inta ay u kireysanyihiin ooy ka hadhsantahay Saddex (3) Sanadood.

 

Danbiweyne Jawaari-Maxamed Cusmaan, waa Hogaamiyaha Xubnaha (Ma Dhibaanada) ee Baarlamaanka Soomaaliya. Af Soomaaligu waa margi ee yaan macnaha Ma Dhibaan meel kale lala aadin. Waxaan Xubnaha Baarlamaanka Ma Dhibaan ugu bixiyey, waayo waa dad aanuu marnaba dhibin xilka loo xambaarshey oo xalaashadey: Xaqqa Dalka & Dadka oy duudsiyaan, Xaaraantoo ay quutaan, Xaajadoo ay xumeeyaan, Xantoo ay ku naaloodaan iyo Xal koo ay  xabaalaan.

 

Waxaan halkan ka qirayaa, in dad Akhyaar ah, Xil Kas ah, Culimaa’u Diin leh, Aqoonyahanno leh, wadaniyiin leh ay ka mid yihiin Ma Dhibaanada (xubnaha) Baarlamaanka.

Hasa yeeshee waxaa magacani sababsaday kuwa aan xiku dhibin ee u badan:

1.     Da’weyne Damac yar

2.     Cirroweyne Cilmi yar

3.     Tuugsiweyne Talo yar

4.     Dhererweyne Dhug yar

5.     Cirweyne Caqli yar

6.     Dirirweyne Dowladnimo yar        iyo

7.     Waranweyne Wadaninimo yar

Xubnahan u badan kuwan kor ku xusan, waxay qabaan in ay beelahoodu meesha keensadeen.  Qaar baa waxay qabaan inay Ma Dhibaanimadooda jifooyin kale oo ka mudnaa looga soo dhacay, oo hab sad bursi ahna loo Ma dhibaaneeyey sidaana ay ku fadhiyi doonaan inta xaqqu feedhaha ka dilaacayo.

Qaar ka mid ahi oo u badan Qurbojiif hore waxay qabaan inay hab maalgashi ah ay dalka u yimaadeen, dhaqaale farabadanna ku iibsadeen Ma dhibaanimadooda.
Qaar kale waxay qabaan inay xiliyadii dagaalada sokeeye ay Hoggamiye Kooxeedyo, Qasweyneyaal (Yaan kalmadda Qasweyneyaal meel kale loola baydhin. Waa kuwa wax qasa ee nabada carqaladeeya) Darbiyo difaaca Beelahooda ahaayeen abaalgudna looga dhigay kuraasta Ma dhibaanimada ee ay ku fadhiyaan.

 

Isku wada duubuu, Ma dhibaanadu waxay aaminsanyihiin, inay dhintaan mooyee in aaney dhici Karin lana badali Karin, inta ay dib ulasoo noqonayaan waxay maal ku bixiyeen iyo inta odey dhaqameedyadii Beelahoodu u kireysanyihiin iyaga oy ka hadhsantahay Saddex (3) Sanadood.

 

Danbiweyne Jawaari wuxuu qabaa inuu isagu yahay ninkii Dam Jadiid u fududeeyey maalgashigii iyo iibsashadii ay kula wareegeen Xubnaha Baarlamaanka. Wuxuu qabaa in mar walba loo baahanyahay si sharci looga dhigo damaca duudsiga ku salaysan ee Dam-Jadiid.

 

Wuxuu si foolxun oon sharciga waafaqsaneyn u adeegsadaa, awoodiisa gudoomiyenimo.

 

Wuxuu aaminsanyahay mar hadii isaga iyo Ma Dhibaanadiisu u kireysanyihiin difaaca danaha kooxda Dam-diid in aan laga maarmi Karin oo difaacooda marwalba loo baahanyahay, oon laga daba hadli Karin sidaana ay ku dhameysan doonaan mudada ay Dam-Jadiid u kireysanyihiin oy ka  hadhsantahay mudo dhan Saddex (3) Sanadood.

 

Hurdoweyne Saacid waa Wasiirka Kowaad ee qaranka. Wuxuu qabaa inuu ka soo jeedo Beel ka mid ah Beelaha waaweyn ee Soomaaliya. Wuxuu qabaa inuu xilka uu hayo uu ku helay qaabka awood qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed.

 

Wuxuu qabaa in Dastuurka Dalka u yaala uu awood badan siinayo oo uu isagu leeyahay awooda sare ee fulunta. Wuxuu hadaba aaminsanyahay inuu ku tiirsanyahay laba buurood (Beelood)- – - – - – - oo lagu darey awooda Baarlamaanka oo sharcigu difaaci doono.

 

In Ma Dhibaanada Baarlamaankuna siin doonaan codkooda kalsoonida. Sidaana uu ku dhameysan doono mudadii loo magacaabey oy ka hadhsantahay mudo dhan Saddex (3) Sanadood. Saacid wuxuu dadka kale kaga duwanyahay, isagu markuu maqlay is casil ayuu awoodiisa ogaadey.

 

Waxa la yidhiCaano nin lisay la ogyahay, nin kastaaba ha sido.

 

Hurdoweyne wuxuu garanwaayey in xilkan uu hayo, beeshiisu qayb ahaan haba u hesho hadey doontee uu isaga sodon (30) ay isku beel yihiin Nacweyne kala soo dhexbaxay, sidaana ugu magacaabey Wasiirka Koowaad ee qaranka.

 

Wuxuu garanwaayey in Nacweyne haba magacaabee ay talada Dalkani ka go’do Dillaalweyne Faarax, oo Nacweyne laftiisa u iibiyey kursiga uu ku fadhiyo, Beeshiisu qayb haba u hesho hadey doontee.

 

Wuxuu garanwaayey in Ma Dhibaanada Beelahan uu ku tiirsanyahay ee uu isku haleynayo iyo kuwa kaleba ay u kireysanyihiin Dam-Jadiid iyo Dillaalweyne Faarax.

 

Wuxuu garanwaayey in Danbiweyne Jawaari, labadiisa ku xigeen iyo intooda badan Ma Dhibaanada Baarlamaanku u kireysanyihiin Dam-Jadiid iyo Dillaalweyne Faarax.

Iskusoo wada duuboo, wuxuu hurdoweyne garanwaayey, in nika iyo kooxdiisa gacanta ku haya talada Dalka waqtigan la joogo ee wax ka go’aani uu yahay Mr. Dillaalweyne Faarax.

 

Waxay reer Xamarku yidhaahdaan: Geel indhakuul maxaas ka kasaa.

Waxaa cad oon cidna ka qarsooneyn in uu Hurdoweyne Saacid uu haba yaraatee waxba ka kasi waayey kuna  jahawareerey siyaasada Dam-Jadiid ee loo adeegsadey Nacweyne Xasan kuna salaysan:

  • In Gobolada Soomaaliyeed qaarkood la koriyo, kuwana la kala tuuro oo la cadaadiyo.
  • In Beelaha qaar la isu duduwo lana xoogeeyo, qaarna la kala qaybiyo, fidno iyo colaadna laga dex abuuro iyadoo loo adeegsanayo Hurdoweyne Saacid (oo wax lakala macaashayaba u warhaynin) iyo Hoggaamiyaha qaranka Nacweyne Xasan.
  • In iyadoo dhaqaale baaxad leh la adeegsanayo, dhammaan awooda dowladnimo ee dalka lagu soo uruuriyo gacanta Xisbigan diiniga ah ee Dam-Jadiid.
  • In ilaha dhaqaale ee dalka dhamaantood lagaliyo gacanta Dam-jadiid. Iyadoo la sameynayo Shirkado lagula wareegayo mashaariicda dalka dhamaantood. Isla markaana la abuuro ganacsiyo kale oo lagu meydho boolida laga soo boobo deeq bixiyeyaasha caalamka, iydoo aynu la socono Fadeexaddii Bangiga Dhexe & Yusur.
  • In dhaqaale badan lagu bixiyo sidii haya’dda sharci dejinta dalka loogu koobi lahaa gacanta Xisbigan dahsoon ee Dam-Jadiid, si marba qodobo looga badalo oo loo waafajiyo damaca waalan ee Dam-Jadiid.
  • In lawada Dukaameysto, dalka iyo dibadda la isaga duulo, danjirayaashana lagu daneysto, si deg-deg ahna loo soo celiyo xoolihii wixii lagu maalgaliyey lawareegidda hannaanka Dowladnimo iyo Dhaqaale ee Dalka.
  • In la badbaadiyo oon dalka marnaba la wada sifeynin Kooxda nabad diidka ah, si aan loo waayin damaca iyo danaha ay wadaagaan iyaga & Dam-Jadiid.

Hurdoweyne Saacid, waxaa loo adeegsadey in uu burburiyo nabadii iyo wada jirkii ay ku naalooneysey beesha uu ka soo jeedo. Isagoo ka qayb qaatey holcintii colaada Jubbaland.

 

Wuxuu sababey markii ugu horeysey in uu laba u kala jabiyo Jiffada hoose ee uu ka soo jeedo oo uu garab ka mid ah ku xoogeeyo dhaqaale iyo hub loogu talagaley in lagu raali galiyo damaca waalan ee dam-Jadiid.

 

Hurdoweyne waxaa laga maarmay oo dantii laga lahaa dhamaatey maalintuu Dillaalweyne Faarax qarwaaqsaday, in cadaadis iyo colaad ay ku sii hayaan Maamulka Jubbaland ay horseedi karto bur-bur ku yimaada hamigii Dam-Jadiid ay ka lahaayeen hanashada dhammaan heykalka Dowladnimo iyo ilaha dhaqaale ee Dalka.

 

Waxay si lama filaana, iyagoo adeegsanaya mid ka mid ah kuwey u adeegsadeen Colaada iyo ka hortagga Maamul Goboleed ka hanaqaada Gobolada Jubbooyinka & Gedo oo ah Nacweyne Xasan ay xaliyeen khilaafkii u dhaxeeyey Xisbiga Dam-Jadiid iyo Maamulkii Dhirbaaxaweyne Axmed Madoobe ee Jubbaland State.

 

Hurdoweyne heshiiskii ka dhacay Addis-ababa wuxuu aaminsanaa inuu yahay dhalanteed iyo xeelad siyaasadeed. Isagu taagga wali wuxuuba ku mashquulsanaa hurintii, hubeyntii iyo dib ula soo noqoshadii Jubbaland.

 

Waxaa la yidhi: Wan weyni ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan.

 

Wuxuu waagu u baryey oo uu indhaha kala furey markuu arkay Dhirbaaxaweyne Axmed Madoobe oo Fiiladii ku xigtey ee isaga laga soo magacaabey ka soo toosey. Iyadoo ay barre & Baasto banaanada beerka dhulka ku hayaan.

 

Maalinkaasuu sii kordhey khalkhalkiisii siyaasadeed. Maalinkaasuu billaabey inuu Farmasiiye ka qadeeyo. Maalinkaasuu go’aansadey inuu ka takhaluso, ninka uu isagu u haysto inuu yahay Wasiirkiisa Madaxtooyada Dillaalweyne Faarax.

 

Waxaa la yidhi: Nirigtaad naaska u diidaa, afartaba wey kuu diidaa.

 

Waa ninka garanwaayey Caanaha uu dhamey ninka lisey, ninkii doonaaba ha ku habee.

Wuxuu  la shir yimid magacyo uu yidhi waa wasiiro, oo laga waayey Dam-Jadiid uu u horeeyo Dillaalweyne Faarax Cadulqaadir Topas oo uu ku furanyahay Dhaqaale farabadan oo salka ku haya dakhli ka soo baxa Badrool & Gaas baaxadweyn oy la daba taaganyihiin Dowladaha loo adeegsado kuwa la burburinayo.

 

Waxaa la yidhi: Lugtu haddey jeeniga dhaafto wey jabtaa.

Falkaa aan siyaasadeysneyn een ka fiirsiba lahayn ee Hurdoweyne ayaa soo dadajiyey in lagu soo cabbeeyo Nacweyne Xasan oo haatan Soomaali wada ogaatey in aanu go’aanba isagu laheyn ee u kireysanyahay danaha Dowlado shesheeye iyo kuwo loo adeegsanayo ka dukaameysiga Dadka & Dalka Somaaliyeed,

 

isaguna danihiisa gaarka ah iyo Doolar gurubsi buu meesha u joogo.

 

Waxaa la yidhi:

Gorayadu ciyaarta lug bey ku gashaa hadday hagaagtona labadaba way isugu geysaa.

 

Nacweyne Xasan mar hore ayuu Hurdoweyne mustaqbalkiisii siyaasadeed buur dheer fiinteed intuu saarey ka soo tuurey.

Mudane Saacid, ayuu u direy Jubbooyinka. Wuxuu ku yidhi: kacoo Kismaayo booqo. Barre waa balaayo loo baahanyahaye buunbuuni. Buraale iyo Amiin na ku buuxi. Baasto iyo bahdiisana ku yara bishin. Balaayada iyagu ha billaabeen.

 

Baaska iyo baaruuda, baasuukaha iyo bii em ku ha bamleeyo. Ninyahow baladkaasoo dhami ha bur-buro. Buuqa, baroorta iyo boobku ha bilaabmo. Bari danbaan imane ha lasii bisleeyo.

 

Markuu xaalkii xumaadey, markii warku soo gaadhey ee lagu yidhi, Barre iyo Baastaba Dhirbaaxaweyne Madoobaa  helay oo barre Shabaabkii Sheikh Yuusuf bay dudrba u baxsheen. Baastana barritey mid usoo wadaan. Adigana saadanbey kuu baadh-baadhayaan.

 

Soo durba xulufeysigii Hurdoweyne kamuu wada baydhin. Markii wax laga weydiiyey Nacweyne, Colaadey Jubbaland ka wadeen isaga iyo Hurdoweyne, Soo muusan odhan:

 

War bad baan galay. Balag baa la ii lulay. Bisinka iyo yaasiinka. War anigoo baladkeena inaan mideeyo. Badarka iyo bariisba inaan ku beero. Badroolka iyo macdanta inaan ka baadho. Baadiye iyo magaalaba in la wada badhaadho. Boogihii la beeray inaan wada bogsiiyo. Iyo baaq nabada baryo kusii jeedin raba.

 

Soo Barre iyo Baastoo, Hurdoweyna ka socda, baqal iimey soo fuulin. Waxaad maal iyo mood hayso keen. Hubkana soo raaci. Anagaa Kismaayo kuu qabane, igumey odhan. Soo allah madhigu imay lumin.

