Aan ku horreeyo.Guddiga wada Tashiga ee waddanka lagaga dhawaaqay waa xag,waa run raadis, waa cadaalad doon, waa tuugada oo la qabto. Waxana ka dhex muuqda dad badan oo ammaan mudan.
Nimanaka sheegtay salaadiin Reer Nuur waa rag la soo xushay oo jeebka casho loogu riday. Maamulka ay sheegeen inay taageerayaan waa kii uu dhaqar qabaha ,Cawar Xareed sheegay laba maalmood ka hor intaanay odayaal ku sheegani hadal.
Malaha mabay maqlayn danbiilahan markuu yidhi “ Aniga waxa i diray rag ka mida maamullka sare ee kulmiye, lacag boqol kun ah baa lay siiyay”.
Maxaa loo aamusiiyay danbiilaha ee maxkamaddii dib loogu dhigay? Ha ka jawaabeen wax-ma garadka bacda madaxa iyo garbaha soo sudhay ee madashaa ka hadlay.
Hadday salaadiin run ah yihiin, maxay hadalkaa u daba geli waayeen.? Horeba dhagarihii foosha xumaa ee ka dhacay aaggaa waxa loo tirinayay raga u danbiiluhu sheegay.
Raggan oo u qururufleeyay sidii, dameero caws loo dhigay, waxba kama gelin dhagaraha waxshinimada ah ee sida joogtada ah loo maleegi jiray iyo cidii maleegtay.
Nimankan maalintaa hadlay kama duwana kuwii reer Saaxil ee maamulka dekedda Berbera (Cali Xoor-Xoor) lacagta u qaybsahay, Kuwii reer Odweyne ee Warancadde la hadaly iyo kuwo badan oo kale oo la iska wada garanayay in la iibsabay.
Waqti waliba dadkiisa ayuu leeyahay. Waqtigan xun, waxa dadkii hor ordaya intiii xumayd. Intii wanaagsnayd dhabankay gacanta saartay. Waar kuwanaa dad taladii sheeganaya? Ilaahayow noo gargaar waa bil Ramadaane.
Madashaa dadka la soo dhoobay way ogaayeen inay runta ka fogaayeen. Haddaba maxaa ka hadliyay? Waxay ka tarjumayaan waqtigan xun. Rag iuun damiir iyo dhiig dadnimo ku laabantahay maraba xaaladaha jira iyo maanta sidaa ugama hadleen.
Maamulka maanta jira ee Somaliland waxa caado u ah dhuumaalaysi. Waa xeeladha tuugga lagu yaqaan iuu gabbaad beena samaysto. Muddo dheer wuxuu siilaanyo ku dhuumanayay Salaadiin ku sheeg loo yaqaano magacyo badan sida ..prepaid phonecards, bacleyaasha, calooshooda u shaqaystayaal, caroogyo iyo magac kale..
Dadku markay musuqa, eexashada, xatooyada, dulmiga iyo xaaraanta ka damqadaan wuxuu lacag siiyaa kuwaa aan sheegnay. Xeeladdaa muddo dheer waxa u xil saarnayd Dahabshiil. Waxa loo kireeyaa telefishinada waxay dadka ku harowsadaan erayadan. Nabadan waa loo soo dhintay. Dad aan xilkas ahayn baa innguj ira. Waxa innoo dhisan ha innaga duminina.
Yaa waxa duminaya? Danbiilaha, dabka huraya iyo Tuuga haddii farta lagu fiiqo ma dumin baa.? kuwa wax duminayaa waa dadka sida xun wax u maamulaya ee dadka kicinaya. Kuwaasina siilaaanyo ayay ku wareegsanyihiin.waa danbiilayaal la wada ogsoonyaahy. Cadceedana sacabka lama saari karo.
Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca