Marka magiciisa la soo hadal qaado waxa la xasuustaa tilmaam uu gaar u leeyahay oo duur joogta kalena uu kaga duwan yahay, waa socod gaabida uu caanka ku yahay il maalmeed oo idil haddii uu soconaayo toban mitir wax ka badan ma gooyo. Taasna waxa ay Soomaalidu ku muujin jireen sheeko ay mala’awaaleen oo bahalkaas ku sahabsan.
Waxa la yidhi “Diin baa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu dhaar ku marey isagga cid aan ahayn in kalkan reeraha u dhaamineyn, markaas baa Awrtii la soo qabtayoo heeryadii iyo haamihii inta la saarey caynka iyo bayda loo dhuujiyey dabadeedna inta la isugu xidhiidhiyey ayaa hogaanka gacanta loo galiyey, lix aqoolood haddii uu maqnaa oo maato iyo waayeelba oon loo baaba’ay ayaa goor fiid ah shanqadhiisii la maqley, markaasaa la farxey misna la fishey haamihii oo buuxa mar dhaw in Awrta laga soo dejin doono hase ahaatee markii loo soo dhawaadey ee la yidhi “Waar shanqadhu waa ayo?” Ayuu ku jawaabey “Waar waa Aniga oo ceelkii ku socdee hadalkiina iga daaya yaannan daahine”.
Hawraarta hadalka iyo hoga tusaalaha sheekada haan soo gunaanado, waa hubaal maanta in Xildhibaano badan oo xukun madaxtinimo iyo xil mayernimo madax martey haddii kalkan meeriska loo dhiibo in ay la mid noqon lahaayeen Diinkaas hamada beenta dhaanshey ee dadkiina haraadka ku diley.
“Ummadd yahay Illaahey ka yaabba oo addeeca Faraskaas oradka badan ee maanta daacada idiinku dhaaminaya”.
Abdirisaaq Mohamed Barkhad (Camuudi)
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com