 

Iyagana lama bililiqeysan. Soo banaanka looma wada tuurin. Soo midkood dib iiguma soo laaban. Si kalaan wax u dhigey. Sahan baa inoo maqan, sirna waan kuu hayaa soo imuu odhan. Saaxiibadeenii, toos beynu ugu biiri, adna talaa lagaa rabaa iyo jihaad aad ku baaqdo, soo hoos iigumuu odhan.

Markaasaan wax dareemey. Dardaarankii hore ee Mudne Dillaalweyne Faarax dabbaqaadiisa bilaabey- – - – - – - – - -.

Waxaa la yidhi: Waayeel korkii waa wada indho.

 

Hurdoweyne Saacidow, waxaad garanweydey, waa siyaasad inagu wada cusub Soomaali badankeeduna ku wareersantahay. Waanuse wada aragnaayoo, waa mashruuc Dukaameysi oo kuli isku xidhan, kalidaa mooyee. Waa kooxo kudladiba kudlad u kireysantahay.

 

Waxyaabaha ku seegay inaad wax ku qaadato, waxaa ka mida: Kolkuu Dhabarweyne Ciilmooge ka dhiidhiyey boobkii caddaa iyo ka dukaameysigii caanka noqdey ee Garoonka Aden Cadde. Waa kii beesha caalamka qoraal qarsoodiya ugu wada qeexay bililiqadii lagu hayey hantidii qaranka.

Inuu kiraysanyahay waa kii ka baqay Dillaalweyne.

 

Waa kii maalmo yar dabadeed dafirey waajibkiisii iyo xilkuu u hayey qaranka. Horaa loo yidhi wax dhabarweyni dhug ma leh. Wuxuu garanwaayey, qolyaha ay wax wada dillaalaan ee beesha caalamku, inay dhinaca kalena Dam-jadiid danaha Dalkan Soomaaliya ka wa dukaameystaan.

 

Dantii guud iyo damiirkiisiiba, wuxuu si fudud ugu doorsaday, xoogey doolar ah oo Dam-Jadiid u diyaarisey. Waa arimahan iyo kuwo kale oo badan kuwaad wax ku qaadan kareysay.

 

Waxaa la yidhi: Labadii xaqdarro ku heshiisaa xaqay ku collowdaa.

 

Waxaan idiin sheegayaa, Hurdoweyne Saacid iyo Nacweyne Xasan Khilaafkoodu manta wuxuu salka ku hayaa, arrimo farabadan oo murugsan oo labadoodan aynu aragno ka shisheeya.

 

Waxeynu ka soo qaadaneynaa oo kaliya  xaqdarro iyo khalad ugub ah oy ku heshiiyeen. Waa mid labadooda & baarlamaankii shacabka matalayey ay kuligood intey ka gaabiyeen waajibaadkoodii Dastuuriga ahaa ay wax ka qabanwaayeen oo hadda gilgilay Xilalkey Ummadda u hayeen iyo himiladii Shacabka Soomaaliyeed ku naaloonayey.  Waa heshiis Soomaali eeday, dib u dhac weynna u keenay, hannaankii Dowladnimo ee guud ahaan wadanka. Waa heshiis uu Hurdoweyne isugu dhiibey Nacweyne.

 

Waxaa la yidhi: Ragga ballan baa xidha, Dumarkana meher baa xidha.

 

Hadduu Saacid markii horeba Xilkiisii (iyadoo shacabka Soomaaliyeed uu ka sugayey, inuu u dhiso, Dowlad (Task Force) gurmad ah oo Dadka & Dalka ka saarta dhibaatadii ragaadisey mudada dheer, una horseedda, Dib u heshiisiin dhab ah, Cad-caddaan Dowladnimo, Nabadgalyo baahsan & Horumar la taaban karo oo dhan kastaba ah) iyo Xiniinyihiisiiba isugu daray Xasan, isagoon cidina qasbin oo raaligiisa ah, xeradana sidaa mudaba isaga dhex hurdey, waxba yaanuu haatan naf la caariga Xasan xag-xaganin.

 

Haddaad manta baraarugtey, Ballantii (xaaraanta ahayd) ku xidhi weydey, adigaa cirka roob ku og. Towbadaba xili baa jira aan la iska aqbali doonin.

 

Gunaanadka Qoraalkeygan:

 

Hurdoweyne Saacid waxaan leeyahay:

Sacidow, danbi naftaada ayaad ka gashey markaad ogolaatey in aad iska hurudo oo wax lagu faro mooyee aanad wax kale ku talaabsan. Markaad aamintey inaad hurdo iyo wax qabad  la’aan aad ku bad-baadi karto, cidina xilka kaa qaadi doonin, haddaad amarka Nacweyne adeecdo.

 

Waxaad garanweydey, maah-maahdii reer Xamarka ee ahayd: Dariskaaga oo dagaalkaaga raba, Dooradaada iga cesho ayuu ku yiraa.

 

Danbina Shacabka Soomaaliyeed baad ka gashey oo xilkey kugu aamineen eed ugu dhaaratey ayaad ka seexatey. Waxaad Nacweyne kula heshiisey inaad tiisa ku shaqayn doontid adigoo tuuraya tii qaranka eed u dhaaratey. Waxaad ka gaabisey howshey Soomaliweyn kaa sugeysey oo taabaneysa hurumarka dhan kastaba.

 

Wax kaleba daayoo waxaa ku sababsaday isku duubnidii Jiffada aad ka soo jeedo. Hadduu Nacweyne Xasan ku yidhi iskasii soco, waa sidey Soomaali badankeed saadaalineysey. Waa saamigaaga saxa ah ood adigu sababteeda leedahay ee ninyahow iska saxeex.

 

Shacabka Soomaaliyeed kama maarmaan waqti kale oo kaga luma isqab-qabsi oo horaa Sanad aad sabab si dadban ugu tahay uga lumay ee ku saacid in Dowlad kale oy ku nasiibsadaan loogu soo dhiso sida ugu deg-dega badan.

 

Garta waxaa ugu xun:

1.     Ha lagaa gardaraado

2.     Garab la’anna ha kaa hesho

3.     Hana laguu graabi waayo

Danbiweyne Jawaari waxaan leeyahay

 

Dalka & Dadkaba waxaad ka galeysaa danbi fool xun. Hadaad ka dukaameysato Dastuurkii iyo sharcigii lagugu aaminey eed u dhaaratey. Hadaad gar iyo gardaroba aad is hortaagto wixii lid ku ah Kooxdan Dam-Jadiid.

 

Waxaan kugula talinayaa oon ku xusuusinayaa iney sharaftaada, iyo ta Dadkaaguba ku jirto inaad kirada ku koobto Sanadkii tagey ood usoo noqoto waxaad u dhaaratay iyo fulunta Dastuurka Dalka ee saxa ah.

Nacweyne & Dam-jadiid waxaan leeyahay

 

Waxaa la yidhi: Geeso biciid waa barbarro

 

Beelaha Soomaaliyeed ee Walaalaha ah, ee markii u horreysey waqti dheer dabadeed, neecaw yar oo nabadeed nuugaya, ha ka kala tuurina. Soomaalina ma wada kireysan kartaan. Beesha caalamkana ma wada khaldi kartaan, ogaadana in la idin ogaadey.

 

Shabeelooyinka sharka aad ka waddaan , shacabka aad shacab kale ku xoogeyneysaan ka joojiya . ku cibra qaata wixii ina soo marey iyo in Balaayadii ina soo martay khasaareheedii loo wada simanyahay.
Waxaan idiinka digayaa inaad dhowrtaan miisaanka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed. Waxaan idiinka digayaa inaad Jagada Wasiirka koowaad meel kale ula kacdaan.

Waxaa iga talo ah in wasiirka koowaad uu ka yimaado isla Jiffadii hoose ee Cabdi Faarax Saacid oo aan meel kale loola cararin. Si looga hortago khilaaf hor leh waa in Jiffadaa fursad loo siiyaa in ay dhameystiraan xiliga hadhsan, mar hadii haykalka hadda jira miisaanka wax qaybsiga Beelaha uu sidaa ku dhisanyahay.

 

Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay:

 

Ninka tiisa daryeela ayaa tu kalena ku dara.

Soomaalay sideynu ahayn sannadkii tagey, saddex kale aynu ku sii jirno, ma danbaa inoogu jirta? Jawaabtu waa maya. Hadeynuse Saacid difaacno, ogaada waxeynu difaaceynaa waa dantiisa gaarka ah iyo fursad aynu u siino inuu saddex sanadood oo kale iska seexdo oo uu ku sii hafto badda Dam-Jadiid inaguna sidaa ku weyno danaheenii guud.

 

Waxaan ilaahay ka rajeynayaa in uu Xasan sheikh markan ku beego Mudane noqda Sii-sii gii Soomaaliya oo Dadka & Daka ka bad baadiya kooxdan la inagu bur-burinayo- – - – - – -.

 

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali ahmedqadhabo@gmail.com

Warancaddoow weli yaa isgaadhay????

Dagaal siyaasadeed oo u bilaabmay gudomiyaha Wadani iyo xukuumada Siilaanyo

$
0
0

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha  wakiilada Somaliland  Cali Xaaji Yuusuf  ayaa ugu mar-marsooday  isku shaadhayn uu shir guddoonka wakiiladu  ku sameeyey  guddi hoosaadyada  golaha  kaasi oo isaga iyo guddoomiye-xigeenka 1aaad  Baashe  Maxamed Faarax ay qoraal kaga soo horjeesteen  isku shaadhayntaasi ka dib todobaadyo ay ogolaayeen.

Labadan  guddoomiye ku xigeen oo maanta qoraal ka soo saaray  xarunta  wakiilada ayaa  Cali  X.Yuusuf  uu sheegay in uu dib uga noqday go’aankaasi uu la ogaa guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro waxaanu ku dooday in uu yahay qalad ka dhacay “Aniga iyo  Guddoomiye Cirro waanu  isla ogayn  isku shaandhaynta balse  dee bani’aadam ayeynu nahay oo  waynu qaldami karnaa waxaanu arrinkani khilaafsan yahay  xeerhoosaadyada  golaha ” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf .

Geesta kale isku shaandhayntan  lagu sameeyey guddi hoosaadyada  golaha ayaa waxay  wiiq-day awoodii uu  xisbiga Kulmiye ku lahaa  golaha wakiilada  iyada oo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kaga adkaaday laba  guddoomiye guddi hoosaad ee xisbiga  Kulmiye iyo  xukuumaddu u arkeen jagooyin muhiim ah  oo ay golaha dhexdiisa  ku waayeen  waxaana ka mid ah  guddoomiyaha  guddida joogtada ah ee golaha  oo uu ahaa  Xildhibaan  Maxamed Barkhad Miigane oo ka tirsan  xisbiga Kulmiye  halkaasi oo lagu bedelay  Xildhibaan  Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah  xisbiga Waddani iyo jagada guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha amniga iyo difaac ee golaha oo uu hore u ahaa  xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xisbiga talada haye ee Kumiye waxaana lagu bedelay  Ibraahim Jaamac Rayte  oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Waxaana wararka laga helayo madaxtooyadu ay sheegayaan in labada  guddoomiye ku-xigeen   habeenimadii  xalay looga yeedhay madaxtooyada  isla markaana la soo faray in olole u galaan awaamir ay ku daadafaynayaan isku shaandhaynta uu Gudoomiyaha Goluhu  ku sameeyey guddi hoosaad yada golaha

Kulankii Xirsi la qaatey aqoonyahanka reer Awdal London

$
0
0

Kulanka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan la yeeshay qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo waxgaradka reer Awdal ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa mid isugu jirey garnaqsi, hoga tusaaleyn iyo toosin ku aadan dowladda uu haatan hoggaamiyo Axmed Siilaanyo.

 

Barasho kooban iyo mahadcelin kadib waxaa ugu horreyn kulanka ka hadley Prof. Abdirahman Abdillaahi Jimcaale oo yidhi “Ugaaskii Gadabuursi waa xaadir midnimadayaduna maanta waa xoog, cid walbe way jiidheysaa, midnimadaas haddii lagu jiheeyo wannaajinta dowladda wax kaste way hagaagayaan haddii dhinaca kale lala marana awoodeeda ayaa rukun kaste fujineysa haddaba waxa aan Wasiirka amma gacanyaraha maddaxweynaha farayaa waar inta aan midnimadaasi idin jiidhin waxa ay saluugsan tahay hoos u eega oo si fiican u fuliya arrimaha ay dowlad ahaan idinka tabaneyso”.

 

Waxa kale oo uu intaas ku darey “Waa ayaan daro nin Wasiir ah oo wasaaradiisu afar waaxood tahay oo waliba afartaas waaxood shaqaalaha ka shaqeeya ay beel kaliya ka soo wada jeedaan, bal u fiirso Garaad wuxuu yidhi 146 agaamise waaxood ayey reer Awdal ku leeyihiin 4 agaamise oo kaliya, Wasiir arrintaas wax loo dul qaadan karo maaha sababta oo ah saami qeybsiga dhinaca golaha Wasiirada waxaa ka qiimo badan oo ka muhiimsan shaqaalaha dowladda iyo ciidamadda, berigii hore ee shirkii Borama waxa lagu shaqeyn jirey duco, xaalada maanta joogta maaha sidii berigii hore oo kale waayo Somaliland maanta way dhisan tahay, dhaqaale ayey yeellatey markaa waxaan ku talinayaa waar shaqaalaha dowladda ha laga wadda muuqdo”.

 

Sidoo kale waxa Prof. Jimcaale hadalkiisa ku darey “Anigu waxaan ka mid ahaa aqoonyahanadii ka shaqeynayey shirkii Borama ee 1993kii aqoonyahanadii berigaas naga soo horjeeday immika marka aan kaftameyno waxa ay nagu yidhaahdaan waar dowladdii Siyaad Barre ayaa tan aad dhisteen dhaantey waayo dowladdaas xisaabiye oo dhan anaga ayuu ahaa (reer Awdal) markaa Wasiir waxaad ku dadaashaan in aad dheelitirtaan shaqaalaha dowladda oo sida muraayada ha looga wadda muuqdo wasaaradaha Somaliland”.

 

Xaaji Nuur Xuseen Fariid oo hadalka qaatey ayaa yidhi “Marka hore waxaan kuugu hamalyeynayaa imtixaanka Jaamacadda ee guul kuugu soo dhammaadey marka xiga waar horta na saamax sababta oo ah ninka albaabka dowladda naga xidhey waa Xirsi baan odhan jirney laakiin nin ka duwan ayaa maanta kuu aragnaa, mida kale Wasiir waxa aad xog ogaal u tahay dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka ee tiradda ka batey gaar ahaan kuwa ka soo yeedhaya Beelaha darifyada waxaan haddaba u baahanahay in dhibaatada jirta la xaliyo oo lagu dhammeeyo isku duubni iyo wadda jir, Somaliland maanta samada oo kaliya ayaa u furan sidaas darteed waxaan ku talineynaa waar waxaas yar ee ummadda dhex yaalla maanta in si wannaag ku jiro oo cadaaladda waafaqsan shacabka Somaliland loogu sooro”.

 

Bashiir Maxamuud Yuusuf oo isna hadalka ka dabba qaatey ayaa yidhi “Wasiir wixii uurka ku jira ayaa afka laga sheegaa sidaas darteed reer Awdal ahaan Somaliland wax weyn baa naga galey waxaanan mar walbe maamulka hoggaanka u haya uga fadhinaa abaal celin qurux badan”. Mar uu Bashiir ka hadlayey dhacdadii jidka Dilla waxa uu yidhi “Dhacdadii ka dhacdey jidka u dhexeeya Borama iyo Hargeysa oo ahayd mid aad u fool xun waxaa la idinka sugayaa in aad wax ka qabataan sababta oo ah waxaan maqalnaa dad baa la qabtey illaa maanta ma hayno qof Maxkamad la soo taagey, Wasiir waxaa la joogaa wakhti samirkii ka dhammaadey agoontii ay birimageydadu ka tageen, mashaqadaas ha la soo afmeero oo caddaadalu ha shaqeyso ayaan leenahay”. Waxaa kale oo Bashiir intaas ku darey “Wasiir arrimahaas aan ka dhawaajiyey haddaan wax laga qaban dhallinyarada aan aqoonyahanka u nahay kuma qanci karaan Somaliland waa meel la wadda leeyahay oo cadaalad ka jirto”.

 

Odey Cabdi Weyne oo hadalka lagu soo dhaweeyay ayaa ka dhawaajiyey xaalada cakiran ee ka taagan gobolka Salal “Somalidu waxa ay ku maah maahdaa xabad inta amaankeedu xidhan yahay ayey nabadi jirtaa, eraygaas waxaan uga goleeyahay Wasiir waxaan filayaa ka dowlad ahaan in aan waxba idinku seeganeyn arrimaha ka socda degaanada hoos yimaada gobolka Salal waayo waa arrimo ina wadda khuseeya oo u baahan in wax laga qabto sidaas darteed waxaan idinku boorinayaa in dadkaas walaalaha ee is dhaley ee dhibaatadu dhex taal si wannaagsan loo dhex galo oo balaayada halkaas ka soo socota biyo qabow lagu shubo”.

 

Xildhibaan Cali Gabiley oo aad ugu dheeraadey waxqabadka Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo horumarka ka socda gudaha Somaliland ayaa hadalkiisa ku soo gunnaanadey “Wasiir ragga halkan fadhiya waa ragga naga dambeeya ee aan wax ka qaadano, iyagaa na xukuma markaa waa in aad tilmaamtooda tixgeliso oo tallo soo jeedintooda ka garowdo”.

 

Gabogabadii kulanka waxaa lagu soo dhaweeyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Horta qalad baa dhacey ee yaan qalad lagu sixin, arrinta ka dhacdey jidka Dilla waxa ay ahayd arrin fool xun oo dhacdey wakhtigii ay Xukuumadii UDUB talada dalka haysey, muddadii Kulmiye talada gacanta ku hayeyna waxaa dhacdey arrintii kale ee Seemaal, maddaxweynaha iyo xukuumadiisu labbadaas arrimoodba si fiican ayey uga hawl galeen waxaana tallo lagu soo ururiyey labbo qoddob oo kala ah in aan wax dambe dhicin iyo in wixii khuseeya dhinaca cadaaladda iyo Maxkamadaha loo daayo garsoorka dalka”.

 

Mar uu Wariisku ka hadlayey arrinta la xidhiidha saluuga ka muuqda saamiga shaqaalaha dowladda waxa uu yidhi “Somaliland wax badan ayaa ka khaldan waxaas maaha mid aan anagu sammeyney waa mashaakilo naga horreeyay oo Xukuumadihii hore ku lug lahaayeen unkidooda, anaguna wali wax kamaanu qaban waxaase diyaar u nahay in hawshaas wax laga qabto waayo waxaan rabnaa Somaliland oo qurux badan oo maamulka jira iyo shaqaalaha dowladaba Beelaha Somaliland oo dhan ku qanacsan yihiin”.

 

Sidoo kale mar uu Wasiirku ka hadlayey kulanka uu la yeeshay waxgaradka reer Awdal ee qurba jooga ah waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanahay kulankeena maanta waannan soo dhaweynayaa tallooyinka aad soo jeediseen amma aad soo bandhigteen waxaanse idinku dardaarayaa in aad si wannaagsan noogala qeyb qaadataan dhismaha wadadda u dhaxeysa Ceerigaabo iyo Burco”.

 

Si kastaba ha ahaatee kulanka oo ahaa mid salka ku hayey kaftan iyo dood adag oo dhex martey labbada dhinac isla markaana ay ka hadleen aqoonyahano kale oo badan ayaa gunnaanadkii lagu soo afmeeray waraaq laga soo qaadey Madxafka weyn ee magaalada London taas oo ahayd mid ay ka muuqatey khariidadii Somaliland ee 1960kii, aqoonyahanada waraaqda goobta keenay waxa ay yidhaahdeen waa in la tixgeliyo xuduudihii 1960kii ee Ingiriisku xadeeyay si Beelaha walaalaha ah ee Simaliland wadda dega aan beelna beel kale ku xadgudbin dhulka ay xaq u leedahay ee Eebbe weyne ku abuurey”.

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Ogeysiin, Kulan weyn oo ka dhacaya caasimada Labaad ee Sweden oo khuseeya……….

$
0
0

OGAYSIIS             OGAYSIIS                        OGAYSIIS 
Waxa la Ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta kaso jeeda Gobolada  AWDAL, SALAL, GABILEY . e dagan Wadanka Swedan in la qaban doono Shirwaynihii labaad ee Jaaliyada.   07.Dec 2013   Hadii  Ilaaha Awoodalihi Ogalaado .
Shirkaasi wuxu ka dhici doona magaalo Madaxda  labaad ee wadanka Sweden Gothenburg..
Waxana martigalin doona ururwaynaha Saacid Forering., Kulankaasi oo Lagaga tashan doono  hirgalinta Lughaya Port. iyo horumarinta   Iyo isku xidhka Jaaliyada ..
Waxa kale oo ayagana si sharafle loogu martiqaadaya Jaaliyadaha kaso jeeda gobolada kor ku xusan e dagan wadamada  Scandanevianka, iyo cidkasta oo jecel hurumarka iyo wax wadaqabsiga. Waxakale oo aan rajaynaynaa in ay inagala soo qayb galaan marti sharaf   kale oo martabo iyo maamuus sare kule bulshadeena. oo inooga iman doona Dacalada dunida .
Muwadin kasta oo ka soo jeeda Gobaladasi  muhiim buu noo yahay ka soo qaybgalkiisu . Mahadsanid
                                            Adresska
                                       2013/12/07 SABTI
                                       SAACADA ;11:00
ADRESS; Gårdsten Centrum
muskotgatan 3
                                     424 41 Angered

Waxii faahfaahin intaas dheer fadlan kala xidhiidh telefonada hoos ku qoran

1-cawaale Ahmed Kaahin   0046700495850
2- Bashir Abdilahi  0046737522551
3 -Anisa Ellabe  0046736434902

Gofanuhu wuxu ku noolyahay Xoolaha hadduu dhulka ku dhacana uu dhintaa

$
0
0
gofonena waxuu ku lon yahay 
xoolaha haduu dhacana waa dhintaa’ 
salaan kadin waxaan manta qalinka u 
qaatay inaan waxyar is dultaago 
wasiiru daqiliga ee mamulka somaliland warancade.
hadaba warancade waa ayo maxuuna ku abtirsada
warancade waa nin an ka marmin hadhka mamulka ,
waayo shalay waxuu ahaa mamulkii kan ka horeyay ee udub,
shalay kulmiye dagaal ayaa ka dhexeyay mantana waa gulwadaha kulmiye,
shalay waxuu isku taagay jagada madaxweyne xusbigii udub ,
hadaba ninka shalay lahaa hanka madaxweyne mantana
xisbigii macaaradka ku ahaa marku ka tirsana xusbi xakimkii 
udub ee caydu ka dhaxaysay mantana u gulwadaynaya .
hadaba warancade intuuna waxba ka sheegin xusbiyada 
mucaaradka waa inuu isagu isla hadlaa amaa uu 
is xisaabiyo halkuu ka yimid iyo halkuu jooga manta 
iyo sida loogu adeeganayo .
warancade waa gofone.
 gofonena waxuu ku lon yahay 
xoolaha haduu dhacana waa dhimayaya 
marka warancade mamul la aan ma loolan karo,
waxaad xasusatan laga soo bilaabo 
mamulkii cigaal tii rayaale inuu marna ka dagin xil ,
waa dadka an waxaba diidin waxna soo kordhin .
anigu waxaan idhaa waa caana madaadshe ,
waa nin lagu adeegan karo,
warancade waxuu socdaa jidkii ay udub marisay 
ismaacil yare ee markay dadkii is nacsiisay 
ay xilka ka qaaday ee ismaacil yare ka soo 
hadhay sirbaan ka hayaa udub,
Mawliid cilmi seefu samarooon

Dhulbahante, Harti koombe, Daarood, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!! Qaybtii kowaad.

$
0
0
Dhulbahante, Harti koombe, Daarood, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!! Qaybtii kowaad.
Qoraalkan oo xoogaa yara dheer, oo weliba aan laba qaybood ka dhigaayo, waxan aqristayaasha ka codsanayaa, in ay iigu dul qaataan mudo toban daqiiqo ah, oo ay ila aqriyaan, runtii in badani waxay ka heli doontaa, waxyaabo ku cusub maqalkooda, oo khusaya dhibaatooyinkeena guud ahaan Soomaaliya, iyo si gaar beelaha Dhulbahante, hadalka cinwaanku waa tusaale uun,
Maadaam aan beesha Dhulbahante ka hadlaayo, laakiin waxaa la mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, oo tusaale ahaan waxaan odhan karnaa sidan: Sacad, Habargidir, Hawiye, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!! Iwm, waxaan shaki ku jirin, in aqristayaal badan igu eedayn doonaan, in aan qabyaalad qaawan qoraayo, arinta qabyaalada iyo Soomaalida,
 Iyo fikirka aan ka qabo, horaan uga hadlay, oo wax uga qoray, waxana aaminsanahay in qabyaaladu nolosheena saamayn wayn ku leedahay, aana si fudud mustaqbalka dheer loo tirtiri karin, marka in aan si cad uga hadlaa waa lagama maarmaan, xalkeenuna yaanu noqon, xaaraamta ma cuno, laakiin marqeeda ayaan cabaa!! Waayo in badan oo inaga mid ah, oo ay
 Qabyaaladu dhiiga iyo dhuuxaba kaga jirto, oo ay ficilkiisa iyo dhaqankiisaba ka muuqato, ayaa hadana marka uu arko hadalkan aan qoraayo oo kale, aad u dhaliilaaya, marka qofka sidaas ah, waa mid waaqaca aad uga fog, oo aan naftiisa ka run sheegayn, qabyaaladu waa cudur inagaga jira dhiiga iyo dhuuxaba, ayna lagama maarmaan tahay, sidii aan ula noolaan lahayn cudurkaa,
 Oo aanu inoo waxyeelayn, (halkan ka aqriso, qoraal aan hore qabyaalada uga qoray iyo fikirka aan ka aaminsanahayba), hadaba sidaan hada xusnay, oo cinwaakaba ka muquuta, maadaama uu khusayo qoraalkanu beelah Dhulbahante, waxaad ku ogaan doontaan dhibaatooyinka ragaadiyay Dhulbahante halka ay salka ku hayaan, iyada oo ay beeshu ka midaysantahay 95% in ay
Ayahooda ka tashadaan, oo ay yeeshaan maamul u gaar ah, hadana waa ku guulaysan la’ yihiin, waa maxay sababtu?! Dhulbahante ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo, waxaynu ku eegi doonaa meesha ay sartu ka qudhuntay, ee sida kedisada ah, u kala qaybisay maamulkii Khaatumo! Qoraalkuna waa sidan:
Dhulbahante, Harti koombe, Daarood, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!!
Maalmihii uu socday dagaalkii Liibiya, ee Qadaafi lagu riday, laguna dilay, horaantiisii intaan reer galbeedku soo fara gelin, ayaan maalin meel la fadhiistay niman carbeed oo dhowr ah, dhowr dalna ka kala yimid, waxay ka sheekaysanayaan arinta dagaalka Liibiya, waxayna leeyihiin qaarkood, Qadaafi maanta waa loo yaabaa, oo waxaa ka soo horjeestay, qabiil tirada
Dadkiisu yihiin hal milyan, markaas ayaan aniga oo qoslaaya, weliba qosol jees jees ah qoslaaya, ayaan ku idhi: oo muxuu macna leeyahay qabiil hal milyan ah, isba qabiilooyin iyo weliba ciidama xoog badan buu wataa ee?!!! Waxan u sii raaciyay, anigu qabiilka aan ka dhashay waa todoba milyan, hadana Soomaaliya qabiilo naga yar yar, baa wax walba naga badsaday! Markaas
 Ayay nimankii sidii wax shoog qabsaday, ayay mar qudha is wada eegeen, oo hadana anigii I soo wada eegeen, waxayna isla mar wada yidhaahdeen: todoba milyan?!!! Oo ay laba saddex goor ku cel celiyeen, aniga oo isla quman, oo isku kalsoon baan ugu jawaabay: “haa todoba milyan iyo ka badan baanu nahay”!!! markaas bay igu yidhaahdeen: war ninyohow wax badan
 Baan aqrinay, waxyaabo laga qoray Soomaalida, wax badan baan dhegaysanay barnaamijyo lagaga hadlaayo, marna maanaan maqal waxa jira qabiil Soomaaliyeed, oo tirada dadkiisu tahay todoba milyan, ama xataa hal milyan, qabiilkan reer Liibiya, ee aanu ka hadlaynaana, wuxuu ka mid yahay, qabiilada ugu tirada badan wadamada Carabta, tirada aad noo sheegtayna, wax
 Aduunka ka qarsoomi kara maaha ee, hadalkaa ma iska hubtaa?!! Anigoo weli isku kalsoonidaydii qaba, baan ku idhi:  hadaba maqla, oo barta, macluumaadkiinana ku darsada!!, markaas baa mid ka mid ah, igu yidhi: maxaa la yidhaahdaa qabiilkiina? Waxaan dabcan ku idhi:  waxa la yidhaahdaa Daarood, markaas ayay dhamaan isla qireen, in ay maqleen magaca
Daarood, hase yeeshee su’aashii tirada weli way taagan tahay! Hadana isla kii baa wuxuu I waydiiyay, oo yidhi: oo shiikhiina magacii, yacni odaygiina ama Isimkiina?!! Halkan ayay wax I dhubuq yidhaahdeen! Waxayna iigu dhacday su’aashanu sidii madfac oo kale! Ninkaygii isla qumanaa, ee weliba jees jeesaayay, waxana noqday sidii kubad naqaskii laga sii daayay! Waayo waxan gartay, nuxurka su’aashooda, iyo in waxaan ka hadlaayo, iyo waxay ka hadlayaan, ay
Tahay kaaf iyo kala dheeri! Runtii fikradu iguma cusba, oo dhowr goor, oo hore ayaan isku dul taagay! Waayahay, meel laga noqdo ma joogo, in kasta oo aan ogahay, in markan aniga laygu qoslaayo, oo laygu jees jeesi doono! Marka iyada oo aan dareemaayo kalsooni daro, ayaan ku idhi:  dee Shiik qudha ma lihin, ee ka badan boqol Shiikh baanu leenahay, oo beel kasta oo
Qabiilkayaga ka mid ah, Shiikh gooni ah bay leedahay, marka sidaan filaayay, waa laygu qos qoslay! Waxayna igu yidhaahdeen: war arinta aanu ka hadlaynaa, taas maaha, qabiilka aanu sheegayno, ee halka milyan ah, Shiikh qudha baa u taliya, oo taladoodu ka go’daa, taad se adigu sheegaysaa maaha qabiil, ee waa qabiilooyin, uun markii hore asal ka wada yimi, hadii qolo
 Qabiil ka mid ah, ay yeelato Shiikh u gaar ah, qoladaasu qabiilkii guud waa ka baxday, oo waxay noqotay qabiil gooni ah, oo leh dano iyo maslaxado gaar u ah, bini aadamkuna ilaa Xaawa iyo Aadam, sidaas uun baa loo sii kala bax baxaayay, ilaa aynu noqonay shuucuubta iyo qabiilooyinka maanta jira. Waxay igu yidhaahdeen: marka saaxiib qabiilka aad sheegayso, ee
 Daarood, ee boqolka Shiikh leh, maaha qabiil jira, bal waa uun abtirsiimo. Madaxa ayaan ruxay anigoo hebed ah, oo dee intii aanay sharaxaa dheer ba gelin, baan is qanciyay, markay su’aashii Shiikh I waydiiyeen, arintan marar hore baan dareemay, in odayadan dhaqanka ah, ee faraha badani, ay sabab u yihiin khilaafka iyo kala qaybsanaanta Soomaalida dhexdeeda ah, bal se
Fikirkaasu waanu ku raasukhin maskaxdayda. Hadaba aan u soo noqodo u jeedkayga ee, ma jiro maanta hadii aan wax laga bedelin qaabka uu yahay, qabiil Dhulbahante la yidhaahdaa, Harti iyo Koombena iska daa, Daaroodna warkiisaba ha sheegin, magacyadaasu waa kuwo magac iyo maqal ahaan u jira, waa abtirsiimo, bal se ficil ahaan aan jirin, waayo maanta waxaynu nahay
 Qabiilooyin kala hogaano ah, oo kala dano iyo maslaxado ah, waxaynu se aaminsanahay, in aynu qabiil keli ah isku nahay, waaqicii iyo ficilkeeniina taas waa ka duwan yahay, taas baa marka u sababa dhibaatooyinka, khilaafka, kalsooni la’anta iyo jaahwareerka, Soomaali oo dhan ka dhex jira, marka waa inaan waqaca yaqiinsanaa, beelaha Dhulbahante waxay leeyihiin saddex
 Iyo toban Isim, oo ay beelohoodu soo doorteen, oo ku caana shubteen, iyo weliba tira taas ku dhoodhow, oo Hargaysa fadhida, oo uu iyana maamulka SNM ku caana shubtay!! Markaa sidaan soo xusnay Dhulbahante wax jira maaha, hadaan dhaqanka wax laga bedelin, bal se waxaa jira Jaamac Siyaad, waa beel iskeed u taagan, oo dano iyo maslaxado u gaar ah leh, Axmed Garaad,
 Khalid, Hayaag, Barkad, Bahararsame, Qayaad, Xasan Ugaas, XaamudUgaas, Cumar Wacays iwm, midkood waliba waa beel iskeed u taagan, oo dano iyo maslaxado uga gaar inta kale leh, xaqiiqad dhabta ah, waa taas, inana waxaynu rabnaa, inaan u dhaqano sidii beel keli ah, ficil ahaana ma noqon karto, oo waxaan isu imanayn danihii iyo maslaxadihii kala duwanaa, ee ay
 Qolo waliba gaarka u lahayd, iyo dantii iyo maslaxdii guud ee Dhulbahantanimada aan aaminsanahay, markaas ayaynaan ka baxayn jaahwareer iyo khilaaf joogta ah. Ugaadhyahan ma garanaayo ma beel jirtabaa, mise ma jiro, waayo haykalkii guud ee beeshu waa jiraa, oo hal Isim bay leeyihiin, hadana doc-ka-faruur hoose baa jira, oo meel hoose baa wax ka baxeen, nin yidhi
 Beel hoose baan garaad u ahay, oo hadana sheeganaaya garaad Ugaadhyahan, waana ninkii isku soo miidaamiyay Taleex, ee isaga oo dumar iyo caruur durbaana wata horkacaaya, yidhi waxaan Taleex ka furayaa shirkii Khaatumo, ee laysku maandhaafsanaa, taas oo ka hor imanaysa go’aankii beesha Ugaadhyan ee shirkaa Khaatumo,  marka iyada oo uu ninkanu beeshii kala
 Qaybiyay, ayuu weliba col ku soo hugaamiyay, sidaas darteed waxa haboon, in ay beesha Ugaadhyahan shirka uga socda hada magaalada Sarmaanyo, kaga hadlaan arintaas, xalna ka gaadhaan Ugaadhyahan ma jiraa, mise ma jiro?!!
Is xulufaysiga walaaleheen Digil iyo Midhifle, waa tusaale muhiim ah, oo ku dayasho mudan.
Markaynu intaa hore isla garanay, waxa laabud ah, in aan is waydiino, xalka looga bixi karo dhibtan?! Tan ugu horaysa ee maskaxdaada ku soo dhacaysaana, waa in dib asalkii loogu noqdo, oo hal qabiil, oo hal Isim leh, dib loogu noqdo! Dabcan waa madhacdo iyo arin aan camali ahayn, hadaan wax kaaba, oo suurageliya loo helin, mana ah daawada cudurkii aan soo qeexnay!
 Bal se aan isku dayno, inaan kaabayaal taas suurageliya helo, ugu yaaraan beelaha Dhulbahante! Aniga waxa aad ii cajebiyay, aana qabaa in ay diraasayn inaga mudantahay, qaabka ay isu xulufaystaan beelaha walaaleheen ah, ee Digil iyo Midhifle, beelahaas oo dad aad u badan ah, kuna kala firidhsan gobolada koonfureed ee dalkeena, waxa la sheegaa in aanay wax asal iyo
 Abtirsiimo toona wadaagin, bal se ay ka dhexayso is xulufaysi aad u xoog badan, oo aad u qoto dheer, tusaalena waxa inoogaga filan, muujinaaya adkaanta iyo xooga is xulufaysigooda, waa markii ay dhowaan shir odayadooda dhaqanka iyo waxgaradkoodaba, uga socday magaalada Baydhabo, ay ku dalbadeen in xubnaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya kaga jira
Beelahaa, ay ku soo galaan magaalada Baydhabo iyo madasha shirka, mudo aan ka badnayn sideed iyo afartan saacadood, bal se ay intii aan la gaadhinba laba iyo toban saacadood, ay dhamaan xildhibaanadii beelaha, oo uu hogaaminaayo afhayeenkii baarlamaanku, ay xaadir ku ahaayeen magaalada Baydhabo iyo madashii shirka beelohooda!!! U malayn maayo in ay
Arintaas oo kale ka dhici karto beelaha kale ee Soomaaliyeed, siiba beelaha Daarood, Dhulbahantena iyaga haba sheegin, oo iyaga markay baarlamaanka galaanba waxa ugu horeeya, ee ay ilaabaan, waa meeshii ay ka soo galeen, iyo cidii soo dooratay! Beelaha Digil iyo Midhifle sidaan soo xusnay, wax asal abtirsiimo ah, oo isku xidhaa ma jirto, mar aan dhulkaa joogi jiray,
Waxaan beelahaa ka maqli jiray, in ay ka kooban yihiin todoba iyo toban beelood, oo sagaal ka mid ah, ku abtirsadaan beelaha Hawiye, sideedna ku abtirsadaan beelaha Daarood, sidaasna waxa beelaha lagu magcaabaa sagaal iyo sideed, hase yeeshee waqtiyadii dagaaladii sokeeye, arintaasu waxay noqotay, wax aan camal ahaan shaqaynayn, oo beelahaasu iyaga oo sagaalkii
Iyo sideediiba isku duuban, bay si siman ula wada dagaalameen Daaroodka, markii dambena sidii si le’eg, bay ula wada dagaalameen Hawiyaha. Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in is xulufaysiga beelaha Digil iyo Midhifle ka dheexayaa, uu yahay mid aad u xoog badan, maxaa keenay hadaba?! Waa arin baadhitaan iyo diraasayn inooga baahan, dadku se qaarba meel bay
Afka u saaraan, sida in ay qaar yidhaahdaan, beelahan oo ku wada hadla af u gaar ah (waxan jecelahay in aan dhowaan qoraal kooban ka soo diyaariyo afka mayga, ee ay beelahanu ku wada hadlaan), way ka dhaqan duwan yihiin Soomaalida inteeda kale, dhaqanka Soomaalidana waxay uga dhow yihiin, kan walaaleheena Oromada, qaar kalena waxay yidhaahdaan, xooga is
Xulufaysigoodu, wuxuu ka soo jeedaa xaga diinta, oo asal ahaan waxay ka soo wada jeedaan, dad markii hore isku xer ahaa, iyo odhaaho kale, oo fara badan, waxaan se shaki ku jirin, wax kastaaba ha ka dambeeyo is xulufaysiga beelahaas ee, in ay dhexdooda ka jirto cadaalad, is qaderin iyo niyad wanaag, taas oo aan laga helin beelaha Soomaaliyeed ee kale, siiba beelaha
Dhulbahante, oo cadaalad darada, is qaderin la’aanta, iyo niyad xumaantu, ay tahay aafada kala fogaysay, ee keenta khilaafka iyo kalsooni darada joogtada noqotay, ee dhexdooda ah, cadaalad daro awgeed Dhulbahante waxay rabaan, in ay laba sixni oo is le’eg, wax ugu wada ridaan Libaax iyo Bisad!! Ma dhici kartaa?!! Bini Aadamka waxa keli ah, ee wada deeqaa, waa
Cadaalad, hadii la waayona waxaa dhici “rag cadaalad waayaa, sidii Cawsha kala yaacye”, waa la kala dhaqaaqayaa, khilaaf, is colaysi, xasad iyo kalsooni daro uun baa iman, waana tan Dhulbahante maanta haysata, oo aanay jirin qowska laga soo bilaabo, qof qofka kale wax u quudhayaa, aasaaskuna wuxuu ka yimid, waa sida cadaalad darada ah, ee aan wax u qaybsano,
 Iyagoo og bay ku odhanayaan, “xaqq maaha, laakiin waa xal!!”, hadmay cadaalad daro, xal noqotay?!! Waxan qabaa hadii si sax ah, oo cadaalad ah wax loo qaybsado, in beesha culays badan, oo aanay hada dareemayn ka dhici lahaa, waxana la waayi lahaa caqabada badan, oo ay maanta beeshu ka socon la’dahay, Isima badan baa meesha ka bixi lahaa, is xulufaysiyo cusub
 Baa dhalan lahaa, oo horseeda is xulufaysi guud. Dhibta labaadna waxay tahay isu muuqasho iyo is qaderin la’aan, mudanka oo aan la qaderin, oo ay sababtay dhibtaa hore, ee aan soo xusnay, hada hadaynu eegno khilaafka sida kedisada ah uga dhex dhashay maamulkii Khaatumo, oo ka hor xawli aad u dheeraynaaya ku socday, iyo weliba shacabkii oo uu khilaafkaasu si
Xoogan u saamayay, wuxuu ka bilaabmay hadal daw iyo garba ah, oo ka soo yeedhay Isimka ugu miisaanka culus, uguna da’da wayn Isimada Dhulbahante, oo xukuma dadka iyo deegaanka ugu balaadhan cara Dhulbahante, waa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, sida runtii ah hadalkiisu wuxuu ahaa toosin, wuxuu ahaa digniin iyo baraarujin, wuxuuna ahaa tabasho, kama
 Aad helaysid hadalkiisa wax xumaan ah, bal halkan ka daawo, (waa kan hadalkii Garaad Saleebaan ee khilaafka maantu ka bilaabmay) hadalkiisu wuxuu daba socday, khaladaad dhowr ah, oo ka dhacay siyaasiyiinta G6, oo ay ugu waynayd, iyagoo ka xanibay dhaqaalihii ciidamadii Khaatumo, ee Xudun ka dagaalamaayay, iyo weliba beelaha Dhulbahante, oo aan oofin wixii
 Lagu balamay shirkii Khaatumo2, ee ciidan iyo calaf ahaa, waxa loo baahna in G6 iyo Dhulbahanteba si taxadir ah, oo xishmad iyo qaderin ku jirto, loogu jawaabo, oo loo qanciyo, bal se jawaabtii ay ka bixiyeen G6 iyo qayrkoodba, ee qaderin la’aanta iyo yar yaraysiga ahayd, ayaa keentay in Garaadku candhuuftiisa dib u leqo, oo yidhaahdo marka mar hadii aan Dhulbahante la
 Hayn, waxa aniga ugu horayn, xil iga saaran yahay, in aan isla baadi doono inta aan Isimka u ahay, ilaa inta aan hawlahooda dhamaynayona, diyaar uma ihi shirar guud oo Dhulbahante, deegaanka aan Isimka ka ahayna, ku soo dhowayn maayo shir aan ahayn, kaa aan anigu wado! Jawaabtii garaadka la siiyay waxay ahayd xikmad yari, iyo isla wayni aan laysu qabin, laysmana
 Waydiin siduu u qabsoomay shirkii Taleex ee Khaatumo2, yaase ka dambeeyay qabsoomidiisa?!! Ma G6 baa Ul sixir ah sidatay, oo ka dambaysay?!! Iyada oo ay shirkaas diidanaayeen dhinacya badan, oo reer Taleex ah, ma qabsoomeen shirkaasu, hadaanay dhamaan tolnimo qaadan, oo aanay qaderinayn, oo ka dambaynayn, gogosha uu dhigay Garaad Saleebaan,
 Iyo weliba ciidamadii uu Axmed Karaash soo dhoobay, oo ay ka baqeen in dagaal Ugaadhyahan halkaa ka qarxo, hadaanu intaa xeerinayn C/Samad Cali Shire ma ogolaadeen in shir lagu qabto magaaladiisii, oo weliba isaga lagu inqilaabaayo, beelo reer Taleex ahaa, oo shirkaa ka soo horjeeday, iyana ma yeeleen hadaanay qaderinayn gogosha garaadkooda, iyo in Ugaadhyahan
Isku dhaco. Hadaba maanta G6 iyo taageerayaashooda, oo is mahadiyay, waxay yar yaraysteen garaadkii Allaah ka sokow, sababta u ahaa in uu qabsoomo Khaatumo2, maamul Khaatumo la yidhaahdona halkaa lagu dhiso, ma ninkaas ayaa maanta lagu dhiiraday in hadalkiisa la yar yaraysto?!! Oo la yidhaahdo shirka loo joojin maayo?!! Caqliyo!! Waxa weliba lagu xuuxinayaa,
Isaga iyo madaxwayne Axmed Karaashba, oo lagu khasbayaa, iyagoo dhowr jeer ka hadlay, oo beeniyay, oo mabda’ood cadayay, in ay Puntland reerka u wadaan! Oo bal yay kala dhuumanayaan, haday sidaas doonaan! Yaa se is hortaagaya?!! Waxaan shaki ku jirin haday sidaas doonaan, in ay indhaheena, oo shan ah ku kici karaan, oo aan cidna is waydiinayn!!! Hadii
Lays leeyahay dadka ku kiciyana, waxaan idiin hubaa, in beeshoodu meeshii ay ugu taliyaan, oo danta u arkaan, in aan cidna ka hor imanayn, bal lagu wada raacaayo! Marka muxuu kuu tari hadalkan madhalayska ah, yaanayna idin hodin dhowrka qurbajoogta beesha ah, oo rimuut lagu wado, meelahaana ka soo qayl qayliya, oo ka soo caytama, Suldaan Siciid baa aasaaskii
Khaatumo ku qanci waayay, isaga oo tabashooyin lahaa, laakiin beesha Khaalid, ayaa cadaadis wayn saartay, intii wada hadaladu u socdeena, Dhulbahante oo dhan waxaa xaalkoodu ku sugnaa, wadnahay dhag leh!! Waayo wax wayn buu maalintaa yeeli kari lahaa Khaatumo, haduu mowqifkiisa ku sii adkaysan lahaa, hase yeeshee Suldaan Siciid waa nin rag ah, oo waxgarad ah,
Xikmadna ehel u ah, wuxuuna go’aansaday, in uu tolkiis u tanaasulo, oo uu iska ilaawo rabitaankiisa, markii isaga iyo waxgaradkii beesha Khaalid, ay warbaahinta soo hor fadhiisteen, ee uu cadayay Suldaanku, in aanu marna ka hor imanayn maamulkii, uu wax ka dhisay ee Khaatumo, naqas wayn baa ka soo wada baxay shacabka Khaatumo, farxad iyo rayrayn baana
 Wada saamaysay, anigu maalintaa qoraal deg deg ah, baan isla saacadiiba ka qoray, farxad awgeed, oo aan ku sheegay, in uu yahay Suldaan Siciid geesi iyo waxagarad karaama mudan, beena kama sheegin, ee wuu yahay sidaas, markuu gartay, in uu rabitaankiisa ka tanaasulo, oo u tanaasulo tolkiis, waana ka qoraalka, aan maalintaas ka qoray suldaanka (halkan ka aqriso),
Marka maanta G6 iyo taageerayaashoodu, ma waxay ku xuuxinayaan, oo ku khasbayaan Puntland, Garaad Saleebaan iyo Axmed Karaash, oo aanay hubaal la’aantood jirayn, wax la yidhaahdo Khaatumo?!! Yaa marka ku liita, oo ku wax la’, haday cinaad ugu kacaan waxa lagu xuuxinaayo, ee lagu Khasbaayo?!!! Waxa muuqata, in Garaad Saleebaan iyo Axmed Karaash,
 Dhexda maqas kaga jareen, qorshe dahsoon, oo sir ahaa, oo ay wateen G6 iyo taageerayaashoodu, ayna doonayeen in laga fuliyo qorshahaa Shirkii Khaatumo, ee Taleex lagu qaban lahaa, waayo? Ka dib mowqifkii Garaad Saleebaan iyo Axmed Karaash, waxa muuqata in G6 iyo taageerayaashooda, ay xaladoodii isu bedeshay qaab waali ah!! Ka dib markii ay dhaceen
 Arimo, aanay markii hore xisaabta ku darsan, ayaa hada waxa uun ka soo hadhay, oo ay ku dhegan yihiin Shir Taleex lagu qabto, waxadna had iyo jeer ka maqlaysaa, ama websiteyadooda lagu qorayaa, hadalo been ah, oo xikmad daro ka muuqato, oo sidii riyo ama waali ah oo kale ah!! Sida, shirka Khaatumo3 wuu dhacayaa! Cidna loo joojin maayo! Shirkii Khaatumo3 waa
 Furan yahay! Wufuud culus, oo shirka ka qayb gelaysa baa Taleex ku wajahan! Ergadii Buuhoodle baa Taleex ku wajahan! Madaxwaynihii baa yimi haduu shirku furmayaa! Ergadii Ceerigaabo baa dhowaan soo gaadhaysa Taleex! Iwm oo ah hadalo wada riyo iyo been ah!! Waayo, arinta Dhulbahante, maanta maba joogto shir Khaatumo, oo la qabto, bal wax badan baa
ka soo soka maray, oo u baahan xalin iyo turxaan bixin, iyaga se shirkaas uun bay kaga dhegtay! Waana arimihii taagnaa, markii iyaga miyirka ugu dambaysay!!! Waayo waxa la yidhi qofka waalan hadalada, uu had iyo jeer ku hadaaqo, ama ficilka uu had iyo jeer sameeyo, waa wixii uu samaynaayay, markii miyirka ugu dambaysay!!! Tana sidaa uun bay ka dhigan tahay!! Qaybta
 Dambe, ee qoraalka waxan ku soo qaadan doonaa inshaa Allaah, in wax walba gees layska dhigo, oo la badbaadiyo Khaatumo, iyo sida ugu haboon, ee uu ku qabsoomi karo shirka Khaatumo3, dhowaan filo inshaa Allaah. , intaa ka horaysana dardaaran, ha la joojiyo hadalada madhalayska ah, ee aan waxay kala fogayaan maaha ee, aan waxba soo kordhinayn, iyo aflagaadaynta mudanka, cayi colaadna waxba kaagama tarto, nabadna waa kaa kaxaysaa.
Wabillaah atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam

Hamigii Cali Warancade iyo Taladii uuna waydiiyay ma Wasiir buu ku soo ururay?Caliyow Siilanyo iskuma hubtide yuu Ummada ku seejin!.

$
0
0

Hamigii Cali Warancade iyo Taladii uuna waydiiyay ma Wasiir buu ku soo ururay?Caliyow Siilanyo iskuma hubtide yuu Ummada ku seejin!.

Dardaarankii aanu ku siinay maalintii xilka aad tirsanaysay oo sabti ah jimcihii ka horeeyay waxaad ka dhigtay hal bacaad lagu lisay hadaan dib kuu xasuusiyo waxa uu ahaa xukuumada siilanyo ee aad maanta ku biirtay waxay u badan yihiin qaalimo layliya oo aan siyaasada u bislaan adiguna waxaad tahay awr raray ah oo biyo madaadshe ah oo layligaas soo dhex galay waxaa lagaga baahan yahay inaad odayga siilanyo ee kaa maarmi waayay ee ku xushay inaad u noqoto Musdanbeed uu la tashado oo marka xaalku ku xumaado waydiiyo sida wax loo maareeyo waayo odaygu mucaaridada ayuu la qabsaday ee muxaafidnimada weli lama jaan qaadin waxaanay kaga dhegtey hebel bedel oo mid kale keen taasina xal uma noqoto maamul xumo! adiguna waxaad tahay intii jamhuuriyadu dhaqaaqday nin soo shaqeeyay oo xafiiska wax badan joogay oo ka kasbaday waayo aragnimo badan,

Hadaba adigu hadaad maanta talo na way diisay dalka u shaqee inay CV gaaga kor u qaado mooyee waxba kuu dhimi mayso shaqadan laguu magacaabay laakiin waa inaad isku wadaa mucaaridka aad maanta kasoo dhex baxday iyo muxaafidka aad ku biirtay oo aad ahaato silsiladii labadaas isu jiidaysay oo aad heshaa dawada labaduba wadaagi karaan! nasiib daro adigii aanu is lahayn dalka daawo haw noqdo ayaa daawo u baahday waxa ku haysata murtidii Abwaan Xasan Sheekh Muumin ee ahayd ( hadii daawo bukooto maxaa lagu dabiibaa!),

waxaanu islahayn waa nin hami sare leh ee inta uu dalka iyo dadka u shaqeeyo ayuu kursiga dalka u sareeya raadsanayaa sow Caliyow waanu kugu khasaaree hamigaagu wasiir buu ahaa!. sow Caliyow talo siyaasdeed guul wadayn baad ka taqaanay! waxa la yidhi hal kasta shilalka ay isdhigto ayaa lagu qalaa! halkaanu kula rabnay iyo halkaad isdhigtay kala fogaa! miyaanad ku cimro qaadan ragii kula midka ahaa ee siilanyo wax kasta u seegay ee uu shalay soo eryay ee Dr.Gaboose lahaa, ee maxamed xaashi lahaa ,ee boobe yuusuf ducaale lahaa, ee maxamed nuur caraale (duur) lahaa ma cid buu ka tegay Odaygu sowtuu dalka oodhan wada maray!,

Cali maantana waxaan leeyahay weli rajo siyaasdeed ayaad leedahay tuhunkii umadu kaa qabtayna muu dhamaan kursigan aad ku fadhidaana laguuma dooran ee nin ayaa kuu magacaabay beri ka maalin ayuu kaa eryi karaa sidii ragii kaaga horeeyay waxa raasamaal kuu ah ee aad ku soo noqonaysaana waa ragan maanta aad warbaahinta uga hanjebeysid in aad xaalada dalka dejiso mooyee ma aha inaad rag dalka iyo dadka kaaga lexejeclo badan oo hore naftooda ugu soo huray ku tilmaanto in ay qaswadayaal yihiin oo dalka mashruuc ku soo qaateen, markaad adigu xamar isbarmuutada ku cabaysay iyagu rasaasta ayay ku dhamayeen qaaxo oo injirtu ku gashay! waxaase idiin kala hiiliyay nasiibka! waxaanad ka faa,iiday cafiskii qaran ee loo sameeyay ragii faqash ku hadhka ahaa ee aad ka midka ahayd!,

waxaan ku soo koobayaa Caliyow Siilanyo iskuma hubtide yaanu umada ku seejin!

A.A.Nur

 

 

 

 

Siilaanyo oo markii uu ku fashilmay hogaamintii wadanka Hablaha ka dhigaya xaabadii naarta oo safka hore soo tubay haweenkii

$
0
0

xukunka siilaanyo markii uu ku fashilmay hugaaminta wadanka hablaha kadhigaaya xaabadii naarta oo markii uu dhaliilihii shacabka iska difaaci kariwaayey safka hore ee dagaal siyaasadeedka haweenkii soo tuba

waxaynu wada ognahay sida taariikda ku cad in uu burburo maamulkii sedex arimood lagu arkaa
1=caddaalad xumo waayo cadaaladu waa daboolka naarta hadii cadaalad lawayo waxay lamid tahay cadaabtii oo daboolkii laga qaaday cadaaladu waa daboolka naarta (waa xadiis)
maahmaah Somali ah dad cadaalad waa sidii cawsha kala yaac
2=qaraabo kiilka marka hantida ama shaqada dadku wada leeyahay qof ama qoys lagu naasnuujiyo ama dad gaar ah in deg deg qani looga dhigo ama umada boobaan
3=musuqmaasuqa waxaa dhala oo uu ka yimaadaa qaraaba kiilka marka dadku arko xukunkii iyo dhaqaalihii oo kooxyar oo isku qoys ah boobayso dadkiina dhibayaan waxaa hoos u dhacda wadaniyada qofkii wanagsanaana wuu niyad jabaa dadka uu ka soo jeedaana waxay ku cadaadiyaan  in sida raga kale wax u boobaayo ama u dulmiyaayo uu sameeyo sidaas ayey dadkuba kuwada noqdaan dad musuqa iyo eexda xallaalaysta qofkii ka hadla lalayaabaa  ama kii xaqiisa diida inuu ka tanaasulo loolayaabaa ama la xidhaa ama la dillaaba
waad ogtihii sida illaahay cassaa wajell uu quraanka inoogu sheegay
in markii nibii loo soo diray qoonkii luud ee uu ku yidh fawaaxishka iska daaya waxaay uGu jawaabeen oo ay yidhaadeen (waa kuwo is daahirinaya ama xuma iyo qudhunka neceb) waxay cay ka dhigeen wanaagii lafarayey iyo xumaantii laga reebaayeyna waa ku faanayeen wixii ku dhacay waad ogtihiin
marka intaas maamul lagu arko shaki kama jiro in uu degdeg u burburo dadkana gallaafto hadaba shacabka Somaliland oo naf iyo maalba u huray  wadanka miyaanay haboonayn inay wax garadkiisu isu yimaadaan oo laga badbaadiyo wadanka iyo dadkaba godka uu ku ridayo maamulka axmed siilaanyo iyadaan loo eegin xisbiyo gruubyo qolooyin midna oo aan u midawno sidii aan ku badbaadin lahayn shacabkeena dalkeena
waxaad  ka arkaysaan warbaahinta xukuumada sida ay dagaalkii u soo geliyeen qaybtii uGu mudnayd Somaliland waa hablaha oo iyagu ahaa hormuudka dhismaha  iyo badbaadada shacabka
oo xukuumadu doonayso in ay burburiso dagaalna ka bilowdo hablaha Somaliland maray xidh xidhay mar caydo mar ay iyagaba u isticmaasho sidii loo kalaqaybin lahaa bulshada wallaalaha ah si loo burburiyo dhaqankii wanaagsanaa ee hablaha Somaliland  kaalinta horumarineed iyo waxqabadka  qoyska illaa qaranka ay kaga jiraan
si loo wiiqo hamigooda siyaasadeed iyo waxqabadba
waxaa hubaal ah wax yaabahaas dhacaya ee aan iska agfadhino hadii aynaan ka tashan oo badbaado qaran isugu iminan in wadanka iyo shacabkuba halis ku dhacayo
hablaha Somaliland waxaanu leenahay kaalintii wax qabad midnimo horumrineed ee aad inoo hayseen yaan la idinka leexin dhalanteedkana run ha moodina xukuumaduna yey idinka dhigin xaabadii naarta guul baan u rajaynayaa inankasata oo Somaliland ,iyo soomaaliya iyo afrikaba
 wabillaahi tawfiiq
ahmed jama <salamanjama1@gmail.com

Qabyaalada Dhismaha Wadooyinka Somaliland

$
0
0

Dhibaatada qorshe xumada ah ee dalka ku habsatay waxay tahay in qabiilooyinkii tartan la geliyey oo wadankii isku mar laga bilaabay 9 wado oo mid waliba qabyaalad salka ku hayso. Waxaana xaqiiqa ah inaanu qabiilna keligii aanu awood u lahayn inuu wado samaysto.Waxa iyana xaqiiqo ah in dadku aanu lacag ku bixineynin wado qabyaaladi hoosta kaga lifaaqan tahay.

Waa fududahay in siyaasiyiinta kursi doonka ama dhaqaale doonka ahi ay meelo badan dhagxaan dhigaan ama si dhib yar u yidhaahdaan waxaan dhisayaa mashaariic waaweyn oo laga yaabo inaanu fikradba ka haysan culayska dhaqaale ee mashruucaasi leeyahay iyo waqtiga lagu fulin karayaba.

Beryahan danbe waxaynu marar badan maqalnay wasiir ama masuul sare oo leh wado heblaayo ayaa la dhisayaaye lacag halasoo ururiyo ama halaga qeyb qaato. Hadaba markaynu tusaale usoo qaadano wadada ceerigaabo oo dhererkeedu ku dhow yahay 350km waxay u baahan tahay dhaqaale ku dhow 60 ilaa 70 Million$ marka la rabo in laga dhigo wado laami standard ah. Markaa suuragal maaha wadada dhaqaalaha intaa leeg u baahan in lagu dhisi karayo lacag yar oo laga soo ururiyey 100 qof oo xaflad laysugu keenay ama caruurta iskuulada dhigata. Tusaale waxa kuugu filan kulankii dhowaan 16/11/2013 lagu qabtay London ee qaadhaanka loogu ururinayay wadada Ceerigaabo, lacagtii meeshaa lagu ururiyey waxay dhaafi weydey 10 kun oo Dollar.

Dhanka waqtiga markaynu eegno waddo dhererkeedu yahay 350km oo laami ah waxay u baahan tahay muddo aan ka yarayn 10 sano marka qalabkii iyo alaabtii dhismuhuba aanay maalin qudha kala go’in. Markaa suuragal maaha in waddo u baahan in lagu dhiso ugu yaraan 10 sano uu nin siyaasi ah oo laga yaabo sanad ama laba sano oo danbaba inaanu meesha sii joogin uu yidhaahdo wadada ceerigaabo ayaan dhisayaa.

Guntii iyo gebabebadii warkan ku saabsan dhismaha wadooyinka ee dadkii lagu dawakhiyey waa riyo aan run ahayn iyo laab la kac aan lugo ku taagnayn.

Dr.Ali Rooble roobaale@gmail.com Oslo-Norwa

Inqilaabkii Aqoonta Awdal. Qormaddii 2aad. By; Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0
Markii laga war helay imaanshaha Princess Anne ee gobolka Awdal waxa gudaha degmada Borama ka bilowday qaban qaabada soo dhaweynta gabadha ay dhashey Boqorada dalka Ingiriiska, socdaalkaas Amiirada Anne ee 1987kii ku tagtey magaalada Borama waxa uu keenay in isbadal ku meel gaadh ah lagu sammeeyo maamulkii berigaas ka talinayey gudaha gobolka Awdal, sababta arrintaas looga gol lahaana waxa uu ahaa iyadda oo masuuliyiinta gobolka hoggaaminayey ahaayeen kuwo aan lahayn aqoon ay ku jeedin karaan khudbadaha loogu tallo galey in lagu soo dhaweeyo Princess Anne oo qorshaha ku tallo galku ahaa in ay ku baxaan luqada qalaad ee Af-ingiriisiga oo tilmaam ahaan iyo tiigsi ahaanba loo tirinayey in ay tahay mida kaliya ee ay fahmi kareysay Princess Anne maadaama ay luqadaasi tahay Af-keeda Hooyo.
Haddaba waa kuwee masuuliyiinta la badaley iyo kuwa lagu badaley 1987kii?
1. Subeer Cabdikariim oo wakhtigaas ahaa Badhasaabkii gobolka Awdal waxa si ku meel gaadh ah u badaley Maxamed Barkhad Miigane.
2. Maxamuud Cali Bille oo wakhtigaas ahaa Taliyihii Booliska gobolka Awdal waxa si ku meel gaadh ah u badaley Maxamed Mixile Boqore.
3. Cali Biid Aare oo wakhtigaas ahaa guddoomiyaha Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S) ee gobolka Awdal waxa si ku meel gaadh ah u badaley marxuum Axmed Muumin Dhoolaal AUN.
Dhinaca kale waxa xusid mudan in saddexdan masuul ee la badaley ahaayeen kuwo aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka Awdal balse Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre AUN u matalayey masuuliyada gobolka, halka xubnaha lagu badaley ee xilka si ku meel gaadh ah ula wareegay dhammaantood ahaayeen reer Awdal, sidoo kale waxa muhiim ah in aan si kooban u iftiimiyo taariikhda amma heerka aqooneed ee masuuliyiinta xilka la wareegay.
1. Maxamed Barkhad Miigane waxa uu sannadkii 1969kii ka qalin jabiyey Lafoole, hadda waa Mudane ka mid ah golaha sharci dejinta ee Baarlamaanka Somaliland iyo Bare sare oo ka tirsan macaliinta Jaamacadda Hargeysa.
2. Maxamed Mixile Boqore waxa uu sannadkii 1974kii ka qalin jabiyey Lafoole, hadda waa maamulaha Machadka tababarka shaqaalaha Somaliland (Civil Service Institute).
3. Marxuum Axmed Muumin Dhoolaal waxa uu sannadkii 1971kii ka qalin jabiyey Lafoole, markii dambena waxa uu ka mid noqdey Suxufiyiintii ka hawl geli jirtey Radio Muqdisho waxaana uu geeriyooday horraanta sannadkii 2004 isaga oo markaas ahaa Mudane ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Borama.
Tallaabadaas isku badalka xilalka kala duwan ee masuuliyiinta xilka sida ku meel gaadhka ahayd looga wareejiyey garwaaqsadeen sababta loo badaley waxa ay markaas u muuqatey Inqilaab cilmiyeysan oo salka ku hayey aqoon u awood sheegatey jaahilnimo. Aragtidaasi waxa ay ahayd mid markaas taagneyd oo ka tarjumeysay dareenka iyo sida ay dadweynaha reer Borama u arkayeen isbadalka dhacey in uu ahaa mid salka ku hayey baahida ay hoggaaminta wannaagsan mararka qaarkood u qabto hammuum aqoon oo hufan isla markaana ay weheliso waayo aragnimo hagaagsan amma toosan.
Saddexda masuul ee xilka sida ku meel gaadhka loogu dhiibey waxa soo raacayey oo si habsami leh hawsha ula qaban qaabinayey guddoomiyihii degmada Borama ee 1987kii Marxuum Maxamed Xasan Maaful AUN oo ahaa nin aqoonyahana oo waliba u dhashey deegaanka Borama, Marxuum Maaful waxa sannadkii 1991kii lagu diley gudaha degmada Borama.
Sidoo kale masuuliyiintii hawsha sida weyn uga qeyb qaatey ee ku jirtey gudiga qaban qaabada soo dhaweynta Amiirada Anne waxa ka mid ahaa Taliyihii Sirdoonka gobolka Awdal ee wakhtigaas oo lagu magacaabi jirey Ina Jeemis AUN oo ahaa nin reer Ceerigaabo isla markaana sannadkii 1989kii lagu diley bartamaha magaalada Hargeysa iyo waliba Xoghayihii dowladda hoose ee degmada Borama Axmed Saalax Yacniile oo ahaa reer Mudug, waxaa kale oo gudiga qaban qaabada ka mid ahaa aqoonyahankii weynaa ee Daahir Xasan AUN oo wakhtigaas ahaa guddoomiyihii Waxbarashada ee gobolka Awdal, Daahir Xasan AUN waxa bishii labbaad ee sannadkii 1991kii lagu diley Seeraha magaalada Borama.
Xukuumaddii Marxuum Maxamed Siyaad Barre AUN markii ay warbixin sugan ka heshay socdaalka Prince Anne ee magaalada Borama waxa hadley Wasiirkii arrimaha gudaha Soomaaliya ee wakhtigaas Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaana uu yidhi “Jidka u dhexeeya magaalooyinka Borama iyo Hargeysa waa mid khatartiisa leh oo aan maritaankiisa la isku haleyn karin sidaas darteed Prince Anne iyo waftiga la socda waxa aan ku wergalineynaa in aannan ka Xukuumad ahaan damaanad qaadi karin maritaankooda jidkaas”.
Hadalkan ka soo yeedhay Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa aad uga cadhoodey Wasiirkii berigaas joogey Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya Mudane Muuse Rabiile Good AUN, sababta oo ah Muuse Rabiile waa masuul dhalasho ahaan ka soo jeeda Awdal oo wakhtigaas magaca Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya u matalayey dadka ku abtirsada deegaanadda hoos yimmaada gobolka Awdal.
Marxuum Muuse Rabiile Good oo markaas joogey Caasimadda Muqdisho waxa uu markiiba u duuley magaalada Hargeysa oo markaas ahayd magaalo madaxda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana uu halkaas ugu tagey waftigii ballaadhnaa ee ay hoggaamineysay gabadha ay dhashey boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II dabadeedna waxa uu ku yidhi “Aniga oo ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha isla markaana matalaya Xukuumadda dhexe ee Soomaaliya waxa aan damaanad qaadaya nabadgalyada safarkiina ee la xidhiidha socdaalka aad jeceshihiin in aad ku tagtaan gobolka Awdal”. Princess Anne iyo waftigii la socdey oo aad ugu qanacsan hadalka Wasiirka ayaa wakhti barqo ah ka baqooley magaalada Hargeysa iyagga oo u sii jeeda xarunta gobolka Awdal ee Borama, waftiga waxa hoggaaminayey Muuse Rabiile Good AUN iyo Col. Faadumo Maxamed Cabdisalaan (Faadumo Iskuul) oo ka tirsaneyd Saraakiishii sare ee Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed isla markaana ah haweeney geesinimo iyo karti isku darsatey oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal immika ahaana ku nool dalka Mareykanka.
La soco qeybaha kale……………………..……..
Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Siiraanyo ayaa kaga quruxbadan, inuu la garnaqsado Luul Xasan Mataan, halkuu Maxud Barre Garaad uga soo dirayay

$
0
0

 

Siiraanyo ayaa kaga quruxbadan, inuu la garnaqsado Luul Xasan, halkuu Maxamuud Barre Garaad uga soo dirayay. Isna caawa Dabbaaldeg ka sameeyay Xaruuntii uu xoogga iyo sharci darrada kaga qaaday Marwo Luul Xasan.

Haddaad dhagaysato warbixintii maxamuud Garaad ka sii daayay idaacadda qaranka, waxaad arkaysay inaanu ahayn ruux aad aamini karto hadalkiisa, kaas oo iska daba noqnoqonaayay.Intii uu warka waday marna kama ay maqnayn war dumar sheegeen. Waxuu wax kasta caddayn uga dhigayay, heblaayo, iyo gabadh ayaa sheegtay. Waxuu ka dhigay dembiga lagu xidhay, luul ayaa carruur middiyo usoo dhiibtay. Maxaa keenay midi, waxaaba ciidanku siteen qori, iyo rasaas, iyo baynaad,  iyo hub waawayn.

 

Markale waxuu yidhi waxaa lagu xidhay amar diiddo. Ma waxaynu joognaa xilligii gaanni dadka ku toogan jiray waxuu sameeyay amar diiddo. Markale waxuu yidhi waxay lunsatay lacagtii qaranka, oo lagu soo xidhay. Miyaanu ahayn ruux isdhagaysanaya, markuu intaas oo hadala iswada daba dhigayo. Mise miyaanu islahayn dad waaweyn ayaa ku dhagaysanaya. Waxaad moodaysay, inuu la hadlaayo dad aan garaad lahayn sidiisa oo kale.

Saa waxaas oo hadala oo aan mid midka kale la jaada la arkaynin ayaabu iska daba yidhi, oo weliba goob qudha ka wada sheegay. Taasi waxay caddaynaysaa inaanu qof xishoonaya ahayn, qof wax isula hadhaya ahayn, iyo weliba inuu yahay qof warka intaa guryo dhexdood looga soo dhiibay, aanu ahayn wax qof caafimaad qabaa ku hadlo.

 

Waxuu sheegay inuu colaadda ka bilaabay maalintii wasaaradda loo magacaabay, intaanu xafiiskiisa tirsan, oo qalabka uu la wareegayo ka wardoonin, inuu ugu harrayntii abbaaray xaruntii Luul ay ku haysay carruurta yaryar ku haysay. Waxaad arkaysaa shaqada iyo xilka loo magacaabay inuu ku salaysnaa inuu dagaalka ka bilaabmay guriga madaxweynaha, iyo xaaskiisu ay la galayaan marwo luul, uu qayb libaax ka qaato.

 

Wuu caddeeyay in 15o carruur ah xarunta lagu daryeelo. Halka aanay 30 carrura ka badani ku jirin xarunta dhallinta kacaanka la odhan jiray, ee xukuumaddu maamusho. Waxuu sheegay in laba macallin oo xukuumaddu lacagta siiso ay ka hawl galaan xarunta 150 carruur ahi wax ku barato, oo weliba halkii uu eedda isa saari lahaa, sheegay inaanay luul carruurta wax barin oo macallimiin kufilan uqaban. Waxuu sheegay Madaxweyne siiraanyo 10 (toban nin), inuu Luul u diray, si ay furaha uga soo qaadaan. Siiraanyo wuu dafiray, inuu wax shaqo ah ku leeyahay, koodeese been sheegaya. Siiraanyo iyo ninkan Maxamuud Barre waxay u muuqdaan inaanay ka madhnayn colaadda ka dhex abuurantay, madaxtooyada, iyo xafiiskeeda samafalka, iyo dagaallada la magacbaxay  SHAQAAQO HAWEEN.

Waxaa foolxumo weyn ah in uu garanwaayo macnaha wasaaradda SHAQADA. Halkii shaqo abuur looga fadhiyay, xataa muu tacsiyadayn carruurihii tahriibta ku geeriyooday. Waxaa loo igmaday wax aanu waxba ka garanaynin. Farxaddii ka muuqatay maalintii loo magacaabay wasiirnimada, rag baa ku yidhi waar maxaa ku geeyay adiga oo nin oday ah wasaaraddaasi, waa wasaarad haweenku iska leeyihiine, aqoondarro awgeed waxuu ku jawaabay shaqada dumarkana waa la qabanayaa, ta raggana waa la qabanayaa.

Maxuu haddaba intii soo kordhiyay. Wax badan ayuu keenay oo aan shaqadii loo diray ahayn. Waxuu ka qaybgalaa xafladaha loo dhigayo qalinjabinta ardayda mashaariic waxbarasho ay siiyaan hay’adaha madaxa bannaan, mararka qaarna isagaaba isku sawira shahaadadaha. Oo dadka madasha jooga yidhaa, waa midhihii ay keentay xukuumadda Siiraanyo. Iyo waxkale oo badan oo qof aqoon ama garaad lihii ka xishoodo.

Shalay waxuu colaaddii lagu muday awgeed, iyo dagaalka nacasnimada ah ee aan dhammaanayn ee uu sida ficilxumada ah uga wado shaqadiisa dhexdeeda, Xaruntii Xoogga uu kaga boobay Marwo LUUL XASAN, inuu xafladda maalinta carruurta ku qabtay, oo uu weliba ku casuumay intii haween ee ay Luul isku durqumeen xaruntii ay maamulaysay. Waxuu si foolxumo ah ugu faanayay, inuu carruurtii daryeelay. Halka xaruntii dhallinta kacaanka la odhan jiray, aanay dabba ka shidin, oo aan xataa laga ogayn inay tahay maalintii carruurta. Waxuu carruurtaa usoo iibiyay shaadhadh, kuwiise xarunta kacaanka ku jiray qo’ii sariirta saarnaa xataa lagama beddelin.

Waxaa malaha habboon ninkan maxamuud barre ma oga waxuu ku jiro eh, inloo sheego oo lala taliyo, ceeb intaa ka weyn oo u hadhay ma jirto eh. Haddii kale ha iska walaaqdo, maalinta Siiraanyo soo eryose yuu ina soo marin, oo kusoo noqon maqaammadii uu ka kibray, ee asxaabtiisii nasoo booqo ugu taagweyday.

 

Ninka aan xishoon dhagaxa ayaa ka xishooda inuu salaamo.

 

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London   U.  K.

Boobkii Xukuumadda Iyo Burburkii Derbi Jiifka: Aargoosi Siyaasadeed ee Luul Xasan Mataan Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

$
0
0

jamalBoobkii Xukuumadda Iyo Burburkii Derbi Jiifka: Aargoosi Siyaasadeed ee Luul Xasan Mataan Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

 

Waxaanu cod togan ugu sheegaynaa xukuumadda Somaliland in ay ka waantowdo sida badheedhka ah ee ay sharciga u jebinayso

Waxay ahayd xilli ku dhow salaaddii subaxnimo ka dib, lix gaadhi oo gaashaaman oo ay saaran yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Somaliland ayaa waxay si lama filaan ah u tageen xarunta Derbi Jiifka ee magaaladda Hargeysa si ay u fuliyaan amarkii sida tooska ahaa uga soo baxay madaxtooyadda ee ahayd inay xoog iyo sifo aan sharciga waafaqsaneyn ay ku qabtaan xaruntaasi.

Shacabka Somaliland waxay daymo fog ku eeggayeen talaabooyinkii Xukuumadda Kulmiye ee si sharci daro ah ugu xidhay Marwo Luul Xasan Mataan intaan xaruntan la soo weerarin. Luul Xasan Mataan oo ahayd madaxa xaruntan waxay haysay 175 caruura oo ay 29 hablo ahaayeen, halka 146 ay ahaayeen inamo. Xaruntan waxaa lagu dhisay qaadhaan laga soo ururiyey ganacsadayaal iyo muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka damqaday xaaladda caruurta derbi jiifku ku sugan yihiin.

Xaruntani may gelin hanti dawladeed waxaana aad loola yaabay sababta ay xukuumaddii Somaliland ay xarun aanay shuqul ku lahayn oo ay caruur yar oo Derbi Jiif ah ugu weerarayso arroornimo hore oo uga nixinayso. Waxa la sheegay in Islaamihii caawiyayaasha ahaa ee xarunta ka shaqeeynaayey qaarkood dhaawac la gaadhsiiyey sida Xaalli Maxamed Jafaal iyo Siraad Yussuf. Caruurtiina qaarbaa derbiga ka booday oo la sheegay inay ilaa hadda maqan yihiin.

Dhowr ayaamood ka hor uun weerarkan, Luul Xasan Mataan iyaddoo arrimo u gaar ah u joogta xafiiska xeera ilaaliyaha ee magaaladda Hargeysa ayaa isla xafiiskii xeer ilaaliyaha lagu soo weeraray si loo qabto. Xeer ilaaliyihii ayaa waxa la yidhi ka codsaday ciidamaddii inay wakhti siiyaan si uu ugu sharciyeeyo xadhigeedda. Ciidamaddii Luul Xasan Mataan qabtay waxay si cad u sheegeen in ay amar madaxtooyadda ka haystaan oo ay kaxeeynayaan iyadoo sifo sharciyadeed loo marin oo maxkamaddu u ogolaan in la soo qabto. Waataa Somalilandtii uu xisbigii Kulmiye ku balan qaaddi jiray inay sharciga raacayaan. Dawlad sharcigii ay iyadu ku fadhiday ku tumunaysa side laga yeelli karaa?

Luul Xasan Mataan waxay imika abaabulaysaa xarun Derbi jiif ah oo ku taalla magaaladda Boorama halkaasoo ay imika ku hayso caruur 20 ah oo xaruntii Hargeysa ee ay xukuumaddu xoogga ku qabsatay ka soo baxsaday iyo caruur kale oo iyagu Boorama ku sugnaa. Xaruntaasi oo la dhagax dhigay imikana yabooh loo sameeynayo. Qofkii taageerayaa hor Ilaahay hawgu shubo xisaabta Dahabshiil Boorama account #1979, ama toos ula xidhiidh marwo Luul Xasan Mataan emailkeedda: luulamatan@hotmail.com.

Waxaanu cod togan ugu sheegaynaa xukuumadda Somaliland in ay ka waantowdo sida badheedhka ah ee ay sharciga u jebinayso, duudsiga xuquuqda muwaadiniinta Somaliland iyo iska indhosaabka waxyaalihii loo igmaday ee xilka iyo waajibaad gudashadeedu ku suntanaayeen. Sidaas awgeed, baannu muddarro u aragnaa in wax yar la koolkooliyo, iyadoo wixii waynaana dhabarka loo sii jeedinayo. Xukuumaddda Kulmiye waxa horyaalla ee gude iyo dibadba leh ayaa aad u badan una baahan in wax laga qabto oo wakhti iyo dedaalba la geliyo, halkii wax kale ama ?riyo iyo nifaaq? lagaga foognaan lahaa!

Allaa mahad leh!

Jamaal Cali Xuseen

Musharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID


Wax Ka Baro Magacyada Maayaradii Soo Maray Maamulka Degmada Borama Iyo Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedaan. By; Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0

camuudiMagaalada Borama waxa ay ka mid tahay degmooyinkii hoos tagi jirey gobolka Waqooyi Galbeed balse markii uu Marxuum Maxamed Siyaad Barre 1984kii ku dhawaaqey amma bixiyey gobolka Awdal waxa ay degmada Borama noqotey degmo madax bannaan oo maamul ahaan ay hoos yimmaadaan saddexda degmo ee kala ah Saylac, Lughaya iyo Baki.

 

Haddaba intii ka dambeysay sannadkii 1984kii waxa magaalada Borama soo marey illaa sagaal Mayor oo kala ahaa.

 

1. Maxamed Xasan Maaful AUN 1984kii illaa 1991kii (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).

 

2. Xuseen Cawaale Wabar 1992kii illaa 1996kii (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).

 

3. Ciise Axmed Nuur 1996kii illaa 1999kii (Habar Cafaan/Muusafiin).

 

4. Ibraahim Magan Nuur AUN 1999 illaa 2000 (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).

 

5. Maxamed Daheeye Ismaaciil 2000 illaa 2002 (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).

 

6. Maxamed Muuse Bahdoon 2002 illaa 2003 (Habar Cafaan/Xeebjire).

 

7. Cabdiraxmaan Sheekh Cumar 2003 illaa 2007 (Makaahiil/Reer Nuur).

 

8. Cabdiraxmaan Shidde Bille 2007 illaa 2012 (Habar Cafaan/Muusafiin).

 

9. Saleebaan Xasan Xaddi 2012 illaa immika (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).

 

*Intii u dhaxeysay sannadihii 1991kii illaa 1992kii oo lagu tilmaamo wakhtigii dalku ku jirey marxalada adag ee salka ku haysey ka soo kabashada dagaalkii sababta u ahaa burburka Soomaaliya waxa degmada Borama ka talinayey 21 Odey oo ahaa xulka haldoorkii hore ee reer Awdal.

 

La soco qeybaha kale…………….,

 

Fiiro gaara; Qormadda xigta waxaan ku soo qaadan doonnaa waxqabadkii kala duwanaa ee ay sammeeyeen guddoomiyayaashii soo marey maamulka degmada Borama.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

JAWAAB. Wax ka baro Maayaradii Boorama soo maray iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

$
0
0

 

Marka hore waxan salaamayaa warbaahinta madaxa banaan gaar ahaan shabakada Harowo oo aan rajaynayo inay maqaalkeygan jawaabta ah baahin doonto maadaama ay tahay mareegta aan ka akhriyay maqaalka aan jawaabta ka bixinayo

Boorama ma 1984kii ay ay degmo noqotay? su’aashani waa qoraalkeyga gundhigiisa.

Waxan shabkada Harowo.com ka khriyay qoraal uu diyaariyay wiil la yiraahdo Cabdirisaaq maxamed barkhad . Qoraalkaa markii aan akhriyay waxan fahmi wayay ujedada uu wiilakani ka leeyahay.

cinwaanka maqaalkiisu wxuu ahaa wax ka baro maayeradii bORAMA soo maray iyo beelaha ay kasoo jeedaan!!. intaa markuu cinwaan uga dhigay bal cajiibka wuxu taariikhda degmada  Borama ka bialaabay 1984-kii. Islamarkii aan akhriyay waxan tixraac ku sameeyay wiilkan si aan ugaado heybtiisa.waxa iisoo baxday in qoraalkiisu salka ku hayo markii u horeysay ee adeerkii borama maayer looga dhigay oo ahayd 1984kii !!!!!!.

Hadaba waxa aan qoraalka wiilkan yar oo aan filayo marka aan wajigiisa eegay in uu taariikhda Borama dhalashadiisii ka bilaabay ku naqdiyayaa, waa halka uu taariikhda magaalada Boorama ka bilaabay iyo sida uu ugu sargooyay mayernimadii Alle ha unaxaristee adeerkii Maxmed Xasan maaful oo ku beegnayd 1984kii. waxbadan odhan maayo wiilka yare waxan odhan lahaa laab la kaca iyo xayeysiiska jufada hoose ee aad kasoo jeedo intaad iska dayso dib u fadhiiso oo ku noqo taariikhda maayerada Boorama soo maray iyo taariikhda magaalada bORAMA waa haddii aad doonayso in dadku ku dhageysto oo waxa aad qoraysaa macno sameeyaan.

Aan ku baro taariikhda Borama. Borama waxa dhidibada loo taagay 1920-kii. Waxa asteeyay Alle ha unaxaristee Cilmi Dheere oo wakhtigaa Ingriisku Ugaas ka dhigtay si uu isugu garaaco reer Ugaas oo uu ubaabiiyo boqortooyadii faca weynayd ee Gadabursiga. Boorama waxay ka mid noqotay lixdii Distric ama degmo ee ingiriisku aqoonsanaa.

waxad taariikhda Borama kasoo bilowday markii siyaad bare bixiyay gobolka awdal waxanse u malaynayaa inay iskaga kaa khasantay gobolnimada awdal iyo degmonimada boorama. Malaha waxad donaysay inaad ka shekeyso markii awdal gobol noqotay inta badhasaab ee soo martay, laakiin waxad ka sheekaysay inta maayer ee borama soo martay markii awdal gobol noqotay. maxaad saylac iyo lughaya iyo baki uga sheekaynwayday kuwaasaa qaarkood maayernimadoodu ka bilaabatay 1984-kiiye.

Waa run awdal waxay gobol noqotay 1984kii laakiin borama waxay ahayd degmo waligeedba jirtay oo ay soo mareen maayaro farobadan. Lixdii Distric ee ingiriiska labo ka mid ah ayaa gobolo loo dallacsiiyay, sadexdii Degmo ee kalana waxa la hoosgeeyay labadaa degmo ee gobolada loo dallacsiiyay.  Labadaa degmo ee gobolada loo dalacsiiyay waxay ahayeen Burco iyo Hargyesa. Burco waxa la hoosgeyay labadii bariga, Hargeysana waxa la hoosgeeyay labadii galbeedka.

Tarihda maayerada degmada Borama soo maray waxan u kala qaadaynaa labo, kuwii wakhtigii gumeysiga  soo maray iyo kuwa intii xornimada la qaatay soo maray. Intii gumeysiga kuwii soo marey magacdoodii ma hayo waxan ka sugayaa akhristayaasha qoraalkaygan daalacan doona haddii harowo ay iibaahiso, lakiin kuwa 1960-kii wixii ka dambeyay soo maray waxan ka garanayaa dhawr maayer oo ka horeeyay kuwa uu cabdirisaaqyare taariikhda degmanimada boorama innooga bilaabay.

Kuwaas waxa ka mid ah

1- 1960-kii, Cabdilaahi Jeermaan (J/Yoonis/Cismaan Guulo) Wuxu ahaa Maayerkii u horeeyay ee Boorama yeelato markii xornimada la qaatay

2- Bile Rafle.  Ogaadeen reer Cabdile

3-Xuseen Muuse Hodoon (Nuur Yoonis/Faarax nuur) xiligii uu qabtay sax uma hayo todobaatanaadkii qiyaastii

4- Sheekh Cabdilaahi Sh.Cali Jawhar.  Babahar Cabdalo/Xasan Weyd

Waa inta aan ka xasuusto hadii aan wax khaldanayna waan ka afeef dhiganayaa, waanad i toosin kartaan.

Maxud Cumar Momaar@yahoo.com

 

 

 

 

 

 

Sheeko gaaban; Wallee curaddo loo soo dhigey. By: Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0

Sheeko gaaban; Wallee curaddo loo soo dhigey. By: Cabdirisaaq Camuudi.

Salaanta Islaamka iyo barakooyinka Eebbe korkiina ha ahaato. In badan ayaad iiga barateen amma igu aragteen qoraal dheer oo malaha akhrintiisa indhuhu idinku daali lahaayeen haddii aan marka horeba xiiseyneyn xikmada iyo xogta dhabta ah ee ku dhex xardhan. Balse qoraalkani kuwaas hore waa ka duwan yahay waayo? waa sheeko kooban oo qofkii fahmadiisu dheer tahay amma meel fog wax ka arka uu garan karo murtida iyo hoga tusaalaha ku hoos duugan, dhinac kale haddii aan hadalka u dhigo waxaa garan kara ruux aan dhalasho ka dhaxeyn xawayaanka la yidhaahdo Xuusho laakiin la dhiig baxa Shimbirka ku magac dheer Tuke.

Haa. Beri hore waxa la yidhi Islaan baa wiilkii caruurteeda u weynaa dhanka Eebbe u jiheystay oo waa geeriyooday, marka uu qof dhinto waa caado bani’aadamka oo dhan leeyahay’e waa u barooratey si ay ugu samirto dabadeed waxa soo martey Islaan kale waxaana ay weydiisay waxa helay ee ay la barooraneyso, kadib waxa ay u sheegtay in wiilkeedii curad uu dhintey maanta oo geeri lama filaan ah ku timid markaas ayey Islaantii kale ugu jawaabtey “Wallee curaddo loo soo dhigey, kaygiina shalay ayey kab ka luntey”. Bal adba.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Goorma ayaynu ka baxaynaa madaxwayne ra’iisal wasaarayaasha sida shaadhadhka u kala bedelanaaya!

$
0
0

Goorma ayaynu ka baxaynaa madaxwayne ra’iisal wasaarayaasha sida shaadhadhka u kala bedelanaaya!!

 
Dowladan federaalka ee maanta dalka ka jirta, oo aan weli sanad iyo badh uga buuxsamin cimrigeeda, waa markii labaad ee xubna baarlamaanka ka tirsan isku dayaan, inay ridaan ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), weli se labadaa isku day ka dib, Saacid shaqadiisii buu si habsami ah u wataa, lagumana guulaysan, in ilaa hada kursiga laga tuuro, isku daygii hore,
Iyada oo ay mooshin ka keeneen xubna baarlamaanka ka tirsan, oo tiradoodu kor u dhaaftay 100 mudane, shacabka Soomaaliyeedna taageero iyo kalsooni aad u balaadhan ka haystay, hase yeeshee waqtigaa  waxa Saacid ka badbaadiyay, in la rido sharci daro, iyada oo ay dowladu u adeegsatay laaluush kala qaybinta xubinihii baarlamaanka, ee mooshinka ka keenay ra’iisal
 Wasaaraha, iyo abaabulis banaan baxyo dhaqaale fara badan lagu bixiyay, oo lagaga soo horjeedo, xubnihii ku adkaystay mooshinka, ee iyagu laaluushka diiday. Maanta waxa mooshin lagu ridaayo ra’iisal wasaare Saacid ka keenay, isla xubnihii markii hore sharci darada ku badbaadiyay, ee laaluushka qaatay, iyagoo maantana isla sidii hore, laaluush ku qaatay ridistiisa,
 Labada dhacdoba waxaa mar walba fududaynaayay, oo dabada ka riixaayay, sharci daradaa cadaanka ah, gudoonka baarlamaanka!!! Oo dhab ahaantii si la yaab leh ugu keliyaystay awoodii haya’ada sharci dejinta (baarlamaanka)!!! Sidaas darteed Saacid waxaa shalay badbaadiyay sharci daro, maantana, in kasta oo aanay arintu weli dhamaan, hadana waxaa ilaa hada u
 Hiilinaaya sharcigii uu shalay laftigiisu ku tuntay, iyadoo xubnihii baarlamaanka, ee shalay ku adkaysanaayay  mooshinkii isaga lagu ridi lahaa, laaluushkana diiday, ay maanta hormuud ka yihiin, xubnaha baarlamaanka, ee ka hor yimi mooshinka xukuumadiisa laga keenay, ee la rabo in isaga lagu rido, taageerada uu shacabka ka haystaana maanta, waxaan odhan karnaa in ay kor
 U dhaaftay 90% , kuma helin Saacid taageeradaa balaadhan, ee uu baarlamaanka iyo shacabkaba ka helay, wanaag uu samayay, bal waxa la difaacayaa sharciga iyo distuurka dalka u yaala, mooshinkan ra’iisal wasaaraha laga keenay, oo uu mad madow badani hadheeyay sharci ahaantiisa, bal se gudoonka baarlamaanku isku deyaayo, in uu marsiiyo baarlaamaanka, oo loo
 Codeeyo, waxay muujinaysaa awooda xad dhaafka ah, ee gudoonka baarlamaanku adeegsanaayo, halka aduunka kale gudoonku baarlamaanku aanu lahayn awood isaga u gooni ah, bal uun uu gudoomiyo, waxa aqlabiyada baarlamaanku isku raacaan. Hadaba labada dhacdoba waxaa dalbanaayay, in markii horena ra’iisal wasaaraha la badbaadiyo, markana la rido,
Madaxtooyada dowlada federaalka, oo labada dhacdoba wixii lagu hawl gelaayay bixinaysay, si gaar ah madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, dhacdada hore ujeedada uu madaxwaynuhu ka lahaa, waxay ahayd mid aad loo garanaayo, oo laga dheregsan yahay, hase yeeshee dhacadadan dambe lama garanaayo, cadaadiska intaa le’eg ee madaxwaynaha ku kalifay, in uu isku dayo
Ridista Saacid, oo aan shaki ku jirin, in ay adagtahay in uu helo ra’iisal wasaare ula mid ah, iyada oo uu Saacid dhamaan awoodihiisii ra’iisal wasaaranimo ku wareejiyay madaxwaynaha!!! Labo iskuma khilaafsan, in cadaadis wayni uu saran yahay madaxwaynaha!! Su’aashuna waxay tahay yaa cadaadiska xoogaa leh ku haya madaxwayne Xasan Shiikh?!! Hadalo badan, baa soo
 Duul duulaaya, waxa se ugu xoog badan, hadalka ah, in madaxwaynuhu doonaayo, in uu ra’iisal wasaaraha ka dhigo wankii lagu fidayn lahaa dowlada, ka dib ceebtii iyo fadeexdii ay sababtay iscasilaadii halyayad Yusur Abraar gudoomiyihii baanka dhexe, oo ku sifowday qofkii ugu horayay ee Soomaaliga ahaa, ee xumaan iyo musuq maasuq ka horyimaada, oo iska diida, taasna
  Ay maanta dumarka Soomaaliyeed nasiib u yeesheen, in qofkii ugu horeeyay ee xumaan iyo musuq maasuq diidaa, uu noqday gabadh Soomaaliyeed, hooyo Soomaaliyeed, marka waxa uu rabaa madaxwaynuhu sida, hadalada soo duul duulayaa sheegayaan, in ra’iisal wasaaraha laga dhigo wankii lagu fidayn lahaa, ee ceebta iyo feedeexada lagaga maydhi lahaa dowlada, warar
Kalena waxay sheegayaan, in khilaafkoodu ka dhashay, isku shaandhayn la rabay in lagu sameeyo golaha wasiirada, taas oo sida la sheegay ay seefta ra’iisal wasaaruhu qaaday, inta badan wasiiradii uu madaxwaynuhu sida gaarka ah u watay, si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin, sida uu distuurkeenu dhigaayo, in aanu madaxwaynuhu wax awood sharci ah, u lahayn
In uu ra’iisal wasaaraha rido, taasuna waxay keentay, in madaxwaynahan iyo kuwii ka horayayba, si sharci daro ah u adeegsadaan baarlamaanka, oo ay laaluushaan ama balanqaadyo kale u samayaan, si ay iyagu u ridaan ra’iisal wasaaraha ay rabaan, waayo baarlamaanku waa haya’ada keli ah ee awoodaa leh, haday isku raacaan ama cod aqlibiyad ah u helaan, arintan oo
 Runtii madax xanuun ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, oo raba dowlad iyo in dalku burburkii ka soo kabto, hadaba dhibta maanta ina haystaa waxay tahay, iyada oo dowladeenii wada faasid noqotay, ayaa dhibka ugu wayn iyo khatarta lagama soo waaqsadaanka ah tahay, in haya’adii dalka ugu muhiimsanayd, ee sharci dejintu ay faasid noqotay, wixii la rabona lagaga
 Dhamaysanaayo laaluush iyo balanqaadayo iyaga u muhiim ah, haya’adan oo ay ahayd in noqoto tan lagu kala baxo, marka khilaaf dowlada dhexdeeda ah yimaado, ama ay dowladu ku xad gudubto, maslaxada, nabdoonaanta iyo aamaanka dalka, ee distuurka dalka ilaalisa, taasuna waxay dhiiri gelisay in madaxwaynayaashii dalka soo maray burburkii ka dib, uu midkood
Waliba ku takri falo awoodiisa, distuurka dalka u yaalana si fudud u jebiyaan, iyada oo aanay jirin cid la xisaabtantaa, waayo wuxuu marka ugu horaysaba hantiyaa gudoonka baarlamaanka, oo dabadeed wax walba u fududaya, in la daba galona ka ilaaliya, weliba Xasan Shiikh waa kii ugu badnaa xaga jebinta distuurka dalka u yaala, dhamaana waxay ka wada sinaayeen, in ay sida
Shaadhadhka u kala bedeshaan ra’iisal wasaarayaasha, taas oo ah xad gudub aad u wayn, oo ay ka galeen dalka iyo dadkaba, awoodoodana aan ahayn, bal ay u sahashay qaska, laaluushka, foodada, iyo qabyaalada ka dhex jirta baarlamaanka dalka, waxa xusid mudan, in baarlamaanka maanta dalka ka jira, uu ka tayo fiicnaa kii dowladii ka horaysay, ee Shiikh Shariif, waxaa ka
Mid ahaa xubno badan, oo macquul iyo wadaniyiin ahaa, iyo xubno badan oo ka soo jeeday Islaamiyiinta, taas oo keentay in isu dheeli tir aad u wayni uu ka dhex jiray, maanta se waxaad moodaa in kasta, oo ay ku jiraan xubno xoogaa ah, oo qaderin mudan, hadana ay aad  ugu badan yihiin kuwa laaluushka iyo qabyaalada uun ehelka u ah, taasuna waa khasaare aad u wayn, oo
Amnigii dalka baaba khatar wayn ku sugan, iyada oo ay muuqato in baarlamaankan wax walba laga dhamaysan karo. Dhibta jirtaa waxay tahay dadkii Soomaaliyeed ma jiro wax qabanaaya, oo ay xeerinayaan, dhamaan dadka aan soo xusnay kitaabka Quraanka ee kariimka ah bay kuwada dhaarteen, bal se marka uu shaqada bilaabo, judhiiba wuxuu ku kacaaya wax ku lidi ah
Dhaartiisii, sidaasna dowlad kuma noqon karo, mar hadaynaan sharciga ilaalinay, waxa ummadu ku heshiiso lagu soconayn, si kastaba ha ahaatee waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan, oo aanay ogolaan, in maanta ra’iisal wasaaraha si sharci daro ah lagu rido, bal waa inaan ka hornimaadnaa taas, oo aynu ku khasabno madaxda dowladu in ay joojiyaan,
Sunnaha xun ee ay inoo jidaynayaan, iyo in ay ilaaliyaan wixii aan ummad ahaan ku heshiinay, oo distuurku ugu horeeyo. Ugu dambayntii sidaan soo xusnay ra’iisal wasaare Saacid weli si habsami ah buu shaqadiisii u wataa, shacabkuna maanta aad buu u taageersan yahay, marka bal aan eegno wuxuu xaal ku dambayo, waxana rajaynaynaa, in maanta sharcigu ka guulaysto sharci darada.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam

Tacsi Ku Socota Ehelada Marxuum Cisman Daahir Xergeeye

$
0
0
INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
Dhamaan dadka hoos ku xusani waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhamaan Caruurtiisii iyo kuweysii dhaleen, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cismaan Daahir Xergeeye oo 26/11/2013 ku geeriyooday Londan UK, waxaanan marxuunka ilaahay Uga baryeynaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo AAAAAMMMIIIIIN.
1= Maxamed Cumar Cali ( sanca ) iyo xaaskiisa = Holland
2= Cumar Aw-siciid Colow ( cumar-dheere ) iyo xaaskiisa = Holland
3= Xuseen Meike iyo xaaskiisa = Uk
4= Xasan Aw-libaax iyo xaaskiisa = Uk
5= Cabdirisaaq Mawliid iyo Xaaskiisa = U.A.E
6= Bashiir Maxamuud yuusuf iyo xaaskiisa = UK
7= Maxamuud Cumar Sh. Ibraahin iyo xaaskiisa = UK
Waxaan ka cudurdaaranayaa aniga oo aan halkaan ku soo koobi karin Dhamaan asxaabta idinsoo tacsiyeynaya ee kala jooga dunida Dacaladeeda oo idin leh samir iyo iimaan marxuumkana ilaahay ha ku Daro asxaabta janada AAAMMMIIIINN.
Maxamed Cumar ( sanca )
Holland,
Viewing all 613 articles
Browse latest View live